Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Maansooyin uu na soo gaadhsiiyey Khadar PDF
Monday, 18 January 2010

Aniga oo ah Khadar Hassan Adan (khadar the genie) kuna nool magaalada Burco ee gobolka togdheer, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa gabayo aan kaga waramayo isbedelka ku dhacay dhaqankii dadka soomaaliyeed iyo dib u dhaca dhaqaale ee ku yimi wadankooda iyo sida ay uga hadheen dunida inteeda kale. Sidoo kale waxan si gaar ah u taabanayaa da’yarta oo ka gaabiyay xilkoodii.

Read more...
 
Book presentation: Black Mamba Boy PDF
Monday, 18 January 2010
Oxford House, Derbyshire Street, Bethnal Green, London E2 6HG
Read more...
 
Boodhari iyo fanka casriga ah PDF
Saturday, 16 January 2010

Waxaa qorey: Ibraahim Yuusuf Axmed

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Fekerka iyo dhaqanka bulshooyinku ma aha waxa cirka ka soo daata ama dhulka ka soo fuura, ee waa silsilad ay guntin waliba mid kale haysato. Marxalad walba oo nololeed waxaa saameeya mid ka horraysey, halka ay iyaduna sii saamayso ta xigta. Haddaba dhammaadkii soddonnadii iyo bilawgii afartannadii qarnigii tegey Geyiga Soomaalida waxaa ka abuurmay xaalad ku cusub fanka iyo halabuurka soomaalida taas oo noqotay, ilaa maantana ah, mid aad u xiise iyo taageerayaal badan. Xaaladdaasi waa heesaha casriga ah ee muusigga loo tumo.

Read more...
 
GAASIRA PDF
Friday, 15 January 2010

Waxaa tiriyey: C/raxmaan Maxamed Cali Ubaxle    This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Waxaan aad iyo aad usalamaayaa dhamaan bulshowayta aan jeclahay  waxaan kaloo salaan gaara salaamayaa abwaaniinta aanu bahda wadaagno Maansaddan magaceedu waa gaa  sira  waxay xanbaarsantahay murti iyo midho aad umacaan waxay guubaabo iyo guntashaba ugu baaqaysaa bulshada waxay siqoto dheer uga hadlaysaa dhaqank gaasiray iyo suugaanta gacalwayday  waxay sicad  ula hadlaysaa abwaaniinta ku xusan iyo dhamaan inta wax curiysa

Read more...
 
Tahriibta Iyo Natiijooyineeda PDF
Thursday, 14 January 2010

Waxa qorey: Maxamed-deeq Maxamuud Cabdi. (City of Chicago, Illinois. USA)

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 Marka  hore salaan ku socota dhamaan bahda suugaanta iyo warbaahinta ee murtimaal iyo dhamaan walaalahayga sharafta leh ee reer somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin,  bacdal salaan walaalayaal dhamaan sida aynu la wada socono dhalintii iyo maatadii wadankeenu waxay ku dhamaadeen badwaynta India. inta la ogyahay ee  ku dhimatayna waxaa ka badan inta maalinkasta kusii socota,

 

Read more...
 
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn. PDF
Thursday, 14 January 2010

Waxaa Qorey. Cabdulqaadir M. Wacays

 Waxay ahayd goor maqrib ah oo ay isu diyaarineysey in ay aaddo golaha Internetka oo ay beryahaas si weyn ugu waalnayd. Waxay khadka MSN-ka kula ballansanayd wiil ay wada socdeen oo degganaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Read more...
 
Gabaygii wuu dhintay!!! PDF
Sunday, 10 January 2010

Waxa qoray: Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"    (Dood ah gabaygi miyuu dhintay?)

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Ha la wada ogaado gabaygii in uu dhintay. Ilaahay ha u naxariisto! Kuwa maydkiisa riixaya ee socodka ku khasbaya dadaalkoodu waa hal bacaad lagu lisay. Qayladooda quusta ah dheg looma jalaq siiyo waayo xiise looma hayo maydka ay dudduucayaan. Gabayga ay maanta curiyaan haddii laga dhegaysto wax cusub laga fili maayo ee waa uun qaddarin loo hayo sooyaalk afka iyo dhaqanka. Sidii uu gabaygu u dhintay waxaynu ku faahfaahin qodobka ugu dambeeya daraasaddan, laakiin horta aynu aad uga hadalno taariikh nololeeddiisa.

Read more...
 
dhoy laawe Maanso!! PDF
Wednesday, 06 January 2010

Dhoy laawe waa maanso uu curiyay Cabdiraxmaan Maxamed Dheere  05 01 2010 waana maanso ka kooban 76 tuduc oo
dhaalay ah isla markaasna xambaarsa micne gaar ah oo ay leedahay fahankeedana aan ku
sugayo jawaabteeda. bahda murtimaal waxay eegi doonta gabaygaas sida looga soo jawaabe, waa sarbeeb, waan su'aal , u baahan jawaab rasmi ah

Read more...
 
OGaysiis: Bandhig Suugaaneed Loogu Magac daray Maalmihii iyo Maansadii Abwaan Timacadde (1920-1973) PDF
Tuesday, 05 January 2010

Naadiga

Akhriska Timacadde {Timacadde Readers Club (TRC)

} waxa uu ku wargalinayaa Dhamaan Bahwaynta akhriska Jecel In uu Naadigu kuu

soo Bandhigi Doono Barnaamij Suugaaneed la xidhiidha Maalmihii iyo Maansadii

Timacadde Alle Ha u Naxariistee. Waxa Xaflada la qaban doonaa Habeenka

uu Jimcuhu soo galayo ee ay Taariikhdu tahay  07/01/2010
Read more...
 
KABAHAYGA XIDHO!! PDF
Sunday, 03 January 2010

Waxa qorey Xassan Cabdi Madar

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Bal hadda mar qudha kabahayga xidho, tijaabi inaad ugu socon karto xaggaan u socday waxaba laga yaabaa inaad garan weydo halkaan u socday, aniga qudhaydu ma garanayo halkaan u socdo. Markaad kabahayga xidhato ugu yaraan waxad garan doontaa inaanan garanayn meel aan u socdo, waxad dareemi kartaa sidaan dareemayo. Markaad dhinacayga iska taagto ayaad arki doontaa quruxdeeda ama foolxumadeeda. Anna hadda inta aad kabahayga xidhantahay cagaagnaan maayee kuwaagaan xidhan. Immikaba anigoo kuwayga xidhan ayaan marmar xidhaa kuwaaga.

Read more...
 
Gacal iyo sokeeyebe guurkiina lagu farax!! PDF
Sunday, 03 January 2010

Hambalyo Meher Wacan
Dhammaan Xubnaha Ururka Hidaha, Dhaqanka iyo Dhallinyarada Somaliland ee Murtimaal oo kalah
Jamaal Maxamed Sheekh Abubakar, Axmed Maxamed Shaqale (Axmed Future), Axmed Cabdi Cabdillaahi Riiraash, C/Ladiif Cismaan Caabey, Khaddar Bulxan, Maxamed Cumar Aaden, C/rasaaq Jaamac Gaas Mucaawiye, Maxamed A.Taahir, Khaddar Gaas, C/rasaaq Maxamed Cali, Mustafe C/kariim Cali Buux,Mustafe Maxamed Xasan Gacma-dheere, C/rasaaq Maxamed Muuse, Kamaal Saciid, Xamse Xaaji Xuseen,C/xakiin xasan siciid,C/xakiin Axmed Carab,Sahra Maxamed Cali{Sahra Ladan},

Read more...
 
SOOMAALIDA IYO DHOOFKA PDF
Saturday, 02 January 2010

Waxa qorey Xassan Cabdi Madar

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Isdhiib…isdhiib…isdhiib.. waa kaa ereygu, waa ereyga koowaad ee dhegahaagu maqlayaan markaad dhegaysato sheekada dhoofka ee dhallinyarada beryahan… ereyga labaad waa ‘qaxooti’… kuye haddii dacwaddaadu wanaagsanaato waxa laguu aqoonsanayaa qaxooti oo hore ayaad sharciga ka helaysaa…Goormay qaxootinimadu noqotay wax lagu faano?

Read more...
 
Maanso "Dalandool" waxa allifay Axmed Cali Nuur PDF
Saturday, 02 January 2010

Hadii uu qof rabo in geel mudo oomana inuu geeyo ceelka waa waxan la dhafayn 

inuu sito weelkii u ku warabin laha ilayn babacooyinka kuma oon tirayo geele, u jeedada

 maansadan aan u samayay aya waxay tahay baraarujin iyo wax sheeg aan dakayga reer

Somaliland ugu sheegayo waxyabo xaqiiqa ah anoo tusale ugu soo  qatay

sheeko aan alufay

oo dhex martay oday duqa iyo islaantiisa

Read more...
 
Guddooomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Shaaca Ka Qaaday HeshiisyoDhex Maray Jaamacado Ku Yaala Mareyka PDF
Friday, 01 January 2010

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr Xuseen C/laahi Bulxan ayaa sheegay in uu xidhiidho caalami la soo sameeyay jaamacado caan ah oo ku kala yaala qaaradaha Mareykanka iyo Yurub, isagoo dhanka kalena sheegay in ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan fiiga jaamacadda laga caawin doono siddii ay waxbarashadooda u sii wadan lahaayeen.Dr.Bulxan waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay qolka VIP-da

Read more...
 
Maxaan u hiigsan la’nahay horumarka sayniska ee adduunyadu gaadhay? PDF
Friday, 01 January 2010

Waxa qorey: Yaasin Yusuf Aw Magan.

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 Dadka geeska afrika aad ayay uga danbeeyaan adduunyada kale marka laga eego dhinacyo badan. Soomaalidu waxay ka midtahay dadkaasi aan soo sheegnay,siiba iyaga oo ah kuwa uga liita xag horrumar iyo mid dhaqaalaba. Sidaa daraadeed, Waxaan  jeclaystay inaan wax ka idhaahdo xagga hurrumarka sayniska oo ah ka ay maanta bulshooyinka adduunyadu isku Dhaafeen.

Read more...
 
Kala Maan (Sheeko) PDF
Wednesday, 30 December 2009

Waxa qorey: Cabdilatiif Cismaan Caabi
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Ammintu waa goor galab ah waxaana qaaday roob aan sidaas u sii xoogganeyn oo shuux ah. Dadku waxa ay markaas uun ka soo baxeen guryahooda si qof waliba u raacdo danihiisa. Cadceeddu waxa ay dacal kala soo jeeddaa daruur weyn oo dhool ah oo midabbo kala duwan sidata iyada oo fallaadheheeda ku soo fidisey dhulka. Waxa is-haya ileyska cadceedda iyo biyaha meel kasta wadhan, iftiinka ka soo noqonayaana uu cawaray indhaha. Xareeddu waxa ay wadhan tahay meel kasta dadkuna waxa ay isu hambalyeynayaan nimcada Alle u shubay

Read more...
 
Hibada Eebe iyo Abwaan Ganey PDF
Wednesday, 30 December 2009
By:Rhoda A. Rageh (Farshaxan.com)

Hassan H. Abdullahi (Xasan Ganay) is a brilliant bard equal only to Shakespeare in eloquence and natural gift. He is equal only to Milton in his use of oxymoron and surpasses the sensitivity of Wordsworth. His superior intelligence enables him to draw from a vast reservoir of vocabulary, which is why his poetry touches the deepest feelings of humanity. His precise expression does not boast the gift of western education.

Read more...
 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>

Results 136 - 152 of 372

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology