Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
ISAGAABA YAABAY PDF Print E-mail
Wednesday, 28 April 2010
Xasan Cabdi This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Siduu u joogay uun buu mar is yidhi miyaad dalkiiba tagtid? Immisa gu buu meesha joo gay? Suâaashaa maanta ka horba ismuu weydiin. Yaraan buu ka yimid oo qurbaha ku soo galay. Intii uu joogay qaadkii ma yimid iyo halkaynu fadhiisannaaba sheekadiisu ma dhaafin. Weliba isaga qaadka waa loo weheliyey. Tigidhka Baska iyo Tareenka maalin kasta wuu ammaanaysan jiray.
Socdaal baabu u xidhxidhay . Waa isaga iyo hebello kale oo sidaa ay isla garteen. Dalkii baa jaad macaani yaalle aynu xagaagan ku soo qayilno warkoodu ma dhaafsanayn.

Markuu dalkii tegay soo dhoweyn la yaab leh oo aanu filanayn baa lagala horyimid. Qol gaar ah baa gurigii laga dejiyey.. booqashada ayaa ku badatay hablo iyo innamoba. Inanka Yurub ka yimid …baa dhegihisa ku soo duusha. Habeen walba waa la casuumaa, maalin walba qolo gaar ah baa qado gaysa. Gaadhi baa lagu qaadaa. Inuu lugeeyo looma oggola. Wuu yaaban yahay, isagu wuu is garanayaa, wuxu la yaaban yahay dadkan aan garanayn. Waxa la yidhi wiilka Yurub ka yimid inan ha loo dhiso, hablihii baaba u soo kala dheereeyey. Wuu is ogaa inaanu qof jira ahayn. Guur iyo guri-dhis weligiiba kuma fikirin. Wuxu la yaaban yahay dadkan isagii dad mooday. Meel ay wax ka si yihiin buu garan waayey. Wuu ogyahay inaanu gabadh uu guursado dhaqayn. Wuu ogyahay inuu laba bilood kadib halkii uu ka yimid dib ugu noqon doono, gabadh u mehersanna xasuusan doonin. Laakiin waa wiil Yurub ka yimid oo waa in w ax kasta loo huraa. Way nasiib badan tahay baa la leeyahay inanta heshaa. Tolow ma isagaa nabiib badan mise iyada, mise labadoodaba, mise midkoodna? Yaa og!!!


Waa kanoo inantii hablaha ugu dheg roonayd baa meher gaw loogu siiyey. Inantii heshay w aa loo hambalyeeyay, iyana way ku faraxsan tahay wiilkan ay heshay. Inay nasiib badantah ay baa loo arkaa, iyana isku aragtaa. Adduun kala warla’.


Fasaxii ka dhammaa, degdeg ugu laabtay dalkii uu ka yimid. Isagoo faraxsan buu mafrashkii qayilaadda ugu tegay asxaabtiisii. Waa lagu hambalyeeyey guusha uu kala yimid dalkii. Wara ysi baa lagu bilaabay. Wuxu ka warramay sida diirran ee loo soo dhoweeyey, inuu casuuma dba ka bixi waayey, bahalkii qaadka ahaana ka soo haqab beelay iyo inuu soo guursaday ga badh. Wuxu ka warramay hebello mafrashkooda ka tirsanaa oo dalkii xilal sare ka haya.


War laga waa’ wiilkii, soo hadli waa’, inantiina qarracantay. Farxaddii waxay isku bed deshay murugo. Inay dhoofto maahee taloba teedii maaha. Isaga oo kale iyo inta lagu sirm ayaa adduunka waa ku badan yihiin. Sheekadiisu soo dhoweyn iyo inan la siiyey uun bay ku egtahee, waaba la ladan yahay haddaan wasiir laga dhigin. Isagaan doonane mindhaa waa ba laga dhigi lahaa. Oo maxaa looga dhigi waayey ma wax fog baa sow dibedda kamuu iman? Dhowr oday oo uu qayilsiiyo iyo wiilal afmiishaarro ah uun baa ka xiga oo ammaantiisa geed walba dhigee? Haddii wasiir loo waayo ma agaasimaa loo waayayaa? Oo taasi ma layaab bay leedahay sow kuwan kuwii la mafrashka ahaa wasiirrada ah?


Wiilku isagoo hagaagsan buu waagii hore dalka ka dhoofay. Markuu soo noqday inuu hagaa gsan yahay baa loo haystay. Waa la kala war laayahay. Haddii warkiisa la hayo waa loo gur man lahaa. Nin badbaado u baahan baa wax la bidayaa. Waa la badbaadin lahaa. Waa la see xin lahaa, la nasin lahaa, caloosha la socodsiin lahaa oo caano geel iyo maraq la iskugu dari lahaa. Markuu ladnaado ayaa hawlihiisa kale la geli lahaa.


Xagaaga danbe waxa la filayaa inay yimaaddaan qaar badan oo ka mid ah kuwii ay isku mafr ashka ahaayeen ee uu uga sheekeeyey sida wacan ee loo soo dhoweeyey. Waxay filayaan in sidiisa oo kale loo soo dhoweeyo. Waa hubaal in la soo dhoweyn oo la buunbuunin, waa hu baal in wax weyn loo haysto. Shaki ma leh inay hablo ka soo guursan doonaan. Sidoo kale w aa hubaal inaanay waxba ku biirin doonin dadkaa ay u tegayaan. Marka ay dib u noqdaanna sidiisa oo kale ayaa war laga waayi doonaa, waxase ka daran kuwa mar walba waddanka loogu yimaad ee xaalkoodu yahay “Adhi daasad kama ilbaxo.
 
source: murtimaal.com
 
 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology