You are here : Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010
Wararka iyo Warbixinaha
| HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban |
|
|
|
| Thursday, 06 May 2010 | |
Waxa qoray Maxamed Cabdi Tahir, (Khdar gaas) hayderabad Hindiya
Xasan waxa subax kasta abaaro lixda subaxnimo ku soo kalaha telephone
aanu garanayn inkasta oo qofkan subax kasta ku soo kalaha ee soo garaacaa uu yahay hal-qof haddana telephone-koogu ma dhaafo salaan, inkasta oo uu garanayo magaceega oo ay u sheegatay Nimco, hadana muhiimad gaara ma siiyo, salaanta wax dhaafsiisana isma yidhaahdaan, Nimco laftigeedu dabka subax inta uu baxayo, uunbay kaga egtahay, shanta daqiiqo ee ay dhuxusho ku casaanayso, telephone-ku lama dhaafo, umana holato in ay soo garaacdo wakhti kale, isna ma daneeyo, miisaan culusna iskuma ag laha, aan ka ahayn bariido subaxeed. waxay arinni maalmo sidaas ahaataba, waxoogaa la karaar qaaday, bariidadiina barasho badashay, la is waraysay muddo, haasaawuhuna waxoogaa mici-dheeraa, la noqoy asxaab isku wacan, inkasto oo ay sidaas tahay, midna ma soo bandhigin in ay is-arkaan. waxay arinni muddo sidaas ku socotaba, noqde labo aan kala maarmin oo midba midka kale u xiiso, inkasta oo midba midka kale u muujin, hadana wax jacayl la-moodaa dhex-qaad, oo anfacadii ka jar labadoodaba, hadana ku adkaatay in uu midba kan kale usoo bandhigo, isagoo midkoodba uu ka baqayo in uu waayo, ruuxan qaaliga ku ah, waxaadba moodaa in ay mid-koodba ay kalga dhan tahay la hadalka iyo maqalka uu maqlayo ruuxan uu ku indho-kuulanayo. jacayl waa balaayo, waxase baayo iyo baasba isku darsaday kan aamuska ku bada ee aanad u sheegan karin waxa ku haya, ruuxa aad calmatay. inkasta oo falasafeerada jacaylka falan-qaaya ay qodobka ugu horeeya ee ay isku raacaan uu yahay 'in jacaylku aanu iman ilaa aragtiyi jirin' hadanna labadan ruux iyagoo aan wali is arag ayuu jacayl qalbigooda dhex-qaaday, midba midka kale wuu qanciyay dabeecad ahaan, dadnimo la dhaqan, iyo dhan walbaba, waxaanu midba idhaahdaa kani waa kii la ii qoray, iyo tani waa tii la ii qoray. waxay arinni muddo usbuucyo dhaaftay, billana caga-cagaynaysa, midna qarsan waa jacaylkan haya, inuu badda soo dhigana go'aansay, wax walba ha dhacaane, inkasta oo aad moodo in caadi ahaan raggu ka dhiiran yahay dumarka, oo wax iska dabiici ah ay tahay, hadanna markan waxa jacaylkeeda xajin wayday oo arinta badda soo hor-dhigtay Nimco, Xasanna waran qalbiga kaga yaalay, oo laga fujiyay noqotay, gacmo furana ku soo dhawee, una sheeg in isagaba la'hayay, inkasta oo ay tahay wax lala yaabo in laba ruux oo aan is-arag oo telephone uun ka wada xidhiidha, ay ilaa sidan ay isku jeclaadaan, hadanna jacaylku waa shay ku lamaan ruuxda qofka aadamiga ah, kuna baxa oo ku abqaalma ka helitaan, ka helitaankaas oo noqon kara, mid qofku uu ka helo ruuxan dabeecadiisa, dad la dhaqankiisa, wanaagiisa, dul-qaadkiisa IWM, Xasanna waxa ay u ahayd Nimco mid leh dhamaan wanaagsaas, jacaylka uu u qaadayna waxa uu ahaa mid si rasmiya u degay beerkiisa, Nimcanna si sidaas la mida Xasan waa uu qanciyay, haatana waxaabay u muuqataa in ay ku indho-kuulanaysaba. Xasan oo ay ula muuqatay in maadaama oo ay haatan lamaanne jacaylba yihiin in ay kulmaan, laakiinse taasi ma noqon mid ay Nimco diyaar u tahay, waxayna kolba u sheegtaa in ay wakhti kale ay kulmaan, taasi ma qancin Xasan, manna niyad-jabin oo jacaylka uu u hayo ayaa dhiiri-galinayey in uu waydiiyo mar kale, laakiinse jawaabta uu hellaa mar kasta waa 'maya', oo dadban iyo sobobo badan oo aan jirin. waa arin jacayle mar walba isagaa eedda isa saara, waxanna uu naftiisa u sheegaa, in uu deg degayo, waxa arinni sidaas ahaataba, waxa uu Xasan tallo ula noqday saaxiibkii Ahmed, oo uu arinkii u soo bandhigay, talanna ka dalbaday. Ahmedna waxa uu arinkii kala dhig dhigaba, waxay arinni dhaafi wayday oo ay dulucdii isugu timid, 'in gabadhan Nimco ayna waxba run ka ahayn, oo ay wakhti isku dhaafin ay tahay waxan ay wadaa', fikirkaas saaxiibkii ma qancin Xasan, waxana uu aamin san yahay in jacaylka uu u hayo Nimco, mid ka daran ay iyadu u hayso, oo ay jeceshahay, waxana uu talo ku gaadhay in uu isagu ka gun-gaadho... waxa uu xasan hadba ku celceliyo oo uu ka codsado in ay kulmaan, iyadna ay ka warwareegto, waxa uu markii dambe isaga oo aan jeclaysan waydiiyay sobobta ay u diidan tahay kulan kooda, waxay jawaabta su'aashaas ay ka meer meeraysataba waxay markii dambe u dhiibtay runta, runtaas oo ah in ay tahay ruux jiis (laan-gadhe) ah, inkasta oo uu Xasan ka naxay, hadanna isagoo qalbigeeda ilaalinaya ayuu ku tiraabay 'walaal marnaba lagama yaabo in jacaylkaygu i naaqusmo taas', eraydaas oo qabigeeda qaboojiyay, farxadna galiyay, waxa uu Xasan u sheegay sidoo kale in uu wali diyaar u yahay xidhiidhkooda. Xasan waxa ku ciirtay talo, waxanna uu is yidhi, tallo kula noqo saaxiibkaa Ahmed, haddana waxa uu isku qanciyay in aanu marnaba tallo caafimaad qabta ka helayn, ugu dambaynt waxay arinni ka fursan wayday in tallo waayeelnimo kula noqdo adeerkii Nuux, oo adeer uun ma'ahee saaxiibna ahaayeen, markii uu adeerkii Nuux u bandhigay arinkii waxa uu Nuux ugu waanno celiyay oo uu ku yidhi "Adeer ku noolaansho aad ku noolaatid nolosha ugu qiimaha badan, waa ogaansho aad ogaatid sida si xaqiiqo ah, aad u jeclaatid qof, xitaa ha ahaato mid qalbigaaga jabinaysee" Nuux waxa uu kula taliyay in aanu marnaba ku fikirin in uu lumiyo jacaylkiisa waxaana isagoo mar labaad waaninaya ku yidhi "Adeer wakhtiyada qaar waxaad heshid ma'aha waxaad rabtay, laakiinse xaqiiqadu waa in aad heshay wax ka wanaagsan waxaad rabtay kaas oo ah jacayl rasmiya iyo qof si rasmiya kuu jecel". Xasan talooyinkii iyo waanadii uu adeerkii usoo jeediyay aad ayay u qanciyeen, waxana uu goostay in aanu marnaba faraha ka qaadin jacaylkiisa, waxana uu goostay in si kastaba ha ahaatee in ay kulmaan isaga iyo jacaylkiisa Nimco, xidhiidhkoodana ay u gudbiyaan heerkiisa labaad oo ay udubka u taagaan. Xasan usoo bandhig in ay kulmaan, la balan, inkasta oo ay Nimco wali mugdi kaga jiro in ay hanan karto wiilkan ay calmatay, hadana ku dhiiranaantay, la kulan.... waxa la yidhi jacaylku waa sida dabka oo kale, kaas oo ka shidma qalbiga, kuna kalifa qofka in uu sameeyo go'aano deg deg ah, waxay muddo billo ah ay wada socdaan, jacaylkoodiina sii xoogaysto, ku heshiiye in ay is-guursadaan, aqal-gale, si wanaagsanna loogu mushxarad!!!!! waxaa qoray: M.A.Tahir (Khadar Gaas) |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |






