Nin loo soo qabtay weerarki Stanbul

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul billowgii sanadkan waxaa lagu soo tababaray dalka Afghanistan, sida uu sheegay duqa magaalada Istanbul.

Vasip Sahin waxa uu sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Abdulkadir Masharipov oo u dhashay dalka Uzbekistan la aaminsan yahay inuuTurkiga soo galay Januray 2016.

Waxaa la soo qabtay maalintii shalay ahayd. Boolsika ayaa u dhacay guri uu ninkan ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen dad kale oo la sheegay in ay halkaasi joogeen.

Sawirro muuqaal ah oo la soo bandhigay ayaa muujinaya ninkan oo dhiig uu ka socdo wajigiisa. Baaritaan caafimaad ayaa lagu samayn doonaa ninkan la tuhunsan yahay ka hor inta aan su’aalo la weydiin.

Sidoo kale ninkan la qabtay waxaa la joogay wiil la sheegay in uu isaga dhalay oo afar sano jira ah.

Weerarkii Istanbul ka dhacay billowgii sanadkan ayaa waxaa lagu dilay 39 qof, waxaana weerarkaasi sheegtay kooxda la baxday Dowladda Islaamka.