Waa toban shay oo hadaad ku dhaqanto dadku kugu jeclaanayaan

AKHRISO TOBAN SHAY OO HADII AAD KU DHAQANTO DADKU KUGU JECLAANAYAAN.

1. Axdiga.

Axdigu wuxuu tiirar waawayn u yahay masuuliyadaada, oofinta balanta waxay jawaaab u tahay heerka ay gaadhsiisan tahay masuuliyadaada balameed.

2. Aaminaada.

Wax kasta oo lagugu aamino aadna ilaaliso inaysan kaa lumin waxay kuu noqon doontaa sumcad wayn, hadalada amaanada ah iyo alaabaha xeji oo masuuliyad gaar ah iska saar.

3. Baryada.

Waligaa cid ha baryin waxaad xoogaaga ku shaqaysato mooyee, dadku waxay isku nacaan baryada iyo bukaanka, baryada rabi waa kugu jeclaada bani-aadamna waa kugu nacaa, rabigaa bari oo isaga kaasho.

4.Runta.

Runta ku dhimo iskana dhaaf waxa beenta la yiraahdo, hadaladaada beenta marar kale ayay iska hor imanayaan waxaana kugu dhacaya sharaf dhac aad u wayn.

5. Danta

Ha noqon mid dantiisa kaliya eegta, dadka ula saaxiib dan la’aan, qofka oo dantiisa kaliya eegtaa waxay kuu abuuraysa nacayb bulsho, dantaada gaar ah ka hormari danta guud.

6. Samirka.

Samir dhibaato kasta oo kaaga timaada nolosha una adkayso waxaa kaaga imanaya bulshada aad la nooshahay, cidna ha calaacalin, rabigaa uun hor dhigo adagyga ku haya

7.Akhlaaq.

Muuji akhlaaq marka ay dadku kuu imanayaan, ku qaabil waji faraxsan oo aan cadho ka muuqan, markay hadlayaan ufiirsoh hana iska dhigin midka jeeda, amaan oo wanaagiisa ku xus ficilkiisa iyo odhaahdiisa.

8. Dood.

Ka dhig doodaa mid ku salaysan xujo, sida aayad ama xadiis, waligaa ha doodin cilmi la’aan iyo wax aadan goob joog u ahayn, dadka qaar waxay ku doodaan waxaan maqlay iyo sidaas baa la yiri waana sharaf dhac.

9. Cibaadada.

Qofka oo cibaadaysta waxay ka muuqataa wajigiisa, cibaadada waxa ugu horaysa Salaada, Soonka, Sakada iyo Xajka, qofka rabi ku xidhan had iyo jeer wajigiisa waxa ka muuqda iftiin rabaaniya ismana qariyo. qofka rabi agtiisa karaamo ku leh dhulka iyo dadka joogaba waa ku yeeshaa karaamo.

10. Cafis.

Noqo mid dadka cafiya, rabina cafis ka dalbada cafis goor iyo ayaan, hana aargoosan, xumaanta waxa lagaga fal-ceshaa wanaag, calooshaada xaadh qofna ha u qaban xumaan iyo nacayb.

Source, Quran and The Sunnah.