War Hadda Soo dhacay fanaan caan oo xaalad caafimaad loo dhigay cisbataalka hargysa

War Hadda Soo dhacay fanaan caan oo xaalad caafimaad loo dhigay cisbataalka hargysa hadda waa Kuma fanaanaankaasi . Wararka hadda ku soo dhacaaya xafiiska warqabadka shabakada Caalamiga ah Ee murtimaal ayaa sheegaaya in xaalad caafimaad darro loo dhigay cisbitaalka guud ee magaalada hargeysa Fanaanka caanka ah ee Cabdi-naasir Macalin Caydiid oo ka mid ah mulaxamada waaweyn ee somalida sidoo kalana caan ku ah tumida Giitaarka.

Fanaankan Xaaladiisa caafimaad laga dayrinaayo ee Cabdinaasir Macalin Caydiid oo ayaa sida ay sheegeen eheladiisu waxa uu afartii cisho ee ugu dambeeyey ku xanuusanaayey Gurigiisa ku yaala Magaalada Hargeysa.