Rajad wanaagsan waxay qofka siisa Cimri dherer Iyo Xanunada wadnaha oo uu ka badbaado

Rajada wanaagsan waxay qofka siisaa Cimri dherer iyo Xanuunada Wadnaha oo uu ka badbaado..
Cilmibaadhis caafimaad ayaa daahfutay in dadka niyad wanaagga badan, rajada ay mustaqbalka ka leeyihiinna ay fiican tahay, haddii uu ku dhaco wadne xanuun ay haddana rajadooda nololeed tobannaan sano ka badan tahay kuwa la xaaladda ah ee aan iyagu ku niyadsamayn xaaladdooda nololeed ama rajo qurux badan aan ka qabin mustaqbalkooda.

Joornaalka Mayo Clinic Proceedings oo ka faallooda arrimaha caafimaadk ayaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ka soo xigtay in natiijada darasaddani aanay si rasmi ah u sugayn in niyad wanaaggu uu cimriga dheereeyo, balse waxa ay dhakhaatiirta kula taliyeen in bukaanka wadne xanuunka ee u imanaya ay u sameeyaan tababar nafsiya oo dhinaca niyadwanaagga kadhisaysa, si ay u helaan faa’idada caafimaad ee uu niyadwanaaggu u leeyahay bukaanka wadne xanuunka.

Bare-sare Yariv Gerber oo madax u ahaa cilmibaadhayashan ayaa isaga oo sii faahfaahinaya nooca niyadwanaag ee daraasaddoodu ka hadlayso waxa uu yidhi, “Waxaa muhiim ah in aynu farta ku fiiqno in niyadwanaaggu aanu ahayn keliya in aad indho ubax arkaya ku eegto dunida, laakiin qofka niyadda wanaagsan waa kan aqoonsn khatraha ku xeeran, balse aan ku niyad jabayn ee ku niyadsan in uu ka guulaysanayo, isaga oo weliba aan fadhi ku qaabilayn ee u qorshe yeelanaya habka ay tahay in uu ula macaamilo si uu uga gudbo” Yariv Gerber waxa uu intaas ku daray in dadka niyadsamaanta iyo rajowanaaggu ku badan yahay ay inta badan yihiin kuwa ku dhaca u leh in ay waajahaan caqabadaha ka hor imanya, sida isbeddelka nidamkooda nololeed ee waajibka ku noqonaya wadne xanuunka kadib. Waxa uu sheegay in dadk niydda wanaagsan ay ku yar yihiin xaaladaha sii xumeeya caafimaadka wadnaha.

Dhinaca kalana Heather Rasmussen oo ah khabiir ku xeeldheer caafimaadka dhimirka oo ka tirsan jaamacadda Kansas oo ku taalla magaalada Lawrence ee gobalka Kansas dalka Maraykanka ayaa mar ay natiijadan uga warrantay qaybta caafimaadka ee wakaaladda wararka Reuters waxa ay sheegty in ay soo kordhayaan cilmibaadhisaha lagu ogaanayo in uu xidhiidh ka dhexeeyo rajo-wanagga iyo caafimaadka jidhka.

Laakiin arrinta muhiimka ah ee uu khabiirka hore ee Garber sheegay ayaa ah in niyadwanaaggu aanu ahayn shay qofka lagu dirqiyi karo, balse uu yahay tilmaam qofku hidde ku helo am ku kasbado waayo-aragnimadiisa dhinaca nolosha, si kastaba ha ahaato ee waxa uu khabiirkani sheegay in xitaa haddii aan dadkii la bari karin niyadwanaagga, in la bari karo hababka ay u macaamilaan dadka niyadwanaagga lagu yaaanno, si looga filo in ay iyaguna sidaas u macaamilaan qaabkaasna u noolaadaan.