Nin xoolo dhaqato ah oo ku noolaa miyiga magaalada Burco oo la odhan jiray Gaax-nuug ayaa u soo boqoolay dhinaca magaalada Burco. Laba joog oo sixin ah ayuu la soo safray, si waxoogaa raashin ah reerka ugu soo iibiyo marka subagga laga qaato.
Alle ha u naxariistee Siciid Ismaaciil Buux (Xamarqoodh) waxa uu ku
dhashay magaalada Dirdhaba sannadkii 1940kii. Dugsi Qur’aanka Dirdhaba
ayuu ka galay oo uu ka dhigtay. Isagoo dhawr iyo toban jira ayuu
Jabuuti u soo wareegay. Siciid Xamarqoodh yaraantiisiiba fanku wuu ku
abuurnaa, isagoo arrintaa ka warramayana waxa uu yidhi. Fanka tan
iyo yaraantaydiiba waan jeclaa oo meelaha lagu heesayo ayaan tegi
jiray.
qalinka iyo waraaqda umaan qaadan inaan idiin sheekeeyo, umaaan qaadan
inaan maskaxdii khalkhal ku beero ama was waasiyo, ee waxaan maanta
qalinka iyo waraaqda isku dulsaaray inaan sawiro guud ahaan taariikh iyo
dhaqan bulsho oo bari jiri jirtay hadase jiritaankeedu muqaal ahaan u
jiro macno ahaanse aanu u jirin, si aan umadaa iyo wixii ku dhacay iyo
siday u noolayd aan idiinku soo gudbiyo ayaan sawir koban uga bixinayaa.
waxaan jeclahay in
aan mid iyo laba qodob si kooban uga hadlo.
Ugu horayn umad
kasta oo ku nool dunidan korkeedu waxay leedahay dhaqan iyada u gaara
marka laga yimaado diinta ama caqiidada ay rumaysan tahay, bulshadeenuna
taas way kala siman tahay oo marka laga yimaado diinta islaamka ee ay
awoow ka awoow ku dhaqmaysay waxay leedahay dhaqan iyada u gaar ah oo
xidhiidh mug wayn la leh diinta islaamka waloow ay jiraanba goldoloolyin
aan sidaasi u tira badnayn oo dhaqankaasi ku milan taasina waxaynu u
nahay bini aadam oo waa allaah (sw) cidda kaliya ee aan lahayn iimo iyo
turxaamo.
Waa duhur; qoraxdu korkayga ayay qotontaa, falaadheheeda dhinbiisha
ka kululina dhakadayda ayay ku dhacayaan. Dhidid aad dhareer mooddo ayaa
dhafoorkayga ka tifiqlaynaya, mase dhaaddani oo dhib ka weyn baa i
haysata. Ma waayin wax la cuno, mana waayin wax la cabo; waxaase werwer
igu haysa xaraarada qaad ee maankayga xoqaysa, maskaxdaydana
xaradhaaminaysa.
Ma
ilaawo Habeenkii iiguhoraysay
een ka qayb galo Buug Afkayga hooyo ku dhigan oo af qalaad loo Tebiyo
een kala qayb galay Naadiga Akhristayaasha Hargeisa ( Hargiesa
Readers Club ) iyo Hotel Imperial.
Xilalkii uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan magacaabay waxa ku jiray qaar Af-Ingiriisi ah, kuwaas oo fahankoodu ku adkaaday muwaadiniin fara badan.Waxa ugu soo horreeyey xilka lagu
magacaabay “Chief of Cabinet”, kaas oo muhmalka ku jiraay warbaahinta iyo dadweynuhuba aad
u hadal-qaadeen welina aan la qeexin waxa uu yahay macnaha iyo doorka dhabta ah ee
xilkan. Hormadii labaad ee uu Madaxweynuhu Khamiistiimagacaabayna waxa ku jiray hay’ado
iyo xilal kala ah “Recruitment, Establishment,
Nin reer Somaliland u dhashay oo qurbaha ka tegey ayaa markii ugu
horreysey waddanka ku laabtay isaga oo aad u qiiraysan. Maalin buu isaga
oo lugaynaya meel ka mid ah magaalada Hargeysa wuxuu soo ag maray waab
yar oo ay islaani shaah ku iibinayso, halkaas oo uu fadhiyay nin kale oo
isagu dadka aan weli waddanka ka dhoofin ah. Halkaas waxaa ku dhex
martay saddexdan shakhsiyadood sheeko qosol xikmad leh oo fariin muhiim
Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu
tacsi tiiranyo leh gaadhsiinayaa qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan umadda
reer Somaliland meel walbooy joogto ka dib geerida naxdinta leh ee ku
timid Mujaahid Cabdillahi Askar Barkhad oo ku geeriyooday Axaddii
dhawayd caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa.
Hargeysa - Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa
farsamadii iyo geesinamdii Qarnigii hore ee lagula baxay Muj.Cabdilaahi
Askar Barkhadlewaxa ka waramaya oo ka sheekeyay Muj.Aadan Maal Caqli oo
ka mid ahaa geesiyaashii la baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku nool
yahay hadda magaalada Hargeysa
Waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa mujaahikii waynaa Cabdilaahi Askar waxa lagu xasuusta cabdilaahi inuu ahaa mujaahid wadanka naftiisa iyo hantidiisaba u huray, isagoo hawlgalo fara badan oo wadanka lagu xoraynayeyna ka qay qaatay, hadaba bahda murtimaal iyadoo geeridaasi xusaysa ayaa waxay inoo soo daabaceen maansadii Daallaley ee uu hadraawi markuu u halganka ku jiray tiriyey. waxa uu leeyahay (Lixle damacyadiisii
Diric
Ina Saleebaan
Duxan baan u dhaartay )
Maansadan waxa waxa aan curiyay bishii February 18 keedii 1985.
Xilligaas waxa aan si xoogle u akhriyi jirey falsafadda reer galbeedka
gaar ahaan hal doorkooda ay ka midka yihiin Friedrich Nietzsche and Jean
Paul Sartre iyo kuwa kale oo ahaa raggii hormuudka u ahaa aragtida loo
yaqaan existentialism. In kasta oo aan dhab ahaantii aad u jeclaystay
doodahooda,
Dheeg; waa inan (gabadh)
Soomaaliyeed, oo ku dhalatay, degganna magaalada Herer ee dalka
Itoobbiya. Da’deedu qiyaastii waa ilaa 16-jir. Waxa ay u weyn tahay
carruur saddex ka kooban (iyada iyo laba wiil oo kale). Labada wiil; kan
rooni waa 12-jir (Mahad), kan yarina waa 7-jir (Madar). Carruurtu waa
agoon waana rajo, oo Aabbe iyo Hooyo midna ma leh, oo labadiba way ka
dhinteen. Alle ha u naxariisto’e Aabbohood Daahir Dubbad, muddo saddex
sano laga joogo, ayuu xabsi Herer ku yaalla ku dhintay. Sida uu u
dhintayna ilaa imminka lama yaqaan,
Waa Jacaylka Xaaskaaga Inta Aad
Nooshahay Oo Dhan.
Ha isku dayin in aad xaaskaaga tusto in aanad ku qanacsanqyn cuntada ay kariso
iyo hawsha ay guriga ka hayso, hadii aad wax saluugto si taxadir leh oo talo ah
u abaar in aad toosiso ama aad saxdo wixii aad saluugtay adiga oo aan toos u
sheegayn dhaliilaha aad aragtay.