Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Gabay iyo Sheeko Qosol: Ninkii Reer Miyiga Ahaa PDF
Wednesday, 08 September 2010

Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen

 Nin xoolo dhaqato ah oo ku noolaa miyiga magaalada Burco oo la odhan jiray Gaax-nuug ayaa u soo boqoolay dhinaca magaalada Burco.  Laba joog  oo sixin ah ayuu la soo safray, si waxoogaa raashin ah reerka ugu soo iibiyo marka subagga laga qaato.

 

Read more...
 
Saalax Aw-muuse PDF
Wednesday, 08 September 2010
Saalax Aw-Muuse Xassan, waa Suugaan yahan tiriya maansooyin u gaar ah, iyo gabayo, waa hal abuur alifa kara qaybaha suugaanta oo dhan , sidaasoy tahay Salah waa Arday jooga magalaada Yiwu , China 
waxa uu na soo gaadhsiiyey saddex suugaaneed oo wax ku ool ah markaad akhrisataan ayaad fahmi doonta, websate ka murtimaal oo noqday websate ka xagga suugaanta loogu akhriska badanyahay, ayaa wuxuu dhiiri galiyaa qalinlayda iyo inta wax qorta oo dhan, Salaxna waxa uu ku bilaabay suugaantiisa sida tan. 
Read more...
 
Sooyaalka Siciid Xamarqoodh PDF
Tuesday, 07 September 2010
Wq. Cabdalla Xaaji
Alle ha u naxariistee Siciid Ismaaciil Buux (Xamarqoodh) waxa uu ku dhashay magaalada Dirdhaba sannadkii 1940kii. Dugsi Qur’aanka Dirdhaba ayuu ka galay oo uu ka dhigtay. Isagoo dhawr iyo toban jira ayuu Jabuuti u soo wareegay. Siciid Xamarqoodh yaraantiisiiba fanku wuu ku abuurnaa, isagoo arrintaa ka warramayana waxa uu yidhi. Fanka tan iyo yaraantaydiiba waan jeclaa oo meelaha lagu heesayo ayaan tegi jiray.
Read more...
 
SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY PDF
Monday, 06 September 2010

Waxa qorey:Jama Ahmed Maxamed

qalinka iyo waraaqda umaan qaadan inaan idiin sheekeeyo, umaaan qaadan inaan maskaxdii khalkhal ku beero ama was waasiyo, ee waxaan maanta qalinka iyo waraaqda isku dulsaaray inaan sawiro guud ahaan taariikh iyo dhaqan bulsho oo bari jiri jirtay hadase jiritaankeedu muqaal ahaan u jiro macno ahaanse aanu u jirin, si aan umadaa iyo wixii ku dhacay iyo siday u noolayd aan idiinku soo gudbiyo ayaan sawir koban uga bixinayaa.

Read more...
 
BULSHO HAB ODHAAHEED WAX ISUGU GUDBISA(ORAL SOCIETY) PDF
Monday, 06 September 2010
waxaan jeclahay in aan mid iyo laba qodob si kooban uga hadlo.
Ugu horayn umad kasta oo ku nool dunidan korkeedu waxay leedahay dhaqan iyada u gaara marka laga yimaado diinta ama caqiidada ay rumaysan tahay, bulshadeenuna taas way kala siman tahay oo marka laga yimaado diinta islaamka ee ay awoow ka awoow ku dhaqmaysay waxay leedahay dhaqan iyada u gaar ah oo xidhiidh mug wayn la leh diinta islaamka waloow ay jiraanba goldoloolyin aan sidaasi u tira badnayn oo dhaqankaasi ku milan taasina waxaynu u nahay bini aadam oo waa allaah (sw) cidda kaliya ee aan lahayn iimo iyo turxaamo.
Read more...
 
Indha Badan - Ubaxeey PDF
Sunday, 05 September 2010
Maansadan La magac baxay Indho-badan ubax, waxa tiriyey abwaan Maxamed ibraahin Warsame oo dadka badankisu u yaqaanaan Hadraawi, Maansadan oo soo baxday wakhti uu abwaanku ku sugnaa wadanka ethiopia isagoo doonaya inuu xoreeyo wadankiisa hooyo , sidaasoy tahay, qisadan u bax waxa ku soo baxday mar abwaanku maqaaayad uu ku qayli jiray fadhiisan jiray, ayaa waxa jirtay inan aad u da'yar oo maqaayada ka shaqaynaysay, waxay isku darsatay inantaasi Agoonimo, iyo iyadoo ayna waxay ku arrad baxdo iyo waxay quudataba haysan ,waxa quutal daruurigeedu galay inay meeshaasi ka shaqaysato, arbaha meesha fadhiyana u gayso shaah, sigaar, biyo iyo waxay u baahan yihiinba,
Read more...
 
Qaad: Maxaa Iga Raacay !!! PDF
Friday, 03 September 2010
(Sheeko Gaaban)
Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
Waa duhur; qoraxdu korkayga ayay qotontaa, falaadheheeda dhinbiisha ka kululina dhakadayda ayay ku dhacayaan. Dhidid aad dhareer mooddo ayaa dhafoorkayga ka tifiqlaynaya, mase dhaaddani oo dhib ka weyn baa i haysata. Ma waayin wax la cuno, mana waayin wax la cabo; waxaase werwer igu haysa xaraarada qaad ee maankayga xoqaysa, maskaxdaydana xaradhaaminaysa.
Read more...
 
Tabintu Waa Seeska Xadaaradihii Dunida. PDF
Thursday, 02 September 2010

Waxa qorey: Mahdi sheikh Abdi Ahmed.

Ma ilaawo Habeenkii iigu horaysay een ka qayb galo Buug Afkayga hooyo ku dhigan oo af qalaad loo Tebiyo een kala qayb galay Naadiga Akhristayaasha Hargeisa ( Hargiesa Readers Club ) iyo Hotel Imperial.

 

 

Read more...
 
Xilalka Af-ingiriisiga ku soo baxay miyaa loo waayey af-Soomaali? PDF
Wednesday, 01 September 2010
Waxa qorey: Mustafe M. Khayre

Xilalkii uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan magacaabay waxa ku jiray qaar Af-Ingiriisi ah, kuwaas oo fahankoodu ku adkaaday muwaadiniin fara badan.Waxa ugu soo horreeyey xilka lagu magacaabay “Chief of Cabinet”, kaas oo muhmalka ku jiraay warbaahinta iyo dadweynuhuba aad u hadal-qaadeen welina aan la qeexin waxa uu yahay macnaha iyo doorka dhabta ah ee xilkan. Hormadii labaad ee uu Madaxweynuhu Khamiistiimagacaabayna waxa ku jiray hay’ado iyo xilal kala ah “Recruitment, Establishment,
Read more...
 
MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA PDF
Tuesday, 31 August 2010

QIIRADA QURBO-JOOGA

WAXA QOREY: Jamaal Ali Hussein 

Nin reer Somaliland u dhashay oo qurbaha ka tegey ayaa markii ugu horreysey waddanka ku laabtay isaga oo aad u qiiraysan. Maalin buu isaga oo lugaynaya meel ka mid ah magaalada Hargeysa wuxuu soo ag maray waab yar oo ay islaani shaah ku iibinayso, halkaas oo uu fadhiyay nin kale oo isagu dadka aan weli waddanka ka dhoofin ah. Halkaas waxaa ku dhex martay saddexdan shakhsiyadood sheeko qosol xikmad leh oo fariin muhiim

Read more...
 
Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo PDF
Tuesday, 31 August 2010
Waxa qorey: Axmad Ismaaciil Maxamuud
"Axmed Deeq"
Guurkayaga ka hor waxaannu ahayn dhig iyo udub, ul iyo diirkeed, ceeshow milix, haan iyo hadhuubkeed, iyo wax walba oo dad hilow, kalgacal iyo jacayl isu qabaa wadaagaan. Iyadu anigay ahayd, aniguna iyadaan ahaa! Haddase xaalkagayagu waa garan waa. Isma jeclin ismana necbin,
Read more...
 
Tacsi: Cabdillahi Askar Barkhad, geesi ka baxay Somaliland PDF
Tuesday, 31 August 2010
Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu tacsi tiiranyo leh gaadhsiinayaa qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan umadda reer Somaliland meel walbooy joogto ka dib geerida naxdinta leh ee ku timid Mujaahid Cabdillahi Askar Barkhad oo ku geeriyooday Axaddii dhawayd caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa.
Read more...
 
JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE. PDF
Sunday, 29 August 2010

Waxa qorey Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa - Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii Qarnigii hore ee lagula baxay Muj.Cabdilaahi Askar Barkhadlewaxa ka waramaya oo ka sheekeyay Muj.Aadan Maal Caqli oo ka mid ahaa geesiyaashii la baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku nool yahay hadda magaalada Hargeysa

Read more...
 
Daallaley!! PDF
Sunday, 29 August 2010

Waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa mujaahikii waynaa Cabdilaahi Askar waxa lagu xasuusta cabdilaahi inuu ahaa mujaahid wadanka naftiisa iyo hantidiisaba u huray, isagoo hawlgalo fara badan oo wadanka lagu xoraynayeyna ka qay qaatay, hadaba bahda murtimaal iyadoo geeridaasi xusaysa ayaa waxay inoo soo daabaceen maansadii Daallaley ee uu hadraawi markuu u halganka ku jiray tiriyey. waxa uu leeyahay (Lixle damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan u dhaartay ) 

 

Read more...
 
Bismillaahi Noo Diran PDF
Saturday, 28 August 2010
WT. Bashir Sh. Omar Goth
Maansadan waxa waxa aan curiyay bishii February 18 keedii 1985. Xilligaas waxa aan si xoogle u akhriyi jirey falsafadda reer galbeedka gaar ahaan hal doorkooda ay ka midka yihiin Friedrich Nietzsche and Jean Paul Sartre iyo kuwa kale oo ahaa raggii hormuudka u ahaa aragtida loo yaqaan existentialism. In kasta oo aan dhab ahaantii aad u jeclaystay doodahooda,

 

Read more...
 
DHEEG MEEDAY - Sheeko PDF
Friday, 27 August 2010

Sheeko Xiise leh: Waxa qorey Dhuux Digaale Ducaale.

Qaybta 1aad:
Dheeg; waa inan (gabadh) Soomaaliyeed, oo ku dhalatay, degganna magaalada Herer ee dalka Itoobbiya. Da’deedu qiyaastii waa ilaa 16-jir. Waxa ay u weyn tahay carruur saddex ka kooban (iyada iyo laba wiil oo kale). Labada wiil; kan rooni waa 12-jir (Mahad), kan yarina waa 7-jir (Madar). Carruurtu waa agoon waana rajo, oo Aabbe iyo Hooyo midna ma leh, oo labadiba way ka dhinteen.  Alle ha u naxariisto’e Aabbohood Daahir Dubbad, muddo saddex sano laga joogo, ayuu xabsi Herer ku yaalla ku dhintay.  Sida uu u dhintayna ilaa imminka lama yaqaan,
Read more...
 
Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto PDF
Friday, 27 August 2010

Waa Jacaylka Xaaskaaga Inta Aad Nooshahay Oo Dhan.
Ha isku dayin in aad xaaskaaga tusto in aanad ku qanacsanqyn cuntada ay kariso iyo hawsha ay guriga ka hayso, hadii aad wax saluugto si taxadir leh oo talo ah u abaar in aad toosiso ama aad saxdo wixii aad saluugtay adiga oo aan toos u sheegayn dhaliilaha aad aragtay.

Read more...
 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>

Results 1 - 17 of 372

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology