Wararka iyo Warbixinaha
| Awaal-tiris Maanso |
|
|
|
| Monday, 08 February 2010 | |
Maansadan Awaal-Tiris, waxa curiyay Abwaanka caanka
ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxaanay soo baxday 13/09/09.
Waxa uu kaga hadlayaa mushkiladaha dhinacyada badan ee maanta mujtamaca
ku xeeran. Qaadka oo ah kan sababay in ragga Soomaaliyeed gabo
kaalintii uu nolosha ku lahaa, taasina geyaysiiso haweenka inay ku
keliyaystaan dhibaatada nolosha; ayuu si ba’an u dhaliilayaa.
Ubucda Maansada, waxa uu Abwaanku ku xusayaa sheeko naxdin badan. Gabadh ayaa ninkeedii ku mashquulayaa aafada Qaadka, kagana jeedsanaya masuuliyaddii ubadka iyo noloshaba ka saarnayd. Si carruurtu u hesho quutal-daruurigoodii, ayay gabadhu bacadka u ban-baxaysaa, iyada oo Qaadka laftiisa ka ganacsanaysa. Af-xumo, guhaad, amaah iyo qaylo ayay intaba u dhabar-adaygaysaa. Maalinta dambe ayaa aabbihii qoyska ee caqaarta ku ruugayay ‘Albaabbada kheyrku seegay’, waa sida Abwaanku leeyahay’e, ayaa muddo Toddobaad ah ka maqnaanaya gurigiisii. Isagu waxa dabadii guriga ka dhacay war uma hayo’e, iyada oo loo fadhiyo Tacsidii inantiisii curad ee Ugaaso ayuu soo galayaa. Qaad ayuu kilaankillada ku haystaa, waxaana u daran meel uu fadhiisto iyo shaah/biyo. Si ay intaas ugu fuliso inantiisii curad ee Ugaaso, ayuu odhanayaa “Ugaasooy…Ugaasooy.” Ugaasada uu la hadlayaaba miyaanay dorraad dhiman oo inta kafan loo amaahday axan loo yaboohin. Yaab! Halkaas ayay hooyadu dhawaaqeeda ka bilaabaysaa. Gebagebada Maansadana, waxa uu Abwaanku kaga warramayaa sida Odaygii iyo Waayeelkii ummaddu u ab-guuray ee uu u noqday mid iimaankiisa xaraasha. Sidoo kale waxa uu si weyn u naqdiyayaa siyaasadda awaalkan jirta oo u ku tilmaamayo mid aan aabbo lahayn, ku-daalkeeduna aanuu macno buuran samaynayn. Iyada ayaa Maansadu is fasiraysa ee aan idiin kala baxo:
1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,
29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,
41. Unuunka dhirtaad ka goysay,
86. Ugaasadu meeday? hee dhe,
94. Ishaaro san kaama hayno,
113. Intaydu ku deeqi mayso,
119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,
129. Haddaad na ilaalin weydo,
139. Markay ajashaada gaadho,
146. Ragoow amarkaaga weyni,
154. Ragoow irdho qaadan maysid,
165. Abaartiyo roobka dhoofay,
179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,
187. Alhuumadu way fiddaaye,
219. Aleelo hadduu ku waasho,
226. Haddaanay astaan lahayn,
253. Ku daalka abaabulkeeda, |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |






