You are here : Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010
Wararka iyo Warbixinaha
| Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed |
|
|
|
| Saturday, 29 May 2010 | |
|
Rag ba'iisa ayuu ka sheekeeyaa dumarna baraarahooda. Taas ka sokow,
tagtadu waxay tartaa in taaganta iyo timaaddada lagu fahmo, dhacdooyinka
tariikheed ee qof iyo bulsho, xumaan iyo samaan, haddii aan la qorin
waxay la mid yihiin iyaga oo aan dhicin, taasina waxay keentaa in aan
lagu cibro qaadan. Xasuusreebkan koobani wuxuu hiil u yahay dad badan oo
uu khuseeyo. Waxaan u hibaynayaa dhammaan dadkii xaaladdan ila soo
maray.
Barqadii 19-ka sebtembar sannadka 1988 Gegida Dayuuradaha Muqdisho waxaa
ka da'aya shuux aanan hubin goor uu bilawday. Roobka noocan ah ee ku
soo beegma xaalad dhimasho iyo dhiillo waxaa loo yaqaan "mayd-maydh",
dalkana waxaa daadsan mayd aad u badan. Soomaaliya waxaa ku cartamaya
Ibliis. Dawlad baa xasuuq ku wadda qayb dhan oo rayidkeeda ka mid ah,
una adeegsatay awood iyo xeelad kasta, mid dawladeed iyo mid qabiilba,
iyada oo ugu marmarsootay falal ay koox mucaarad ahi fashay.
Dadka halkan jooga dareenkoodu in uu wada kacsan yahay waa caadi, waayo waa meel ay dadka isjeceli ku kala jiitaan marna ku midoobaan. Mar kasta oo ay dayuuradi duulayso waxaa la arkaa dad isku maran oo isku ooyaya oo qaarkood isku suuxeen, mar kasta oo ay dayuuradi haadaysana intaas in la'eg ayaa isku maran oo isku ooyda iskuna suuxda. Beryihii hore inta dhoofta iyo inta soo degtaa tiro ahaan waa ay isu dheelli tirnaayeen, laakiin maanta iyo maalmo badan oo xiga dayuuraddu duullimaad walba waxay kacaysaa iyada oo buuxda, waxayna soo noqonaysaa iyada oo faaruq ah ama sidda dhawr caloolweyne oo danta ay u soo noqdeen keligood og. Cid kale ma soo noqoto. Awel qof waxbarasho u baxay, mid tacabbiray, iyo mid dalxiis tegay ayaa dhoofi jiray soo noqodkoodana la sugi jiray, maantase dhoofku kama duwana dhimasho aakhiro lagu aado. Dhabbada ay dayuuraduhu ku rooraan waxaa ku lingaxan doog aan u qurux badnayn sidii hore, ama indhahayga ayaa sidaas moodaya, waayo quruxda iyo foolxumada waxaa xukuma dareenka lagu eegayo. Waddada labadeeda dacal mid wuxuu ku dhammaadaa Xalane, ka kalena Afsiyooni. Waa laba meelood oo habaaran: middood dadka ayaa lagu dulleeyaa, ta kalena fikradda dullaynta qudheeda ayaa ku dhalatay. Cirka roobban waxaa sii dhex jibaaxaysa dayuurad milleteri oo loo yaqaan "Shabeelley" oo sidii ay maalmahan caadaysatay waqooyi ku sii maqiiqan. Waxay sii siddaa hub iyo ciidan: dhimasho hor leh. Qofka shaqadeeda sidaas u ogi mar kasta oo uu guuxeeda maqlo wuu naxaa. Waxay ka duushaa isla garoonkan qaybtiisa Afsiyooni. Waa taas buurtii bacaadka ahayd ee badda ka sokoysay. Buurtaas sinteeda shishe waxaa ku yaal kawaan dadka lagu qalo. Kawaankaas waxaa lagu qalay culimo diineed, janaraallo qaran iyo kumannaan kale. Halyeyga waxaa meel lagula deldelaa tuugga iyo gacankudhiiglaha sidii Nebi Ciise loola deldelay laba tuug. Beri aan intan ka yaraa marka dad la dilayo warfaafinta laga xayaysiiyo waan u daawasho tegi jiray. Siddeedda aroornimo ayey dhici jirtay. In loo dhowaado lama oggalayn, waxaanse arki jiray qofka oo baabuur laga dejinayo loona lugaysiinayo tiir ka qotoma meel bannaan. Waxaan arki jiray iyada oo tiirka dhabarka loogu xidhayo madaxana kiish maro ah loo gelinayo, dabadeed koox ciidan ah oo saf u taagani rasaas ku furayso. Waxaan arki jiray qofka la tooganayo oo marka ay xabbaduhu ku dhacaan qiiq ka duulayo, iyo isaga oo tiirkii uu awel ku taagnaa ka lalmanaya sida lagu yaqaan waxa aan noolayn. Barxaddaas xataa iyada oo cidlo ah waan tegay oo waxaan ku arkay dhiig ciidda ku qallalay oo noqday fudad adadag. Waa taas Badweyntii Soomaaliya iyada oo xummad la baxaadegaysa cir isaguna xummad la ooyaya hoos galgalanaysa. Xamar waa taas, iyo daarihii cadcaddaa ee ay caanka ku ahayd. Waxaas oo dhan qofka arki jiray ee jeclaa ee ka dhoofayaa waa in uu u qiiroodaa, laakiin anigu saaka uma qiiraysni waayo qalbigayga waxaa ku malaasan daamur madow oo baqdin iyo ciil isugu jira, iyo murugo. Waxaan jecel ahay in aan waxa ii muuqda oo dhan sida ugu dhakhso badan ka indho qarsado. Dayuuradda ma sugi karo mana aaminsani ee waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho baalal aan ku duulo. Maydadka dalka daadsan iyo nacaybka daran ee dadka wada asiibay ka sokow waxaa jira xanuun aniga ii gaar ah. Ibliisku muddo dheer ayuu qooqnaa, muddo kalena uur buu lahaa, uur baas oo garac ah. Waa kaas mataaneeyey. Wuxuu dhalay mataano cabbaar soo kala horreeyey sharka iyo foolxumadana kala daran. Waa la wada baqayaa, waxaa laga baqayaa Ibliis iyo waxa uu mataaneeyey. Waxaa laga baqayaa wax walba. Sida aqal ay abrisyo galeen baa dalka looga yaacayaa. Inta dhoofaysa inta sagootiyaysa ayaa ka badan. Waa la wada aamusan yahay ama hoos loo xanshaashaqayaa oo indho didsan la wada yuubayaa. Basboorro iyo tikidho ayaa wareegaya oo marba meel qaldan gelaya meel qaldanna ka soo baxaya, iyo lacag aan xalaal ahayn oo jeebab aanay gayin u kala gooshaysa. Shaqaalaha goobtu waxay u eg yihiin cadow, ama waa cadow. Ma waxay ka baqayaan mataanaha Ibliis, mise iyaga ayaaba ah dhal Ibliis? Qof walba tiisa ayaa la culus. Xajmigaygu bil ka hor intii uu ahaa waa nuskeed. Waan guban ahay oo xiiran ahay, waxaan qabaa rafaad iyo nafaqodarro, naf ahaan iyo jidh ahaanba. Maalmo badan oo maanta ka horreeyey waxaan lahayste u ahaa dhasha Ibliiska, waxaanan qabay ciqaab iyo silic adduun. Keligay ma ahayn ee dad iga jilicsan baa jiray, iyo kuwo iga nasiibxun, iyo kuwo aad u sii nasiibxun. Qaar baa dhintay aniguse waa anigan nool, qaar baa dhaawacmay ama bukooday aniguse waa anigan kollay muuq ahaan fayow, qaar baa weli gacan Ibliis ku jira aniguse waa anigan ka soo baxay. Maalmo badan hortood saacaddan oo kale ayaan isla halkan imid si aan u dhoofo. Wax kasta oo sharci ahaan qof dhoofaya looga baahnaa waa ay ii dhammaayeen. Ehel iyo asxaabba waa la ila soo jarmaaday si la ii sagootiyo, iyada oo maqalkayga lagu soo celcelinayo "alla nasiib badnidaa!". Aniguna waan farxayaa. Jeer dambe ayaanse ogaaday in aan ahay denbiile weyn oo weligiiba la raadinayey. Denbigaygu muxuu ahaa? Ma khiyaamo qaran, mise dil, mise dhac, mise...? Maya, waxaas oo dhan wuu ka weynaa: basboorkayga waxaa ku qornaa "ku dhashay Burco"! Wuxuu ka mid ahaa denbiyada ugu waaweyn ee qof lagu helo. “Oo meesha basboor lagu qoraa maxay macno samaynaysaa?! Haddii la doono sow Garbahaarray laguma qoran karo?!” ayuu sarkaal aniga dartay halkan u yimid kor u yidhi. Yaabase dan ka leh. Maalintaas hore ee aan dhoofi lahaa wiil batraan ah oo darajada garbaha ka saaran awood qabiil u weheliso ayaa basboorkayga laga furfuri waayey. "Taliye, waa arday. Taliye, waa nin yar. Taliye, waxiisu waa wada sharci", ayey dad i caawinayey ugu baryootameen, isaguna shidanaaba shidan! Indhahayga oo shan ah ayey dayuuraddii aan raaci lahaa daruuraha xushay, tikidhkiina khaanadaha Ibliiska ayuu dhex xulay, basboorkiina wiilkii batraanka ahaa ayaa meeldaran la xulay, aniguna mar kale ayaan magaalada xulay si aan basboorkayga xoolo iyo xeeladba ugu soo dhacsado. *** Mid ka mid ah xaafadaha Muqdisho ugu bilic san waxaa ku yaal aqal ka mid ah kuwa badan ee dadka lagu dulleeyo. Waxaa lagu magacaabaa Waaxda Socdaalka, marna Magareeshinka, mar saddexaadna Xafiiska Nuur-Bidaar. Halkaas ayaa la ii tilmaamay in aan basboorkaygii ka doonto. Waa aan imid, mise waxaa la tuban yahay qiyaamihii. Boqollaal qof oo rag iyo dumarba leh ayaa gudaha iyo debedda xoonsan. Waxay u badan yihiin dad ay sidayda basboorka kaga qoran tahay in uu ku dhashay dhulka Talisku neceb yahay. Warwareegnay oo warwareegnay, baryootannay oo baryootannay, nafta hiifnay oo nolosha nacnay. Dabadeed waxaa na hareereeyey ciidan aad u hubaysan oo ah duubcas iyo bilays. Iyada oo qori dabadii nalagu garaacayo ayaa nala amray in aanu dhulka wada fadhiisanno oo gacmaha madaxa saarno. Dabadeed si bahdil, jidhdil iyo argagixin leh ayaa iyada oo qoryo cabbaysan madaxa nalagaga hayo intayadii ragga ahayd nalagu guray baabuurro ciidan oo qaarkood shebeg ku qafilan yahay. Sagxadda ayaa sida bagaashka naluga raseeyey, oo nalugu khasbay in aanu madax lawyaha dhexdooda gashanno kaayaga madaxa kor u qaadana xabbadi leefi doonto. Baabuur walba waxaa nala dul saaray dhawr askari oo qoryo ammaanku ka wada rogan yahay nagu haya. Waxaa afka naloo saaray xaggaas iyo Kontorool Balcad, oo markii Warshadda Baastada la marayey nalagu leexiyey Waddada Ciidammada, haddana Xoosh nalaga riday oo waddo jid cadde ah Dhanaane aadda nalagu taagay. Dhulkaas fog waxaa naloo mariyey in indhaha magaalada nalaga qariyo, sidii ay tahay magaalo waxa ay aragto wax ka qaban karta ama dan ka leh. Imika ciidanka na wataa waa wada bilays oo duubcastii magaalada ayey nagaga hadheen. Anigu waxaan saaran ahay dhawrka baabuur ka u dambeeya oo aan sida kuwa kale shebeg ku qafilnayn ee dusha ka furan. Waxaan fadhiyaa sagxadda safka u horreeya, waxaana dushayda isa soo dhinac fadhiya oo kabahooda buudka ahi madaxa igaga beegan yihiin laba sarkaal oo bilays ah, kuwaas oo iyagu bastoolado keliya ku hubaysan, sida askarta kale ayeyna iyaga oo cabbaysan nagu soo hayaan. Dabadeed baabuurkii ayaa banjaray. Ma sitaan shaag dheeraad ah, baabuurta kalena waa ay naga wada horraysaa, fooniyana ma sitaan. Sidaas darteed waxaa khasab noqotay intii ay gurmad helayeen, qiyaastii muddo saacad ah, in aanu sagxadda baabuurka ee kulul qorrax aad u kulul hoos yuururno, dhashii Ibliiskuna keebka nala dul yuururaan. Kama fogin Xeebta Jasiira oo dhawr bilood ka dib tobannaan nin oo aan denbi lahayn lagu gawrici doono. Ma hadli karno mana dhaqdhaqaaqi karno, intaana waxay na maqashiinayaan cay iyo bahdil, hanjabaad iyo dardaarwerin. Waxay noo sheegeen sababta naloo soo qabqabtay in ay tahay in aanu nahay reer hebel, iyaga ayaase sidaas moodaya ee soomaali oo dhan baanu isugu jirnaa. Waxay noogu quus gooyeen in ay nagu wadaan meel annaga oo nool nalagu gubi doono. Hadaltiradaas waxay ka dhiganayeen madaddaalo ay waqtiga ku dilaan, iyo sida dhasha Ibliis lagu yaqaan xanuunjin. Waqtigii aanu meesha ku xayirnayn markii uu sii dheeraaday, ee ay qudhooda qorraxdu faalladho cadaab ah ku karbaashtay, ee ay harraadeen, ee daaleen, ayey digtoonidii ay nagu ilaalinayeen dhimeen, waxayna labadii sarkaal ee madaxayga fadhiyey bilaabeen in ay su'aalo cayaayir iyo digasho ah na weydiiyaan. Markaas ayaanu annaguna xubnihii na dhagaxoobay yar dhaqdhaqaajinnay, walow aan jimicsi iyo lugobaxsi suurtogal ahayn. Labada sarkaal mid xoog weyn, oo cod weyn, oo aan malaynayo in uu shaarubo weyn lahaa, kaas oo haddii aan kor eego indhahayga ku beegnaa, ayaa inta uu bastooladdii wejiga igaga muday oo kor iigu toosiyey i weydiiyey meesha aan ku dhashay iyo waxa aan qabto. Waxaan been ugu sheegay in aan Xamar ku dhashay shaqadayduna tahay arday jaamacad dalbaday. Intaas waxaan u raaciyey in aanu nahay dad bilaa denbi ah oo aan waxa waqooyi ka socda shaqo ku lahayn. Dabadeed inta uu wayraxay oo bastooladii cabbaysnayd sanka labadiisa dul igaga cadaadiyey ayuu ku qayliyey: "Xamar kuma aad dhalan ee waxaad ku dhalatay meeshii aad ku dhalatay, waana aabbahaa iyo walaalkaa kuwa dabkaas baxaya shiday, adiga ayaana u dhiman, adiga iyo awowgaaba Alle cadaabye! Wallee waan ku dili oo aan maydkaaga halkaa ku tuuri, oo aad og tahay in aan samayn karo cidina i kaa weydiin doonin." Waa runtiis in uu samayn karo. Su'aasha daqiiqaddaas igu soo dhacday weli aad baan u xasuusan ahay: Waa sarkaal ku dhali kara, shakhsi ahaanna kuma yaqaan, markaas nacaybka intaas la'eg xaggee buu ka keenay?! Uma aan jawaabin waayo aad baan u baqay. Geesi waliba waa fulay haddii cadowgiisu yahay ciddii uu geesiga ku noqon lahaa. Aniga oo aan juuq celin ayuu sarkaalkii kale bastooladii igu mudnayd dib iiga qabtay isaga oo saaxiibkii ku leh: "Taliye, aniga ii daa. Meel aan og ahay aan la tago ee ii daa." Guud ahaan in kasta oo ay noloshayada iyo mustaqbalkayagu mugdi ku jireen haddana dhaartaasi si gaar ah ayey aniga ii taabatay. Nasiib wanaag waxaa nalagu wareejiyey ciidan kale oo Dhanaane baabuur kala yimid, dhashii hore ee Ibliiskuna halkii ayey ku hadheen. *** Markii xerada gudaheeda nalagu rogay saacaddu waxay dhaaftay afartii galabnimo. Markiiba koox askar ah ayaa sida yey gaajaysan na weerartay. Ul, harraati, dhirbaaxo iyo wax kasta oo na xanuunjin kara ayey nagu boobeen: "Digtoonow! Dib u jeeso! Hore u soco! Dib u jeeso! Darandoorri! Joogso!..." Waxay ahaayeen noole cadaawad badan, oo arxan daran, oo nabarka nagula haliilaya. Barxad weyn, oo habaas badan, oo derbi dheeri ku wareegsan yahay, derbigana meel walba ciidan hubaysani ka fuushan yahay, ayey nagu sii jeediyeen. Markiiba ishayadu waxay qabatay noole aad u badan oo barxadda saf saf u tuban, oo wada dhukuran, oo qorraxda iyo hanfiga ku shiilmay, oo yaryaraaday, oo midabkoodu ciidda ay ku taagan yihiin u egaaday. Garannay oo wuxu waa dad la dooriyey oo sidaas laga dhigay. Bani aadam sidaas ma laga dhigi karaa? ayaan isweydiiyey. Meesha iyo khalqiga ka muuqdaa waxay igu dhaliyeen in aan imid cadaabtii diinta lagu sheegay. Intayadii cusbayd waxaa nalagu xereeyey hool weyn oo derbiyada, sagxadda iyo dusha intuba yihiin sabbad shub ah oo aad u adag. Waxaa nalaga geliyey kadin yar oo leh irrid bir culus ah oo dusha laga qufulo, kaas oo askari qori la hor taagan yahay. Daaqad yar oo biro ku qotomaan ayaa meel sare ku taal oo badda ku sii jeedda. In kasta oo ay weli maalin tahay haddana markii aanu soo galnay mugdi ayaanu wax arki waynay. Markiiba waxaa mugdigii meelo kala duwan nagaga soo kacay dhawr qof oo u eg reer aakhiro, kuwaas oo caato iyo uskag la liita. Aad baanu uga naxnay ugana baqnay. Waxay noo sheegeen in laga reebay ciidan halkan dhowaan laga qaaday, sababtuna ay tahay in ay intoodani isku qabiil yihiin, qabiilka la neceb yahay. Waxay kale oo noo sheegeen in aanay mustaqbalkooda waxba ka ogayn oo ay awoodda Ibliis magan u yihiin. Hoolka waxaa dhex taal foosto la kala gooyay nuskeed, iyada ayaana ah musqul oo lagu talleejiyaa. Habeennada qaar waa ay buux dhaaftaa oo kaadidu sabbadda ku dareertaa. Gogol iyo huwasho ha sheegin, qof walba waxaa u miciin ah surwaalkii iyo shaatigii uu gashanaa, sabbadduna waa ay adag tahay. Maalintii labaad, ama saddexad, laba walba waxaa la wadaajiyey makiinad, waxaana nalagu amray in uu midba ka kale u xiiro. In kasta oo ay taasi bani aadamnimadayada xadgudub ku ahayd haddana dan bay noo ahayd waayo injir baa na geli lahayd. Wuu nasiib badan yahay qofka makiinadda lala wadaajiyo mid timaha xiiri yaqaan oo aan madaxa jarjarin. Aniga nin wanaagsan baa igu soo hagaagay si fiicanna iigu xiiray. Isagana nin kale ayaan u helay, waayo anigu weligay qof uma xiirin. Waxaa noo bilaabatay nolol maalin walba sida tii ka horraysey u soo noqnoqota, sida ay ahlu naarka cadaabtoodu u soo noqnoqoto. Marka ay qorraxdu hagaag u soo baxdo ayaa nala dareeriyaa oo sidii geel la dhacay ciidan hubaysani hareeraha naga galaa. Meel musqulo lagu sheegay oo dusha ka bannaan ayaa isku mar nalagu shubaa oo daqiiqad naloo qabtaa. Silicdil gaardi u badan ayaa naloo bilaabaa, cagtii la qaado iyo gacantii la dhaqaajiyana waxaa weheliya nabar xanuun badan iyo cay. Qofka aan gurmad soo marin oo gaardiga aqoon garaacu waa u dheeraad. Maalin walba qiyaastii saacaddu marka ay tahay kow iyo tobanka ayaa mar kale hoolkii nalagu xereeyaa, haddana saacad ka dib qado naloo soo dareeriyaa. Cuntadu isma beddesho oo maalin walba waa shuuro kulul. Weel meesha laguma hayo oo dhawr gaaweeto oo jajaban iyo jaqaf kale oo meesha wax lagu kariyo ag daadsan oo aan weligood la xalin ayaanu laba laba iyo ka badan ugu wadaagnaa. Soortaas kulul ee birqalaxda kulul ku jirta waa in aanu daqiiqado yar gudahood qorrax kulul hoosteed ku boobnaa, oo gacanta kaga gubannaa ama afka ama labadaba. Hoolka ayaa haddana nalagu celiyaa oo aanu ilaa abbaaro saddexda galabnimo ku jirnaa, ka dib gaardi iyo ciqaab naloo dareeriyaa. Casargaabka ayaa haddana hoolkii sida xoolaha nalagu hooyaa, iyo sabbaddii adkayd ee qaboobayd, iyo daaqaddii yarayd ee meesha sare ku taalley, iyo foostogoboladii lagu kaajayey. Hoolal kale oo xerada ah dad badan baa lagu hayaa. Inta nala gaardisiinayo waxaanu aragnaa kooxo ciqaab taayada la mid ah lagu wado, kuwaas oo u badan raaf khasab lagu ciidamaynayo khasabna dagaalka lagu geynayo. Annaga waxaa naloo bixiyey "Reer Magareeshin" maadaama nalaga soo afduubay Magareeshinka. Wada sheekaysigu dadka waa u daruuri siiba xaaladaha adag ee tan la midka ah. Laakiin annaga waxaa na heshay dhibaato, gaar ahaan intayada ka soo jeedda qabiilka la ugaadhsanayo. Xaqiiqada la wada og yahay waa in goor uun nala kala sooci doono, oo naloo qaybin doono in qabillkaas ah iyo soomaalida kale. Soomaalida kale inta aan waxtar ahayn mar uun baa la sii dayn, inta kalena dagaalka ayaa la geyn. Laakiin inta qabiilka la maaggan yahay noqota mustaqbalkooda lama malayn karo. Waxaa suuqa ku jirtay, xeradana ku sii xooggan, dadkaas in la laayo. Xan kale oo taas naxariis dhaantaa waxay sheegtaa in aan la layn ee xabsiyo lagu ururiyo. Haddaba qof walba oo qabiilkaas ahi intii itaalkiis ah waa in uu inkiraa in uu yahay. Qabiillada kale ee la degaanka iyo lahjadda ah ayaa la sheegtaa, qofkii, sidayda, lahjadda "qaldaanka" qarsan karaana wuu qarsadaa. Waxaa kale oo jirta baqdin ka dhalatay xan sheegaysa hool walba in lagu soo dhex daray dad hoos ahaan u soo ogaada qof waliba qabiilka uu yahay si aan qof cid kale u sheegan, taasina waxay sababtay in aanu kala shakino oo badankayaga sheekadu isugu bixi waydo. Dadka qaar waxay u aamuseen sida dhagaxa oo in ay waalan yihiin baa la moodaa. Dhibkaas oo jira haddana waxaa nagu jira dhawr nin oo furfuran oo sheeko iyo kaftan badan. Gaar ahaan laba nin oo ka mid ah dadka meesha ugu da weyn uguna tacliin roon ayaa loo aayey. Labaduba waa da dhexaad midkood yahay reer Awdal una shaqeeya Libsoma, ka kalena reer Sanaag gaal ah oo sida aan malaynayo jaamacadaha Muqdisho wax ka dhiga. Ka dambe in kasta oo uu madaddaalo badan yahay haddana mar mar sheekadiisa waa laga xanaaqaa waayo diinta ayuu ku kaftamaa. Waxaa laga yaabaa mar haddii ay da iyo tacliin isbideen in ay sheekada iyo kaftanku ogaan ka ahaayeen, si ay waxyeello nafsadeed iyo maskaxeed nooga baajiyaan intayada kale oo dhallinyaro u badan. Haddii ay sidaas noqoto waxay ahaayeen dad xilkas ah. Waxaa nagu jira dad buka, kuwo maskax ahaan ama jidh ahaan kala dhiman, qaar da ah, iyo nooc walba oo dad yeelan karo. Run ahaantii xasuusta ugu xun ee ay muddadaasi naftayda ku reebtay waxay u badan tahay mid ka dhalatay xanuun dad kale loo geystay. Weligay ma illaawi doono afar nin. Maalintii koowaad ee gaardiga nin da yar oo sida muuqata bukaan ahaa ayaa barxaddii gaardiga ee siigada badnayd ku dhacay. Markiiba yeydii garaacid ayey miskiinkii ku bilaabeen iyaga oo ku eedaynaya in uu isyeelyeelayo. Isaguna inta uu cabbaar xanuun la cabaaday ayuu haddana hoos u taahay dabadeed aamusay dhaqaaqna daayey sidii wax dhintay, ama wuu dhintay. Markii ay ku daaleen ayey isaga oo halkii yaal nagu amreen marka aanu ku soo aadno in aannaan cagta gaardiga ka leexin. In kasta oo ay qofkii ka leexiya isaga garaacayeen haddana ilama aha qof damiir lihi in uu amarkaas fuliyey, laba saddex jeer ayaase la dul maray. Markii muuqiisa noogu dambaysay habaaska kulul ayuu ku dhex qarsoomay mana dhaqdhaqaaqayn. Arootii xigtayna meeshii ma ool, waxaana la isu sheegay in uu dhintay oo ay maydkiisa tuureen. Haddii uu dhintay u malayn maayo in ay cidi ka daba hadashay waayo wuxuu ahaa dadka soomaaliyeed ee awelba dulmanaa ee lagu naanayso "Jareer". Maalin kale sidii aanu bannaankii gaardiga u tubnayn ayuu mid askarta ka mid ahi qaylo iyo hanjabaad nagu bilaabay, isaga oo nagu eedaynaya mid naga mid ahi in uu sameeyey qalad aan waxa uu ahaa imika illaaway. Isaga oo qori xun oo Kalaanshinkoof ah nagula wareegaya ayuu noogu digay haddii aannaan ninkii falkaas sameeyey soo saarin in aanu mudan doonno ciqaab wadajir ah. Cabbaar ayaan loo jawaabin. Anigu kollay safafka dhexe ayaan ku jiray oo waxa uu sheegayo ma arag mana maqal. Goor dambe oo uu hanjabaaddii iyo digniintii sii wado ayuu mid safka iga dambeeya taagani hadlay; waa kii maalintii la isu xiirayey makiinaddu naga dhaxaysay ee sida fiican iigu xiiray. Waa wadaad marka hoolka lagu jiro dadka tujiya, waana qof aad u caato ah oo caloosha aadka u godan la moodo in uu dhexda ka kala jabi doono. Wuxuu yidhi: "Taliye, annagu waxba ma ogin ee adigu haddii aad qofka arkaysay la bax." Askarigii inta uu qoob iyo qaylo isku daray, oo sida Aarkii Daboole wiilkii samada kaga yimid, isaga oo leh: "Adiga ayuu ahaa! Habartaa wase, adiga ayuu ahaa", ayuu qoriga dabadiisa inta uu xoog lahaa calooshii godnayd ee itaalka darnayd kaga jugeeyey. Yarkii oo sida caag la gubay isku rooray oo dhexda iskaga laabmay ayuu dusha ka sii garaacay ilaa uu sidii wax meel fog laga soo tuuray mar qudh ah dhulka ku wada dhacay, waxaana ka kacday siigo iftiinka qorraxda isku gudubtay. Markii uu ka tegay cabbaar ayuu xanuun ciidda la sii galgashay, dabadeed dirqi ku kacay. Daqiiqaddaas ayaan eegay waxaanan arkay wejigii ugu ciil, caloolxumo, tabardarro iyo hiil la'aan badnaa ee aan weligay arkay. Waa nooca ciilka ah ee xoog inta uu ka qabo laga baqo in qarax weyni dhaco ama cirka qalladi ka soo dhacdo. Indhaha durba xinjirta ka casaaday iyo dibnaha qamuunyoonaya qofka ay ku yaallaan haddii uu awoodo in uu dunida halligo wuu yeeli lahaa. Ilaa maanta mar kasta oo aan ka fekero dhallinyarada Koonfurta Soomaaliya rogtay, ee dad iyo duunyo cagta marisay, waxaan xasuustaa ninkaas, walow uu isagu ahaa reer waqooyi. Xaalad saddexaad waxay ahayd nin da dhexaad ah oo Hargeysa ka soo qaxay. Waxaanu ogaannay qoyskiisii oo ka koobnaa oori, dhawr carruur ah, hooyo iyo gabadh ay isaga walaalo yihiin in iyaga oo guriga wada jooga madfac ku habsaday oo ay dambas noqdeen. Maskaxdiisu waxay u maqnayd sida maydka, wuxuuna u aamusnaa sida xabaasha. Wuxuu u baahnaa hiil aan la garanayn. Nin kale oo aanu hoolka meel ka wada degganayn ayaa isaguna wuxuu qabay xanuun caloosha ah, aad ayuuna u rafaaday, wuxuuna liqi waayey shuuradii qarax ahayd ee aanu nafta ku ilaalinayney. Markii aanu askarta ula dacwoonnay isaga iyo annagaba maagis, dhirbaaxo iyo handadaad ayey nagu xanuunjiyeen. Miskiinkaas maalinba ta ka dambaysa ayey jirrada iyo tabar darradu kaga sii dareen, isaga oo aan xaalkiisu fiicnayn ayaanu kala tegi doonnaa. Isma aan lahayn kaasi wuu badbaadayaa, laakiin saddex sano ka dib, sannadkii 1991, ayaan ku arkay magaalada Koobanheegan isaga oo heer sare ah. *** Maalin dambe goor barqo ah waxaa nala fadhiisiyey barxaddii gaardiga, waxaana noo yimid taliyaha xerada. Waa markii koowaad ee aanu aragnay. Waa sarkaal dhallinyaro ah oo dhuuban, wuxuu gashan yahay dhar isboorti, waxaana ka muuqata degganaan kibir ku jiro. Waxay isku qabiil yihiin madaxweynaha. Hortayada ayuu kursi ku soo fadhiistay, cabbaarna hadaltirooday. Isaga oo og in aannaan qabiil keliya ahayn ee soomaali oo dhan nahay ayuu noo sheegay sababta halkan naloo keenay in ay tahay in nala ciidameeyo oo aanu Qaranka difaacno. Wuxuu noo sheegay haddii aanu wax dacwad ah ka qabno in aanu mid mid u soo kacno oo isaga u sheeganno, waxii aqoonsi ah ee aanu haynana ula nimaadno. Wuxuu kale oo noo sheegay in ay soo baxday wareegto madaxweyne oo ah in aan qof halkan soo galay lagu sii dayn karin amar ka hooseeya ka madaxweynaha iyo ka taliyaha Qaybta 77, Maslax Maxamed Siyaad. Wuxuu nooga digay in aannaan lacagtayada laaluush iskaga khasaarin wax kalena waqti iskaga lumin, waayo nama caawin doonto. Waxaa la soo gaadhay doorkaygii. Sarkaalkii ayaan isa soo hor taagay aniga oo gacanta ku sita aqoonsiga keliya ee aan haystay. Aqoonsigaasi wuxuu ahaa fiisihii aan ku dhoofi lahaa oo ay ku qoran tahay ardaynimo (warqadda fiisuhu basboorka gooni ayey ka ahayd). Wuu akhriyey, dabadeed igu yidhi: "Fiisahaagu wuxuu shaqaynayaa lix bilood, markaa lixdaas bilood dalka ayaad soo difaacaysaa ka dibna dhoof. Waad og tahay in ay koox argagixiso ahi gobollada waqooyi soo weerartay." Waxaan ugu jawaabay: "Taliye, ma jirto cid iga jecel in aan dalkayga u dagaallamo argagixisadana ka difaaco, waana runtaa oo fiisahaygu waa lix bilood, laakiin jaamacaddii aan debedda ka helay toddobaadkan ayey bilaabatay oo waan ka daahay." Dabadeed inta uu warqad wax ku qorqoray ayuu fayl uu wax walba ku ururinayey taydiina dhex geliyey. Muddo ka dib maalin gelinkii dambe waxaa nalagu wargeliyey in uu yimid go'aankii laga wada sugayey qoyska reer Maxamed Siyaad Barre ee ku saabsanaa caddaymihii aanu gudbinnay iyo codsigii sii dayntayada. Abbaaro afartii galabnimo ayaa dadkii xerada lagu hayey oo dhan sida lo dar loo horayo lagu soo toomiyey barxaddii weynayd ee gaardiga. Kun qof kama yarin. Ciidankii hubaysnaa oo hareeraha naga tuban ayey dhawr sarkaal oo taliyaha xeradu ku jiraa hortayada isa soo tubeen iyaga oo warqado cadcad gacmaha ku sita. Waxaa naloo sheegay reer Barre markii ay arkeen caddaymihii aanu gudbinnay in ay soo oggolaadeen in la sii daayo qaar naga mid ah kuwaas oo magacyadooda halkan laga yeedhin doono. Waxaa la yeedhin doonaa labada magac ee hore, qofka isu gartaana waa in uu ku daraa magaciisa saddexaad kuna qayliyaa cod dheer, markaas haddii uu isaga noqdo wuxuu u soo baxayaa dhanka ay saraakiishu taagan yihiin si loo sii hubiyo. Nin da yar oo ka mid ah kuwii na hor tubnaa oo dhar sibil gashan ayaa bilaabay in uu magacyadii warqad ka yeedhiyo. Indhahayaga wada baahan, wada cabsanaya ee haddana rajada wada qabaa, waxay sida gammuunno isku mar la gani doono u hayaan ninka magacyada yeedhinaya afkiisa, xaggiisa ayaanan isu ciriiryaynaa. In kasta oo aanu sidaas u badan nahay, sidaasna u wada kacsan nahay, haddana la maqli maayo juuq iyo jaaq aan ahayn dhawaaqa sarkaalka magacyada yeedhinaya iyo dhawaaqa xaggayaga uga jawaabaya. Mararka qaar laba ama saddex qof ayaa isku magac ka jawaabaya dabadeed kala saaristooda lagu hakanayaa. Ninka magaciisa la yeedhiyo ee sii baxaya sida loo sii wada eegayo waxaa laga baqaa in cawryid lagu dilo. Mid waliba inta uusan bixin saaxiibbadii, iyo xataa kuwo aan aqoon, ayaa ku dhegdhegaya sida ay ka barakaysanayaan. Qaarkood eheladoodii ayey farriin ugu sii dhiibayaan, qaar kalena haddii uu wax lacag ah sito in uu uga tago ayey ka baryayaan, qaarkood ilaa ay askartu ka furfurto sii dayn maayaan. Magacaygii oo lammaan ayaa lagu dhawaaqay, keligay ayaana yeeshay oo la iguma qabsan. Ma jirto farxad ii dhimani. Aniga oo sida dabaysha u duulaya ayaan ka baxay safkii ahlu naarka kuna biiray ka ahlu jannada. Ugu dambayn waxaanu noqonnay afartaneeyo ahlu janno ah. Reer Magareeshin waxaanu ahayn saddex ama afar keliya, waxaana sed libaax helay dhallinyarada haysata taysaraha gurmadka, kuwaas oo aan qabiil loo eegin. Markii la sheegay dadka la sii daynayaa in ay intaas yihiin, qoladii hadhay waxay bilaabeen hugun, qaylo, iyo baryootan quus ah iyaga oo dhankii saraakiisha u soo qamaamaya. Laakiin fursad lama siin, markiiba askartii hubaysnayd ayaa laabta kala dhacday qori dabadii iyo harraati, godadkoodii ayaana lagu xereeyey. Intayadii la sii daynayey hool gooni ah ayaa nala geeyey, fiidkiina mar kale waraysi iyo baadhitaan dheeraad ah oo nalagu hubsanayo nala mariyey. Subaxdiina mar kale ayaa tirin, yeedhis, iyo hubsiino kale oo badan nalagu sameeyey. Dabadeed waxaa nala saaray baabuur nooca xammuulka ah, waxaana sida dhuxusha nalagu rogay Lambar Afar. Habeenkii nala soo daynayey aad nalooma ilaalin oo waxaanu helnay xoogaa xorriyad ah, askartuna waxay bilaabeen in ay sidii dad caadi ah noola dhaqmaan. Waxaan malaynayaa in ay na shaxaadayeen, ama, mar haddii aanu berri baxayno, wanaag ayey na gashanayeen. Cadow naxariis daran ayey wada ahaayeen, laakiin weligii dadku isku wada mid ma noqon karo. Waxaa jiray askari aan xanuunjintayada ku raaxaysan jirin oo lug jiis ka yar ahaa, kaas oo aan filayo magaciisu in uu ahaa Cali. Kaas ayaan habeenkaas gooni ula hadlay una sheegay dadka meesha ku ciqaaban in uu askarta kale uga duwan yahay, waxaanan kula taliyey in uu ogaado xumaan iyo samaan wax kasta oo uu sameeyaa in ay ku jirayaan quluubta iyo xasuusta dadka uu gacanta ku hayo. Hadalka wuu iga dhegaystay, waxaanan rajaynayaa in aan saamayn wanaagsan ku yeeshay. *** Cadaabtaas gaajada, dilka, silica iyo cabsida badan ayaan dorraad ka soo baxay, maantana waa anigan mar labaad isla Garoonkii Dayuuradaha taagan. Tikidhkii oo khaanadaha Ibliis ku ambaday dirqi baa lagu soo helay, basboorkiina madaxfurasho ayaa laga bixiyey oo la soo celi; labadiiba mar kale ayaan gacanta ku hayaa. Laakiin xaalku in uusan sidii hore noqon doonin wax dammaanad ah uma haysto. Sarkaalkii batraanka ahaa waa kaas qoldhaddii xumayd soo fadhiya. Ibliiskuna weli wuu cartamayaa. Nasiib wanaag waa taas basboorkii la ii shaabbadiyey, waa anigaas sarkaalkii hor maray ee ka gudbay xayndaab in laga gudbo lagu wada riyoodo, tikidhkiina waa taas la iga jeexay. Waa anigaas dhismihii ka baxay ee sallaanka dayuuradda cagta saaray. Waa anigaas kursi daaqadda xiga isku nabay. Waa taas sida malag khayr leh nala duushay. Waa taas Xamar iga hoosaysa, iyo Ibliiskii, iyo dhashiisii. Laakiin weli ma faraxsani in aan farxana ma aha, waayo dayuuraddu waxay sii fadhiisanaysaa Berbera oo ka mid ah dhulka uu Ibliiksu ku cartamayo. Wax kasta ayaa dhici kara inta soohdinta Soomaaliya lagu jiro. Waxaa la sheegaa rag awood leh oo qofka ay doonaan dayuuradda ka reeba oo qof kale saara. Waxaa ila fadhiya nin ku socda Dubaay, xiirnaanta iyo baqdinta iga muuqda wuu arkaa in aan ahay qof dhibban. Wuxuu kale oo hubaa in aan ahay "Cali-Mardhoof". Wuxuu igu bilaabay hadal iyo weydiimo aanan diyaar u ahayn oo erey waliba sida mudaca ii mudayo. Waxaan ka baqayaa in uu ka mid yahay dhasha Ibliiska oo haddii uu lahjaddayda garto shaqaalaha dayuuradda igu diri karo. Shaqaalaha waxaan u arkaa dhal Ibliis. Sidaas darteed "haa" iyo "maya" jawaab aan ahayn ninkaas uma aan celin, ilaa uu i daayey. Waa kan dalkii aan u socday, Dooxa, Qadar. Ilaa aan dayuuradda ka degay oo dhulka cagaha saaray, ilaa aan gudaha galay oo basboorka la ii shaabbadiyey, ma aan aaminin in aan soo samatobaxay. Imika ayaan farxay, sambabadayda waxaa gashay neecaw macaan, dadka iyo wax kasta oo ii muuqdaa waxay ila noqdeen kuwo ka karaamo sarreeya dadkii iyo waxyaalihii aan saaka ka soo dhoofay. Kumanyaal dhashii Ibliis ah ayaa maanta ina dhex tuban oo aan dareensanayn, dan ka lahayn, ama qirsanayn hooggii ay geysteen. Waxaas oo dad ah oo aan caddaalad Eebbe mooyee mid dunida ka jirtaa wada ururin karin, iyaga iyo dadka ay denbiyada ka galeebna waxaa u wanaagsan in la isu qirto, laga toobad keeno, la iskana cafiyo. Kuwaasi habeen iyo maalin waxay ka qayliyaan golayaasha fadhi ku dirirku ugu hooseeyo madaxnimaduna ugu sarrayso. Waa ay isaga keen oohiyaan, oo marka aynu waxii dhacay ka eed sheeganno inagu baroor darsadaan. Sarkaalkii bastooladda sanka iga geliyey haddii uu nool yahay billuu meel meelahaas ka mid ah maanta iska oohinayaa, oo iska dhigayaa nin ka xun burburka Soomaaliya? Wuxuu ahaa nin caan ah. Waxaan maqlay in uu soomaali badan denbi ka galay. Waa taliyihii Saldhigga Bari ee Muqdisho ee xilligaas. This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





