Malaayiin Doolar Oo Laga Waayey Dalka Gambiya Iyo Xili Madaxwaynihii Laga Guulaystey Dalka Ka Baxay+Xadiga Lacagta Maqan.

SUBXAN ALLAH Malaayiin Doolar Oo Laga Waayey Dalka Gambiya Iyo Xili Madaxwaynihii Laga Guulaystey Dalka Ka Baxay+Xadiga Lacagta Maqan.
Wararka ka imaanaya dalka Gambia ayaa sheegaya in la waayay lacag ka badan 11-milyan oo Dollar oo laheed Dowlada, kadib markii uu dalka isaga baxay Madaxweynihii xilka dalkaasi hayay mudo 22-sano ah.

Madaxweyne Yaxye Jammeh ayaa habeen hore isaga baxay dakkaasi kadib markii lagu qanciyay in uu xilka baneeyo , waxaana markii uu Madaxweynaha baxay kadib la sheegay in la waayay lacag badan oo Dowlada ay laheed.

Lataliyaha madaxwaynaha cusub ee la doortay Adama Barrow ayaa Warbaahinta u sheegay la la’yahay lacag ka badan 11-milyan Dollar oo Dowlada laheed, waxa uuna tilmaamay in guddi khubaro ah u saareen qiimeynta lacagtaasi maqan.


Madaxweynihii hore ee dalka Gambia ayaa la sheegay in horey uga sii qaatay Madaxtooyada Gawaari qaali ah iyo alaabo kale oo muhiim ah oo u taalay, waxaana alaabtaasi uu saartay diyaarado nuuca xamuulka qaado ah.

Yaxye Jammeh ayaa talada dalka Gambia hayay mudo 22-sano ah, waxaana looga guuleestay doorashadi dhawaan ka dhacday dalkaasi, inkastoo uu isku dayay in uu diido in uu xilka ka dego balse markii dambe lagu qanciyay.