Liiska 10 meelod oo dunida ka mida ah oo mamnuc tahay in lagalo

Liiska toban meelood oo adduunka ka mid ah oo bani’aadamku in ay tagaan ama galaan laga mamnuucay iyo sababta loo diiday gelitaankooda:

Gobalka Nifaada – Maraykanka
Gobalka Nevada ee dalka Maraykanka waxaa ku yaalla goob ay dawladdu u bixisay “Deegaanka 51” Tan iyo sannadkii 1992 kii dawladda Maraykanku waxa ay mamnuucday in la galo ama xog lga raadiyo deegaankan, sababtana si rasmi ah uma ay sheegin.

Arrintani waxa ay abuurtay in dadku ay isla dhexmaraan warar kala duwan iyo sheekooyin xiiso leh oo ay ku xidhiidhinayaan mamnuucista tegitaanka goobtan. Waxa ay dadka qaar ku andacoodaan in ay tahay goob ay dawladdu ku samayso tijaabooyin milateri oo kala duwan, qaarkood waxa ay sheegaan sheekobaraley ah in goobtan ay ku nool yihiin noole ka yimi meereyaasha sare oo ay dawladdu halkaas ku ilaaliso, si kasta oo ay sababtu tahay illaa maanta cidi weli ma’ay ogaan runt aka dambaysay arrintan, waxa aanay goobtan weli ka mid tahay goobaha dawladda Maraykan ugu diiwaangashan “Sir culus”

Aarkiifiyada Faatikaanka – Vatican
Xarunta looga taliyo mad-habta kaatoligga ee diinta Kiristaanka waxaa ku yaalla qol si aad u adag loo ilaaliyo oo ah aarkiiyo ay ku kaydsan yihiin dhukumantiyo la xidhiidha Faaticaanka, iyo guud ahaan kaniisadda Kaatoligga. Aarkiifiyadan oo gidaarradeeda ku rakiban yihiin marfishyo (Khaanado) ku fadhiya masaafad dhererkeedu gaadhayo 85 kiiloomitir oo ay saaran yihiin dhukumantiyadan taariikhdoodu taxan tahay tan iyo qarnigii siddeedaad, oo la amainsan yahay in ay ku duugan yihiin siraha ugu khatarta badan dunida oo dhan.

In kasta oo mar ahayd sannadkii 1881 kii, ay dhacday in cilmibaadhayaal loo furay aarkiifiyadan, haddana dib uma ay dhicin in cid kale ay gasho, arrin sahlanna ma’aha in fasax loo helo gelitaanka goobtan. Marka ay dhacdo in dad kooban si qarsoodi ah loogu ogolaadana, tirada ugu badan ee mar keliya geli kartaa 60 qof oo la hubo in ay cilmibaadhayaal yihiin.

Qalcadda Fort Knox – Kentucky
Waa goob ku taalla Maraykanka oo uu yaallo kaydka dahabka ah ee ugu badan dunida oo dhan. Waxa aanay ka mid tahay meelaha dunida oo dhan loogu ilaalinta badan yahay. In hal qof uu xaruntan galo waxa ay uga baahan tahay in uu maro habraacyo amni, baadhitaanno iyo goobo lagu hubinayo oo aad u tiro badan, waaba haddii qofkaasi uu helo fasax uu ku geli karo xaruntan.

Xaruntani waa kaydka dahabka ah ee ugu muhiimsan ee uu dalka Maraykanku leeyahay. Waxaa la dhisay sannadkii 1939 kii, waxaa yaalla 147.3 Milyan oo garaam oo dahab ah, qiimihiisuna uu gaadhayo 600 oo bilyan oo doolar. Dahabkani waxa uu boqolkiiba 2.3 ka yahay xaddiga tahabka aadamuhu la soo baxay intii taariikhda bani’aadamku jirtay. Qalcaddani waxa ay ku taallaa gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka, waxa aanay ku fadhidaa masaafad dhan 110 higtaar oo dhul ah, tan iyo sannadkii 1918 kiina waxaa loo aqoonsan yahay in ay tahay awoodda dhaqaale ee ugu muhiimsan ee uu Maraykanku leeyahay.

Goobtan oo lagu tiriyo meelaha dunida oo dhan loogu ilaalinta badan yahay, booqashadana laga ilaaliyo, waa dhisme ka samaysan bir iyo sabbad aad loo adkeeyey iyo walxo hub ah oo aanu cadowgu u dhowaan karin, waxa aanay ku teedan deyr adag. Iyada oo weliba ku dhextaalla mid ka mid ah xeryaha milateriga ee ugu weyn Maraykanka oo ciidamada joogaa ay mar kasta heegan sare ku jiraan. Laakiin haddana ma’aha kaydka keliya ee dahab ee Maraykanku leeyahay, balse waa ka ugu weyn kaydadka dahabka Maraykanka oo goballo kala duwan oo dalkaas ah yaalla. Guud ahaanna lagu qiyaaso in uu gaadhayo 8 kun iyo 133 Ton oo dahab saafiya ah.

Svalbard Grain Store – Norway
Waa xarun kayd ah oo ku taalla meel joogga dhulka ka sarraysa 320 fuudh, oo ah gurada sare ee buur u dhexeysa dalka Noorway iyo jasiiradaha woqooyi. Xaruntan weyn oo loo dhisay qaab ay u adkaysan karto masiibooyinka dabiiciga ah, sida dhulgariirka iyo duufaannada, waxaa yaalla kayd weyn oo ah midhaha (Firiga) kala duwan ee dunida ka baxa oo dhan, kaas oo lagu qiyaaso in uu badbaadin karo dunida oo dhan, waxa aana lagu naanaysaa, ‘Kaydka maalinta qiyaamaha’.

Xaruntan kayd waxaa yaalla saamballo ka mid ah dhammaan midhaha ka baxa dunida, ee ay ka mid yihiin qamandiga, garowga, gallayda iwm, waxa aana lagu qiyaasaa in ay noocyadaasi dhan yihiin 890 kun oo nooc oo dunida daafaheeda oo dhan laga keenay.

Godka Laskoo (Lascaux) – Faransiiska
Cilmibaadhayaal ayaa godka Laaskoo ka helay farshaxanno kala duwan oo la qoray muddo ka badan 5200 oo sano ka hor. Sannadkii 1940 kii, dagaalkii labaad ee adduunka kaddib ayaa ay dawladda Faransiisku godkan u aqoonsatay goob dalxiis oo albaabadeedu u furan yihiin dadka xiisaynaya. Laakiin muddo kaddib ayaa la ogaaday in neefta Kaarboon laba ogsayd ee dadka godka soo booqday ay soo celinayaan, ay dhibaato ba’an gaadhsiisay farshaxankii iyo dhigaaladii godkan ku xardhanaa.

Qaylodhaan ka soo yeedhay hay’adaha aataarta dunida ilaaliya kaddib, sannadkii 1963 kii ayaa ay dawladda Faransiisku si rasmi ah dadka uga mamnuucday in ay booqdaan. Iyada oo dhinaca kalana ay hay’adda waxbarashada, Sayniska iyo dhaqanka ee qaramada Midoobey (UNESCO) godkan ku dartay liiska goobaha taariikhiga ah ee caalamiga ah. Dhammaad

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *