Muuqaal muujinaya cunsuriyad haweenay dalbanaysa in wiilkeedu daweyo dhakhtar cadaan

Muuqaal muujinaya haweenay dalka Kanada (Canada) joogto oo dalbanaysa in wiilkeeda uu u daweeyo “dhakhtar caddaan ah” ayay dadku aad isula wadaageen.
Muuqaalka oo laga dhexduubay isbitaal ku yaalla Mississauga, Ontario ayaa la arki karaa haweenayda oo leh wiilkayga luqunta ayaa laga hayaa, haddallo cunsurinimo ahna kula hadlaysa shaqaalaha.
Markii haweenayda loo sheegay in uusan joojin dhakhtar carruurta ku takhasusay oo caddaan ah ayayna xanaaqday.
Muuqaalka oo afar daqiiqo ah ayaa si cad looga dhex maqli karaa iyada oo ku celcelinaysa in wiilkeeda uu u daweeyo dakhtar caddaan ah, isla markaasna aysan rabin dhakhtar ilko bunni ah leh.
Shaqaalihii isbitaalka ayaana ugu celiyay isla hadalkii hore iyo in aysan macquul ahayn in loo helo dakhtar caafimaadka carruurta ku takhasuyay oo caddaan ah shaqadana ku jira.
Qaxooti Suuriyaan ah oo Kanada ku nool oo wiilkooda u bixiyay Justin Trudeau
Tiifiiga Fox News oo tirtiray war uu ka qoray weerarka masaajidka Kanada
Haweenay kale oo aan shaqaalaha ka mid ahayn ayaa iyadana la hadashay oo ku tiri “Waxaa cad in xannuunka uu wiilkaagu qabo si uu dhakhtar u daweeyo ay uga daran tahay in aad adigu hooyadii tahay, qof qaab daran oo cunsiri ah ayaadna tahay.