Sadexdii sadaam xuseein nacdalay dhimashadiisa ka hor iyo halkay ku danbeeye

Sadexdii sadaam xuseein nacdalay dhimashadiisa ka hor iyo halkay ku danbeeye..

Toban sano iyo afar maalmood ka hor, aroor sabti ah oo dunida muslimka oo dhan looga damaashaadayo farxadda ciidda weyn ee Ciidal Adxa, ayaa mar keliya muraayadaha talefishnnada laga daawaday warka sheegaya in Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen lagu fuliyey xukunkii dilka daldalaadda ahaa ee ku dhacay. Dilka Saddaam Xuseen oo saddex sano maxbuus u ahaa ciidamada Maraykanka ee qabsaday Ciraaq iyo maalinta lagu beegay iyo xitaa maxkamadda xukunka ku riddayba waxaa si weyn u dhaliilay dad badan oo nacab iyo gacalba u ahaa Saddaam Xuseen.

Saddaam Xuseen filim si qarsoodi ah looga duubay ayaa laga arkay isaga oo saaran rakada daldalaadda oo ku celcelinaya ereyo uu ku cabbirayo nacaybka fog ee uu u qabay Maraykanka iyo Iiraan.

Fiidyowgan oo lagu baahiyey shabakadaha Internet ka waxaa ka muuqday Saddaam Xuseen oo koodh madow xidhan xidhan oo diidaya in madaxa kiish loo geliyo markii daldalaadda la fulinayey, goobta oo dadka joogay oo wejiyadooda qariyey laakiin loo malaynayo in ay ahaayeen masuuliyiin ka tirsa xukuumadda iyo wadaaddo Shiico ah, codadka ka soo yeedhay waxaa ka mid ahaa cay iyo aflagaado badan oo ay u jeedinayaan Saddaam Xuseen, iyo weliba iyaga oo ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo astaan shiiconimo muujinaya oo ay ka mid tahay, “Ha noolaado Maxamed Baaqir A-Sadr” iyo “Muqtada Sadr. … Muqtada Sar” iyaga oo u jeed wadaad mucaarad ahaa oo dalka Ciraaq lagu khaarajiyey iyo wiilka uu adeerka u yahay ee tan iyo sannadkii 2003dii markii Maraykanka iyo xulafadiisu dalkas qabsadeen hoggaaminayey quwad shiico hubaysan ah, dad badanina aaminsan yihiin in uu ahaa shakhsiga wejiga duubtay ee Saddaam Xuseen qoorta u gelinayey suuryada xadhiga daldalaadda. Waxa kale oo cajaladda laga maqlayey Saddaam Xusee oo isna hadalkaas kaga jawaabaya ereyo xaqiraad iyo ku tiiq-tiiqsi ah oo ay ka mid ahaayeen, “Ma waxaasaa dhaqan ragannimo ah?”

Toban sano kadib dilkii Saddaam Xuseen ayaa la’taliyihii amniga ee raysalwasaaraha xilligaas oo lagu magacaabi jiray Muwafaq Rabiici kana mid ahaa ragga sida adag ugu mucaaradka ahaa Saddaam Xuseen oo mar intii uu xilka hayey xabsiga dhigay muddo 3 sano ah, maalintii daldalaadda lagu fulinayey Saddaam Xuseenna dadkii goobta joogay ka mid ahaa, waxa uu wakaaladda wararka ee FP uu ku yidhi, “Saddaam wax cabsi iyo naxdin ah lagama dareemahayn”

Rabiici oo dilkii Saddaam kadib waxa furfurtay xadhigii lagu daldalay oo uu ku andacooday in uu xusuus u haysanayo ayaa sheegay in Saddaam Xuseen uu dhimashadiisa ka hor intii aanu ashahaadan ku celcelinayey habaarka iyo nacdasha Maraykanka, Yuhuudda iyo Iiraan, halka uu Falastiiniyiintana uga ducaynayey, ereyada uu maalintaas Saddaam ku celcelinayey ee uu Rabiici sheegay waxa kale oo ka mid ahaa, “Ameerika ha dhacdo, Yuhuuddu ha dhacdo, Faarisiyiinta dab-caabudka ahi ha dhacaan (Iiraan ayaa uu u jeeda)… Falastiin ha noolaato”

Intaas kdib Saddaam Xuseen waxa uu akhriyey aayado Qur’aanka kariimka ka mid ah. 6:10 subaxnimo ee maalintaas ayaanay dawladda Ciraaq si rasmi ah ugu dhawaaqday dilka ninkii dalkaas ka talinayey tan iyo sannadkii 1979kii ka hor intii aanay xulafadii Maraykanku hoggaaminayey ka qabsan dalkaas bishii Abriil 2003dii.

Dilkan foosha xumaa oo uu Maraykanku ku andacooday in aanu dhinac ka hayn waxa cambaareeyey dunida oo dhan marka laga reebo Israa’’iil iyo Iiraan.