This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Tixdan oo soo baxday 2/mar/2010.. magaceedana la yidhaa xeer dhigad,
waxa igu dhaliyay, dareenkeeda leh , ka dib qoraalo nooc walba leh tix
iyo tiraab, oo dhamaan ka wada hadlaaya nooca jacylka guurka ka
horeeya, dhagahaygu may maqal,indhaygu may qaban,sheeko may akhriyin
ama dhacdo ka turjumaysa jacylka nooca guurka ka danbeeya ama u
wehelkaa..mid malaawaalna ha ahaatee,.
Waxa qorey: Axmed Maxamud
Cilmi-Shawqi
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa wiil waxbarasho u
banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada, duruufo badan ayaa bar
bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.
Bilawgii
hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay,
sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u
qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna
murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa
juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la'yahay.
Waxaa
beri oo bisha labaad tahay 20 ku beegan maalintii dhalinyaro dhiiran oo
ka dhiidhiday dhibtii shacbigooda lagu hayey ay u jilib dhigeen,
dhagaxna ay ku tuureen dhiig miirtayaashii nidaamkii dhaxal-xumada
reebay ee Soomaali baday dhibka maanta haysta.
Way
fududahay in wajiga laga biiyo ilmada,hase ahaate waxa aad u adag sidii
qalbiga looga bin lahaa xanuunka soo gaadha. Jacaylku waa wax qof kasta
ku dhici kara,markastana dhici kara,meel kastana ka dhici kara.
Jacaylka ,qufaca, iyo urta cadarka midna lama qarin karo.waana dhab
dookha iyo jacaylkaba dadku way wadaagan.jacaylkuna waa mid ka mid ah
dareemada iyo boholyowga ugu waa weyn ee dadku dareemo intuu
noolyahay.waxase haddana taasi ka sii daran midka la dareemo marka la
waayo wixii la jeclaaday
Guud ahaan somalidii hore
waxay rumasnaayeen in inamada iyo habluhu markay qaangaadhaan oo ay
da’doodu gaadho 15 ay diyaar u yihiin inay guursadaan xaaladaha
qaarkoodna hablaha waxaa lagu guursanjirey da’da u dhaxaysa 13-14 marka
ay yihiin
Waxaa kale oo jirey xili aanu
wax guuri dhici jirin soomaalidii hore xiligaa oo wakhtigiisu ahaa
saddex(3) billood lana odhan jirey RAJALLO sababta aanu xilliga guur u dhici jirin sababtuna waxay ahayd ku dayasho ay ku dayanayeen awawyaashoodii hore.
Dhamaan akhayrtan oo ah aradayda wax ka kala barata jamacada iyo college yada ku kala yala gobolda Malaysia ayaa waxay hablyo u dirayaan sxbkood Ahmed Ismail Abdi (Haji)
iyo xaskiisa Maka Saalax Shire oo Meherkoodu 10 February 2010 ka dhacay Maansoor Hotel, Hargeysa, Somaliland
Waxaanu leenay noqda Reerkii lagu nagaadee Ubad khayr qaba kala hela, Aamiin, insha ALLAH.
ardayda oo magacyadoodu kalayihiin sidana wakuwan
Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Sanad guuradii 37aad ee ka soo
Wareegtay Geeridii Abwaankii Waynaa Alle ha u naxariistee C/laahi
Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay Hotel Emperial ee Magaalada
hargeisa, Munaasabadaasi oo ay Soo Qabanqaabisay Shabakada Wararka ee Timacade
News Network (TNN) ayaa waxaa ka soo Qayb galay, Seddexda Xisbi
Qaran,Wasiirro, Abwaano,Qorayaal, Aqoonyahano, Salaadiin, Dhalinyaro
iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.
Xuska Sanad Guurada 37aad ee ka soo wareegtay Geerida Marxuum C/laahi Suldaan Timacadde
Maamulka Shabakadda Wararka ee Timacadde News Network
(www.timacadenews.com) Wuxuu
kugu martiqaadayaa ka soo qayb galka Munaasibad lagu xusayo Sanadguuradii 37aad
ee ka soo wareegtay geeridii Marxuum, Abwaan Cabdillahi Suldaan Timacadde.