Wararka iyo Warbixinaha
| Dharka askarta ( sheeko) |
|
|
|
| Friday, 14 May 2010 | |
|
Wey la yaabanayeen kooxdiisu
markii uu lahaa waxan jecelahay in aan ciidanka ku biro,fikirkiisaasi ah
in uu ciidamada wadanku yeelanaayo ka mid noqdaana wuxu ahaa mid marka
dhinacyo badan laga eego maskaxdiisu ay ku qancisay,wuxu dhageysan jiray
xornimadu waxay tahay,wuxu si rasmi ah u xaqiiqsaday in dalkastaaba
xornimadiisa
dhacsaday oo aaney bilaash ku iman,wuxu aaminsanaa in
dagaalku aanu dhamaan inta badan ee dadku uun dhamadaan oo xitaa kuwii
isxoreeyey dib loo qabsan karo.wuxu akhrisan jiray qoraalada iyo
bugaagta laga korodhsado aqoonta iyo asluubta nolosha ciidamada,wuxu
xaafadaha ugu jeclaa askarta deggan ee direyska kudhex mara,oo uu si
kastaba isaga dhaadhiciyey in ay saxsan yihiin mar haddii naftoodii ay
la diyaar yihiin.
Sheekada askarta ayuu jeclaa in uu ka sheekeeyo markasta,dhalinyarta dugsiga iyo goobaha lagu caweeyo ay isugu yimaadaana wuxu ku darsan jiray hadalo la xidhiidha arimahaasi isaga oo ka rajeynaaya in ay sidiisa oo kale u xiiseeyaan ama ku dhiirigeliyaan ka mid noqoshada bahweynta ciidanka,hase ahaate qaar badan oo asxaabtiisa ka mid ah ayaa ku odhan jiray ,Mataan sxb maxaad ku falaysaa askarinimo iyo dhibteeda,ma in dadku ku nacaan ayaad doonaysaa, mise inaad dhimato, mise cidd baad rabtaa in aad kaga aargoosato markaad sarkaal noqoto.yaa difaacaaya wadankeena,danaha bulshadana ilaalinaaya si dadku ukala nabadgalaan,ayuu weydiin jiray qaarkood marka doodu xoogeysato,hase ahaate kaftan runta la isugu sheegaayo oo ah diidmo ayey kala hortagi jireen,ma adiga ayaa ciidan wadan noqonaaya,ma adiga u eegba,bal itaalkaaga eeg qorigaba waad la dhaceysaaye iwm ayey ku duri jireen, jawaabaha isku midka ah iyo kooxda ka badan ee ka soo wada horjeedaase wax isbedel ah kumay abuurin jirin
Su,aasha ah maxaynu ku wajahnaa nolosha soo socota ama
aynu u diyaarinaa ayaase mataan oo askarinimo raba iyo saaxibadiisa
kaleba hortaalay oo inta badan ay isa su,aali jireen,qaarkood waxay
odhan jireen mustaqbalka waxaan noqon doona,
engineer,dhakhtar,ganacsade,
Wuxu jeclaa maqlida heesta calanka iyo xornimada astaanta u ah,oo runtii qiiro gelinjirtay,wakhtiga dugsiga laga akhrinaayo heesaha la xidhiidha ilaalinta wadankana Waxa ku xoogaysan jiray hamiga uu u qabo shaqada ciidanimo.maalmaha dabaaldega xornimada iyo ciidamaadana runtii wuxu u bixi jiray oo uu tegi jiray goobaha la keenaayo ciidanka ama ay soo marayaan si uu arko.halkaasi oo uu ka soo korodhsan jiray khibrad iyo qiiro aanu hore u qabin,qof kasta oo bulshadeen ka mid ah waxa saaran waajib bulshadu ay ku leedahay noloshuna ay ka sugayso,askariga waajibkiisuna waa in uu naftiisa u bixiyo xisiloonida iyo sharafta wadankiisa,haddii qaar inagga horeyey u dhinteen naftoodana u hureen xoriyada aynu ku naalooneyno,mahadnaqeedu waa in aynu inaguna maanta la diyaarnahay nafaheena.qofkasta oo wadanka u dhashay wadankiisu waa sugayaa,anagga wuu soo dhamanayaa wakhtigayagii wadankiina dhalinyarooy idinka ayuu idinsugayaa ee fariintaana gaadhsiiya cidkasta oo aad aragtan.maalintayadii si fiican ayaanu idinku dhameyney,beritoolena idinka ayey idin sugaysaa.khudbad ay ku jireen erayadaasi sare ee waanada ahi, mid ka mid ah saraakiishuna u soo jeediyey bulshaweynta iyo cutubo ka tirsan ciidamada ayuu mataan si weyn u soo dhageystay.
Nolosha qaaliga ah iyo xornimada macaan ee kujirta maxaa lagu iibsaday?maxaynuse u baahanahay si aynu xornimo buuxda u yeelano?naf huriduse miyaanay noqon Karin waxyar oo lagu kasbanaayo wax weyn.nafhuridase ma la odhan karaa waa tiir ka mid ah tiirarka geesinamada
La soco------
Abdifataah Mohamed ahmed This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





