Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Madasha Murtimaal Iyo Abwaanad Saado Ciise Cismaan PDF Print E-mail
Saturday, 17 July 2010

Source:  murtimaal.com

Abwaanad Saado Ciise Cismaan, waxay dhalatay,gugii  1975 kii waxay ku dhalatay magaala madaxda jamhuuriyadda Somaliland, khaas ahaan xaafadda Lagu magacaabo, Gacan libaax, markii ay yaraydna halkaas ayey ka gashay dugsiga quraanka, oo  sida caadada ah,  markuu qof ku yar yahay lagu  bar-baariyo diinteenna suubban ee Islaamka, markaa ka dib Saado kaligeed ayaa loo diray,

magaalada Muqdisho  oo ahayd markaa Caasimaddii  waddankii la isku odhan jiray Somalia, sida iyadoo yar halkaa loo geeyey ayey nolosheedii dhalin yarnimo iyo wax barashadii aasaasiga ahayd ba ku soo qaadatay halkaasi, dugsigii hoose iyo dugsigii dhexeba iyo kii sareba ku soo qaadatay.

 Waxay waxbarashada markii ay dhiganaysay ahayd  qof aad ugu fiican tacliinta, oo meelo fiican ka gali jirtay iskuulkeeda, sida oo kale waxay ka qayb qaadan jirtay, ruwaayada iskuulku markaa kula tar-tamo dugsiyada kale, oo ay wax ka jili jirtay, hadii ruwaayad ay dhigayaan loo dhiibo Saado waxay ku dari jirtay, erayo suugaan ah,  oo ay iyadu iska lahayd, oo ay maskaxdeeda ka samayn jirtay, markaasna dadkii daawanayey way u  bogi jireen, waxay dhawr jeer carrabaabeen dadkaasi  inay suugaan yahannad noqon doonto, marka ay gaadho wakhti qaan gaadhka  ah, tiina way rumowday markaynu imika aragno suugaan badan oo ay tiriso, waayo carrabka dadku waxa jira marar ay samadu furantahay oo halkaas lagu aqbalo.

Saado suugaanteeda waxay aamin santahay inay hidde tahay oo ay ka dhaxashay adeeradeed iyo waaliddkeed oo iyaguna suugaan maal iyo suugaan yahanno ahaayeen,  halkaasna ay ka hidde raacday, waxay kaloo ay raacisay inay adeeradeed dhowr jeer isku gabyeen abwaankii waynaa Qaasim.

Dayrtii 1989 kii ayuu markii uu bur-buray waddankii Somalia , ay iyaduna sida qayrkeed u qaxeen u qaxday, wadamada dadka qalaad is ka leeyihiin , waxay qaxooti ku noqotay halkaas oo ay iska dhiibtay iskana dagtay  oo illaa imikaba ay ku nooshahay,  markii ay halkaasi tagtay waxbarashadii may joojin oo waxay ka gaadhay ilaa dhakhtarad xagga dawooyinka ah, oo ay ka baratay carriga Ingiriis ka.

Xagaagii 1991 kii ayey suugaanta bilowday markii ay joogtay halkaasi dhowr sanno oo qudha , waxaana ku kalifay inay bilowdo markay aragtay qurbaha iyo dhibaatooyiinkiisa, iyo wadeenkeede hooyo oo ay markii hore u dhalatay oo ay dagaallo aafayeen,  kana socdeen, markaasna waa markii lagu dhawaaqay gooni isutaagga Jamhuuriyadda Somaliland,  inbaddan waxay suugaanteeda ka tirisay madalo badan oo ay bulsho weyn isugu timi, sidii barigi hore loo qiray inay  suugaani ka hig leedahay, ayaa markii danbena la isku raacay inay suugaan yahanad tahay, ku cabbiri karta waxa qalbigeeda ku jira hab suugaaneysan,  waa runo inbadan oo kalena way ku cabbirtay taasi.

 

Gabaygii ugu horraysay ee ay tirisay magaciisa  waxay ugu magac dartay, Dhanbaalside, sida magaca gabaygaas ka muuqda, waa fariin ay u diraysay  walaalkeed,  oo la yidhaahdo  Siciid Ciise Cismaan, Siciid waxa uu ka codsaday inay qaado walaashii oo ay yurub gayso, wakhtigaana  iyada waxa ku adkaa nolosha qurbaha mayna awoodayn,  inay wax u qabato ama ay gayso meesha uu jecelyahay, sidaasoy tahay waxay ugu cabirtay hab suugaaneed oo isaguna uu ku qanco, oo ay uga warantay  waayaha iyo nolosha, runtiina wuu dareemay dareenkii walaashii wuuna soo dhaweeyey ,

Waxyaabaha ugu badan ee ay Saado ka Maansootaa waa dhibaatada dalkeena hooyo, dadkana waxay siisaa talooyin iyo tusaalooyin fiican, waxay mar kasta ka gabaydaa xaalada uu wadanku marayo, iyo sidii horumar lagu gaadhi lahaa, arimaha bulshadana waxay kaga jirtaa meelaha u sarreeya oo ay sheegto waxa jira.

 Mar laga hadlayey khatarta dabka ee guryaha qurbaha iyo in lagu guban karo iyo naf badanna ku lumi karto ayay waxay ka qayb gashay tar-tan suugaaneed,   loogu talagalay halista iyo in wax laga yidhaahdo, waxa nasiibwanaag  ay noqotay qofkii kaalinta koowaad ee suugan fiican ku cabbira loo qaatay, halkaasna abaal marin ayaa lagu gudoonsiiyey, sidoo kale waxay gabayadeeda ka tirisa xafladaha lagu qabto qurbaha ee loogu dabaal dago 18 ka may , oo ahayd maalintii soomaaliland lagu dhawaaqay dad baddanna way ka qiiraysiisa marka ay masraxa soo fuusho,  taasna aad baa loogu amaana waana loogu hanbalyeeyaa sida ay waddaninimadu  ugu dheertahay. 

 

Qof walboo suugaan yahani waxa jira inu uu xiiseeyo abwaano suugaantood, Saado marka aynu nidhaahno talow yey aad u jeceshahay  abwaanada waawayn? Waxay sheegtay inay aad u dhagaysato una akhrido suugaan saddex abwaan oo waawayn  oo reer somaliland ah, waa Maxamed Ibraahin Warsame  ~hadraawi~ ,  Xassan X.Cabdilaahi Xasan ganey,  iyo Abwaankii Allaha Unaxariistee Qaasim.

 Saado sdioo kale waxay ka gabaydaa  dhamaan badaha maansada oo dhan , Gabay, Maanso, Geeraar, Jiifto, Masafo, iyo heeso,  waxaynu aad u ognahay maadama ay wax barashada meel fiican ka gaadhay, inay aad u caawisay, oo ay halkaasina aqoon ay ka korodhsatay, waxaynu soo qaadanaynaa  tixda  Guul-doon oo ay tidhi waxa ku jira erayo badan oo waxbarashada sare, iyo hoose iyo waliba ta jaamacadaha lagu qaataba erayo ka mid ah ay ku ladhan yihiin,

Saado sidoo kale waxay ku jirtaa ururka Hal-abuurka Somaliland oo ay aad ugu hanwayn tahay,  ayna  ka mid tahay dadka ugu fir-fircoon, mar ay ka hadlay  ururka waxay  ku bilowday, maadaama ay hargeysa ay ahayd hoygii suugaanta, iyo abwaanada inay taasina mihim tahay in ururka hal-abuurku sidaas u taagan yahay, waxay sheegtay in ururku uu wax yaabo badan qabtay, xafiiskoodi ugu horreeyey Hargeysa uu ka qotomiyey,  waxayna aaminsantahay maadama ay  suugaanteedu imika ay shaac baxday oo ay caan noqotay, ay taasi sabab u tahay markii ay ku biirtay ururkaasi, waxay sheegtay in gobolkasta uu wakiil u joogo, gobolada somaliland oo dhanna ay ku wada jiraan,  mustaqbalkana ay ku hanwayn tahay, inuu ururku noqonayo urur  aad u daryeela hiddaheena iyo dhaqankeenna, aynu ku caano maallay,

Mar ay ka sheekaynaysay xisbiyada siyaasadda ee Somaliland,  cidda ay taageerto,  waxay ku talisay in iyadu abwaanad ahaan,  ay dhex u ahayd saddexda xisbiba , waxay kaloo tidhi mar haduu qof ku abwaan yahay waa inuu bulshada dhex u noqdaa oo uu sheego meelaha uu dhaliisha uu ka jira , waxay kaloo soo hadal qaaday hees ay samaysay oo uu qaado fanaanka Mukhtaar yare,  oo ay ugu magac dartay Qaran waxayna u jeeday qarankeena , oo ay soo saartay wakhtigi doorashada waxay ugu tala gashay , maadama ay somaliland cadow badan leedahay, ay na dhici karto in la isku dhufto si uu uga faa’idaysto cadawga somaliland ayey heestaasi soo saartay si ay digniin ugu noqotay waxayna ku beegtay wakhtiga doorashada Somaliland socotay, inbadanna waxaan filaynaa inay dhagaysteen heestaasi,

Mar kii u danbaysay Saado waxay carrabka ku dhufatay oo ay soo hadal qaaday ururka Murtimaal  runtii waa urur wax badan qabta, oo dhalin yar u badan suugaanta iyo hiddahana aad u jecel waxaanan aaminsanahay in ururkaasi wax badan tari doono  ayey ku soo gunaanaday.

 

 

DHAMBAAL SIDEE,

 

gabaygani waa gabaygii ay abwaanad Saado Ciise Cismaan U tirisay walaalkeed , ugana

waramaysan xaalka iyo waayaha nolosheeda, waxay tidhi.

 

Anigoon sabaan iyo sabaan, maqalba sawdkiin

Oo salala qoortan sardhada, seexo yara maago

Oontana ka soomoo beryahan, saxamo soo qaadan

Sadaradaan dhiganayiyo tacliin, joojey sahan kooda

Oo soomaali BBC dun,  soogan ilinkeeda

Saxaafada SNM   su’ aal , surinka ula taagan

Ayuun baa dhanbaal sidihii yimi, saaka subaxiiye

Warqadii jaxaasneeyd markuu, sacabka ii saarey

Saani uma fadhiisane ku furey , sabadan taagnaaye

Goortan sagaal sadar akhriyey,een sugey amaankii

Qalbi saatiroobiyo indhuu, oohin hoor sada ee

Seedii is taagiyo lugii,socodka  haabsada ee

Subaxaa sidii gorey haldhaa,  sahal u laaf yodey

 

Afartaa siciidoow warkaan, kuu sawirayaaye

Ma dulsaarey sheekada samaa, lagu adkeeyaye

Sifahii cibaadiyo murtida, saa’id ma u sheegay

Solaan kala dagee weedhahii, surin ma qaadsiiyey

 

Sadar kalena ii sheeg siciid, sebenkan waxa jooga

Saxalkiyo dagaaladan dhaciyo, soodhka lays darayo

Sokeeyaa  is wada gawraceen,  sabiga dhaafeynin

Seedaa is wada gooynayee, nabada geed saarey

Siikaawi niman haysta oo, halqiga siraya mooyaane

In cadaalad laga suurey oo ,surinka laga weecshay

silic iyo darxumo ay noqden ,suudh la xidhanayo

Ninka dhiiga saydhana xidigo, lagu sar gooynaayo

Samo kii ka taliyana safaad, lagu sadqeynaayo

Waa waxa siqiirnimona baday,ee suurshay magacen

Sinjigeena duniduna dhamaan, ugu saheysaaye

 

Afartaa siciidoow warkaan kuu, sawirayaaye

Ma dul saarey sheekada,samaa lagu adkeeyaaye

Sifahii cibaadiyo murtida,saa’id ma u sheegay

Solaan kal dagee weedhahii,surin ma qaad siiyey

 

Dalkii inad saluugtood ka socon,saacan waan ogaye

South America iyo waxaad rabtaa suuqa nadir lane

Saraheeda kanaduu qalbigu, seexo leeyahaye

Oo nolol salaxan baad rabtaa,oon saluug leynee

Ana inaan ku saacido siciid,waa sidey tahaye

Mana aanan sixi waayin oo, suuko maan noqone

Sababey hortaagane bal maqal, weedha sifahayga

Hadal aan sarbeebiyo lahayn, waxaad saluugeyso

Oo saani loo qeexay baan soo, gudbinayaaye

Sadriga iyo laabtaada geli, saaxigey tegiye

 

Afarta siciidoow warkaan kuu, sawirayaaye

Ma dulsaarey sheekada samaa ,lagu adkeystaaye

Sifihii cibaadiyo murtida, saa’id ma u sheegay

Solaan kala dagee weedhahii, surin ma qaad siiyey

 

Safka aabahaa dhalay walaal ,ee sahri u weyntey

Labaa saxarahaa carabta tagey ,dhowr sanoo tagaye

Sedexeeyihii baan ahaa galay, soohdintaa yurube

Sanadkii bilbaa iiga dhiman ,welise maan degine

Sinjigu waa cajayibe ba baran ,sawdkey ku hadlane

Safaaradaha fiisaa baxshiyo, suuqa maan barane

Mase seexdo oo kuma dull lado, suuf  la ii dhigaye

Sadriga iyo laabtaad ku taal, oo wad ii sawirantaye

Saaxiibada hadey  wada tageen,oo saaka cidi joogin

Waxba soofku yuu kaa xumaan,ee samir walal yeelo

Saadirkii na uumeyna ka bari ,sida aad dooneyso

 

 

Rooble.

Maansadan sida magaca ka muuqataa, waxay ugu magac dartay Rooble,

waxayna ku soo dhawaynaysay madaxwaynaha cusub ee jamhuriyada somaliland

waxay tidhi markaa

waxaynu ka soo qaadani tuducyada hore ee maansada uun maadama ay aad u dheertahay.

nuu rooble noo kacay

Rayn rayn dadkii helay

Roobkii raxmaan shubey

Reexaan udgoon iyo

Dhulku rays qaboow yahay

Romag iyo culayskii

Rarkii layska dhigayoo

Laga reystey howshii

                     

Riixriixi uu hadhey

Reer laysku raaciyo

Raxan raxan warked lumay

Rafiiq aynu wada nahay

Rayigeen mid qudha yahay

 

GUULDOON

 

waxa uu ka hadlayaa dhamaan dhibaatada saamaysay dhalinyarada u soo kicintay

qurbaha, waxa kale uu uu guuldoon lahadalayaa dhamaan umada somaliyeeed waxay tidhi: gabaygan laftiisu ma wada dhama wayo hadaynu is nidhaahno dhamee qoralkan inoo saamaxayn,

Gada gabayga waayadan ma gelin gocashadiisiiye,

Ma gorfaynin weedhuu lahaa dhawr gu’oo tagaye,

Goortaan salaadii kutee ay hurdada gaadhey,

Ayuun baa galaydh xiimayaa uu i guud yimiye,

Guduudkii indha oohintuu gabax ka siinaayey,

Galiilyaa jidhkii wada gashoo goohay kaligeye,

 

Waxaan idhi galaydh yahaw maxaa gubaya uurkaaga,?

Gabalkaa habeendumey maxaad gacaliyoow waydey,?

Gurigii iyo ardaagii maxaad geesta ugu dhaaftey,?

Geeshkii shibiro aad taqiin gebi u soo jiidhey,?

Gabadanada dhaxanta ah maxaad keli u guureysey?

Gaboodkaan fadhiyey iyo maxaa  go’gashey kuu keeney?

 

Waxuu yidhi garaadaan lahayn iyo geesh aqoon badan e,

Gudi talisa iyo gaasas baa gaadhka hayn jiraye,

Geesiga iyo halyeey nookacaan cidiba gaadheyne,

Gidigood suldaanada jiraa goyn ogaa tala e,

Guurtida la miidhaa ahayd geed u joogyadae,

Guri waliba aabuu lahaa oo gaadh ahaan jiraye,

Oo gabanadiisiyo habluu daba gucleeyaane,

Ay gaaridiisuna markaa ugu garawdaaye,

Gebigeed aduunyadan ragbaa guudka loo sudhaye,

Oo guulaheenuna ku faray gacan ku haynteede,

Gaf kastoo yimaadana ragbaa soo gunaanadae,

Gurmad iyo gabood buu ahaa geesta kaa jirae,

Markayse nabadi ay guurtayee gumacu yeedhaayey

Ee gobalba uu gobalka kale gacanta saaraayey,

Ee uu dadkii guurayee gebi ahaan yaacay,

Yurub iyo markay soo galeen gaalo camalkeeda,

Gal daloolo badan baa jirtiyo hawlo uu gabaye,

Oo waxuu ka gaabsaday xilkuu kuba gadaanaaye,

Garaabiyo waxay raadsadeen geedka qaadka ahe,

Gurboodkoodiyo waxay wada gabeen gacaladoodiiye,

Inkastuu gafkaa leeyahoo aanan ugu garaabaynin,

Inuu aabo guri wada dhan yahay cabdoow waydin garateene.

 

Afartaa gadii aan lahaa iyo gabayadeydii dheh,

Afar kalena waa gocashadey iyo geedi ii hadhaye,

 

Gidigood haween baan rabaa waanan guud mariye,

In kastoo abwaanadu garteen oo gabayo loo sheegey,

Ama hees ma guurtto ah wax badan guudka laga saarey,

Iyaguna xilkood way gabeen iyo gulucdii hooyada e,

Markii aabahii loo wada  guntadaey ee geeska lagu feedhay,

Ee go’gashii loo diiday ee gacanna loo raacshey,

Gabanadaduu dhalay markaa gooste dabarkii dheh,   {wiilashii uu ilaalin jirey }

Guclo oradkii guryo ba’a miyey godad ku yeesheen dheh,

Qamrigey gaalas soo dareen gaalo sidey yiine  dheh

Oo geed qadhaadhkii   cuneen guule naga reebay,{drugs}

Sidii geel gu’ joogoo ratigu gololaf  guuxaayo,

Ama geesi gumuc gaadhey oo uu wadnaha gooyey,

Gidaarada miyey goohayaan galab dhiciyo waaga,

Gabdhahina xijaabkii dhigoo gooste timihii dheh

Waxa guurna laga raadiyaa gaalka saynta leh dheh

Oo guri dhiskii iyo way naceen gabano koriskii dheh,

Gadaal celis iyo waxay wada nogdeen  gaabis wada liita,   [dhaqan celis}

Gabanadaan lahaa iyo gabdhii geeshki soo gacayey,

Gaalshire miyey wada galeen guuldariyo ceebta,

 

Afartaa gadii aan laha iyo gabayadeydii dheh,

Afar kalena waa gocosho iyo geedi ii hadhey dheh,

 

 

Gabayga CAWAREER

 

Waxay gabaygan u u tirisay abwaanadu oo aynu ku soo gaba gabaynayno warbixinteeda

ururka hal-abuurka somaliland waxayna ku soo halqabsanaysaa dhamaan inta ururka ku jirto

waxayna sheegayaa in ururku leeyahay websate ay booqan karaan, waxay na ku bilowday sidan"

Nimanbaa ku caan baxay murtidu, caynadey tahaye

Cishadii timaadaba ragbuu,  calanku fuulaaye

Cabirkiyo qiyaastey dhigaan,  lala cajiibaaye

Sidii sheikh cilmiga daalacdoo, cayn walba u raacey

Cama iyo watiin iyo fasiley, cabasa aayaadka

Caruur iyo ciroolaba qushuuc, lala cajiibaayo

Codadkooda nimankii maqlaa, way calmanayaane

Maantana colbaa soo baxiyo, cududo xoogweyne

Aan cadeeyo caynkey yahiin ,  waa cashiirada e

 

Afartaa sidii caash-luul , maw camiray luuqda

Cartankeeda foosiya sidii, deeqa mow curiyi

Cabirkii farduus iyo ifraax, caynad mow yeelay

Ma cileeyey waad igu taqiin, curin wanaagaase

 

Sidii roob caarootiya oon carada, cayn u wada gadhin

Oon ceelashii buuxin iyo, qaydar la cabaayo

Oo cuudku wada oomanyey,  caynuu leeyahayba

Cadraduna dhalaankii u helin,  caano lagu seexsho

Ma calaaliyaan oo murtida, kuma cabeebaane

Cir onkodeysidiisey u curin, caynka maansada e

Cabdi aadan baan maanso curin, cidi ku gaadheyne

Kamaal baa bartuu kaba cabiro, lala cajiibaaye

Caarif nimada hooy ina xuseen, caalam kuba yaabye

Curadaduu maxamed cali dhalaan, cidi ku hiileyne

Caweys buu ku mariyaa , rashiid gabay caqiibo lehe

Cawaweer siduu yahay la yaac, kayse curadkiiye,

Suugaan aad caduur moodo buu, mowliid curiyaaye,

Jaamac abyan inuu carab camirey , caawa la ii sheegye

Gabyaayaa markii uu cugsado, caajis hadhayaaye

Garyaqaanka muusaa cakuye, caadil hees baraye

Tuu curiyyey cabdi xiirey baa, muunad caana lehe

Cashuur baa sidii cowl onkodey,  ku cokonaysiine

Rag ciidaa ka badan oo in badan, xamar ku caanoobey

Cumaamadana loo saarey oo, caaqil lagu sheegey

Ka cataabe reer koonfurkii, faysal curintiiye

Calaamado waxuu soo dhigiyo, eel ku celinaaya

Ama qaafi gabey leeyahoo, lagu cadeynaayo,

Cilmigii xidigiskiyo,  wixii caadka lagu sheegey

Cilmiguu na baray cabdi good, way cusayb weliye,

 

Afartaa sidii caasha-luul , maw camiray luuqda

Cartankeeda foosiya sidii, deeqa mow curiyey

Cabirkii farduus iyo ifraax, caynad moow yeelay

Ma cileeyey waad igu taqiin,  curin wanaagaase

 

Haduu caashaqa kuu galo murtidaan, caawa ka hadlaayey

Ama aad inuu cabaneysoo, dhaqanku kaa caaryey

Ama aad caruurtaad dhashiyo, curadadaadiiba

Cariyada shisheeyiyo gasheen, caynadii yurubta

Oo inaa camirataan hidaha, uu cindigu dooney

Adigoon caraabada u bixin, dhowr cishiyo maalmo

Ceerigaabo adigoon u kicin, ceelashii saaxil

Caasimada weyn iyo dhex tegin,calanka hoostiisa

Oo qarash ku ciiliyo ka biqin ,caalaq tigidh keeno

Ama caa’iladaba dhamaan,  aan casuun geeynin

Dayuuraad cirkaa xiima iyo, doonyo ku cabaynin

Koleey dunidu way caam baxdoo, hooy cilmaa yimiye

Cidhiidhi iyo la dhaaf hool yar oo, lagu cayayuubaaye

Technology casiya baa la helay ,oo codkaa qora ee

Carigaaga adigoo fadhiya, oon cagsaana soo daalin

Ku cawee webside  yada cudoon, ee carigu leeyey

Caafimaad ku hano maansadiyo, curinta suugaanta

 

Afartaa sidii caasha-luul, maw camirey luuqda

Cartankeeda foosiya sidii,deeqa mow curiyey

Cabirkii farduus iyo ifraax, caynad ma u yeelay

Ma cileeyey wad igu taqiin,curin wanaagaase

 

 

Cabir kale abwaanad hadaan cuga ka maansoodo

Cod karada hadeer noo kacee gabay cilaynaaya

Colka jaamac muusiyo,Jamaal curadadii guusha

Cirsan ka yeedh ragii soo qorayee,ee curiyey buugaagta

Cabdilaahi iyo Hawd ayaan, cidi illaabaynee

Sayid baan cilmiga uu fasirey,caalamku u bogaye

Cabdirisaaq iyo jamac baa,loo calmaday gabaye

Cudoonaha badeed iyo gahayr,culimadii diinta

Cabdilaahi riyo iyo fartaag,calanka kayd haysto

Xandulahaa cibaarada tirshee luuqda celinaaya

Colkaloo camuuddaa ka badan oon cidiba koobaynin

Ood gabay cudoon iyo ka heli, araar lala  cajiibaayo

Oon cishooyinkii tagey ku darey,ciise golaheena

Cadradaa golaa yuururee qurux la ciiraaya

Intaas oo ciidanaan kuu hayaa ,oon cidina koobayne

 Hal-abuur ninkii caashaqoow,caawa orod bookho

 

 

Afartaa sidii caasha-luul, maw camirey luuqda

Cartankeeda foosiya sidii,deeqa mow curiyey

Cabirkii farduus iyo ifraax, caynad ma u yeelay

Ma cileeyey wad igu taqiin,curin wanaagaase

 

 

 Cuqaashaa golaa dhoobane,caadilku na siiyey

Cuqubiyo ilaahoow ka dhowr, cawri lala yaabo

Cudur iyo ilaahoow ka  hay, cado waxii gooya

Cadaab iyo ilaahoow ka beri,camalka shaydaanka

Cadho iyo ilaahoow ka magan,cilad is maan dhaaf ba

Caqligana ilaahoow u daa caadil baad tahayee

Waxaba yaanan cayntaarinine,waan cayimayaaye

Sida curasho roob oo wax badan, caadil laga tuugey

Oo caafimaad lagu baryiyo, calal nabaadiino

Oo casuumad rabigeen daruur,cidhif ka soo hoorshey

Waxa ciilka kaa bin murtida culan mareegtaase

Hal-abuur ninkii caashaqoow qoro ciwaankeeda.

 

 

Waxaa diyaariyey Bahda murtimaal

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology