Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
GARTII INDHO DHEGO PDF Print E-mail
Monday, 01 February 2010

Waxa qorey: Xassan Cabdi Madar

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Waxa la weriyey sheekada Islaan u soo baxday baadidoonka riyaheedii oo ka lumay. Waxay kolba dhinac u meeraysataba, waxay ugu dambayn ku soo baxday oday weyn oo jidka dhinaciisa shaah ku karsanaysa. Odaygu wuu dhego cuslaa, iyadoonse dareensanayn inuu dhega culus yahay ayey weydiisay:
“Ma aragtay riyo baadi ah”?

Odaygu wuxu moodayey inay weydiisay ceelkii biyaha oo dhinaca dooxa ayuu gacanta ugu fiiqay.
Islaantii intay u mahad naqday ayey xaggii dooxa u dhaqaaqday. Halkaas baanay si lama filaan ah uga heshay riyaheedii.
Waxay heshay riyihii oo bedqaba waxar yar oo lug ka jabtay mooyee. Intay waxartii sinta ku soo qaaday ayey riyii soo kaxaysatay. Waxay soo ag martay odaygii  kolkaasay is ag taagtay si ay uga mahadnaqdo riyaha uu u tilmaamay. Waxay abaal uga dhigtay inay siiso waxartii lugta ka jabtay.
Laakiin odaygan dhegaha culusi muu fahmayn waxa ay islaantu ku hadlayso , markii ay waxarta xaggiisa u soo fidisayna  wuxu u qaatay inay leedahay adigaa iga jebiyey oo ay dacweynayso, aad baanu u xanaaqay.
“Anigu shaqo kuma lihi” ayuu sare ugu dhawaaqay
“Laakiin adigaa ii tilmaamay meesha ay joogaan” bay islaantii tidhi.
“Waa arrin riyaha oo dhan ku dhacda, aniguna shaqo kuma lihi” ayuu haddana kor ugu qayliyey odaygii oo fiigsani.
“Waxan ka soo helay halkii aad iigu tilmaantay, waxanan doonayaa inaan waxartan abaal kuu siiyo ” bay tidhi islaantii.
“Ha i caayin, anigu waxaraha ma jebiyee” ayuu ku dhawaaqay odaygii isagoo cadhaysan kolkaasuu islaantii dhirbaaxay. “Orodoo iga tag anigu weligay waxartaadan ma arage” ayuu raaciyey.
“Ma arkaysaan inuu i dhirbaaxay, maxkamadda ayaan ka dacweynayaa ”.bay islaantii dadkii ku soo xoomay ku tidhi.
Markaas ayaa islaantii oo waxartii laalaadinaysa, odaygii dhegoolaha ahaa, iyo dadkiiba garsoorihii ugu tageen maxkamadda.
Garsoorihii baa u soo baxay si uu cabashadooda u dhegaysto.
Ugu horrayn islaantii baa hadashay, kadibna odaygii, kadibna dadkii.. garsoorihii madaxa ayuu kor iyo hoos u ruxay. Laakiin hadalkan dadku macno uma samaynayn garsooraha oo sida odayga ayuu isna dhego cuslaa. Weliba aragga indhahana wuu ka liitay.
 
Ugu dambayn garsoorihii intuu hadalkii xidhay ayuu go’aankii garta dhiibay. Wuxu yidhi
“Dadkiinan xaasaska ahi inaad maxkamadda isa soo tubtaan ceeb bay ku tahay boqorka”. Wuxu ku jeedsaday odaygii oo ku yidhi, “immika laga bilaabo islaantaada ma dili kartid”.
Haddana islaantii waxarta gacanta ku haysay buu ku jeedsaday, “adiguna iska daa caajiska oo odaygaaga cuntada ha kala habsaamin.”
Wuxu intaa raaciyey isagoo indho darraanta darteed waxarta moodayey ilmo yar, “Ilmahan yar ee aad wadataanna Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo oo ha ka dhigo kii idin anfaca”.
 Dadkii oo fajac iyo anfariir ku dhacay oo caddaaladda garsooruhu yaab gelisay baa halkii  ku kala dareeray

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology