Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Carwada Caalamiga Ee Buugta Hargeysa Oo Wacdaro Ku Furantay PDF Print E-mail
Saturday, 24 July 2010
Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Iyo Bandhig Dhaqameedka Mooge Festival [Hargeysa International Book Fair] ayaa maanta si rasmi ah uga furantay aqalka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Ee Magaalada Hargeysa.

 

Barnaamijkan  oo socon doona muddo shan cisho ah oo ka bilaabmaysay 23 July ilaa 27 july 2010, ayaa waxa lagu lafa guri doona sidii ereyga ‘Waddani” loogu heli lahaa erey Af Soomaali ah oo ku haboon iyo waxay ay tahay Waddaninimadu.

Barnaamijkan  oo socon doona muddo shan cisho ah oo ka bilaabmaysay 23 July ilaa 27 july 2010, ayaa waxa lagu lafa guri doona sidii ereyga ‘Waddani” loogu heli lahaa erey Af Soomaali ah oo ku haboon iyo waxay ay tahay Waddaninimadu.

 

Xafladan oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahano ay hogaaminayaan Prof Jaamac Muuse Jaamac oo ah Barres are oo wax ka dhiga Jaamac ku taalada dalka Talyaaniga, Guddoomiyha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan, aqoonyahan Dr. Axmed Xuseen Ciise, Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Wakiillka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Aadan Muuse Jibriil, Siyaasiga Caanka ah, ahna Afhayeenka  Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Maxamed Baaruud, Axmed Muxumed Madar, Abwaano caan ah oo ay ka mid yihiin Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi], Maxamed Aadan Dacar, Wefti ka socda Dawlada Jabuuti oo uu hogaaminayo Wariyaha ama qoraaga Cabdalla Xaaji Ismaaciil Ceeleeye, qorayaal Caalami ah iyo qaar wadaniyaba oo ay ka mid  tahay Nadiifa Maxamed, Indheer-garad, Naadiga akhristayaasha oo ka kala ymi Gobolada iyo degmoyinka dalka iyo marti-sharaf kale.

 

Carwadan Caalamiga ah oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay, isla markaana dhamaan dadkii ka soo qeybgalay ay yididiiladoodu ay sareysay, waxa dadka madasha fadhiyey ka muuqday niyad wanaag, iyo weliba sida ay diyaarka ugu yihiin inay wax akhristaan, korna u qaadaan heerka wax akhris  halka uu aamnta taagan yahay, waxaana maanta Buugaagta madasha lagu soo bandhigay ay ahaayeen kuwo raacaya xididka

Prof Jaamac Muuse Jaamac ugu horeyn xaflada isagu furey ayaa waxa uu ku dheeraaday halganka looga baahan yahay bulshada inay u gasho koritaanka akhriska iyo qorista, waxa uu yidhi “Sanadkasta waa inaynu hiigsanaa meel, oo aynu bar-tilmaameed yeelanaa, Sanadkii hore waxaynu ka doodnay oo aynu ka hadalnay faaf-reebka, hal ku dhigaas oo umuuro kala kegisan oo dhamaantood xidhiidh la lahaa, mawduucan isku ka-kan, sanadkan waxaynu daah-furi doona hal ku dhiga waddaninimo, waxaynu bilaabi doona oo aynu gar-daadin doona hal ku dhigan ‘Waddaninimo, waxaynu ka doodi doona oo aynu iftiimin doona arrimo xidhiidh la leh waddaninimo.”

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi] oo halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu ka sheekeeyey qiimaha ay leedahay waddaninimadu, dhulka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya qofka sida ay Soomaalidii hore ay ugu guuleysteen inay nolosha u sameystaan al-baab iyaga oo ku nool, nolol la mid ahayd Xabsi.

 

“Waad Salaaman tihiin marka hore, marka xiga waxaynu u Heesna Calanka, waanan u mashxaradna, waa loo istaaga, laakiinse waxaynu ka xumahay in ereyga waddani  noqdo kii ugu danbeeyey ee laga hadlo, Dadku waa ka dal leh, dalkuna waa ka dad leh.”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi]

Abwaan Hadraawi waxa kale oo uu si kale ka bixiyey dhulka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya qofka, waxaanu yidhi “Dhulku waa qofka hankiisa, dhulku waa halka uu ku bururo xabka qofku oo ay ku taallo xabaashiisu, dhulka barashadiisu ayaa ka mudan waxkasta iyo dhulalka kale. Waxa Kale oo waajiba in aad dhulka kaligaa leedahay Sharci ahaan oo uu yahay dhaxalkii awoow-yaasha. Dhulku waa inuu taariikh leeyahay hal abuurna leeyahay”.  Hadraawi waxa   kale oo uu ka hadlay dadkii hore ee Soomaaliyeed oo ku sheegay reer Guura ay noloshoodu la mid ahayd Xabsi, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dadkeeni hore waxay ku noolaayeen nolol reermiyinimo, oo aad adag, oo aan lahayn al-baab looga baxo, waxayse ku guuleysteen inay ku noolaadaan noloshaa adag, waxaana sabab u ahaa baahi yar iyo tacab fara badan.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Labadan Shay ayaa keenay inay doc-faruuraan noloshii xidhneyd, taas oo keentay in aynu markii dambe aynu nimaadno magaalooyinka”

 

“Waxaan leeyahay waa in jiilasha soo socda aynu u dhigno dhaxal uga warama dhulkeena iyo quruxdiisa,”ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

 

Sidoo Kale waxa uu Abwaan Hadraawi Madashasi ka tiriyey Maanso uu curiyey 1970  taas oo ka hadlaysay waxa ay tahay waddaninimadu iyo waajibnimada barashada dhulkaaga hooyo iyo sida qofkasta oo muwaadin ah xilna uga saaran yahay dhulkiisa: waxaana ka mid ahaaa Maansada Tuducyo ka mid ah:

 

“Addoon Baris Tagin

Ama Boodin leexada

Ama aan isku biimayn Baddaha

Ama Boon Ka Sheekayn

Barashada Dalkaaga

Beryo Laga bogtaayo

Beryo la isku hawla” ereyadasi waxay ka mid ahaayeen Maansada cajiibka ah ee Hal-abuurka weyn ee Hadraawi madashaasi ku soo bandhigay.

 

Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Dr. Saleebaan  Axmed Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay ahmiyada ay waddaninimadu leedahay iyo sida loogu baahan-yahay in jiilasha yar yar iyo Manaahijyada Dugsiyada loogu dari lahaa, dadkana loo bari ahaa, waxaanu yidhi “Maadama aynu ka doodeyno Waddani waxaan odhan karaa, Waddani looma dhashee waa la sameeyaa, Barta iyo halka laga beero waddaniyadu waa goobaha waxbarashada iyo dhalinyarada.”

 

Waxa kale Prof.  Saleebaan ka hadlay inay muhiim tahay in jiilasha dambe dhaxal loo dhigo, waxaanu yidhi “Dhalinyarada maanta nool u maleyn maayo inay jiraan kuwo ka wanaagsan, waa dhalinyaro waxbarasho jecel  oo dedaal badan leh, waxaan leeyahay in dhaxal loodhigo dhalinyarada ayaa muhiima, Dawlada duniduna waxay halgan ugu jiraan inay jiilashooda dhaxal laxaad leh u dhigaan, Mar aan booqday dalka Norway ayaa waxaan la yaabay dadka reer Norwey oo aanay ka muuqan lacagtooda ay ka helaan Shidaalka, Markii aan idhi xagee ayaad geysteen dhaqaalihiini ‘Waxay yidhaahdeen waxaanu amaahinay dawladaha reer yurub si jiilashayada dambe uga faa’iideystaan, Waxaan soo xasuusta sida dadka Hargeysa Galbeedkeeda ka xiga aanay uga muuqan lacagtu oo aanad kala garanayn ka taajirka iyo ka faqiirka ah, Halka Bariga aad ku arkayso ninka wax hella Go’a shaala iyo cumaamad.”

 

Prof Saleebaan oo ka hadlayey Waddaninimada iyo waddaniga waxa uu yidhi “Dadkeenu waxay kala garan la’a yihiin tollnimo iyo qabyaalad, dagaaladii aynu soo galnay waxay inoo keeneen waxyaabo taban iyo kuwo togan, Maanta waxaynu mareynaa heer mucjiso ah marka laga eego Siyaasiyan, waxaanan filayaa inta ay dunnidu jirto inay Somaliland Jireyso sida awgeed waxaan ka Codsanayaa Xukuummad Cusub inay manaahijta waxbarashada wax badan laga qabto, Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ka qeybqaatay manhajka Somaliland ee hada, waxaan odhana karaa waxaynu soo saarnay ardey Caalami ah, ee maynaan soo saarin ardey Somalilander ah”

 

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland oo muddo badan degena wadanka Mareykanka, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa soo abaabulayaashi xafladan oo ah Jamaac Muuse Jaamac iyo Ayaan Cashuur, Maanta waxaan leeyahay dadka aynu waddaniyada aynu kaga dayan karno marka aynu ka hadlayno waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa dhalinyaradii UFFO oo naftooda u hibeeyey dalkooda, taasi ayaan ku tilmaami karnaa waddaniyad”

 

“Buugu waxa uu siiyaa qofka dareenka noloshiisa, waxaan xasuusta Kitaab Adfaalkii la noo dhigi jiray markii aanu yar yareyn, oo ka sheekayn jirey sida looga fogaado beenta iyo sheeko xariirooyin xiisa badan, waxaan u soo jeedinayaa Xukuummada Cusub in barnaamijyadeedda ay ku darsato horumarinta waxbarashada, laguna darro manhajka Somaliland Maaddada Civic Education,”

 

Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaynu halkan u nimi inaynu ka doodno ereyga Citizen Ship [Waddaninimo] siddii aynu ugu heli lahayn erey Soomaaliyeed oo ku haboon, ereygan waxa uu ka yimi wadamada Galbeedka dunida waxaanu soo maray marxalado badan, markii ugu horeysay wuxuu soo baxay markii kacaankii warshaduhu bilaabmay 1750-kii, ee ay dadku ku soo bateen magaalooyinka, taas oo keentay inuu qofku xaq  gaar ahaaneed uu ku yeesho Magaaladiisa, oo ka duwan Sharciyadii lagula dhaqmi jiray markii ay dadku ku noolaayeen beeraleyda iyo miyiga.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sharciyadaasi waxay qofka saarayeen waajibaad u gaar ah isaga iyo taakuleyn ay dawladu sinaysay, maanta markaynu ka hadalno dalkeena waxaynu u dhaqanaa si qabiil ahm innaga oo leh Dawlad haddii aad maanta qof gaadhi jiidhsiiso waxa xaalaya labada reer, waxayse ahayd inay maxkamadu fuliso sharciga muwaadinka oo ah  mid waajib saaraya khaladkiisana si toos ah ugu qaadayaa”.

 

Dr. Bulxan oo ka hadlayey xaalada wadanku wakhtigan marayo iyo Is-bedelka Siyaasadeed ee dalka ka dhacay waxa uu yidhi“Maanta talladi Galbeed way ka tagtay oo waxay tagtay Bari haddii aan gocdo hadalkii Saleeebaan ee Kaftanka ahaa Bari waxaynu ka sugaynaa wax-wanaagsan iyo niman Go’a Shaala huwan. Dadka Bariga reer Somaliland ku nool waa dad dalka jecel, balse la dayacay “

 

Khadar  Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ah Guddoomiyaha Unuga Waddaniga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey qiimaha ay leedahay waddaniyadu, iyo sida loogu baahan yahay in dhamaan dadku uga wada qeybgali lahaayeen hirgelinta hadafka umadeed iyo in la aamino dalka.

 

Carwadan  Buugaagta oo madasha lagu soo bandhigay Buugaag fara badan oo ku kala qoran luuqado  fara badan, kuwaas oo dhaqalaale, dhaqan, taariikh, Technology-yada Casriga ah iyo arrimo kale oo badan, waxaanay dhamaantood u badnaayeen qaar ka hadakaya waddaninimada iyo muhiimada ay leedahay.

 

Waxaana Madasha lagu soo bandhigay Heeso ay qaadayeen Kooxda Hidaha iyo dhaqanka SOCSa oo ku labisan calanka Somaliland ee Sadexda midab leh iyo Dharka Hidaha iyo dhaqanka oo dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladaasi ay jecleysteen dhalinyaradan yar yar ee kooxda SOCSA.

 

Mustafe-Janaale


Hargeysa/Somaliland

Email: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 

 

 

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology