Wararka iyo Warbixinaha
| Madasha Murtimaal iyo Xassan Cabdi Madar |
|
|
|
| Tuesday, 19 January 2010 | |
|
sheekooyinkiisa aad looga helay ee caanbaxay waxa ka mid ah, Kabahayga Xidho, Qolka hurdada, intaanu dhiman wuu noolaa, Xusuus Mujaahid, iyo kuwa kale oo aan soo koobi karin oo uu Xasan Cabdi Madar ugu tala galay bogga sheekooyinka ee Murtimaal oo si wayn u soo gaadhsin jiray, waxana lagu xasuustaa buugaagtiisa caanka noqday ee bulshada ka dhex hiray, ee kala ah, Sirta Guurka , Bar baarsame, Nabaadiino, iyo Riyaaq oo wada qoreen Abwaan Axmed Aw-Geedi oo aad ku xasuusataan heestiisa caanka ah, ee Sumalyahaw darbani, imikana aan u galo taariikhdiisa iyo waayihiisa guudo oo kooban, Mar uu waraysi siiyey qoraaga.com, Waxa uu ku dhashay meel uun ka mid ah dhulka soomaalida xilli ku aaddan 1969. waxbarashada dugsi dhexe ilaa jaamacad waxuu ku qaatay Muqdisho.Machadkii maamul horumarinta iyo maaraynta ee SIDAM ayuuna ku qaatay waxbarasho xisaabaadka iyo maamulka ah. Markii goor barqo lagu kala yaacay Xamar ayuu sidii cid walba ku dhacday dib ugu soo laabtay degaankii loo tirinayey. Xerada qaxootiga ee Harta-sheekh iyo tuulada Durya ayuuna ka bilaabay nolol hor leh . sannadkii 1993kii ayuu waxbarasho kale u tegay Jaamacadda Addis Ababa, kuma raagine badhtamihii 1994kii ayuu dib ugu laabtay Hargeysa halkaas oo uu haddana inkastoo noloshu adkayd ugu dambayn qodimada ku aastay ilaa maantana uu degganahay. Aan ku horraysiiyo Maanso uu u bixiyey, ILBAXNIMO MA KORORSANAA. Oo uu runtii dhalinta Naadiga Akhriska Hargeysa uu ku soo hal qabsanayo ama hadaan af qalaad ku qoro, HARGEISA READERS CLUB, waxaanu yidhi “ Mustaf Aadan Nuuriyo Ina Jaamac Qodaxiyo Ina Maxamed Khayrriyo Aqoonyahanka korayiyo Innamadaan ku dhaatow Afar erey tilmaantood Iga hooya oo qora
Ifka waan ku noolahay Aqoon durugsan uma lihi Adduunyda gunteediyo Uurkeeda hoosiyo ubucdeeda uma dhicin Abuurkeeda maan baran Alle inaan ku caabudo In la ii abuuroon Ummadaha kaloo idil iimaanka dheerahay inkastoon ogsoonahay misna waan asqaysnahay Maansadaas oo dheerayd Bahda murtimaal intaas ayey ka soo qaateen, oo waxay doorbideen, si ay fursad ugu siiyaan in la wada akhriyo maansooyinka hoos ku xardhan, Maansada kale waxa la yidhaahdaa MULKI, waxaanu yidhi Waa Markaykan sheekadu Inkastoo micnaha guud Iimaanku madhan yahay Muuqaalka noloshiyo Kolka maaddi laga dayo Maskaxdii adduunkaa Meeshani u guurtoo La majiiray socodkii Sahankii mariikh dhaaf
Afrikada madooweey Adigoo aqoon madhan Maankuna ku gudhan yahay Murankiyo colaadaha Kuma meel marayside Magoolkii baxaayiyo Mankii waad idlaysee In garaadku meelmaro Maxaa kaaga meel yaal Runtii aniga ogaa in Xassan xaga qoraalka hodan ku yahay, ayaa Khaalid Jaamac Qodax oo ila soo xidhiidhay ii sheegay in Xassan Cabdi Madar Maansooyinkisu Bad yihiin, waxanu ii sheegay in ii raaciyey in imika Xassan uu gacanta ku hayo tiraba saddex buug oo kale, Xasan waa barre sare hadda oo wax ka dhiga jaamacadda Hargeysa iyo jaamacaddo kale. Waa maanso yahan maansooyinkiisu aaney dadka inta badan so gaadhin marka laga reebo tiro dad yar oo ay xidhiidh dhaw yahiin. Bal imikana isha ila yar mariya maansadiisan uu ugu magac daray, KALA XAYASHO,Maansooyinka badi abwaanku waxa ay yihiin kuwa wakhti iyo waayo gaara taabanaaya. Maansadan hoose waxa ay lafa guri doontaa wayaha dhaqan dhaqaale ee ka dhex jiri kara qurbaha iyo noloshan wacan ee aynu dalkeennii hooyo ku hayno. Dhallinta maanta iyo hiyigooda laab la kaca ah ee qurbuhu waxa uu astaan u yahay higsadshada nolol aan salkeeda la garaneynin meel ay caga dhigan doonto. Tani waxa ay si aan geed loogu gaban inoogu soo bandhigeysaa in dalkaaga hooyo meel dunida ka fiican oo aad ku xasili kartaa aaaney jirin. Maansadan haddii la la fara guro, am gunta laga dalooliyo waxa hubaal ah in loogu tagi doono macluumaad badan oo dhabta taabtey.
Jaamac iyo xirsow hooy Xerta yurub ku nooliyo Xigtadayda barafkee Roodhida xasilisaay Idinkaa xurmiyo sharaf Dad xadaarad haystoo Xilliyada wareegiyo Maalmaha xasuustee, Jiilaal xaraariyo Xagaa iyo gu’ iyo dayr Xaggayaga lagama oga
Xikmad guurka nagu dhacay Maantana xilkeed gabi Kala xayasho waw halis
Dhulkii xaaluf laga yeel La idlaysay xaabkii Ma xaslado aqoonyahan Jahligaa ka xoog badan Runti laga xawaaree Xera saartay beentii Xaaraantu waa malab Laga durug xalaashii Xumaantii badhaadhoo Baadilkii xaqii buu Xagga sare ka soo maray DareensidaSida magaca maansadu soo if bixinaayo waxa aynu ka dhadhansan karnaa wax badan. Tilmaamta togan ama taban ee ay soo bandhigtey waxa ay u sal leedahay dareen ma guuraan ah oo abwaanku ka soo dhex tuujiyey wayahan hadeer iyo waayihii dhaqan nololeed ee bulshadeennii hore ku salleysneyd. Waa iska dabciga abwanka soomaaliyeed in uu goolaftan iyo hordhac badan ka horreysiiyo dareenka gundhiggiisa inta aanu soo gudbin. Taasi ayaa maansadani kala mid tahay maansooyin badan oo ifka yimid, kama maqnase in uu hogotusaaleeyo dhacdooyinka ka jira meelo kale oo aan dalka ahayn sida loogu hanqaltaagaayo. Kam madhna in hal-doorkii, aqoonyahankii, waxgaradkii, iyo dareensidihii ummaddeena uu soo bandhigo aragtidoodii hilinka toosan ku hagaajin jirtey ummadda, ee uga digi jirtey wax wal oo ay dhib u arkaan, ee mar walba ka hadli jirey dareenka dhabta ah ee wakhtigaasi bulshaddaasi ku sugan tahay. Kama gayoon karo maansadan tilmaamaheeda ee eeg nuxurka uu abwaanu soo qadimaayo
Daawada qalbiga iyo Maansadu dux weeyaan Dhegihii dareen qaba Hiyigooda deeqee
Waa dardaaran aabboo Waa difaaca samahoo Waa dagaalka xumahoo Waa dirir cadaawoo Waa dumaal haweenoo Waa xigsiisan dumaroo Waa daryeel sabooloo Waa duco wadaadoo Waa durduur aqoonoo Waa digniin qiyaamoo Xaqa daahirkiisiyo Waa diin ku barashoo Waa duluc shishaysoo Waa dabar hunguriyoo Waa hoggaan ku daaqoo waa dawga noloshoo
Bal aan hoos u daadego Dunideenna faaqido Durdurrada aqooneed Waadaanta soo daro
Diricii Salaaniyo Duqi Faarax Nuuriyo Darki ina Jadeeriyo Gahayr iyo dirkiisii Danabki Qamaaniyo Diricii Ugaas Nuur Doorkii abwaannadu Dariiqay bilaabeen Daymada la beegsado Xassan Cabdi Madar, safar kasta oo uu dunida dacaladeeda ku tago waxa u astaan ah in uu kala soo noqdo dhawr maanso oo safarkiisaasi uu curiyo. Waxa uu sannadahan dambe xooga saarey oo badi hawlaha uu qabto uu god dalooshadey sidii uu wax badan u daraasadeyn lahaa barashada xalinta khilaafaaka iyo sidii dadka loo dhacsiin lahaa in ay xaqooda iyo xuquuqdooda ku raadsadaan bilaa qalalaase iyo rabshad. Barre sare Xasan waxa uu wakhtiyaddan dambe aad ugu xidhan yahay xarumaha aqoonta ee waddamada mareykanka, yurub iyo Afrika. Waxa uu waddamadaasi u matalaaa oo uu xubin ka yahay ururuo caalami ah Imikana ii ogolaada inaan ku soo gaba gabeeyo , Maansadiisan Fikir Tusida aragtida cusub ee aad qabtaa waa astaan keeni karta horumarka aad garan karto in lagu gaadhi karo guul. Aragtida fog ee aad qabtaa waxa ay keeni mar uun in aad hesho wax kasta oo aad jeceshahay. Mushkiladda dadkeena afrika haysataa kama maqna in fikirkaa abwaanku sheegey aan laga faa’iideysan. Sida xaal yahay abwaanku waxa uu inoogu sheegayaa sida ay tahay in nolosha aynu dayacney ay tahay in aynu uga faa’iideysanno. Ducada iyo rajada fiican ee abwaanku ku soo gunaannadaayo maansadani waxa ay inooga dhigan tahay in ay inoo furan tahay waddo aynu ka rajeyneyno Eebbe in uu inoo furo
Ma fikirin dharaarahan Ma furfurin garaadkii Dunidii ma faaqidin Waayaha ma faallayn Feejignaan umaan hadal Faraskii ma heensayn Dhulka firidi kuma ridin Beer falasho uma kicin Foorihii dabayshiyo Fadka roob kamaan filin
Sidii faraqu ii go’ay Filanwaagu ii helay Finjiriirka mooye Sare foodda uma dhigin Farriimii ma kala dirin
Fudfudaydka uma dhalan Iyo fiiro gaabnida Bir finiin ka joogtiyo Waxan ahay far aan jabin Intaan farasku ila dhicin Waxan filayey weligey Figta sare inaad tago
Duni kala fogaataa Isku soo furfurantoo Fadqalada colaadaha La furdaamin waayoo Fadarowday nabaddii Cirkaa lagu faruur xidhay Afrikiyo filkeedii Dhiig ma loogu fool dhaqay
Qaadkii fayaankiyo Fadhigii la eed shalay Ragannimo fasaqantoo Fajac iyo layaab baa Qof kastaa la fiigoo Waayahaa figeeyoo Fartu damaqday nabarrada
Xaajo ila fogaataa Iga fool hallowdoo Fajac igu abuurtoo Foof daran habowgii Meel fiidki laga tegay Iyo faras magaalaha Fadhfadhiistay keligay Faadhfaadhay ciiddii Macdan iyo ka filay dahab
Webiyaal fatahayaa Igu soo faruurmoo Waayahay fogeeyee Fuleynimada uma dhalan
Inta cirirku fooraro Faqriguna agtahay yahay Fadhi iima yaallee
Rabbi waxan ka filayaa Faxanahan baryaayaa Farxad iyo wanaagoo Inuu faalku ii baxo Faraj khayrle aan helo Faataxada ii mara Mahad Celin Khaalid Jaama Qodax oo isoo gaadhsiiyey Qaar ka mid ah Maasooyinka Iyo Xassan Cabdi Madar oo isagu bahda Murtimaal Maaansooyinkiisa qaar ka mid ah u soo diray . Iyo Ururka Qoraaga. Waxaa diyaariyey oo qorey Ahmed Riiraash This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it source: murtimaal.com todobaadada soo socdana waxay nu ku soo qaadanno doona Axmed Aw-geedi iyo Maansooyinkiisa, |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |






