Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
GABAYGA DHUGUC: Daymo Gaar ah PDF Print E-mail
Sunday, 18 July 2010

 Wq. Xasan C. Madar 

Dhulka iyo markii aad gubteen,  dhoobadii degelka
Dhallinyariyo waayeel markii , dhuunta laga gooyey
Haweenkiyo dhabeelii markii,  dhiigga laga daadshay
Markii aad dhashiinii cunteen,  dhababacaynaysay
Uurkana dhallaankii ku jiray,  weydinkaa dhibaye

Dhacdo murugo iyo xanuun badan baa gabayga  “Dhuguc” ee qormadani ku aaddan tahay ka hadlayaa.  Gabayga oo uu tiriyey Maxamed Yuusuf X. Cabdi (Kayse), wuxu ka dhashay dhacdo ugub ah  ogaalkay oo murugo iyo calool xumo xambaarsan.

 

 

Maanso, gabay ama suugaani waxay macno leeyihiin markay ujeeddo  salka ku hayaan. Maansada dhabta ah lama doontee way ku soo doonataa. Abwaanka Cabdi Aadan Qays maanso uu tiriyey ayaa in badan dareenka dadka si weyn u taabata, waa inta wax dareenta ee dadnimo ku jirto’e. Dadku muuqa waa wada dad, haddana badh baa hoosta dugaag ka ah balse kaba sii liita. Marka muuqa laga tago ayaa caqliga iyo garashada lagu kala tagsan yahay oo qofna waxa ka muuqata karaamadii iyo sharaftii Eebbe ku sheegay aadamaha midna waxa ka soo if baxa dabeecadaha dugaagga iyo bahalaha.
Qofka wax baa dabra:

Haddaan diintu qabanayn(1)
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa qabtaa jirin
Dadku waa belaayee
In dameerka aadmigu
Darajada ka hoos maro
Ama  dawladaha qaar
Xayawaanka duurkiyo
Dugaaggii ka liitaan
Kumay jirin duruustee
Diiwaanka waayaha
Dib ma loogu qorayaa!

Aan sheekada ku soo noqdee intaanan u gudbin dulucda qormadan iyo sheekada Maxamed Yuusuf X. Cabdi (Kayse)  iyo gabaygiisa ‘Dhuguc’;  iyo waxa maanta igu xambaaray ka hadalkeeda iyo soo gudbinteeda, bal aan ku hormaro tixo iyo tilmaamo aan ka soo qaatay maanso uu tiriyey Cabdi Aadan Qays. Wuxu ka warramayaa  ilme yar ooo uurka hooyadii ku jira oo habartii ku leedahay “Soo dhalo hooyo.... ” Ilmihiina dacwaddiisa ayuu soo gudbinayaa oo wuxu leeyahay..’Dhalan maayoo...dhalan maayo...’ Sababta aanu u dhalanaynna wuu sii  sharraxayaa:

Dhalan maayoo...(2)
Meel dhallaanka lagu dilo
Ku dhalan maayo
Meelaan cidi i dhawrayn
Ku dhalan maayo
.....
Dhiigga iyo colaadaha
Ku dhalan maayo...
Dagaalada dhexdiinna
Ku dhalan maayo...
Dhagartiyo Iyo waxyeellada
Ku dhalan maayo...

Waa ilmo yar oo ku jira uurka hooyadii, wuxu diidayaa inuu soo dhasho,wuu doodayaa, wuu garnaqsanayaa oo wuu sababaynayaa waxa uu u soo dhalan laayahay. Wuxu sawir ka bixinayaa muuqaalka iyo qaabka ay u taal meesha uu ku soo dhalanayo; wuxu ku doodayaa in hadduu soo dhasho uu kollay silic u dhimanayo. Wuxu diidayaa inuu ku soo dhasho meel aan xataa dhallaanka loo naxayn oo lagu dhibayo, lagu dilayo, meel dhiig daadinta iyo colaaduhu dhaqan u yhiin, meel aan biri- ma- geydo lahayn. Wuxu inna weydiinayaa macnaha ay u samaynayso ku soo dhalashada degaanka caynkaas ah.

Maansadu si sarbeeb iyo farshannimo ku dheehan tahay bay wax innoogu sheegaysaa, waxay inna baraysaa in ubadka aynu dhalayno u sii diyaarinno degaan ku habboon, degaan nabadeed ay ku nabad galaan, ku helaan negaadi iyo nolol xor ah, ka xor ah dhib iyo waxyeello; ka xor ah cudur iyo aqoon darro. Waxa maansadu inna tusaysaa sida qaaradda Afrika ay dunida uga dambayso ee ay u tahay meel ubadka lagu xabaal nololiyo oo aanay ka suuroobayn nolol barwaaqo iyo badhaadhe ku dheehan tahay inta dadkeedu sidan yahay.

Ilmahaa abwaan Cabdi Qays innoo sawirayo  ayaa sawir labaad oo  kii hore ka naxdin,  murugo iyo calool-xumo badan Maxamed-Kayse ka bixinayaa. Maxamed-Kayse isna wuxu adeegsanayaa awoodda ereyga. Xaaladaha qaar waxay gaadhaan heer tix iyo tiraab midna sida ay yihiin aan loogu soo tebin karin.

Aan in yar inna dul geeyo sida dareenka maansadani ugu dhashay Maxamed-Kayse. Abwaanku wuxu booqday mareegta  wararka ee la yidhaa: jilibweyn.com oo baahisay warkan soo socda taariikhdu markay ahayd 2-3- 2009. Warku sidan buu u qornaa (sawirka korena wuu la socday):

´´ Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa dagaalladii dhowaan ka dhacay dhaawacii la keenay waxa ka mid ahaa Hooyo Uur leh oo dhaawac soo gaadhay,balse waxaa naxdin ahayd in hooyada canug ay uurka ku siddey rasaasi ugu tagtey Caloosha hooyadiis. Waxa hooyadaa lagu sameeyey qalliin muddo saacado ah qaatay, waxaana laga soo saaray canuggii oo mayd ah, oo rasaastu kaga dhacday garabka meel u dhow oo wadnaha ku beegan.´´

Haaaaaaaa...intaa markuu arkay Maxamed-Kayse ayaa dareenkii soo dhuftay oo qalbigiisii rogmaday. Dareenka iyo godlashada maanka haddaad u weydo wax aad ku halbeegto, xanuunka iyo murugadu dib bay kuugu noqdaan oo ma awooddid inaad cid kale farriinta gaadhsiisid, halkaana waxa ku curyaama wax ka qabashadii dhibaatada iyo gurmadkii... Qofka  abwaanka ahi wuu ka nasiib  badan yahay dadka mararka qaar oo dareenkiisa iyo culayska saaran ayuu awoodda maansada ku soo daadejin karaa, markaas  oo uu woxogaa nafis ah dareemo. Marar badanna wuu ka nasiib daran yahay dadka oo si aan dadku u damqan buu u damqadaa, wax aan dadka kale ka damqan buu ka damqadaa, wax dadka aan u muuqan baa u muuqda..isaga oo gu’yaal soo dhibtooday baa dadka kalena soo gaadhaa.

Maxamed –Kayse markuu warkan dhiillada leh akhristay waxa caawiyey hibada abwaannimo ee Eebbe siiyey oo ereyadan ayaa markiiba ka soo booday. In dhacdo lagu halbeego  suugaan waxay fududaysaa in si wacan dadku u dareemaan laxaadka waxyeellada dhacday, qalbigooda ayey gilgishaa, naxariis bay ku beertaa, inay dhinaca wanaagga u leexdaan bay ku caawisaa. Gabaygani waxa uu soo baxay markii  abwaanku maqlay, arkay ee akhriyey warkaa naxdinta leh.

Maxamed-Kayse wuxu gabayga ku leeyahay: Markii wanaaggii laga baydhay, markii nabad la diiday, markii dawladnimo la diiday, markii talo la diiday, markii si aan soohdin la hayn loogu xadgudbay xuquuqdii dadka ee dumar, waayeel iyo dhallinyaroba birta laga aslay waxa dhaxalku noqday in ilmihii soo dhalan lahaana halkiisa loogu tegay.

Dooddii ilmaha uurka ku jira iyo hooyadii ee ahayd: Soo dhalo iyo dhalan maayo,.. iyadoon weli biyo dhicin ayaa masiibo ugu tagtay halkiisii. Codkii ilmaha iyo kii hooyaduba halkaasuu ku soo xidhmay. Intii ku hareeraysnayd ee ilmaha ku lahayd:  Ha dhibin hooyadaaye soo dhalo..iyana halkaasaa afka iyo gacantu isku dhegeen.

Wuxu gabaygu ka hadlayaa dambiilaha maanta iyo dadka dulmiga ku difaacaya si uu ubadkooda u dabargooyo. Wuxu la hadlayaa dadnimada iyo garashada goob kasta iyo goor kasta oo ay joogto. Ka maanta nool iyo ka berri dhalan doona ayuu la hadlayaa. Wuxu la hadlayaa inta bed-qabta ee dhulkooda iyo dadkoodu fayow yihiin inuu u noqdo cashar iyo waaye ay wax ka bartaan si ay uga badbaadaan masiibo tan la mid ah. Wuxu la hadlayaa dhego wax maqli kara iyo qalbi naxariisi ku dambayso. Aynu dhuuxno gabaygii ‘Dhuguc’:

Dhawaaqii samaaneed markii,  dhegaha loo diiday
Dhaxal weeye maamule markii,  geesta laga dhaafay
Taladii dhisnaan layd markii,  dhidibka loo fayday
Dheeldheel markii  lagu tirtiray,  dhuuxyadii qaranka
Nabaddii la dhooldhoodinlaa,  maalintay dhugucday
Dhagaraha kuwiinaa qabaa,  oogay dhiillada´e
Dhulka iyo markii aad gubteen,  dhoobadii degelka
Dhallinyariyo waayeel markii , dhuunta laga gooyey
Haweenkiyo dhabeelii markii,  dhiigga laga daadshay
Markii aad dhashiinii cunteen,  dhababacaynaysay
Uurkana dhallaankii ku jiray,  weydinkaa dhibaye
Dhalaq yar oo makaan jiifa baa,  dhamac ku taagteene
Dhabarkaa rasaas kala dhacdeen,  ilmo aan dhalane
Alle weydin dheehanahayaa,  waxaad dhigaysaane
Dhoy laaweyaalyahow ka hadha,  dhumise uunkiiye.

Xasan C. Madar
E-Mail:
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

(1) Maansada ‘Darmaan iyo Dalxiis’ Cabdi Qays, Buugga Nabaadiino.
(2) Maansada ‘ Dhalan maayo’ Cabdi Qays, Buugga Nabaadiino

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology