Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Nin Iska Dhintay!! PDF Print E-mail
Thursday, 08 April 2010

Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd" 

Waa dhammaadkii nofembar. Saacaddu saddexdii galabnimo wax badan ma ay dhaafin haddana waa habeen. Waxaa la moodaa saqdhexe. Nalalka waddooyinka oo aan maantaba la bakhtiin ilayskooda waa lagu kala leexanayaa wax kalese tari maayo. Ilaa shalay waxaa da’ayey gabaxle ay dhibicdiisa daallani marka ay laamida ku dhacdo u eg tahay saliid. Biyo qulqulaya ama fadhiyaa ma muuqdaan oo markiiba dhuumo hoose ayaa afka u dhiganaya. Waa qabow laakiin ka xilligan la filo uguma darra.

Dadku waxay gashan yihiin jaakado dhaadheer oo bac ah, qaarna dallado ayey dabaysha kula legdamayaan. Shib baa la wada yahay sidii dadka dhawaaqo ka xidhamy ama la dhego beelay. Guuxa gaadiidka waxaa wehelisa oo keliya jaqafta jaanta. Wejiyada lama kala aqoonsan karo oo waa wada hummaag.

In kasta oo aanan maanta dhibaato gaar ah tirsanayn haddana ma faraxsani; cid jawigan iyo bishan faraxsan ayaaba iska yar. Jaakad dheer oo madow ayaa lawyada ii joogta. Dharkayga, midabkayga iyo dunida wada madow ayaa iga dhigay wax aan la arkayn oo xataa ilaysku muujin karin. Cifriid la igama garto. Waxaa lagu taliyaa xilligan in wax iftiimaya la qaato si shil gaadiid looga badbaado, haddana anigu ma yeelo. Kilkisha waxaa iigu qarsoon buug aan qoyaanka ka dhawrayo. Gaadiidka dushiisa iyo meelaha kale ee dhaqdhaqaaqu ka jiro buug kuma akhriyi aqaan, kanse dan kale ayaan ka lahaa.


Waxaan ka imid magaalo aan tan aad uga durugsanayn, waxaanan booqasho ugu socdaa nin soomaaliyeed oo aanu isnaqaannay muddose aannaan is-arag. Saddex sano hortood ayaan bartay, wuxuuna ka mid ah soomaalida aan badnayn ee tacliinta sare leh. Wuxuu ku takhasusay maaddada aan qudhaydu aadka u xiiseeyo ee suugaanta, siiba fanniga sheekada. Dalka Nayjeeriya ayuu ka soo qaatay shahaado sare oo ah suugaanta afka ingiriisida. Ma jirin ama waa dhif sheeko macno leh oo dunida lagu qoray oo aanu akhriyin ama warbixin dhamays tiran ka hayni. Waxay ahayd markii aan Yurub soo galay oo ay fajiciso iyo filanwaa igu noqotay horumarka ay sheeko faneeddu samaysay, oo aan akhriskeeda ku miyir beelay. Sidaas darteed waxaan ka dhigtay wehel aan arrintaas kala doodo, sida uu qudhiisuba iiga dhigtay. Wuxuuse jaahil ka ahaa suugaanta soomaalida, sababta oo ah wuxuu ku dhashay magaalo, asal ahaanna wuxuu ka soo jeeday degmo beerato ah oo aan suugaanta u xiisayn sida raacatada.


Marba sheeko faneed caalami ah oo aanu isla naqaan ayuu si yaab leh u taxliilin jiray, isaga oo dhinacyada nafsadeed, falsafadeed, dhaqan iyo afshaxan marba mid u degaya. Waxaad moodaysay in uu qofkii qoray qalbigiisa iyo maskaxdiisa ku jiray. Laakiin haddana isagu laba bog oo suugaan ah ma curin karin. Dookhiisu ma ahayn in uu wax curiyo ee wuxuu ahaa akhris, halka dad kale dookhoodu yahay in ay wax qoraan iyaga oo aan wax akhriyin. Wuxuu i baray qoraa weyn oo aanan markaas ka hor maqlin, Joseph Conrad, iyo buugtiisa, wuxuuna igula yaabay in aanan aqoon. Wuxuu ii sheegay ninkaasi in uu dejiyey hannaan faneed sheekada loo qoro, taas oo ay dad badan oo isaga ka dambeeyey raaceen.


Da’diisu waxay ahayd afartan, wuxuuna qabay naag cad oo isaga guyaal ka sii weyn. Maalintii iigu horraysay ee uu gurigiisa igu casumay waxaa yaab igu noqotay foolxumada naagtiisa. Malaha waxay ahayd naagtii ugu foolxumayd ee aan weligay arkay. Waxay ahayd qof aad u gaaban, waxayna lahayd jidh aad u qaab xun. Way timo go’nayd, waxayna gashanayd goono jilbaha ka sarraysa iyo funaanad gacmo gaaban labadaas oo bilic darrada kala daran. Intaas oo keliya ma aha ee xataa waxaan tuhmay maskax ahaan in aanay dhammayn. Nin gaambiyaan ah ayey laba ilmood u dhashay, kuwaas oo koray kana guuray, aabbahoodna dalkiisii ku noqday. Soomaaliga waxba uma ay dhalin. Saddex sano oo aan reerkaas aqaannay caddayn iyo beenin midna uma helin naagtu in ay dhiman tahay iyo in kale. Maxaa iga galay? Waxba.


Waxaa jira dad badan oo shahaado jaamacadeed iska haysta, isaguse wuxuu lahaa aqoon u qalanta kana sarraysa shahaadadiisa, siiba maaddada uu bartay. Haddana mar keliya ayaan is-arkay aniga oo ninkaas necbaysanaya. Muxuu ii gaystay? Waxba. Waxaa badan qof isaga oo aan waxba ku yeelin aad dabcigiisa u gaarka ah ku nacdid. Ninkani aqoontaas uu lahaa waxba kuma uu qaban jirin. Hadda waxbaba! Daqiiqad kasta oo aan la joogo waxaan isweydiin jiray danta uu sidiisaba waxbarashada ka lahaa. Keligay ma aha ee Adolf Hitler isaga oo kale wuu necbaa. Wuxuu ku sheegay dad cilmi ka dhigtay hadaf, halka uu cilmigu yahay qalab loo adeegsado in lagu gaadho hadaf.


Suugaanta uun igama weheshanayn ee mar dambe ayaan ogaaday in uu i soo magangalay. Haa, wuxuu ka soo firxaday caddaanka oo uu muddo ku dhex jiray ka dib markii ay si daran isu qoonsadeen. Caddaan uun ma aha ee waxay ahaayeen dad u badan suxufiyiin, qorayaal, macallimiin jaamacadeed i w m. Wuxuu ii sheegay arrin yaab leh oo ah dadkaasi in ay neceb yihiin oo dhagar la gaadayaan, uu hubo in ay dili doonaan ama maskaxda ka dhaawici doonaan. Marar dhawr ah ayuu arrintaas ila soo qaaday, wuxuuna aad uga hadlay dadka uu sheegayaa kuwa ay yihiin. Shakhsiyaad ma aha ee wuxuu ku sheegay arrin heer ummadeed ah.


Maalin annaga oo fadhina makhaayad bunka laga cabbo ayaan weydiiyey:


– Maxaad u gaysatey ee ay kuu dhaawacayaan ama kuu dilayaan?

– Waxba, waxayna arki karin soomaali wax fahmi kara oo aan iyaga eey u ahayn.
– Oo maxay u arki kari waayeen, maxayse eeynimada soomaaliga ku falayaan?
– Wax badan baa kugu seeggan sida ay dunidu u shaqayso, ayuu iigu jawaabay sidii aan ahay ilmo yar.

Inta uu sigaar shitay oo si qoddo dheer u nuugay ayuu qiiq cad afka iyo sanka ka keenay, kaafigii hor yaallay si niyadxumo leh u kabbaday, dabadeed hadalkiisii hore raacsaday:


– Siyaasadda gumaysiga cusub waxaa udubdhexaad u ah in dadka la jaanjaamo iyada oo aan xabbad lala dhicin. Qofka kasta oo feker taa lid ku ah qaba, ama laga baqo in uu sirta jaanjaamidda heli karo, si uun ayaa loo laaluushaa ama looga takhallusaa.

– Oo adigu in aad feker gumaysiga cusub diiddan qabtid sidee lagu ogaaday? Ma wax baad qortay, mise si kale ayaad wax u sheegtay?
– Muddo aan yarayn ayaan dadkan dood wadaag la lahaa. Maqaallo aan wargeysyo kala duwan u diray oo aan la daabicin waxaan hubaa in ay iyagu suuldaareen.
– Maqaalladu maxay ku saabsanaayeen?
– Waxyaalo kala duwan, waxayse badankoodu qeexayeen xaqiiqada mushkiladda Soomaaliya.
– Oo sidee baad xaqiiqadaas u aragtaa? ayaan weydiiyey.
– In ay tahay balaayo debedda laga keenay welina laga wado.
– Ma sababtaas ayaad rumaysan tahay in laguu dilayo?
– Tu kale ha joogtee taasi keligeed miyey kula fudud dahay?

Uma aan jawabin ee waan ka aamusay aniga oo la yaabban. Waxaan maleeyey in uu qabo cudurka buufiska ee soomaalida ku batay. Waxaan damcay in aan weydiiyo bal sida uu buufiska u arko. Waanse ka hakaday aniga oo ka baqay in uu ku jawaabo ”buufisku ma aha dabiici ee waa cudur soomaalida lagu faafiyey”. Laakiin isaga ayaaba sidii uu niyaddayda akhriyey yidhi:


– Waan garanayaa in aad ila yaabtay oo weliba buufis iiga shakiday. Waxaanse kuu sheegayaa fekerkaaga sidaas ahi wuu ka khatarsan yahay gumaysiga cusub ee maskaxda, waayo iyaga ayaa kula weyn oo kuula muuqda dad aan miskiin aniga oo kale ah dan ka lahayn, anigana waad i liidaysaa. Haddii aanay aniga oo kale danayn ama ka biqin yey danayn lahaayeen oo ka biqi lahaayeen?

– Waxaa jira dad aqoon leh oo kaa caansan kaana awood badan, kuwaas maxaa loo layn waayey? ayaan ku xujeeyey.
– Dadkaas aad sheegaysaa waa saddex mid uun: qayb aan fekerkooda laga baqayn oo damiin ah, qayb gacanta lagu hayo oo la maamusho, iyo qayb la jaanjaamay oo la dhaawacay ama awood iyo waxqabad ummadeed laga ilaaliyey.
– Iswiidhan waa dal yar oo aan gumaysigii hore ku jirin kan maskaxdana dan ka lahayn. Markaa maxaa ka khuseeya waxan aad rumaysan tahay? ayaan weydiiyey.
– Nimankani waa isku nolol, waa isku dhaqaale, waa isku siyaasad, si walbana waa isugu dan. Markaa dal ismuujiya iyo mid isgaabiyaba dagaalkaas waa ay u wada dhaarteen.

Sidaas ayuu u fekerayey. Wuxuu rumaysnaa dadkani waxa ugu weyn ee ay ka shaqeeyaan in ay tahay la dagaallanka iyo burburinta fikradaha aan dantooda waafaqsanayn. Dad yar baa ka baxsada, intaa yarna waxaynu aragnaa iyaga oo goor ay arrini fashilantay ka daba qaylinaya, oo isku dayaya in ay xumeeyaan oo dunida kale ka hor keenaan. Lama xisaabin karo inta qof ee ay noloshiisa yar u qonsadeen. Lama tirin karo inta qof ee ay bakhtigiisa sida guduudahana qarsadeen. Lama tirin karo inta geesi ee ay dhaandhaameen. Lama tirin karo inta ay halyey dadkiisa ku direen. Lama tirin karo inta ay wiil miiggan jidgooyo ku sameeyeen. Sidaas ayuu u hadlay isaga oo xaalad walba ka bixinaya tusaale uu hubo. Miyaan rumaystay mise waan beensaday? Adiguba miyaad rumaysatay mise waad beensatay?


Magaalo kale ayaan u guuray, muddo sannad ku dhowna isma aanu arag. Dabadeed maalin dambe ayaan wacay una sheegay in aan saddex cisho ka dib oo sabtida ku beegan soo booqan doono. Haye iyo haye, ayaannu ku ballannay. Waa maanta. Booqasho saaxiib ayey iska ahayd, waxaanse jeclaa in aan uga mahad naqo in uu i baray Joseph Conrad, una qiro ninkaasi run ahaantii in uu ahaa aabbaha sheekada casriga ah.


Markii aan magaalada imid ma wicin ee toos ayaan gurigiisa u beegsaday. Albaabka waxaa iga furtay xaaskii foosha xumayd oo sii foolxumaatay. Maxaa ku dhacay? Markiiba laabta ayey iskagakay soo tuurtay oo baroor bilawday, iyada oo ku hiinraagaysa:


– Wuu dhintay! Saaxiibkaa wuu dhintay! Nacdali kortay wuu dhintay!


Waqti ayey igu qaadatay in aan fahmo ama rumaysto. Qofta ma waallidii aan ku tuhunsanaa baa kaga soo dartay mise waa runteed? Inta aan iska furfuray ayaan aqalka hore u galay. Cid kale lama joogto aan ahayn bisaddeedii caddayd oo iyada oo ”maaw, maaw” leh oo dibka warwareejinaysa iga hor timid. Naagtii oo markii aan ka dhaqaaqay oohintii dhintay ayaan dib ugu jeestay:


– Naa maxaad tidhi? Mee ninkaagii?

– Wuu dhintay. Habeen hore ayuu dhintay.
– Sidee buu u dhintay? Maxaa dilay?
– Wuu iska dhintay, ayey tidhi sidii qof segeger ah.
– Sidee buu isaga dhintay? Ayaan weydiiyey aniga oo raba in ay sabab uun ii sheegto; in la dilay ama uu shil galay, ama wadnuhu joogsaday.
– Iskii ayuu isaga dhintay, nacdali kortay! ayey haddana ku celisay.

Dhawr saacadood baan la sii joogay iyada oo aan igu kordhin wax aan ahayn in uu habeen hore badqab ku seexday aroortii shalayna sariirta mayd ku ahaa. Aan qado kuu sameeyo markii ay tidhi waan diiday. Naxdinta aan geerida saaxiibkay ka qaaday ka sokow waxaan ogaa in ay tahay karisxun.


Cawayskii markii aan ka soo baxay waxaan arkay baraf wax walba midab iyo muuq dooriyey: dhulkii, dhirtii, daarihii, baabuurtii… Aad buu nadiif u ahaa una qurux badnaa. Weli wuxuu u dhacayey si deggan haddana culus oo dhibco waaweyn. Waxaa qurux u sii kordhiyey dabaysha oo si buuxda u taagan. Lagama garto cudbi cirka ka soo qubanaya, ka dhirta saaranna lagama garto ubax wada cad. Barafka sidan ah ilaa maalintii iigu horraysay waan jeclaa, laakiin maanta dan kama aan lihi. Runtii dhimashada saaxiibkay aad ugama mrugaysnayn waanse xanaaqsanaa. Aad baan u xanaaqsanaa. Wuxuu ila ahaa nin iska dhintay, sidii ay naagtu tidhi.


Markii aan barafkii cabbaar soo dhex jibaaxay ayaan goobtii hakadka baska isa soo taagay. Waxaan xasuustay buuggii xumaa ee kilkisha iigu jiray. Maxaa igu raray? Inta aan soo bixiyey ayaan kolaygii qashinka ku tuuray. Maxaan isaga tuuray? Mooyi. Waxaan sii arkayey jeldigiisa madow cinwaanka farta cadcad ku qoran: Heart of Darkness, Joseph Conrad. Dabadeed baskii oo isa soo taagay ayaan ku booday. Waxaan ka yar fekeray dhimashadaydu sida ay uga duwanaan karto tii saaxiibkay. Waxaan kale oo ka fekeray inta qof soomaaliyeed waxtar noqon lahaa ee macnedarro isaga bakhtiyey. Berri ayaanu xabaalaynaa, dabadeed markiiba magaaladaydii ayaan ku noqonayaa. Haddii aanan iska dhiman.


Ibraahin Yuusuf Axmed

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology