Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban PDF Print E-mail
Thursday, 06 May 2010
Waxa qoray Maxamed Cabdi Tahir, (Khdar gaas) hayderabad Hindiya


Waa Subax hore waxa uu ka soo laabtay Xasan salaadii subax waxana uudib ugu noqday meheradiisii waxyar dib u indho casaysadii uu is yidhiba tellephone ayaa soo dhacay, qabay oo ku tiraab 'Hello waaqofma?' laaguna jawaab 'subax kasta waa qofma ayaad igu salaantaamaalinna maanad codkayga aqoonsanayn?'......

Xasan waxa subax kasta abaaro lixda subaxnimo ku soo kalaha telephone
aanu garanayn inkasta oo qofkan subax kasta ku soo kalaha ee soo
garaacaa uu yahay hal-qof haddana telephone-koogu ma dhaafo salaan,
inkasta oo uu garanayo magaceega oo ay u sheegatay Nimco, hadana
muhiimad gaara ma siiyo, salaanta wax dhaafsiisana isma yidhaahdaan,
Nimco laftigeedu dabka subax inta uu baxayo, uunbay kaga egtahay,
shanta daqiiqo ee ay dhuxusho ku casaanayso, telephone-ku lama dhaafo,
umana holato in ay soo garaacdo wakhti kale, isna ma daneeyo, miisaan
culusna iskuma ag laha, aan ka ahayn bariido subaxeed.

waxay arinni maalmo sidaas ahaataba, waxoogaa la karaar qaaday,
bariidadiina barasho badashay, la is waraysay muddo, haasaawuhuna
waxoogaa mici-dheeraa, la noqoy asxaab isku wacan, inkasto oo ay
sidaas tahay, midna ma soo bandhigin in ay is-arkaan.
waxay arinni muddo sidaas ku socotaba, noqde labo aan kala maarmin oo
midba midka kale u xiiso, inkasta oo midba midka kale u muujin, hadana
wax jacayl la-moodaa dhex-qaad, oo anfacadii ka jar labadoodaba,
hadana ku adkaatay in uu midba kan kale usoo bandhigo, isagoo
midkoodba uu ka baqayo in uu waayo, ruuxan qaaliga ku ah, waxaadba
moodaa in ay mid-koodba ay kalga dhan tahay la hadalka iyo maqalka uu
maqlayo ruuxan uu ku indho-kuulanayo.

jacayl waa balaayo, waxase baayo iyo baasba isku darsaday kan aamuska
ku bada ee aanad u sheegan karin waxa ku haya, ruuxa aad calmatay.
inkasta oo falasafeerada jacaylka falan-qaaya ay qodobka ugu horeeya
ee ay isku raacaan uu yahay 'in jacaylku aanu iman ilaa aragtiyi
jirin' hadanna labadan ruux iyagoo aan wali is arag ayuu jacayl
qalbigooda dhex-qaaday, midba midka kale wuu qanciyay dabeecad ahaan,
dadnimo la dhaqan, iyo dhan walbaba, waxaanu midba idhaahdaa kani waa
kii la ii qoray, iyo tani waa tii la ii qoray.

waxay arinni muddo usbuucyo dhaaftay, billana caga-cagaynaysa,  midna
qarsan waa jacaylkan haya, inuu badda soo dhigana go'aansay, wax walba
ha dhacaane, inkasta oo aad moodo in caadi ahaan raggu ka dhiiran
yahay dumarka, oo wax iska dabiici ah ay tahay, hadanna markan waxa
jacaylkeeda xajin wayday oo arinta badda soo hor-dhigtay Nimco,
Xasanna waran qalbiga kaga yaalay, oo laga fujiyay noqotay, gacmo
furana ku soo dhawee, una sheeg in isagaba la'hayay, inkasta oo ay
tahay wax lala yaabo in laba ruux oo aan is-arag oo telephone uun ka
wada xidhiidha, ay ilaa sidan ay isku jeclaadaan, hadanna jacaylku waa
shay ku lamaan ruuxda qofka aadamiga ah, kuna baxa oo ku abqaalma ka
helitaan, ka helitaankaas oo noqon kara, mid qofku uu ka helo ruuxan
dabeecadiisa, dad la dhaqankiisa, wanaagiisa, dul-qaadkiisa IWM,
Xasanna waxa ay u ahayd Nimco mid leh dhamaan wanaagsaas, jacaylka uu
u qaadayna waxa uu ahaa mid si rasmiya u degay beerkiisa, Nimcanna si
sidaas la mida Xasan waa uu qanciyay, haatana waxaabay u muuqataa in
ay ku indho-kuulanaysaba.

Xasan oo ay ula muuqatay in maadaama oo ay haatan lamaanne jacaylba
yihiin in ay kulmaan, laakiinse taasi ma noqon mid ay Nimco diyaar u
tahay, waxayna kolba u sheegtaa in ay wakhti kale ay kulmaan, taasi ma
qancin Xasan, manna niyad-jabin oo jacaylka uu u hayo ayaa
dhiiri-galinayey in uu waydiiyo mar kale, laakiinse jawaabta uu hellaa
mar kasta waa 'maya', oo dadban iyo sobobo badan oo aan jirin.

waa arin jacayle mar walba isagaa eedda isa saara, waxanna uu naftiisa
u sheegaa, in uu deg degayo, waxa arinni sidaas ahaataba, waxa uu
Xasan tallo ula noqday saaxiibkii Ahmed, oo uu arinkii u soo
bandhigay, talanna ka dalbaday. Ahmedna waxa uu arinkii kala dhig
dhigaba, waxay arinni dhaafi wayday oo ay dulucdii isugu timid, 'in
gabadhan Nimco ayna waxba run ka ahayn, oo ay wakhti isku dhaafin ay
tahay waxan ay wadaa', fikirkaas saaxiibkii ma qancin Xasan, waxana uu
aamin san yahay in jacaylka uu u hayo Nimco, mid ka daran ay iyadu u
hayso, oo ay jeceshahay, waxana uu talo ku gaadhay in uu isagu ka
gun-gaadho...

waxa uu xasan hadba ku celceliyo oo uu ka codsado in ay kulmaan,
iyadna ay ka warwareegto, waxa uu markii dambe isaga oo aan jeclaysan
waydiiyay sobobta ay u diidan tahay kulan kooda, waxay jawaabta
su'aashaas ay ka meer meeraysataba waxay markii dambe u dhiibtay
runta, runtaas oo ah in ay tahay ruux jiis (laan-gadhe) ah, inkasta oo
uu Xasan ka naxay, hadanna isagoo qalbigeeda ilaalinaya ayuu ku
tiraabay 'walaal marnaba lagama yaabo in jacaylkaygu i naaqusmo taas',
eraydaas oo qabigeeda qaboojiyay, farxadna galiyay, waxa uu Xasan u
sheegay sidoo kale in uu wali diyaar u yahay xidhiidhkooda.

Xasan waxa ku ciirtay talo, waxanna uu is yidhi, tallo kula noqo
saaxiibkaa Ahmed, haddana waxa uu isku qanciyay in aanu marnaba tallo
caafimaad qabta ka helayn, ugu dambaynt waxay arinni ka fursan wayday
in tallo waayeelnimo kula noqdo adeerkii Nuux, oo adeer uun ma'ahee
saaxiibna ahaayeen, markii uu adeerkii Nuux u bandhigay arinkii waxa
uu Nuux ugu waanno celiyay oo uu ku yidhi "Adeer ku noolaansho aad ku
noolaatid nolosha ugu qiimaha badan, waa ogaansho aad ogaatid sida si
xaqiiqo ah, aad u jeclaatid qof, xitaa ha ahaato mid qalbigaaga
jabinaysee" Nuux waxa uu kula taliyay in aanu marnaba ku fikirin in uu
lumiyo jacaylkiisa waxaana isagoo mar labaad waaninaya ku yidhi "Adeer
wakhtiyada qaar waxaad heshid ma'aha waxaad rabtay, laakiinse
xaqiiqadu waa in aad heshay wax ka wanaagsan waxaad rabtay kaas oo ah
jacayl rasmiya iyo qof si rasmiya kuu jecel".
Xasan talooyinkii iyo waanadii uu adeerkii usoo jeediyay aad ayay u
qanciyeen, waxana uu goostay in aanu marnaba faraha ka qaadin
jacaylkiisa, waxana uu goostay in si kastaba ha ahaatee in ay kulmaan
isaga iyo jacaylkiisa Nimco, xidhiidhkoodana ay u gudbiyaan heerkiisa
labaad oo ay udubka u taagaan.

Xasan usoo bandhig in ay kulmaan, la balan, inkasta oo ay Nimco wali
mugdi kaga jiro in ay hanan karto wiilkan ay calmatay, hadana ku
dhiiranaantay, la kulan....

waxa la yidhi jacaylku waa sida dabka oo kale, kaas oo ka shidma
qalbiga, kuna kalifa qofka in uu sameeyo go'aano deg deg ah, waxay
muddo billo ah ay wada socdaan, jacaylkoodiina sii xoogaysto, ku
heshiiye in ay is-guursadaan, aqal-gale, si wanaagsanna loogu
mushxarad!!!!!


waxaa qoray:
M.A.Tahir (Khadar Gaas)

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology