Qaadashada Kaadhkii Codbixiyayaasha Oo Saaka Guud Ahaan Gobolka Saaxil Ka Bilaabantay,Shacabka Oo Si Habaqle Ah Uqaadanaya Kaadhadhka

Qaadashada Kaadhkii Codbixiyayaasha Oo Saaka Guud Ahaan Gobolka Saaxil Ka Bilaabantay,Shacabka Oo Si Habaqle Ah Uqaadanaya Kaadhadhka+Dadkii Lasoo Rari Jiray Oo Haba Yaraatee Aan Lasoo Rarin Iyo Tiradii La Filaayay Oo Intii Ka Yaraan Doonta

Berbera(saaxilnews.com)-Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Saaka Guud ahaan Gobolka Saaxil ka bilaabay bixinta Kaadhkii Codbixiyayaasha oo la sheegay inuu socon Doono Mudo 14 maalmood ah ama laba todobaad ah.

Kaadh bixinta ayaa sidii caadada ahayd waxa laga bixinaayay goobihii cayinaa ee hore laysaga diwaan galiyay iyada oo qof kasta oo hore isu diwaan galiyay laga rabo inuu tago goobtii uu iska diwaan galiyay ee Gobolka Saaxil halkaas oo uu gayn doono waraaqdii uu haystay ee cadaynaysay inuu isdiwaan galiyay kadibna uu qaadan doono kaadhkiisii codbixinta.

Waxa saaka goobaha kadhadhka laga qaadanaayay gaaf wareegaayay xubnaha gudida komishanka Doorashooyinka iyo madaxda asxaabta qaranka kuwaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha ahna Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro.

Goobaha saaka La furay ee Magaalada Berbera ayaa waxa si teelteel ah kaadhadhka uga qaadanaayay qeybo kamida shacabka reer Berbera iyada oo aanu jirin kayuugii dheeraa ee loo gali jiray isdiwaan galinta sidii horeba udhic jirtay waxaanad moodaa in shacabkii hore isu diwaan galiyay ka gaabiyeen qaadashada kaadhka codbixinta maadama oo dhawr jeer doorashadu dib udhacday

Sidoo kale waxa loo aanaynayaa gaabiska ka muuqda kaadh qadashada Gobolka Saaxil doorkii musharaxiinta Golaha Wakiilada utaagnaa oo gabi ahaanba meesha ka baxay kadib markii doorashadii Golaha wakiilada dib loo dhigay mudo laba sanadooda lagana soo horeysiiyay Doorashadii Madaxtooyada iyada oo Xildhibaanada golaha wakiiladuna fadhiyaan kuraasta mudo 12 sanadooda halka shan sanadood oo kaliya la doortay. dib udhigista doorashada Golaha wakiilada ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta kaadh qaadashada gobolka saaxil maadama oo ay Xubnaha Musharixiinta u ahaa Golaha wakiiladu ahaayeen kuwii albaabada ku garaacaayay dadka ee kasoo raraayay Gobolada kale ee dalka iyo goobaha miyiga ahba.sidoo kale waxa iyana aan meeshab ka muuqanin doorkii dadka deegaanka ee isku tashan jiray ee dadkooda deegaamada iyo gobolada kale dagan soo rari jiray.

shaqada soo rarista shacabka Gobolka Saaxil udhashay ee ku dhaqan Gobolada kale ee dalka ayaa waxa ay utaalaa oo looga fadhiyaa inay soo daabulaan Labada Musharax ee Xisbiyada Kulmiye Iyo waddani oo ah kuwa ku loolamaya kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxtinimada halka uu Xisbiga sadexaad yahay mid gaabis ah oo aan marnaba la filayn inuu loolan adag ugalo hanashada kursiga Madaxtinimada dalka Somaliland ugu sareeya ee Madaxtooyada.

Sikastaba Ha ahaatee qadashada kaadh bixinta Gobolka ayaa Saaka aan umuuqan mid xalad iyo xamaasad wadata oo layman dhaadheer loogu jiro kaadhka Codbixinta doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

xiligan hada la joogo waxa shaqada kaadh bixintu usocotaa si bilaa buuq ah waxaanad arkaysaa goobaha kaadhadhka laga qaadanayo oo iska cidla ah halka goobaha qaar dad iska habaqle ah oo mid mid usoconayaa soo galayaan..