Sheeko murugo leh oday somaliyeeed iyo qurbe

(Walaal akhri sheekadan qaracanka ah, si aad u aragto dhaxalka qurbaha siina Share gareey oo la wadaag Soomaalida tahriibtu madax martay) SHIINE CULAY MURASHAXI JEEBKIISU REEBAY..

Sanadii 1973dii ayaan soo galay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Newyork, anigoo ka mid ahaa 200 oo baxri Soomaaliyeed ah.

Xiligan waxaan ahay awoowe waana dad waaweyn ubadkii ay dhaleen caruurtaydu, nasiib xumo kuma jiro ciyaalkaas mid rajo leh oo waxay dhex galeen dadka wadankan.

Beri ayaan dhoofi doonaa waxaana ku sii jeedaa Burco, halkaas oo aan geerida ku sugi doono, anigoo degi doona guri ay noo dhistay gabadh aan Soomaaliya kaga imi.

Gabadhaas oo xaas ahayd xiligii aan soo dhoofinayey caruurta kale waxay iga diiday in aan soo ka xeeyo, waana dhimatay Rabi ha u naxariistee.

Qurbe rajo ma leh, hadii wiilkaagu badbaado waxaan badbaadi doonin kan uu sii dhalo. Hadii aad qurbe ka rajo qabtay aniga igu quuso.

Sidaa waxaa yiri Awoowe Maxamed isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Chicago kuna sii jeeda Soomaaliya.

Waxaa la kulmay oo sheekadan ka soo dheegtay Mustafe Haaji. Faarax

SHIINE CULAY MURASHAXI JEEBKIISU REEBAY