Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Dharka askarta ( sheeko) PDF Print E-mail
Friday, 14 May 2010
Wey la yaabanayeen kooxdiisu markii uu lahaa waxan jecelahay in aan ciidanka ku biro,fikirkiisaasi ah in uu ciidamada wadanku yeelanaayo ka mid noqdaana wuxu ahaa mid marka dhinacyo badan laga eego maskaxdiisu ay ku qancisay,wuxu dhageysan jiray xornimadu waxay tahay,wuxu si rasmi ah u xaqiiqsaday in dalkastaaba xornimadiisa
dhacsaday oo aaney bilaash ku iman,wuxu aaminsanaa in dagaalku aanu dhamaan inta badan ee dadku uun dhamadaan oo xitaa kuwii isxoreeyey dib loo qabsan karo.wuxu akhrisan jiray qoraalada iyo bugaagta laga korodhsado aqoonta iyo asluubta nolosha ciidamada,wuxu xaafadaha ugu jeclaa askarta deggan ee direyska kudhex mara,oo uu si kastaba isaga dhaadhiciyey in ay saxsan yihiin mar haddii naftoodii ay la diyaar yihiin.


Sheekada askarta ayuu jeclaa in uu  ka sheekeeyo markasta,dhalinyarta dugsiga iyo goobaha lagu caweeyo ay isugu yimaadaana wuxu ku darsan jiray hadalo la xidhiidha arimahaasi isaga oo ka rajeynaaya in ay sidiisa oo kale u xiiseeyaan ama ku dhiirigeliyaan ka mid noqoshada bahweynta ciidanka,hase ahaate qaar badan oo asxaabtiisa ka mid ah ayaa ku odhan jiray ,Mataan sxb maxaad ku falaysaa askarinimo iyo dhibteeda,ma in dadku ku nacaan ayaad doonaysaa, mise inaad dhimato, mise cidd baad rabtaa in aad kaga aargoosato markaad sarkaal noqoto.yaa difaacaaya wadankeena,danaha bulshadana ilaalinaaya si dadku ukala nabadgalaan,ayuu weydiin jiray qaarkood marka doodu xoogeysato,hase ahaate kaftan runta la isugu sheegaayo oo ah diidmo ayey kala hortagi jireen,ma adiga ayaa ciidan wadan noqonaaya,ma adiga u eegba,bal itaalkaaga eeg qorigaba waad la dhaceysaaye iwm ayey ku duri jireen, jawaabaha isku midka ah iyo kooxda ka badan ee ka soo wada horjeedaase wax isbedel ah kumay abuurin jirin

 

Su,aasha ah maxaynu ku wajahnaa nolosha soo socota ama aynu u diyaarinaa ayaase mataan oo askarinimo raba iyo saaxibadiisa kaleba hortaalay oo inta badan ay isa su,aali jireen,qaarkood waxay odhan jireen mustaqbalka waxaan noqon doona, engineer,dhakhtar,ganacsade,macalin,wadaad diinta bara bulshada,garyaqaan,qareen iwm.cilmiyadaasi oo runtii ah kuwo abuura ama ka qeyb qaata sidii loo heli lahaa bulsho  horumar dhameystiren leh,mataan wuxu habeenkii marka uu guriga tago isweydiin jiray farqiga u dhaxeeya shaqooyinka kale iyo mida askarinimada,hase ahaate waxa markasta maskaxdiisu ku qancin jirtay in labadooduba ay yihiin shaqooyin aaney bulshadu ka maarmin oo loo bahan yahay,midkastaana kaalintiisa qaadanaayo.

 

Wuxu jeclaa maqlida heesta calanka iyo xornimada astaanta u ah,oo runtii qiiro gelinjirtay,wakhtiga dugsiga laga akhrinaayo heesaha la xidhiidha ilaalinta wadankana 

Waxa ku xoogaysan jiray hamiga uu u qabo shaqada ciidanimo.maalmaha dabaaldega xornimada iyo ciidamaadana runtii wuxu u bixi jiray oo uu tegi jiray goobaha la keenaayo ciidanka ama ay soo marayaan si uu arko.halkaasi oo uu ka soo korodhsan jiray khibrad iyo qiiro aanu hore u qabin,qof kasta oo bulshadeen ka mid ah waxa saaran waajib bulshadu ay ku leedahay noloshuna ay ka sugayso,askariga waajibkiisuna waa in uu naftiisa u bixiyo xisiloonida iyo sharafta wadankiisa,haddii qaar inagga horeyey u dhinteen naftoodana u hureen xoriyada aynu ku naalooneyno,mahadnaqeedu waa in aynu inaguna maanta la diyaarnahay nafaheena.qofkasta oo wadanka u dhashay wadankiisu waa sugayaa,anagga wuu soo dhamanayaa wakhtigayagii wadankiina dhalinyarooy idinka ayuu idinsugayaa ee fariintaana gaadhsiiya cidkasta oo aad aragtan.maalintayadii si fiican ayaanu idinku dhameyney,beritoolena idinka ayey idin sugaysaa.khudbad ay ku jireen erayadaasi sare ee waanada ahi, mid ka mid ah saraakiishuna u soo jeediyey bulshaweynta iyo cutubo ka tirsan ciidamada ayuu mataan si weyn  u soo dhageystay.


Nolosha qaaliga ah iyo xornimada macaan ee kujirta maxaa lagu iibsaday?maxaynuse u baahanahay si aynu xornimo buuxda u yeelano?naf huriduse miyaanay noqon Karin waxyar oo lagu kasbanaayo wax weyn.nafhuridase ma la odhan karaa waa tiir ka mid ah tiirarka geesinamada

 

 

 

 

La soco------

 

Abdifataah Mohamed ahmed

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology