Kulaylka badan waxa uu khatar ku yahay dadka waawayn

Dhakhtarad ka tirsan haayadda Xamad ee caafimaadka oo ka dhisan dalka Qatar ayaa kadigtay khatarta uu heer-kulka badan iyo welba hawada qoyaanka wadataa (Dhado) ku yihiin dadka waayeelka ah. Drs. Hanaadi Al-Xamad oo madax ka ah qaybta xanuunnada dadka da’da ah ku dhaca ee xarunta Xamad, waxa kale oo ay soo jeedisay talooyin wax-ku-ool ah oo arrintaas la xidhiidha.

Drs. Hanaadi waxa ay sheegtay in dadku marka ay weynaadaan ay u nuglaadaan xanuunno badan iyo dhibaatooyin caafimaad, sababta ugu weyn ee nugaylka keenaysaana ay tahay isbedellada jidheed e uu qofku marayo mar kasta oo ay da’diisu sii korodho, sidoo kale inta badan hoos-u-dhac ayaa ku yimaaddaawoodaha dareenka eedadkawaawey, gaar ahaan kuwaqabacudurrada ku yimaadda gabowg, ama cudurka macaanka, iyada oo lagu arko in uu yaraaday dareenkooda harraadka ama in ay gartaan in heer-kulka cimiladu aad u sarreeyo.

Warmurtiyeed toddobaadkii hore ka soo baxay xarunta Xamad oo ay heshay shabakadda Aljazeera ay Drs. Hanaadi ku sheegtay in dadka waaweyn, gaar ahaan kuwa dhaafay 65 sano jir, ay khatar u yihiin in ay ku dhacaan xanuunnno iyo dhibaatooyin caafimaad oo noloshooda khatar ku ah, kuwaas oo ay ka mid tahay kulayl badan oo ku dhaca jidhkooda. Waxa aanay hoosta ka xariiqday in dawooyinka ay aalaaba dadku marka ay weynaadaan qaataan, ayaa sii fududeeyaan in ay qofka ku dhacaan xauunnada xidhiidhka laleh heerkulka cimilada, waxa aana dawooyinkaas ka midah, Dawada kaadida badisa, dawooyinka dhiigkarka, dawooyinka qulubka iyo xaaladaha nafsiga ah lagu dabiibo.

Waxa ay Drs. Hanaadi ku talisay in dadka waayeelka ah ee dawooyinkaas qaataan ay la xidhiidhana dhakhtarradooda si ay ugala tashadaan khatarta ay dawooyinkani sababi karaan xilliyada qabowga ama kulaylka badani jiraan iyo sida ay tahay in ay xilliyadaas u dhaqmaan.

Sidoo kale waxa ay Drs. Hanaadi dadka waayeelka ah kula talisay in xilliyada qabowga badan ama dhadadu jirto ay ka dheeraadaan:

– In ay iska ilaaliyaan hawsha tacabka iyo daalka badan ku keenaysa jidhka, xilliyada kulaylka badan ama qabowga darani jiranay guryaha gudahooda ku jiraan.

– In cunto khafiif ah ay cunaan xilliyada cimiladu aadka u kulushay si ay isaga ilaaliyaan in heerkulka gudaha jidhkooduna uu kaco.

– In ay dareero badan cabbaan, iskana ilaaliyaan sharaabka ayku badan tahay maadadda Caffeine tu, sida Shaaha iyo Bunka, iyo sidoo kale in ay ka hor-tagaan khatarta ah in jidhkood uu ingag biyo la’aani keentay ku dhaco.

– In dadka kelyo xanuunka qabaa ay xilliga qaboobaha iyo xilliga kulaylkaba dhaktarkooda kala tashadaan xaddiga ugu habboon ee ay tahay in ay biyo iyo dareeraha kalaba ka qaataan maalin kasta.

Ugu dambayntiina waxa ay Drs. Hanaadi ku talisay in feejignaan badan lagayeesho kulaylka fallaadhaha qorraxda, qof kastaana uu dhaqso dhakhtar ugu tago haddii uu isku arko ingag, maqaarka oo in uu ingagan yahay taabashadalagu daremo, dawakhaad, wadnaha oo garaaca kordhiya, laabta oo qofka xanuunta, neefsiga oo cidhiidhi noqda, jidhka oo boogo yeesha, muruqyada oo guntama iyo midabka kaadida oo isu beddela huruud rasiin ah, ama bunni, taas oo qudheeduna ka mid ah sababaha lagu garto in jidhku uu biyo la’ yahay.

Sida lagu sheegay warkan uu murtimaal turjumay oo lagu baahiyey shabakadda Aljazeera, waxa ay dhakhtaraddu ku talisay in haddii qofka xaaladahan lagu arko ay qasab ttahay in dhaqso jidhkiisa loo qaboojiyo iyada oo la marmarinayo tuwaal qoyan ama hawada maraxadda dhigayo waa mark uu kulaylku badan yahay ee, sidoo kale waxaa fiican in biyo qabow loogu maydho, inta kadibna dhaqso dhakhtarka loo geeyo.