Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd PDF Print E-mail
Friday, 26 March 2010
Anigoo maraya meel cidlo ah, la shawraya naftayda, xisaabinaya wakhtiga, waayaha ka faaloonaya, ayaan si kedis ah u istaagay. Waxa aan indhaha ku dhuftay warqad meel halkan ah taalla. Gartay inay qof ka dhacday, ka dibna is idhi bal meesha ka qaad, bal in aad cidda ay ku socota garato si aad ugu gayso. Warqadii ayaan ku foorarsaday, arkay inaanay gal ku jirin. Waa warqad si farshaxan leh u qoran, midabbo kala geddisan lagu xardhay, ubaxyo ku sawiran yihiin, si heer sarraysa la iskugu dubbariday.
Intii aanan akhriyin waxa ku qoran, waxaan aad ula dhacay muuqaalkeeda guud.

Waxay indhahaygu jeclaysteen bal inaan si fiican u eego warqaddan iyo waxa ku qoran. Waxaan la fadhiistay meel lagu nasto si aan warqadda u akhriyo, waxay ka hadlaysana u dhuuxo, illayn kuma dhammayn karo taagniye. Waxaan fadhiistay meel halkeer ah. Waxaan ku bilaabay bal inaan warqadda ka eego magacyo ama cinwaan bal si ay u fududaato helista ciddii lahayd, kuma arko midnaba.


Kaddib waxaan toos u bilaabay akhriska warqadda. Cinwaanka xagga sare waxa ku qoran:

HADDAY OGAAN LAHAYD: Dhambaal jacayl. Ku socda tii aan jeclaa, ka socda kii wax jeclaa.

Hoos baan ugu sii degay akhriska warqadda, sidan bay ku bilaabatay:




“Waa dhambaal ka socda qof aan garanayn qofka uu u dirayo, ka loo dirayaana aanu garanayn ka u soo diraya. Garashadu maaha garasho duleed. Garashada duleed markay tahay sida dharaartay isku garanayaan, waa garashada duunka, garashada hoose, garashada quluubta. Warqaddu way ka tegi doontaa ka diraya, waanay gaadhi doontaa ka loo dirayo, warcelintuse lama hubo inay ka soo noqon doonto ka loo dirayo. Waa dhambaal innaga nolol horreeyey, innagana nolol dambaynaya. Anigu ma ahi qofkii u horreeyey ee dhambaalkan dira, adiguna ma noqonaysid qofkii u dambeeyey ee loo diro. Si kastaba ha ahaate waa dhambaal geli doona buugga xusuusaha gaarka ah.




Ku bilaabid magaca Eebbe:


Gacaliso,


Haddii farriintani maalin uun ku soo gaadho…!Ogow!!!


…Waan ku jecelahay sababtoo ah kuma garanayo. Waad i necebtahay sababtoo ah ima garanaysid.


Ima garanaysid sababtoo ah ma doonaysid inaad i garato; kuma garanayo sababtoo ah ma doonayo inaan ku garto. Indhaha ayaan isku soo qabanayaa sababtoo ah ma doonayo inaan xumaantaada arko. Indhaha ayaad isku sii qabanaysaa sababtoo ah ma doonaysid inaad wanaaggayga aragto. Ma rabo in dhegahaygu maqlaan xumaanta lagaa sheegayo, ma rabtid in dhegahaagu maqlaan wanaagga la iga sheegayo.


Waad i necebtahay sababtoo ah ima taqaanid, ina baran maysid sababtoo ah waad i necebtahay. Sideed u baran kartaa qof aad necebtahay?


Waan ku jecelahay, sababtoo ah kuma aqaan, kuna baran maayo, sababtoo ah waan ku jecelahay. Sideen u baran karaa qof aan jecelahay?


Haddaad ogaan lahayd…ogaanba mayside…haddaan ogaan lahaa..ogaanba maayee…waynu isku iman lahayn, iskuba iman maynee; waynu kala maqnaan lahayn, kala maqnaanba maynee!


Warku ha iga tago, hubaal wuu iga tegi, ha ku soo gaadho, hubaal wuu ku soo gaadhi, inuu kaa soo noqonse mooyi.


Warku ha kaa yimaaddo, hubaal kaa iman maayee; ha i soo gaadho, hubaal i soo gaadhi maayee.


Ku raaxayso akhriska dhambaalladayda. Cid kale uga sheekee, ciddaad doonto uga sheekee, ka dhigo maad iyo madadaalo. U qaado inaan indhaha isku soo qabanayo; oo haddaan indhaha isku soo qabto sideen kuu arkayaa? Ujeeddadaydu sow inaan ku arko maaha? Mindhaa adigaa indhaha isku sii hayey oo u qaatay inaan aniguna indhaha isku haysto!. Wacnaan lahaydaa inaynu labadeennuba indhaha kala qaadno, inaynu is aragno. Inaynu qalbiga iyo indhaha iska aragno. In quluubteennu wada hadasho oo aynu maskax laabashada ka gudubno. Inaynu hal qof isku noqonno.


Ma qummana in la qaato go’aan la qoomamayn doono…..go’aanka ha hoggaamiso garasho. In badan baan arkay dad badan oo ifka jooga oon weli dhalan. Ma ogi inaad kuwaa ka mid tahay, waxanse ogahay inaynu laba adduunyo ku kala noolnahay.


Muxuu yidhi Saahid Qamaan?
…Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho. Oo maxaynu gabaygaa uga baahannahay maba kala maarannee? Haddaan gacal isjceliyo, is afgarasho-waa nahay, adna guri cadaawaad ku gaboobi doontaa, anna geli shisheeyaan ku go’doomi doonaa!! Tanna ma hees bay ahayd!

Alla ma nin buu ahaa!!…Alla ma gabadh bay ahayd!!! Waa caadadeenna inaynu fursado inna dhaafay u calaacalno.


Gunta iyo gebagebada farriintan oo farriimo kale ku sii xigi doonaan, gacaliso, waxan ku leeyahay: Haddii isa-seeg dhaco ducadeennu ha noqoto tii Ismaaciil Cagaf:
‘Sed iyo calaf baa sidaa wax yidhee, i seegtaye samo ku noolow’.

Noole kulante.


----


Xasan C. Madar
Hargeysa
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology