Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
HAL ABUURKA TOGDHEER IYO HABEENKII MURTIMAAL PDF Print E-mail
Saturday, 13 March 2010
Xaflad balaadhan oo loogu magacdaray Hal Abuurka Togdheer iyo Habeenka Murtimaal ayaa xalay lagu qabtay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco.
Xafladaasi oo ay soo abaabuleen Bahda Hidaha iyo Dhaqanka Dhalinyarada Somaliland ee Murtimaal ayaa waxaa ka soo qayb galay, Gudoomiyaha Jaamacada Burco C/raxman Jaamac Ducaale, Abwaanad Foosiya Axmed Maxamed (Foosiya Hormood),

Abwaano Da,yar ah oo ay ka mid ahaayeen, Axmed Maxamed Faarax (Badeed), Kayse maxamed Xuseen,Axmed Cabdi Xirsi, C/raxman Maxamed Cabdi, iyo Masuuliyiinta Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Murtimaal oo ay ka mid ahaayeen, Sahra Maxamed Cali, Mustafe C/kariin cali (Mustafe Future) iyo Marti sharaf kale oo badan.

Ugu horayn waxa madashaasi ka hadashay Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Murtimaal Sahra Maxamed Cali oo si faahfaasan uga warantahay Asaaskii ururka iyo Ujeedooyinkiisa iyo Guud ahaanba habsami u socodka Ururka Murtimaal iyada oo xustay in ay ururka aasaaskiisa lahaayeen Dhalinyarada Reer Somaliland ee jaamacada dalka iyo dibada Somaliland,waxa kale oo ay sheegtay in ururka Murtimaal uu utaaganyahay Dhiiri galinta Da,yarta abwaanada ah iyo kaydinta suugaantooda,
Sahra Maxamed cali waxa ay sheegtay inay u suurto gali wayday inuu kala qayb galo gudoomiyaha Somali pen isaga oo jeclaa inuu khadka telephone-ka kala qayb qaato, waxaanay mahadnaq u soo jeedisay dadwaynihii ka soo qayb galay.
Gudoomiyaha Jaamacada Burco C/raxmaan Jaamac Ducaale oo hadal kooban halkaasi ka jeedi yay ayaa mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Bahda Hidaha iyo Dhaqanka Murtimaal waxaana uu ka waramay qiimaha Dhaqanka iyo Suugaanta Somaligu leedahay.

Gudoomiyaha Jaamacada burco waxa uu Xusay in ay bari jaamacada Burco arday ka qalin jabinayso iyaga oo xidhan doona dharka hidaha iyo dhaqankeena, waxa kale oo uu sheegay in center-kii (Somali study center) ee uu hadraawi ka madaxda ahaa Akadmiyada Fanka iyo suugaanta wakhtigii dawladii somaliya, Maantana uu sidii oo kale jaamacada burco Madax ka noqdo, waxaa ka kale oo uu ugu bushaareeyay Dhalinyarada Gobolka togdheer inay u furi doonaan Kuliyada Dhaqanka iyo Suugaanta, si dib loogu soo nooleeyo dhaqanka suuban ee Somaliga iyo Hidihiisa.
Waxaa iyana Madashaasi heeso, Gabayayo iyo Buraanburba ku soo bandhigtay Abwaanada Wayne ee Foosiya Axmed Maxamed (Foosiya Hormood) oo ka tirsan Ururka Hal abuurka Somaliland, foosiya Waxay aad u soo dhawaysay Bahda murtimaal ee isku hawshay ilaalinta iyo ururinta Dhaqanka iyo Suugaanta Somalida.

Foosiya waxay ku dhiiri galisay hablaha Somaliland inay Buraanburaan iyada oo xustay inay tahay haybad ilaahay siiyay dumarka buraanburku taasi oo ay dheer yihiin Ragga somalida ah, Foosiya Hormood waxa ay sheegtay in ay hadraawi agtiisa ka buraan burto iyada oo xustay inaanay ragu saddex erey oo buraanbur ah isku gayn karayn, foosiya waxa uu illaahay ku manaytay Inay Gabaydo, Buraanburto, heesto Waliba Laxanka Saarto iyada oo sheegtay inay qaadi karto balse ay imika ay ka waynaatay da,dii heesi jirtay, waxaa kale oo ay sheegtay inay hayso Album dhan oo jacayl ah oo yaala kaydka foosiya waa sida ay hadalka u dhigtaye oo ay iyadu samaysay, qaaday, laxankana saartay.

Foosiya Axmed Maxamed waxay Madashasi ka soo jeedisay Hees qiso ah oo ay ku sheegtay inay ka samaysay Gabadh hiliblay ah oo ay jaar ahaayeen, oo maalin walba hilibku ku go,I jiray ninkeeduna iska qayi jiray, subax walba way Jarmaadaa isagunu wuu iska jiifaa, heestaasi oo ay ka samaysay Qisadaasi ayay foosiyi si qiiro leh ugu luuqasay dadka hortooda iyada oo aad usoo jiidatay dadwaynuhuna sacab iyo qosol jaanta wadheen.
Foosiya hormood waxa kale oo madasha ka tirisay Maanso buraanburaanbur ah oo ay kaga hadashay qiimaha nabadu leedahay iyo Dhibaatada colaadu leedahay.

Foosiya hormood oo ay dadwayihii ka soo qayb galay aad uxiisaynayeen waxa kale oo ay madasha ka jeedisay Maanso aad u qiimo badan oo ka hadlaysa Dhaqanka oo ay ereyadeedii ka mid ahaayeen:-
Dhar waxaa la xidhan jiray
Seddex qayd dhaciyo Boqor
Hablo dhawrsan baa jiray,
Aabo dhaahiyaa jiray,
Hooyo dhawrta baa jiray
Gobonimo dhumucloo lagu dhaadmay baa jiray
Dhurre iyo Fandhaal iyo Dhari adari baa jiray
Harar dherersan iyo lool Dhigo qabaxa baa jiray
Aqal laba dhaneedle ah oo la dheehdo baa jiray
Fardo lagu kormeeroo dheereeyabaa jiray
Maantana dhigeedii waa la dhaafay tii hore
Waxa ay ku dhololaan waxay dhaayo diidaan
Dhaqan reer Galbeed iyo Dhajisbaa la xidhanyahay
Timahaa Dhan maqanyahay, Dhaanish baa la tumayaa
Afkaa la isku Dhiibaa, Dhawr saacna Dabadeed
Waaba la is dhibsanayaa, Ilayn waa u dhamaataye
Dhagdhagtuna ma dhaafsana intay Dhuuni helayaan

Maansadani oo aad u dheerayd oo taabanaysa Dhinacyo badan oo wakhti xaadirkan saamayn badan ku leh Dhaqanka hadda jira iyo bulshada somalida ayay foosiyi usoo qaadatay dhiiri galin Dhalinyarada ah.
Xafladan oo kulmisay Abaano Da,yar ah oo aad tiro badnaa oo ay ka mid ahaayeen, Abwaan Axmed Maxamed Faarax (Badeed) oo ka tiran bahda Murtimaal waxaanu madasha ka tiriyay Maanso la yidhaa Dalxiis, Abwaan Kayse Maxamed Xuseen, Abwaan Axmed Cabdi Xirsi, Abwaan C/raxman maxamed Cabdi UBaxle.

Waxaanay Dhamaantood madashaasi ka soo jeediyeen Maansooyin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen, Qarni, Horta Dhoofa yaa yidhi, Kude iyo kade, kuwaasi oo soo jiitay dadwaynihii ka soo qayb galay xaflada waxaanay Dhamaantood ka warameen Qiimaha Dhaqanka suuban ee somaliga iyaga oo umahad C eliyay Bahda Hidaha iyo Dhaqanka Dhalinyarada Somaliland ee Murtimaal oo iyagu isku hawlay sidii ay usoo saari lahaayeen jiil badala jiilkii hore ee Sugaanta soomaalida.

Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Gabiley News Reporter
Burco/Somaliland
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology