Wararka iyo Warbixinaha
| Carwada Caalamiga Ee Buugta Hargeysa Oo Wacdaro Ku Furantay |
|
|
|
| Saturday, 24 July 2010 | |
|
Barnaamijkan oo socon doona muddo shan cisho ah oo ka bilaabmaysay 23 July ilaa 27 july 2010, ayaa waxa lagu lafa guri doona sidii ereyga ‘Waddani” loogu heli lahaa erey Af Soomaali ah oo ku haboon iyo waxay ay tahay Waddaninimadu.
Barnaamijkan oo socon doona muddo shan cisho ah oo ka bilaabmaysay
23 July ilaa 27 july 2010, ayaa waxa lagu lafa guri doona sidii ereyga
‘Waddani” loogu heli lahaa erey Af Soomaali ah oo ku haboon iyo waxay ay
tahay Waddaninimadu.
Xafladan oo ay
ka soo qeybgaleen aqoonyahano ay hogaaminayaan Prof Jaamac Muuse Jaamac
oo ah Barres are oo wax ka dhiga Jaamac ku taalada dalka Talyaaniga,
Guddoomiyha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, Guddoomiyaha
Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan, aqoonyahan Dr. Axmed Xuseen Ciise,
Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Wakiillka Somaliland u fadhiya dalka
Ingiriiska Aadan Muuse Jibriil, Siyaasiga Caanka ah, ahna Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Maxamed
Baaruud, Axmed Muxumed Madar, Abwaano caan ah oo ay ka mid yihiin Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi], Maxamed Aadan Dacar, Wefti ka
socda Dawlada Jabuuti oo uu hogaaminayo Wariyaha ama qoraaga Cabdalla
Xaaji Ismaaciil Ceeleeye, qorayaal Caalami ah iyo qaar wadaniyaba oo ay
ka mid tahay Nadiifa Maxamed, Indheer-garad,
Naadiga akhristayaasha oo ka kala ymi Gobolada iyo degmoyinka dalka iyo
marti-sharaf kale.
Carwadan Caalamiga ah oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay, isla markaana dhamaan dadkii ka soo qeybgalay ay yididiiladoodu ay sareysay, waxa dadka madasha fadhiyey ka muuqday niyad wanaag, iyo weliba sida ay diyaarka ugu yihiin inay wax akhristaan, korna u qaadaan heerka wax akhris halka uu aamnta taagan yahay, waxaana maanta Buugaagta madasha lagu soo bandhigay ay ahaayeen kuwo raacaya xididka
Prof
Jaamac Muuse Jaamac ugu horeyn xaflada isagu furey ayaa waxa uu ku
dheeraaday halganka looga baahan yahay bulshada inay u gasho koritaanka
akhriska iyo qorista, waxa uu yidhi “Sanadkasta waa inaynu hiigsanaa
meel, oo aynu bar-tilmaameed yeelanaa, Sanadkii hore waxaynu ka doodnay
oo aynu ka hadalnay faaf-reebka, hal ku dhigaas oo umuuro kala kegisan
oo dhamaantood xidhiidh la lahaa, mawduucan isku ka-kan, sanadkan
waxaynu daah-furi doona hal ku dhiga waddaninimo, waxaynu bilaabi doona
oo aynu gar-daadin doona hal ku dhigan ‘Waddaninimo, waxaynu ka doodi
doona oo aynu iftiimin doona arrimo xidhiidh la leh waddaninimo.”
“Waad Salaaman tihiin marka hore, marka xiga waxaynu u Heesna Calanka, waanan u mashxaradna, waa loo istaaga, laakiinse waxaynu ka xumahay in ereyga waddani noqdo kii ugu danbeeyey ee laga hadlo, Dadku waa ka dal leh, dalkuna waa ka dad leh.”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi]
Abwaan Hadraawi
waxa kale oo uu si kale ka bixiyey dhulka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya
qofka, waxaanu yidhi “Dhulku waa qofka hankiisa, dhulku waa halka uu ku
bururo xabka qofku oo ay ku taallo xabaashiisu, dhulka barashadiisu ayaa
ka mudan waxkasta iyo dhulalka kale. Waxa Kale oo waajiba in aad dhulka
kaligaa leedahay Sharci ahaan oo uu yahay dhaxalkii awoow-yaasha.
Dhulku waa inuu taariikh leeyahay hal abuurna leeyahay”. Hadraawi waxa kale oo uu ka hadlay dadkii hore ee Soomaaliyeed oo
ku sheegay reer Guura ay noloshoodu la mid ahayd Xabsi, isaga oo arrinta
ka hadlayana waxa uu yidhi “Dadkeeni hore waxay ku noolaayeen nolol
reermiyinimo, oo aad adag, oo aan lahayn al-baab looga baxo, waxayse ku
guuleysteen inay ku noolaadaan noloshaa adag, waxaana sabab u ahaa baahi
yar iyo tacab fara badan.”
Isaga oo
hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Labadan Shay ayaa keenay inay
doc-faruuraan noloshii xidhneyd, taas oo keentay in aynu markii dambe
aynu nimaadno magaalooyinka”
“Waxaan
leeyahay waa in jiilasha soo socda aynu u dhigno dhaxal uga warama
dhulkeena iyo quruxdiisa,”ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.
Sidoo Kale waxa
uu Abwaan Hadraawi Madashasi ka tiriyey Maanso uu curiyey 1970 taas oo ka hadlaysay waxa ay tahay waddaninimadu iyo
waajibnimada barashada dhulkaaga hooyo iyo sida qofkasta oo muwaadin ah
xilna uga saaran yahay dhulkiisa: waxaana ka mid ahaaa Maansada Tuducyo
ka mid ah:
“Addoon Baris
Tagin
Ama Boodin
leexada
Ama aan isku
biimayn Baddaha
Ama Boon Ka
Sheekayn
Barashada
Dalkaaga
Beryo Laga
bogtaayo
Beryo la isku
hawla” ereyadasi waxay ka mid ahaayeen Maansada cajiibka ah ee
Hal-abuurka weyn ee Hadraawi madashaasi ku soo bandhigay.
Guddoomiyaha
Jaamacada Camuud Dr. Saleebaan Axmed Guuleed oo
isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay ahmiyada ay
waddaninimadu leedahay iyo sida loogu baahan-yahay in jiilasha yar yar
iyo Manaahijyada Dugsiyada loogu dari lahaa, dadkana loo bari ahaa,
waxaanu yidhi “Maadama aynu ka doodeyno Waddani waxaan odhan karaa,
Waddani looma dhashee waa la sameeyaa, Barta iyo halka laga beero
waddaniyadu waa goobaha waxbarashada iyo dhalinyarada.”
Waxa kale Prof. Saleebaan ka hadlay inay muhiim tahay in jiilasha
dambe dhaxal loo dhigo, waxaanu yidhi “Dhalinyarada maanta nool u maleyn
maayo inay jiraan kuwo ka wanaagsan, waa dhalinyaro waxbarasho jecel oo dedaal badan leh, waxaan leeyahay in dhaxal
loodhigo dhalinyarada ayaa muhiima, Dawlada duniduna waxay halgan ugu
jiraan inay jiilashooda dhaxal laxaad leh u dhigaan, Mar aan booqday
dalka Norway ayaa waxaan la yaabay dadka reer Norwey oo aanay ka muuqan
lacagtooda ay ka helaan Shidaalka, Markii aan idhi xagee ayaad geysteen
dhaqaalihiini ‘Waxay yidhaahdeen waxaanu amaahinay dawladaha reer yurub
si jiilashayada dambe uga faa’iideystaan, Waxaan soo xasuusta sida dadka
Hargeysa Galbeedkeeda ka xiga aanay uga muuqan lacagtu oo aanad kala
garanayn ka taajirka iyo ka faqiirka ah, Halka Bariga aad ku arkayso
ninka wax hella Go’a shaala iyo cumaamad.”
Dr. Axmed
Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland oo muddo badan
degena wadanka Mareykanka, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi
“Waxaan u mahad-celinayaa soo abaabulayaashi xafladan oo ah Jamaac
Muuse Jaamac iyo Ayaan Cashuur, Maanta waxaan leeyahay dadka aynu
waddaniyada aynu kaga dayan karno marka aynu ka hadlayno waxaynu tusaale
u soo qaadan karnaa dhalinyaradii UFFO oo naftooda u hibeeyey dalkooda,
taasi ayaan ku tilmaami karnaa waddaniyad”
“Buugu waxa uu
siiyaa qofka dareenka noloshiisa, waxaan xasuusta Kitaab Adfaalkii la
noo dhigi jiray markii aanu yar yareyn, oo ka sheekayn jirey sida looga
fogaado beenta iyo sheeko xariirooyin xiisa badan, waxaan u soo
jeedinayaa Xukuummada Cusub in barnaamijyadeedda ay ku darsato
horumarinta waxbarashada, laguna darro manhajka Somaliland Maaddada
Civic Education,”
Guddoomiyaha
Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa
waxa uu yidhi “Maanta waxaynu halkan u nimi inaynu ka doodno ereyga
Citizen Ship [Waddaninimo] siddii aynu ugu heli lahayn erey Soomaaliyeed
oo ku haboon, ereygan waxa uu ka yimi wadamada Galbeedka dunida waxaanu
soo maray marxalado badan, markii ugu horeysay wuxuu soo baxay markii
kacaankii warshaduhu bilaabmay 1750-kii, ee ay dadku ku soo bateen
magaalooyinka, taas oo keentay inuu qofku xaq gaar
ahaaneed uu ku yeesho Magaaladiisa, oo ka duwan Sharciyadii lagula
dhaqmi jiray markii ay dadku ku noolaayeen beeraleyda iyo miyiga.”
Isaga oo
hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sharciyadaasi waxay qofka saarayeen
waajibaad u gaar ah isaga iyo taakuleyn ay dawladu sinaysay, maanta
markaynu ka hadalno dalkeena waxaynu u dhaqanaa si qabiil ahm innaga oo
leh Dawlad haddii aad maanta qof gaadhi jiidhsiiso waxa xaalaya labada
reer, waxayse ahayd inay maxkamadu fuliso sharciga muwaadinka oo ah mid waajib saaraya khaladkiisana si toos ah ugu
qaadayaa”.
Dr. Bulxan oo
ka hadlayey xaalada wadanku wakhtigan marayo iyo Is-bedelka Siyaasadeed
ee dalka ka dhacay waxa uu yidhi“Maanta talladi Galbeed way ka tagtay oo
waxay tagtay Bari haddii aan gocdo hadalkii Saleeebaan ee Kaftanka ahaa
Bari waxaynu ka sugaynaa wax-wanaagsan iyo niman Go’a Shaala huwan.
Dadka Bariga reer
Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ah Guddoomiyaha Unuga
Waddaniga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey qiimaha
ay leedahay waddaniyadu, iyo sida loogu baahan yahay in dhamaan dadku
uga wada qeybgali lahaayeen hirgelinta hadafka umadeed iyo in la aamino
dalka.
Carwadan Buugaagta oo madasha lagu soo bandhigay Buugaag fara
badan oo ku kala qoran luuqado fara badan, kuwaas
oo dhaqalaale, dhaqan, taariikh, Technology-yada Casriga ah iyo arrimo
kale oo badan, waxaanay dhamaantood u badnaayeen qaar ka hadakaya
waddaninimada iyo muhiimada ay leedahay.
Waxaana Madasha
lagu soo bandhigay Heeso ay qaadayeen Kooxda Hidaha iyo dhaqanka SOCSa
oo ku labisan calanka Somaliland ee Sadexda midab leh iyo Dharka Hidaha
iyo dhaqanka oo dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladaasi ay
jecleysteen dhalinyaradan yar yar ee kooxda SOCSA.
Mustafe-Janaale
Hargeysa/Somaliland
Email:
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |






