You are here : Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010
Wararka iyo Warbixinaha
| Xikaayadka Qaadka -----BELAAYO- BADHAR QAADA IYO QOSOLKIISA - JACBUR |
|
|
|
| Sunday, 18 July 2010 | |
|
Inta Badan Qaadkii Maansooyiin
badan iyo Gabayo badan baa loo tiriyee bal eega imikana Jidka loo maro
Qaadka ayaanu Jacburkan ka sameeynay ee Nala qaybsada; Waxaa si wada jir
ah u tiriyey oo Facebooka kaga hadlay arrinkan IYADOO GOLE KA FUUL AH
MAGACYADA HOOSE;
Axmed Cali Nuur, Malasia
Jamaal Cali Xuseen, Ivory Coast Khadiija Cabdiraxmaan Ismaaciil, FINLAND Jamaal Cali Xuseen baa bilaaboo yidhi; Marka aad isku buuqdo, Badhar Qaad ah haleesho, Barqadiiba qadeeyso, Lugta hoosta ka boobto, marfashkii isku beegto, Iyadoo la balweeyay, Baxsan shaaha dhigayso, Adigoo dhidid buuxa Burqamaaye agtiisa, Badhadii la haleesho Xaraarad kugu biirtay Bidhkasiiso sigaarka Kala baadho caleenta, O Adoon kuba buusin Qowdhamaye bilaabo Beensalbaad sidataaye Ha bakhayline maanta Doqon baan bixin geede Midho keen bal sigaarka Qoryahaa badidooda Jabis weeye bidhantu, Adigoon u bugeeynin Bixintaa dabadeeda Aad bigayska u yeedho oo bilaahi calaykata , hebel waa nin balaaya adiga bara dhaafashay Kaftankii boqranaa iyo, ... Qosol aad u bogeyso, Iyo sheeko bilaashta Laysku baaqo markiiba, Bidhu yeedho sigaarka Oo kulaylka bal qiiqu Indhihii badh caseeyo, Oo mirqaanka bilaabmay Qolo ay burqamayso Xikmad aan bari joogin Oo bar kuma taalla Baaba´eedu cadaanyay Bartaas laysugu keeno, Adigoo isla boodsan Oo cirka bal maraya Shekada u bogaaya Burqamaye ku guraayo Hadalkaga badh dhiibto *********************** Ahmed Ali Nour ayaa ku sii daray oo yidhi; Sacadaa bigta haysa Dabeed isku buuxdo Shanta ay badh qudhaata barta ay isku taagto... Isku buuqu yaraado Labadii isku baala Midba baal ka fadhiistay Barkin ay u dhaxayso Sheeko baariya hoosta Ama beenta mirqaabka Midba meel ka bilaabo O garaabo is buurtay o Sigaarkiyo buufta Iyo haashku is buuxsho Camiraada badheedhka Marka ay bacdu heesto E habeen badhna gaadho Qarxiskii la bilaabo Dabadeed bacdu heesto Biyo raacis la keeno Dabadeed bacdu heesto O yabaal boholyoogu Barta u ka bilaabmo ************************** Khadiija Cabdiraxmaan ayaa ku sii dartay oo tidhi; waxoogaa balbalaadhshe, oo yabaal boholyowgii bartaa uu ka bilaabmoo baraduu degganaa u ku beego dhaqaaqa bilantii uu jeclaana hadal uu ku bilaabo barbar nooga istaag naagtu buuq badanaa basar baanad lahayn wadnahaad na bislaysay Badana lacag keentu Mijintii badankeeda Bartiiban ka uruurshay Gogo’aan badi keenay Baxasaneey gibigeedba Wa bilaahi shaxaad Haygu buuqin hadere Bari waaga dilaaca Balan weeye xabiibi Inu reerku badhaadho U shaqeeyo badhkayga ********************************** Jamal Ali Hussein ayaa ku sii daray markan qofkii oo seexday oo sariirta tagay oo is canaanya oo leh xuma maxad u cunatay waxa…… Ma hadaad is bilowday Runta beerka u shegatay Ka deyrisay beentiyo Sheeko bilaashtiiba Baylahdaada bal fiiri Ahe waxa bacad yaaliyo Beenta bal aad isu sheegtay Buufiskaa kugu raagay Bef beftaa hadalkaaga Adigaa boholyowgaa Isku kenay belaayo Balse waan iska dayay Hadii an bari gaadho Balan baan ku xariiqay Inan daan dib u buusin Bidh ka siinin sigaarba….. (kkkk ma la hubaa inaad dayntooooo) Mirqaankaa bi´ihiisa Belaayadu bal shidaayo Bilaahi Bal eegoo Waa bad story isku biirtay ( kkkkkk) Ahmed Ali Nour Halka markay marayso ayuu qaadkii oo xayraansan xantiisa maqlay waxanu so diray warqad galysan marki anu furnay waxa ku qornaaa ….. Waxa an ku bilaabay Baxsanow I dhagayso Waan ogaa badidiinba Barta aalada fayska ---- facebooga Iyadoo badowaysan Cashar laygu bilaabay buugna layga qoraayo wadhiyeey bal cajiibka iyadoon la ii baafin ama baaq la isiinin inta beeshu heshiisay iyagoo bulhamaaya o fanaanka ka buuxa qaaragiyo buugta ardaydii baranaysay baraheeda duruusta tima dheer badideeda ragu u I bilaabay o xantii la banaysatay baladkii wada gaadhay baxsanow idilkiinba Waan ogaa badidiinba Idinkoo ka badheedha Nina aan ka baqaynin Faladii burburkiina Iyo eeda barteeda Ninka biiya wanaaga Saxa boodhka ku aasa E bukaanka hadeerto Inta waalida booda Dhamanteedba balaayo Lagu sheegay bartayda Iyo buulka naftayda Bal se wa iska beene Baxsanow I dhagayso Wada eeg baladkaaga Duqaydaada bal fiiri Anigaa u bidhaana Burjigooda ana ah, Wada eeg baladkaaga Marka u bidixdiisa Boga uu igu haysto farxadu burqanaayo kuma baano bilaashe Boqorkiisa ana ah, Wada eeg baladkaaga Hadi ay mar balaayo Colaadi la bilaabo Barta geedka hadhkiisa Badiidoodba suldaano Anigaa ugu baaqa Oo colaada balaayo Bulshadiina wanaagsan ka badbaadiya geeri Wada eeg baladkaaga Marka bahaadi guurka Aniga u bisleeya Odayasha badh keena, Wada eeg baladkaaga Madaxdaada bal fiiri Boqorkooda ana ah hadii aan galin baaqdo baabahbaad wada tiine Boqorkiina anah ....... Waxuu sheegatayba inuu isagu yahay mamulka dhabta ah ama boqorka bulshada. ********************************** Khadiija Cabdiraxmaan aya halka kusoo noqotay iyadoo u jawabaysa qaad oo ku leh…. Beena maad kuba sheegin Hadalkaa badankiisu pure weeye runtiiye Baaba´aad dhulka keentay Baadhitaan ku samaynay Bulshadii badideedba Barbaartii idilkeedba Baabah baad ka dhigtoo Waad na baabi´isee Imisaad ruux boqranaa Bigil aad u tuntoo oo busarad u keentay o dabeedna badwaynta Badhtaneeda ku tuurtay Baadi aan la helaynin Waligeedaba la baafsho aad ka yeeshay bukaan Diyaariye/ iskuduba ride: Axmed Ali Nour |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





