Wararka iyo Warbixinaha
| ILMADII CADCEEDA |
|
|
|
| Sunday, 07 March 2010 | |
|
SAWIR QORAAL XANUUN BADAN OO MUUJINAAYA DHIBAATADA UU U GAYSTO TAHRIIBKU HOOYOOYINKA QAALIGA AH Indho indhayta xaaladaha guud ee ay ku suganyihiin ummada Somaliland waa mid aan caan ku ahay, naftayduna jeceshahay la socoshada duruufaha kala duwan ee dadka iyo dalka haysta, gaar waxaan aad ugu fiirsada xaaladaha dhaqaale ee igu wareegsan.
Waxaan tixgalinta
ugu badan siiya hooyoyinka Somaliland ku nool iyo sida ay ula tacaalan
nolosha qoysaskooda, taas oo la wada ogyahay inay Somaliland ku socoto
haweenka gaar ahaan hooyooyinka dhabarka uga jabay sidii ay u hormarinlahaayeen
ubadkooda una gaadhsiin lahaayeen casrigan aqoontu shaqaysay, dhibaato
kasta oo ay ku mutaan hooyooyinku quudinta iyo korinta ubadkooda, abaal
celin kama rabaan hadiise laga tagi waayo waxay ku taamaan inay arkaan
ubaxay beereen oo si fiican u baxay.
Sureer waa
hooyo la nool murugo iyo ciil aduun, cid ka taakulayn kartaana ma jirto
oo aan ka ahayn ilaahay, murugada iyo ciilka haysta waxaa cadayn u ah
ilmada daqiiqad walba kasoo burqata indhaha sharafta iyo karaamada badan
ee hooyadaas, waxaad dareemaysaa rajo la’aanta haysata iyo mugdiga
ku wareegsan hooyadaas.
Hooyadani waxay
ku nooshahay magaalada dekeda ah ee berbera, waxaa aad uga muuqata tabardaro
badan iyo daciif xaga jidhka ah, taas oo ay sababtay dhibaatada badan
ee ay usoo martay koriinka ubadkeeda, ka dib markii uu saygeedi ku dhintay
halgankii xoraynta Somaliland, dantuna ay tidhi inay xilkiisi gudato.
Hooyadani waxay
ubadkeeda kusoo korisay talaagad isgiriin ah oo ay bacadka iyo kulaylka
magaalada berbera la wareegi jirtay tobankii sano ee u dambeeyey, dhibaatada
iyo rafaadka kasoo gaadha waxay ku ilaabi jirtay mustafe oo u wayn caruurteeda,
si fiicana ay ugu soo tabacday, inanta ka yari ma hesho inta la koolkooliyo
mustafe, taas oo laga bixiyo waxbarashada dugsiga iyo wixii kale ee
uu u baahanyahay, si kasta oo ay ku keentoba ilaahay waa ku guuleeyey
inay ubadkeeda gaadhsiiso halkay rabtay.
Jab waaka dambeeye
markii uu mustafe ka baxay iskuulka sare wuxuu u xidhxidhay tahriib
uu ku maro badacas ee u dhaxaysa Somaliland iyo yaman, damaca galay
wiilkaasi wuxuu murugo iyo baqe aan xad lahayn ku abuuray hooyo u baahan
inay nasiimo hesho, kana soo kabato diihaalkii mudada dheer ee koriinkooda
kasoo gaadhay, waano iyo waxsheeg labadaba way ku dayday balse nasiibdaro
uma qudhqudhsana wiilkan indhihiisu ay arkaan Europe iyo America, halkii
ay ka arki lahaayeen hooyadii iyo diifta saaran dusheeda.
Muddo ka dib
wuxuu habeen madow u ambabaxay dhinaca wadada burco sii marta ilaa garoowe
iyo boosaaso oo ah meesha lagu ba’ay ee ubadkii ku dhamaaday, hooyo
Sureer markay maalin baxnaaninaysay imaanshihiisa guriga waxay dareentay
inuu tahriib u baxay, halkii ayay ka xidhxidhatay una ambabaxday dhinaca
boosaaso si ay in uun meel ugu gaadho, nin aad dhashay kuma dhalin ayay
somalidu hore ugu maahmaahdaye diba umuu xasuusan hooyadii manuu dhugan
dhibaatadii ay lasoo martay. Si dhakho badan ayuu Doon u raacay una dhaqaajiyey, hooyadaasi markay muddo sadex cisho ah ka baadigoobtay xeebaha Puntland cid wax u sheegtana wayday, diihaalka taraag ee ay mudatay waxa usii dheer kharash la’aan ba’an oo haysatay hooyadan.
Habeen madow
ayay ku fikirtay inay soo khaldantay wiilkiina u tahriibay dhinaca liibiya,
si dhakhso ah ayay u go’aansatay inay u soo dhaqaaqdo dhinaca itoobiya
bal inay meel uun hadana war ku saabsan ka hesho, waagii markuu baryey
oo ilmada iyo hurdo la’aanta ay u dheertahay safrad iyo quraac la’aani
ayay kasoo dhaqaaqday istaankii baabuurta si ay u timaado Somaliland
ugana sii gudubto ilaa itoobiya, ileen waa beer hooyo’e rajo waxay
ka qabtaa inay hargeisa ama adisababa mid uun ku gaadho.
Shantii galabnimo
ayay soo gashay hooyadaasi magaalada burco, kana dagtay gaadhigii iskuna
dayday inay u tagto cidii ehel ugu dhaw si ay u marti galiyaan caawa,
rajo iyo ididiilo ay ku abuureen dadkii ehelka ahaa awgeed iyadoo wax
ku cunaysa ayaa waxaa soo gashay idaacada BBC-da sagaalkii habeenimo,
miisiga ay kusoo gasho ka dib qodobada warka waxaaba usoo horeeya laba
doonyood oo ku dagay badacas cidina aanay ka badbaadin, jidhidhico iyo
naxdin waxaa hooyadaas ugu xigay oohin aan aad loo maqlayn sababtuna
ay tahay tamardaro iyo iyadoo si dhab ah qalbiga uga ooyeysay, dareenka
hooyonimo ayaa wuxuu tusay una xaqiijiyey inuu wiilkeedi ku jiro doonyahaas.
Dhagaysiga
BBC-du intuu socday waxay go’aansatay inay ku noqoto xeebaha Puntland
hadana waxay iswaydiisay meeshu waa Cadan agteedae ee maaha xeebaha
Puntland, wax ay samayn karto oo aan ka ahayn inay ooydo ma jirto, murugo
iyo ciil dabadii ilaahay dartii ayay ku samirtay, waxaanay go’aansatay
inay koriso inanteeda layla oo ka yarayd mustafe, geeridii way dhamaatay
balse murugo ayay ku reebtay hooyadaas. Ayax tag eelna ka tag ayay somalidu
ku maahmaahda, wiilkeedi mustafe dhimay balse murugo ayuu uga dhintay
hooyadii.
Hooyo Sureer
waxay halkii ka bilawday shaqadii rafaadka badnayd waxaanay qaadatay
talaagadii isgiriinka, si ay wax u barto inanteeda layla, meeshu waa
magaaladi kulaylka badnayd iyo talaagadii culayska badnayd, layli iskuulka
ayay gashay waxay isku qancisay inay wax barato, sanadkii sadexaad ee
iskuulka markay ahayd noqotayna qof wax garad ah, waxaa hubaal ah inay
dumarku ka naxariis badanyihiin raga taasi waxay tustay dhibaatada hooyadeed
haysata oo ay barbarsocoto dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta iyo
rajo la’aanta ka horaysa ee xag mustaqbal iyo rajoba leh.
Sawirada ay
ka qaadatay dad badan oo tahriibay oo maalta iyo talyaaniga lacag yar
uga soo diray dadkoodi ayaa waxay ku riixeen inay la tahriibto asxaab
kharash ahaan ku dhaamay, taas oo ay ku riixday dhibaatada hooyadeed
haysata iyo dhaqaale darada dalka ka jirta oo ay sii dheertahay mustaqbalka
dhalinta oo soo madow, dareenka ah inay hooyadeed ka saarto dhibka nololeed
ee haysta waxaa garab socday inay iyaduna rajo ka qabtay nolol fiican
oo xaga mustaqbalka ah. Sibiq-dhaqaaq waxay ugu baxday dhinaca liibiya waxaanay sii martay dhiibaato uu tahriibku caan ku yahay, aakhirkii waxay gaadhay liibiya halkaas oo ay muddo diyaarinayeen iyada iyo asxaabteediba sidii ay uga bixi lahaayeen una gaadhaan jasiirada maalta, ta ilaahay waa lama dhaafaane, waxaa si sibiq ah loogu xidhxidhay xabsi ka mida xabsiyada liibiya iyada iyo inkaloo badan oo ay ku gadaamanyihiin duruufo noocan oo kale ah ama kasii darani.
Mushkilado
miisan culus oo ku dhacay hooyadan hadana tahriibku wuxuu ka qaaday
rajadii kaliyaata ee ay lahayd, waxaanu dhigay cidla, waxaanu kaga tagay
murugo iyo mooraal xumo nololeed oo abid ah.
Risiqa ilaahay
waa mid qoran tahriibna laguma helo, geeriduna sidoo kale waa xaq oo
lama celin karo, balse geeri iyo rajo la’aan waxaa dhaama risiq yar
oo aad ku cunto niyad samaan.
Hooyadu waa
sida cadceed oo kale, aabuhuna waa sida dayax oo kale, inta dayaxa loo
baahanyahay in ka badan ayaa loo baahanyahay cadceeda, hooyadu waa cadceed
iftiimisa nolosha aadamaha, ilmadeeduna waa birimagaydo, qalbi jabkeeda
iyo murugadeeduna waa naar iyo cadaab, intaad risiq badan heli lahayd
waxaa ka fiican inaad hooyadaa ka dhawrto murugada iyo cidlada, hooyo
waliba ubadkeeda ayay dunida ugu jeceshahay oo lama huraan u ah, inta
ubad ku dhimanaysa badaha waxaa dhalay hooyooyin sidan oo kale u murugaysan. Cadceedu haday ilmayso waa musiibo iyo wax aan loo dulqaadan Karin, hooyaduna sidoo kale haday ilmayso waa musiibo iyo waxaan la xamili Karin
Ka dhawra hooyo
dhibka. Waxaa lagu hal maalaa Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey Dugsigii hufnaantaay.
Hidda lagu
arooraay Qore: Mohamed Hassan Dirir (Mohamed Hanad) Email: This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





