Wararka iyo Warbixinaha
| GABAYGA DHUGUC: Daymo Gaar ah |
|
|
|
| Sunday, 18 July 2010 | |
|
Wq. Xasan C. Madar
Dhulka iyo markii aad
gubteen, dhoobadii degelka
Dhacdo murugo iyo xanuun badan baa gabayga “Dhuguc” ee
qormadani ku aaddan tahay ka hadlayaa. Gabayga oo uu tiriyey Maxamed
Yuusuf X. Cabdi (Kayse), wuxu ka dhashay dhacdo ugub ah ogaalkay oo
murugo iyo calool xumo xambaarsan.
Maanso, gabay ama suugaani waxay macno leeyihiin markay ujeeddo
salka ku hayaan. Maansada dhabta ah lama doontee way ku soo doonataa.
Abwaanka Cabdi Aadan Qays maanso uu tiriyey ayaa in badan dareenka dadka si
weyn u taabata, waa inta wax dareenta ee dadnimo ku jirto’e. Dadku muuqa waa
wada dad, haddana badh baa hoosta dugaag ka ah balse kaba sii liita. Marka
muuqa laga tago ayaa caqliga iyo garashada lagu kala tagsan yahay oo qofna waxa
ka muuqata karaamadii iyo sharaftii Eebbe ku sheegay aadamaha midna waxa ka soo
if baxa dabeecadaha dugaagga iyo bahalaha.
Aan sheekada ku soo noqdee intaanan u gudbin dulucda qormadan iyo
sheekada Maxamed Yuusuf X. Cabdi (Kayse) iyo gabaygiisa ‘Dhuguc’; iyo waxa maanta igu xambaaray ka hadalkeeda iyo soo
gudbinteeda, bal aan ku hormaro tixo iyo tilmaamo aan ka soo qaatay maanso uu
tiriyey Cabdi Aadan Qays. Wuxu ka warramayaa ilme yar ooo uurka hooyadii
ku jira oo habartii ku leedahay “Soo
dhalo hooyo.... ” Ilmihiina dacwaddiisa ayuu soo gudbinayaa oo wuxu leeyahay..’Dhalan maayoo...dhalan maayo...’ Sababta aanu u dhalanaynna
wuu sii sharraxayaa:
Waa ilmo yar oo ku jira uurka hooyadii, wuxu diidayaa inuu soo
dhasho,wuu doodayaa, wuu garnaqsanayaa oo wuu sababaynayaa waxa uu u soo dhalan
laayahay. Wuxu sawir ka bixinayaa muuqaalka iyo qaabka ay u taal meesha uu ku
soo dhalanayo; wuxu ku doodayaa in hadduu soo dhasho uu kollay silic u
dhimanayo. Wuxu diidayaa inuu ku soo dhasho meel aan xataa dhallaanka loo
naxayn oo lagu dhibayo, lagu dilayo, meel dhiig daadinta iyo colaaduhu dhaqan u
yhiin, meel aan biri- ma- geydo lahayn. Wuxu inna weydiinayaa macnaha ay u
samaynayso ku soo dhalashada degaanka caynkaas ah.
Aan in yar inna dul geeyo sida dareenka maansadani ugu dhashay
Maxamed-Kayse. Abwaanku wuxu booqday mareegta wararka ee la yidhaa: jilibweyn.com oo
baahisay warkan soo socda taariikhdu markay ahayd 2-3- 2009. Warku sidan buu u
qornaa (sawirka korena wuu la socday):
´´ Isbitaalka Madiina ee
magaalada Muqdisho ayaa dagaalladii dhowaan ka dhacay dhaawacii la keenay waxa
ka mid ahaa Hooyo Uur leh oo dhaawac soo gaadhay,balse waxaa naxdin ahayd in
hooyada canug ay uurka ku siddey rasaasi ugu tagtey Caloosha hooyadiis. Waxa
hooyadaa lagu sameeyey qalliin muddo saacado ah qaatay, waxaana laga soo saaray
canuggii oo mayd ah, oo rasaastu kaga dhacday garabka meel u dhow oo wadnaha ku
beegan.´´
Haaaaaaaa...intaa markuu arkay Maxamed-Kayse ayaa dareenkii soo
dhuftay oo qalbigiisii rogmaday. Dareenka iyo godlashada maanka haddaad u weydo
wax aad ku halbeegto, xanuunka iyo murugadu dib bay kuugu noqdaan oo ma
awooddid inaad cid kale farriinta gaadhsiisid, halkaana waxa ku curyaama wax ka
qabashadii dhibaatada iyo gurmadkii... Qofka abwaanka ahi wuu ka nasiib
badan yahay dadka mararka qaar oo dareenkiisa iyo culayska saaran ayuu awoodda
maansada ku soo daadejin karaa, markaas oo uu woxogaa nafis ah dareemo.
Marar badanna wuu ka nasiib daran yahay dadka oo si aan dadku u damqan buu u
damqadaa, wax aan dadka kale ka damqan buu ka damqadaa, wax dadka aan u muuqan
baa u muuqda..isaga oo gu’yaal soo dhibtooday baa dadka kalena soo gaadhaa.
Dooddii ilmaha uurka ku jira iyo hooyadii ee ahayd: Soo dhalo iyo dhalan maayo,.. iyadoon weli biyo
dhicin ayaa masiibo ugu tagtay halkiisii. Codkii ilmaha iyo kii hooyaduba
halkaasuu ku soo xidhmay. Intii ku hareeraysnayd ee ilmaha ku lahayd: Ha dhibin hooyadaaye soo dhalo..iyana halkaasaa afka iyo
gacantu isku dhegeen.
Wuxu gabaygu ka hadlayaa dambiilaha maanta iyo dadka dulmiga ku
difaacaya si uu ubadkooda u dabargooyo. Wuxu la hadlayaa dadnimada iyo
garashada goob kasta iyo goor kasta oo ay joogto. Ka maanta nool iyo ka berri
dhalan doona ayuu la hadlayaa. Wuxu la hadlayaa inta bed-qabta ee dhulkooda iyo
dadkoodu fayow yihiin inuu u noqdo cashar iyo waaye ay wax ka bartaan si ay uga
badbaadaan masiibo tan la mid ah. Wuxu la hadlayaa dhego wax maqli kara iyo
qalbi naxariisi ku dambayso. Aynu dhuuxno gabaygii ‘Dhuguc’:
Dhawaaqii samaaneed markii,
dhegaha loo diiday
Xasan C. Madar
(1) Maansada
‘Darmaan iyo Dalxiis’ Cabdi Qays, Buugga Nabaadiino. |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





