Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Boqol magaclay (hees) PDF Print E-mail
Saturday, 06 February 2010

Waxa Curiyey : C/raxmaan Maxmed Cali ubaxle

Heestani wxay  igu dhalatay dabayaqadii sanadka 2009 mar ay noo dhalatay inan aanu walaalo nahay oo aanu kala bah nahay bahdakale ee aanu walaalaha imika waa lix inanmo ah sidaa awged markii inantani dhalatay ayaa qof waliba magac ubixiyay aniga oo magacyadaa badan kulminaya ayaan heestan boqol magaclay tiriyay waxaan ku dheehan waano iyo ladardaaran walaal nimo dhanka kale waxaan  soo qaadanayaa   bahda  suugaanta  iyo naadiyada akhriska waxaan kaloo ku amaanayaa magaalooyinkeena

Maansadu intan kuma wada dhama ee waxan kasoo qaatay qayb kamida 

Barwaaqiyo fatxaay

Bureeqiyo khadraay

Badra saafiyeey

Walaal baariyeey

Boqol magaclayeey

Bilan dhalatayeey

Barni quruxsaneey

Basra fiicaneey

Buuxa qaaliyeey

Baxsaneey walaal

Bilicdeenibaad

Kubanaantohoo

Bulshadaba adaan

kaalasoo boxoo

anaa beert macaan

kuubislaynayoo

baarcad kuu qalee

kubushaaranoo

kuu baratanee

soo barbaar  walaal

meelnaga banaan

noo buuxiyoo

barbarkay istaag 
 

barihore waxdhacay 
 

taariikh kabogo

barashada cilmiga

buundooyin sare

aad kusoo baxdide

akhri buugtanoo

qalinkana bilaw

naadiga burciyo

akhristaha kubiir

waxaad beerataa bari

kuu go ee

balanteenu waa

adoo beebiyaan

bacad kaa qabtee

diinta baal istaag

oo beenta diid

dhaqankeena beer

balaydaa  si waa

inantii bilkhayr

googaa bahdaay

afka baylehee

bahaladu liqeen

kabadbaadiyoo

badhitaar walaal

murti baaxdloo

biyo siisidaan

kabadbaadiyoo

badhitaar walaal

maansadu badoo

badhaxbaa dilee

kabadbaadiyoo

badhitaae walaal

buunbuuniyoo

miisaan ku beeg

maldeheeda beeg

baystayn hasiin

cudurada batee

bulshadii kudhacay

jahli baahiyoo

bulbul saarayana

kabadbaadiyoo

badhitaar walaal

balaydaa cugee 

 heestan kale waa hees ku saabsan Burco, oo  uu sameeyey Ubaxle waxa uu yidhi ,

Ma 0gtahay burcooy

inbadhaadhihii  

kuusoo baryaa 

iiyahay bil khayr

iyo bushaaro culus  

  

 

Ceelal wada buqliyo

bada wabiyo galay

Adigay burcooy

inta baad jirtiyo

Dhirta baaxada le 

kaasoo bexeen  

 

Meesha ugubadan

xoolaha bate

Laga guro badaha

bulshadii dhaqdaa

Adigay burcooy

kaasoobarteen  

 

Baqashiyo fardaha

lagu baratamana

Kuwa buubiyaa 

adigay burcooy

Kugusoo bateen  

 

Bureeqooyinkiyo

barnidiyo hablaha

Inta baal cadiyo

inta madax banana

Adigay burcooy

kaa barbaarayaan  

 

Beeraha fankiyo

raga wada burqaday

Adigay burcooy

boqorada shinidu

Kaasoo bexeen

Bulsho iyo aftahan

Inta buug qortee

Ina bashaliyo

Adigay burcooy

Boqolaal kaleba

kaasoo bexeen 

Baalalayda iyo

inta buul dhistaa

Beedkooda wacan

Adigay burcooy

bog kusocoshadana

Beeri kaaheleen  

 

Barafaysarkiyo

bahda culimaduna

Adigay burcooy

bilawgiyo cilmiga

Kaasoo barteen  

 

Bariga africiyo

baalaha dunida

Adigaa burcooy

bilad sharaf mutee

Ma 0gtahay burcooy

inbadhaadhihii  

kuusoo baryaa  

iiyahay bil khayr

iyo bushaaro culus

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology