Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
War saxaafadeed Ururka hiddaha dhaqanka iyo dhalin yarada ee Murtimaal. PDF Print E-mail
Tuesday, 26 January 2010
Iyadoo laga duulayo habsami u socoshada, iyo shaqo wanaaga loo hayo sidii loo horumarin lahaa, dhaqanka , suugaanta iyo hidda raaca somalida, ayaa ururka murtimaal oo u taagan, xoojinta, adkaynta, ilaalinta iyo daryeelka hiddaha iyo dhaqanka , ayaa waxa uu markasta jacel yahay inuu isku baddalo gudida  iyo adeegayaasha,

ururka murtimaal si mutadawcnimo ah, ayaa shir u socday baryahanba gudida oo inta badan qurbaha iyo gudaha ku sugan, ay go’aan ku gaadheen inay Sahra Maxamed Cali, oo loo yaqaanno Sahra Ladan,  u doorteen Gudoomiye Kuxigeenka  iyadoo ku sugan Caasimadda Gobolka togdheer, Wax kastoo  baxaya ama la qabanayo waxa ay ku baxayaan Saxeexa Sahra Ladan,  halka Mustafe Cabdikarin Cali oo loo yaqanno isna Mustafe future, ay u doorteen khasnajiga, iyo  soo diyaarinta maqaallada dhaqanka iyo hawlaha isku dubaridka xafladaha ururka  waxa kale oo mustafe uu masuul ka ahaanayaa inuu uga soo diro Hargeysa Maqaallada dhaqanka ,  Halka uu gudoomiye Kuxigeenkii Hore uu ahaanayo, gudida fulinta, oo ayna xubinimadiisa waxba iska badalayn,   Hadda waxii ka danbeeya annagoo kalsooni buuxda ka haysanna dhalinyarada iyo ururada dalka ka jiraba, waxan ogaysiinayaa in ay taas la socdaan, dhamaan dadwaynaha taageera ururka Murtimaal.  Ilaahayna waxaan uga baryeynaa inuu xilkaas u fududeeyo Sahra Ladan iyo Mustafe future.

 

Jamaal Maxamed Sh. Abiibakar,

Gudoomiyaha Bahda Murtimaal

Dublin Irland.

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology