Saacadaha ay dadka dunidu ku qaataan akhriska iyo sida lo kala horeyo

Waxaa shaki la’aan ah in akhrisku uu ka mid yahay tiirarka horumarka, dawladaha dunida ee fahamsan muhiimaddiisuna waxa ay sameeyey wax kasta oo muwaadinka ku dhiirrigelinaya in uu wax akhristo. Tusaale ahaan waxaa jira dalalka qaar in ardayga marka dugsiga la geeyo, waxa ugu horreeya ee la guddoonsiiyaa uu yahay kaadhka aqoonsi ee uu ku geli karo rugta wax-akhris ee ugu dhow gurigiisa, si uu wax ugu soo akhristo, isla markaana kutubta uga soo ammaanaysto.

Maadaama oo wax akhrisku kaalin weyn ku leeyahay korinta maskaxda iyo ruuxda qofka iyo wanaajinta anshaxiisa iyo garaadkiisa, isla markaana uu yahay furaha waxbarashada, horumarka, isdhexgalka bulshada, anshaxa iyo aasaaska xadaaradeed ee ummadda. Waxa ay dalalka dunidu dadaal u galaan in ay kaalmaha hore kaga soo baxaan liisaska sannadlaha ah ee ay hay’adda Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka iyo hay’adaha kale ee iyaguna baadha heerka uu wax akhrisku ka marayo dalalka kala duwan ee dunida. Laakiin nasiibdarro liiska wax akhris ee hay’adahaas kala duwan ka soo baxaa waxaa mar kasta ka muuqda in kaalmaha ugu hooseeya ay ku jiraan dalalka Muslimka gaar ahaan Carabta iyo Inta badan ee dalalka Afrika oo ah kuwo akhriskooda iyo qoraalkooduba liito. Tusaale ahaan mid ka mid ah daraasadaha arrintan la xidhiidha ee ay xarunta horumarinta carbeed soo saartay sannadkii hore waxaa ka muuqda in heerka akhriska ilmaha yar ee carbeed aanu celcelis ahaan 6 daqiiqo ka badnayn sannadkii iyada oo isu geyn waxa uu akhriyaana aanu ka badnayn 6 warqadood. Daraasaddani waxa ay daaha ka rogtay in celcelis ahaan muwaadinka Carabka ahi uu sannadkii wax-akhris ku qaato 10 daqiiqo oo keliya, halka muwaadinka la midka ah ee reer Yurub uu celcelis ahaan sannadkii akhriyo 12 kun oo daqiiqadood.

Buugaagta ilmaha Carbeed akhriskiisa loogu talagalay ee sannadkii la qoraa waa 400 halka buugaagta carruurta ee sannadkii ka soo baxa dalka Maraykanku ay celcelis ahaan yihiin 13 kun iyo 260 buug. Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in marka celcelis ahaan loo eego dadka Carbeed ee wax akhriya ay u dhigmaan in 20 kii muwaadinba hal kitaab wada akhriyaan sannadka, halka Ingiriiskana ay ka noqonayso in muwaadin kastaa uu sannadkii 7 kitaab akhriyo.

Shiinaha

Dalka Shiinaha oo horumarkiisa dhaqaale si xawli ah ku socdo waxa ay dawladdiisu fahamtay muhiimadda uu leeyahay cilmiga dadkiisa kaga maqan afafka kale ee dadkoodu horumarka iyo waxbarashada ku horreeyeen, sidaa awgeed waxaa xoogga ay saartay in kutubta afafka kale ku qoran afkooda loo rogo. Illaa heer ay gaadhay in buugga Maraykanka ka soo baxa, uu dalka Shiinuhu saddex maalmood gudahood ugu turjumo afka Shiinaha.

Dalalka ugu akhriska badan iyo kuwa ugu liita

Dalalka Dunida ugu akhriska badan, marka laga eego dhinaca saacadaha uu qof kastaa wax akhrio toddobaadkii waxa ay u kala horreeyaan sidan.

Hindiya, celcelis ahaan waxa uu qofku wax akhriyaa toddobaadkii 10 saac iyo 42 daqiiqo, Thailand ayaa ku xigta oo ah 9 saac iyo 24 daqiiqo, Shiinuhu waa 8 saac toddobaadkii, Filibiin ayaa 7 saac iyo 36 daqiiqo ah. Kaalinta Shanaad Masaarida ayaa ku jirta oo qof kastaa uu wax akhriyo 7 saac iyo 30 daqiiqo toddobaadkii, waxaa xiga Jamhuuriyadda Czech oo 7 saac iyo 24 daqiiqo ah, Ruushka oo 7 saac iyo 6 daqiiqo ah, Sweden iyo Faransiiska ayaa kaalinta siddeedaad ku wada jirta, oo ah 6 saac iyo 54 daqiiqo, Hangury iyo boqortooyada Sucuudiguna waxa ay ku wada jiraan kaalinta Tobnaad oo dadkoodu waxa ay wax akhriyaan toddobaadkii 6 saac iyo 48 daqiiqo. Waxaa ku xiga Hong Kong, Poland, Venezuela, Koonfur Afrika, Ustareeliya iyo Indooniisiya oo dhammaantood ka siman lix saac, laakiin ku kala duwan daqiiqadaha u dheer lixda saac. Waxaa iyaguna Shanta saac wadaaga dalalka Arjentiina, Turkiga, Isbayn, Kanada, Jarmalka, Maraykanka, Talyaaniga, Megsiko, Ingiriiska, Baraasiil, Taiwan. Dhammaan kow iyo tobankan dal dadkoodu waxa ay celcelis ahaan toddobaadkii wax akhriyaan 5 iyo 54 daqiiqo illaa 5 saac oo ay u kala badan yihiin sida ay u kala horreeyaan. Marka aynu dalalka Afrika eegno, liiska boqolka dal ee u horreeya waxaa soo galay dalalka Seychelles oo kaalinta 90 ku jira iyo Zimbabwe oo kaalinta 91 naad noqday.

Kutubta soo baxda sannad kasta

Dalka Shiinaha ayaa ah dalka sannad kasta kutubta ugu badani ka soo baxaan, marka la isku daro tiro ahaan kutubta cinwaankoodu cusub yahay iyo kuwo hore u jiray ee dib loo soo saaray, waxaa sannadkii ka soo baxa 440 kun oo kitaab, waxa aana ku xiga Maraykanka oo ah 304 kun iyo 912 kitaab oo labadaas qaybood ee hore isugu jira, dalalka muslimka ah ee labaatanka hore liiskaas kaga jiraana waa dalka Iiraan oo kaalinta sagaalaad ah, sannadkiina ay ka soo baxaan 72 kun iyo 871 kitaab, dalka Turkiga oo kaalinta 11 ku noqday 50 kun iyo 752 kitaab sannadkii iyo dalka Indooniisiya oo kaalinta 18-naad ah, sannadkiina ay ka soo baxaan 24 kun oo kitaab.

Marka aynu dalalka Afrika eegno, liiskan oo boqol iyo 124 dal ka kooban waxaa dalalka Afrika ugu soo horreeya dalka Masar oo kaalinta 39 ku jira, sannadkiina soo saara 9’022 kitaab, Koonfur Afrika oo kaalinta 46 ku helay 5’418 uu sannadkii soo saaro, Kenya oo kaalinta 88 noqotay, Itoobiya oo kaalinta 94 gashay, iyo dalka Burkina Faso oo kaalinta mid uun ka dambeeya ku helay 12 buug oo celcelis ahaan sannadkii ka soo baxa.

Waxaa farxad leh in waxsoosaarka qoraalka ah ee dunidu uu si xawli ah kor ugu sii kordhay, buugaagta soo baxaysa ee cusub ama kuwo hore oo dib loo daabacaya ahina ay sida ku cad warbixinahan gaadheen 2 Milyan iyo 210 kun oo buug sannad kasta.

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan in warbixinaha kala duwan ee ay warbixintani soo xigatay qaarkood ay yihiin kuwo muddo hore soo baxay oo laga yaabo in ay sannadaha dambe wax iska beddeleen kaalmaha dalalka qaar ay kaga jiraan liisaskan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *