|
Tuesday, 22 June 2010 |
Tixdan la magac baxday Aargoosi waxaa curiyay Yaxye Cabdi Cali (Yaxye
Yeebaash), waxay soo baxday tixdu 19/6/210. Waxay tixdu iska mataalaysaa
gabadh qiso dhaba oo gocasho le ay ku dhacday taasoo ay nin mudo soo
hadli jireen dabadeed ninkii ay meel isla dhigeen inay is guursadee,
markay is guursadeen ayaa uu ninkii hadal deelqaafa iyo waxayna ku aqoon
|
|
Read more...
|
|
|
Thursday, 17 June 2010 |
Gabay La Yidhaa “Abaal–Gud”, April
2nd, 2009.
Waxaa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen, isagoo
ugu talo galay xuska munaasibadan ku beegan April 6deeda oo ah
maalintii SNM la aasaasay sanadkii 1981 kii.
|
|
Read more...
|
|
|
Wednesday, 16 June 2010 |
|
Ascww salaantaa ka bacdi waxan halkan uga mahadcelinayaa bahda murtimaal
oo runtii u heegan
ururinta iyo soo bandhigida suugaanta oo ah hawl balaadhan oo ubaahan
dhabar adayg iyo wakhti dheeraada
|
|
Read more...
|
|
|
Wednesday, 16 June 2010 |
|
Aabo Ahmed Hassan Seed, Hooyo Ruqiya Ali Nuur, Aabo Abdiraxman Mohamed Buuni, Hooyo Faadumo Hassan Seed.
Ilmo Ahmed Hassan oo kala ah ( Saed Ahmed Hassan, Nimo Ahmed Hassan, Hibo Ahmed Hassan iyo saygeeda iyo caruurteeda
|
|
Read more...
|
|
|
Monday, 14 June 2010 |
|
Marka Hore Waxaan idiin so dirayaa salaan qaali ahBahda Shabakaadda Calamiga ahee Hoyga hiddaha iyo dhaqanka,dhalinyarada murtimaal iyo akhyaarta Sharafta Badan ee Somaliland
|
|
Read more...
|
|
|
Sunday, 13 June 2010 |
Kayd Somali Arts and Culture iyo Redsea-online
waxa ay kugu marti qaadayaan in aad ka soo qayb gasho Bandhigga Buugga Tolow
Colka Jooja: Salaan Carrabey - Gabayaa caan ah, ee uu qorey Yuusuf
Shaacir oo ka dhici doona, Oxford house, Derbyshire street, E2 6H,
galabnimada Axadda, 13 Juun, laga bilaabo 4pm ( Afarta galabnimo)
|
|
Read more...
|
|
|
Sunday, 13 June 2010 |
Wargelin iyo Shaacin Sheeko iyo Shaahid 2010
45 maalmood ku allif, sheeko meel mar ah
Xusuus: Maalinta kama danbaysta 17/07/2010.
REDSEA-ONLINE.COM iyo Kayd Somali Art and Culture, iyagoo ka duulaya
fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan waxkasta oo
horumarinaaya taabbagelinta dhigaalka, fidinta hiddaha iyo suugaanta,
|
|
Read more...
|
|
|
Sunday, 13 June 2010 |
|
Waxa qorey Khalid Jaamac Qodax |
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Qoridda buugaagtu waa hawl adag oo qoraa waliba uu
wakhti, maskax iyo adduun badan geliyo. Waxase dheeftaasi si fudud u
hela iyada oo bisil akhristaha, oo ku nasta, kuna raaxeysta, kana
faa’iideysta, wax badan oo uu xambaarsan yahay buuggaasi. Inkasta oo
sannadahan dambe ay soo badanaayeen buugaagta la qoraa, haddana waxa
hubaal ah in buuggan ‘Hantaaqo Jacayl’,
|
|
Read more...
|
|
|
Friday, 11 June 2010 |
Bandhig Balaadhan oo Xalay loo Sameeyay Buuga Gobannimo Bilaash maaha,
oo ahaa Buugii shanaad ee ay soo bandhigaan Naadiga Akhriska Timacadde
ayaa lagu soo Bandhigay Hotel Askar ee magaalada Gabiley.
Xaflada Bandhiga Buugan oo Si heer sare ah loo soo Agaasimay Waxaa ka
soo Qayb galay, Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland
Mudane Shucayb Maxamed Muuse, La Taliyaha Sharciga Golaha Wakiilada
Pro.Axmed Cali Kaahin,
|
|
Read more...
|
|
|
Tuesday, 08 June 2010 |
Maansadani waa Maanso gaaban oo ka xog warramayso ifaafaalo jacayl, iyo nolol waayaheeda wadata, waxay si cad u qeexaysa, habla wanaagsan ee Gayigeenna Somaliland iyo Meelaha kale ee ay somalidu dagtaba ku nool, Maansada Oo uu tiriyey: Khaliil Daahir Maxamud oo loo yaqaanno Aabaha Jacaylka, waxay sawir cad ka bixinaysaa, adoo maalin meel maraya, dabadeedna isha qac ku siiyey gaari haween tii ugu mudnayd, oo ku fican in nolol iyo aayatiin lala wadaago waxay ku bilaabmaysaa maansadani sida tan.
|
|
Read more...
|
|
|
Wednesday, 02 June 2010 |
Marka hore waxaa idiin soo dirayaa salaan qaali ahb bahda shabakadda ururka hiddaha iyo dhaqanka ee murtimaal iyo akhyaarta sharafta badan ee somaliland maansadan waxaa layidhaahda dhib adduunyo anigo ah Abwaan Cabdibnaasir Axmed Muuse dadku se ii yaqaanaan Cabdinaari Macalin ayaa sameeyey, waxaanan ku bilaabay sida tan.
|
|
Read more...
|
|
|
Tuesday, 01 June 2010 |
Hargeisa (Murtimaal)-Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Dhalinyaradda Somaliland
ee Murtimaal oo Agaasime Cusub u Magacaabay shalay Abwaan C/risaaq
Maxamed Muuse (Hirgal) oo ka Tirsan Bahda Murtmaal.
|
|
Read more...
|
|
|
Tuesday, 01 June 2010 |
|
Waxa aannu
dhammaan dadwaynaha jecel wax akhriska ku martiqaadaynaa bandhigga
Buuggii Lixaad ee naadiga Akhriska ee Halkaraan Burco soo bandhigo oo ah
buug af-carabi ah.
|
|
Read more...
|
|
|
Saturday, 29 May 2010 |
|
Rag ba'iisa ayuu ka sheekeeyaa dumarna baraarahooda. Taas ka sokow,
tagtadu waxay tartaa in taaganta iyo timaaddada lagu fahmo, dhacdooyinka
tariikheed ee qof iyo bulsho, xumaan iyo samaan, haddii aan la qorin
waxay la mid yihiin iyaga oo aan dhicin, taasina waxay keentaa in aan
lagu cibro qaadan. Xasuusreebkan koobani wuxuu hiil u yahay dad badan oo
uu khuseeyo. Waxaan u hibaynayaa dhammaan dadkii xaaladdan ila soo
maray.
|
|
Read more...
|
|
|
Thursday, 27 May 2010 |
|
Gob baan ahaa, haddana gun baan ahay; geesi baan ahaa, haddana
giiryaalaan ahay; cuud baan lahaa, haddana caydh baan ahay; cad
quudheedka waan necbaa, haddana caydh baan qaataa; kor baa la ii eegi
jiray, haddana hoos baa la ii eegaa; waa la i muunayn jiray, haddana la
ima maamuuso; waa la ila tashan jiray, haddana tulud la ima weydiiyo;
xor baan ahaa haddana, xabsi baan ku jiraa; waa la ii xammaali jiray,
haddana xammaal baan la'ahay; waa la ii joojsan jiray, haddana cidi iima
joogsato.
|
|
Read more...
|
|
|
Tuesday, 25 May 2010 |
|
waxa qorey Sulaiman Ismaaciil Maxamed
Maadaama oo dadka Somaliland hodan
ku yihiin suugaanta Afka Soomaaliga inta badana dadyowga Soomaaliyeed
u daba fadhiistaan arimaha suugaanta. Ayaan waxaan Jeclaystay inaan
xusuus ka sameeyo maskaxda dadkana dib ugu halku dhigyadii iyo
suugaantii
xiligii halganka sida xooga ah uga soo burqanaysay maskaxda dadkii
halganka
ku jiray iyo shicibkoodaba.
|
|
Read more...
|
|
|
Thursday, 20 May 2010 |
|
Xasan Cabdi Madar, Sayid Maxamed Yuusuf, Axmed-Kayse Cali Rooble iyo
dhammaan xubnaha Ururka Qoraaga Soomaaliland Waxay Tacsi u dirayaan
Gudoomiyaha MURTIMAAL Jamaal Maxamed Sh.Abuubakar oo aabbihii Maxamed Sh. Abubakar ku
geeriyooday magaalada Hargeysa. Ilaahay Jannadii Fardowsa ha ka
waraabiyo marxuumka, ehelkii uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka
siiyo, innagana kuwii ku waansama ha innga dhigo. Aaamiin Waxa tacsi taas la mid ah diraya
|
|
Read more...
|
|
|