XAAJI AADAN AFQALOOC SALUUGLA

Sanadkii 1973 waxaa arlada soomaalida ka curatay silsiladii maanseed ee la magic baxday SIINLEY oo ku saabsanayd dhoolatusyo af iyo suugaaneed. Iyo sarbeebo siyaasadeed. Hal abuur gaadhaya dhawr iyo toban maansoole, ayaa silsiladaas isku haleelay oo fooda isku daray. Waxaa gabyaagii siinley ka qayb galay alle ha u naxariisto’e abwaankii Xaaji Aadan Axmed Xasan ( Af-Qalooc). Oo kaga qayb qaatay masafadan Saluugla. Cabdi aadan xaad (QAYS) ayay saluugli ugu jawaabaysaa tixdiisii suubban ee muduciga ku ahayd tii maxamed ibraahim warsame (Hadraawi) ee Saharla. Hal abuurada siinley ku wada hadlayay waxaa kale oo ka mid ahaa:: Siciid axmed alle ha u naxariisto’e Ibraahim saleebaan aw maxamuud (Gadhle), maxamaed xaashi dhamac gaaariye. Maxamed Abdillaahi RIIRAASH. Xasan cilmi.alle ha u naxariisto’e Cali saleebaan bidde iyo iyana alle ha u naxariisto’e Caasha Jaamac Diiriye oo ahayd gabadhii tarraxaysey hal-abuurkii laboodka ahaa ee Siinleyda

Saluugli waxay tidhi:

Sababtana adaa laan garan siduu u jeedee
Faalladii sirta ahayd si kalaad u fahantee
Taladeenna siman baad suul-dhabaale moodee

Sogordiha iyo caddaankaad kala saari weydee
Bishiiyoo saddex ah baa soddon kula ahaatee
Sagal baad daruur moodey saakaba da’aayee
Surwaalkuu lahaa gabaygu adigaa ku saaraye

Waa sixirka oo kale six un wax u tilmaamee
Sufuhada iyo doqontaad dariiq uga samaysee
Su’aal adiga kaa weyn sahal looma celiyee

Adigaan dawada sedan maasha lama saraaye’e
Nin shimbiro sabaayaa wadhaf kama sanqadhiyee
Lama socotid sugulliyo saaxiibbadiisee

Sidii subaga loo helay sallow baa bilowdaye
Haddii timaha lagu sugo madaxu saxar ma qariyee
Sidaadow maqashay mooyee dhakada la seemaaye

Waa sixinta sharafteed soori inay dhammaatee
Saryankiiba waa halis sedan manta joogta’e
Ninkii curuqa siday baa sed-bursiiyo doonee

Saxarlaay ha fududaan sidaad mooddey maahee
Siddida iyo heelladu waa wax kaa sokeeye’e
Sooyaanka aad tidhi marna samay ma waayine

Ka sidaana ma hurdee sooma-jeeste weeye’e
Ma seexane cambaro sagal samaday u booddaye
Sahankeedu wuxuu gaadhay saxalkiyo mariiqee

Subax noolba waxaa jooga saacad qudha ma moogaya’e
Samrina mayso jeeray suubban u ciyaartee
Siciida iyo deeqina sacabka way ka boodiye
Wuxuu noo sidaa odaygu waa siyaakhadoodee

Siinka iyo saadkaad kala saari waydee
Ninka soo socda ha celin sarbeeb weeye heestuye
Wuu soo socdaa kowdhe waxna wuu soo sidaa laba dheh
Saxarlaay ha fududaan sidaad moodey maahee