Wararka iyo Warbixinaha
| Hadal run kama raysto! |
|
|
|
| Wednesday, 27 January 2010 | |
|
Waxaa qorey: Axmed Iid Aadan
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Siyaasaddu, marka loo eego nolosha dadka, waa wax kolba heer taagan oo aan meel keliya loogu hagaagi karin. Waa wax bulshooyinka adduunku ay si gaar ah iyo si guud ahaaneedba ula jaanqaadaan. Qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo wixii ka dambeeyey isbeddeladii, qalalaasihii, dagaalladii iyo guud ahaanba xumaan iyo samaan wixii dadweynaha adduunka soo maray waxa ka dhashay xaaladaha kala duwan ee maanta jira. Arrimuhu xilliyadaa wax bay salka ku hayeen,
welina ku hayaan. Qorshayaal siyaasadaysan iyo dano baas ayaa mar walba
saamayn ku yeesha nolosha dadweyne badan oo aan waxba dhimin ama waxba
xumayn.
Sida aynu ka warqabno siyaasaddu waxay ku ururtaa qorsheyaal iyo go’aanno ku-tala-galkoodu yahay in danaha iyo maslaxadaha ay ummadi leedahay si fiican looga taliyo isla markaasna lagu beego himilooyinka ay ummaddaasi leedahay. Waxa ay xoogga saartaa in ummadda arrinteeda gacanta lagu hayaa aanay goonni-daaq noqon, ee ay ku xidhnaato bulshooyinka kale ee ay si uun wax u wada qabsan karaan.
Marka la doonayo in bulsho meel deggan nabad iyo horumar loo sameeyo waxa lagama maarmaan ah in la helo saddex arrimoodoo kala ah: 1)bulshada lafteeda, 2)nadaam la isla oggol yahay oo wax lagu maamulo oo dejisan ama markaa la dejiyo,iyo 3)ciddii hoggaanka ama maamulkaas qaban lahayd oo ah dadka maanta siyaasiyiinta loo yaqaanno. Intaa marka la helo wax la sugaaba waa in la hawl-galo uun si loo beegsado meelaha la higsanayo.
Saddexdaa aynu soo sheegnay mid kasta oo ka mid ahi qoraal gaar ah ayuu u baahan yahay, hase yeesho ee hadda waxaynu isku koobi doonaa qaybta dambe ee siyaasiyiinta la xidhiidha oo keliya.
Siyaasiyiinteennu, innaga oo aan mucaarid iyo muxaafid u kala saarayn, haddii aynu isku wada qaadno badankoodu aad iyo aad bay u wanaagsan yihiin, bulshadeenna na horumar, waxqabad iyo wanaag bay la doonayaan. Waxyaalaha ay ku ammaanan yihiin waxaa ka mid ah isu-tanaasulka, danta guud ilaalinteeda, ka shaqaynta nabadda iyo dhawrista wadajirka bulshada. Arrimahaas waxa ay kaga duwan yihiin siyaasiyiinta dalkaa Soomaaliya ee aynu deriska nahay ama kuwo u dhashay dallalka Afrika qaarkood. Arrimahaasi waa qaar u baahan in loo fiirsado, mudnaantoodana leh.
Laakiin iyada oo ay sidaa tahay ayaan haddana mar kasta la waayeyn qaar ka mid ah siyaasiyiinta, oo wax walba dantooda siyaasadeed ee gaarka ah ka doorbida. Qaar aad is-odhanayso mararka qaarkood, dadkan fikirkoodu waa sidee? Siyaasiyiinta sidaa ku tilmaamani in kasta oo aanay malaha badnayn, haddana inta badan wax wanaag ah oo muuqda oo ay qaranka ugu dadaalaan lama arko, hadalladoodana dadka ayaa ku jahwareera. Hadallada siyaasiyiintaas in badan oo ka mid ahi runta kuma salaysna, ee waa qaar dadweynaha lagu soo jiito ama lagu wareeriyo oo kaliya.
Hadallada siyaasiyiinta qaarkood iyo habdhaqankoodu waa kuwa sababa in ay dadkeennu maanta siyaasadda lafteedii “been” u qaataan. In badan oo bulshadeenna ka mid ah haddii la weydiiyo, “Waa maxay siyaasaddu?” Waxa laga yaabaa, ama mararka qaarkood dhacdaba in ay ku jawaabaan, “Waa been iyo in wax la is dhaafdhaafiyo?!” Taasi runtii ma aha wax aynu iska leennahay, ee qudhayda ayaaba goobjoog u ahaa mar dadweyne badan oo isu yimid su’aashaas lafteeda la weydiiyey, deedna ay bixiyeen jawaab la mid ah taas aynu soo sheegnay!
Fahamka sidaas ah waxaa qayb ka ah hadallada ama habdhaqannada siyaasiyiinta qaarkood, waxana laga yaabaa in aynu mararka qaarkood aragno siyaasi ballanqaad been ah dadka u sheegaya,oo aan haddana lagu garanayn ee la odhanayo iyada oo weliba la taageerayo: “Kaambayn buu ku jiraa!”. Kaambaynku ma waxa uu ku salaysan yahay in barnaamijyo waxqabad oo dejisan la soo bandhigo, mise in hadallo aan hadhow laga dhabayn doonin dadweynaha loo sii sheego?
Hadallada sidaas ah iyo loollanka siyaasadeed ee kolkol dhacaa marar badan ayey danaheenna mugdi gelin gaadhaan. Sidaa darteed waxa fiican in ay siyaasiyiintu runta iyo danaha guud xoogga saaraan. Siyaasiyiinta waxaannu leenahay, “Hadal run kama raystee, dadweynaha waxaad u sheegtaan wixii aad si dhab ah u qaban kartaan oo keliya”. Wixii intaa ka baxsani waa rajo. Rajadu inta la nool yahay waa ay jirtaa oo lama diiddana, hase yeesho ee barnaamij waxqabad oo balanqaad geli kara ma aha!
Dhammaanteen waxaynu jecelnahay isla markaana doonaynaa caddaalad. Haddaba caddaaladda la sheegaa wax adag ma aha, ee waa iyada oo runta la sheego siyaasi iyo dadweyne kaleba, isla markaana beenta lala wareegayo la iska daayo. Waa iyada oo xaqiiqada la meelmariyo. Taa macnaheedu waa in jidka saxda ah mar walba lagu socdaa. Nin qoraa ah ayaa hore u yidhi: ”caddaaladdu waa iyada oo runta ficil lagu muujiyo – ‘Justice: the truth in action’ ”.
Intaas uun baa dadka deeqda. Wax kasta oo kaleba waxa ka iman uun saluug sidii abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye), uu hore ugu sheegay maansadiisii “Daba taxan”ee ahayd:
“…Cadli baa wax doojee, Wax kaloo rag deeqoo. Dadka lagaga eed baxo. Nin u doonay heli waa..."
______________________
* Maqaalkii hore ee ahaa "Dhoofka soomaalida iyo doodaha taagan" halkan ka akhri: Dhaqan.wordpress.com
Axmed Iid Aadan This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





