Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Sunday, 01 August 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Shax – Ciyaar dhaqameed soo jireen ah iyo jiilka maanta ee kombyuuterka

Waxa qorey Jaamac Muuse Jaamac

Waxa turjumay Mustafe Aadan Nuur iyo Khaalid Jaamac Qodax.

Qoraalkan waxa laga soo dheegay buug-yare dhawaan soo bixi doona oo ay wada turjumeen Mustafe Aadan Nuur iyo Khaalid Jaamac Qodax oo labaduba ka tirsan Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa (HRC).

Hordhac
Shax4Win waa barmaamij ku shaqeeya Windows XP/NT/Vista oo kombiyuuterkaagu kugula ciyaari karo Shaxda. Waxa ku wada ciyaari kara laba qof, amase qof iyo kombiyuuter , Halkan Riirax qoraalkoo dhamaystiran, 
Shax Somali game

 
HAL ABUURKA TOGDHEER IYO HABEENKII MURTIMAAL
Xaflad balaadhan oo loogu magacdaray Hal Abuurka Togdheer iyo Habeenka Murtimaal ayaa xalay lagu qabtay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco.
Xafladaasi oo ay soo abaabuleen Bahda Hidaha iyo Dhaqanka Dhalinyarada Somaliland ee Murtimaal ayaa waxaa ka soo qayb galay, Gudoomiyaha Jaamacada Burco C/raxman Jaamac Ducaale, Abwaanad Foosiya Axmed Maxamed (Foosiya Hormood),

 

Books

Madasha Murtimaal iyo Xassan Cabdi Madar PDF Print E-mail
Tuesday, 19 January 2010

Xassan Cabdi Madar waxa uu ku jiraa qoraayada fara ku tiriska ah,  ee hadda u xuubsiibtay inay daabacaan buugaag wacyi galin, aqoon, suugaan,  fikrad, sheekooyin mala awaal ah, iyo arimaha Bulshada, Xassan waxa la xiiseeyaa, oo ay dadku isha u taagaan marka aynu aragno sheeke yar oo gaaban oo haddana qiimo weyn  ku fadhida,  oo dadka uu u tusaaleeye si cad iyo si sarbeeb ah waxa uu ifafaaleeya wadciga jira, iyo waayaha nololeed ee dadku ku nool yihiin, 

sheekooyinkiisa aad looga helay ee caanbaxay waxa ka mid ah, Kabahayga Xidho, Qolka hurdada,   intaanu dhiman wuu noolaa, Xusuus Mujaahid, iyo kuwa kale oo aan soo koobi karin oo uu Xasan Cabdi Madar ugu tala galay bogga sheekooyinka ee Murtimaal oo si wayn u soo gaadhsin jiray, waxana lagu xasuustaa buugaagtiisa caanka noqday ee bulshada ka dhex hiray, ee kala ah, Sirta Guurka , Bar baarsame,  Nabaadiino, iyo Riyaaq oo wada qoreen Abwaan Axmed Aw-Geedi oo aad ku xasuusataan heestiisa caanka ah, ee Sumalyahaw darbani,   imikana aan u galo taariikhdiisa iyo waayihiisa guudo oo kooban,

Mar uu waraysi siiyey qoraaga.com,  Waxa uu  ku dhashay meel uun ka mid ah dhulka soomaalida xilli ku aaddan 1969. waxbarashada dugsi dhexe ilaa jaamacad waxuu  ku qaatay Muqdisho.Machadkii maamul horumarinta iyo maaraynta ee SIDAM ayuuna ku qaatay waxbarasho xisaabaadka iyo maamulka ah. Markii goor barqo lagu kala yaacay Xamar ayuu  sidii cid walba ku dhacday dib ugu soo laabtay degaankii loo   tirinayey. Xerada qaxootiga ee Harta-sheekh iyo tuulada Durya ayuuna  ka bilaabay nolol hor leh . sannadkii 1993kii ayuu waxbarasho kale u tegay Jaamacadda Addis Ababa, kuma raagine badhtamihii 1994kii ayuu  dib ugu laabtay Hargeysa halkaas oo uu haddana inkastoo noloshu adkayd  ugu dambayn qodimada ku aastay ilaa maantana uu degganahay.  Aan ku horraysiiyo Maanso uu u bixiyey, ILBAXNIMO MA KORORSANAA.  Oo uu runtii dhalinta Naadiga Akhriska Hargeysa uu ku soo hal qabsanayo ama  hadaan af qalaad ku qoro, HARGEISA READERS CLUB,  waxaanu yidhi “

Mustaf Aadan Nuuriyo

Ina Jaamac Qodaxiyo

Ina Maxamed Khayrriyo

Aqoonyahanka korayiyo

Innamadaan ku dhaatow

Afar erey tilmaantood

Iga hooya oo qora

 

Ifka waan ku noolahay

Aqoon durugsan uma lihi

Adduunyda  gunteediyo

Uurkeeda hoosiyo

ubucdeeda uma dhicin

Abuurkeeda maan baran

Alle inaan ku caabudo

In la ii abuuroon

Ummadaha kaloo idil

iimaanka dheerahay

inkastoon ogsoonahay

misna waan asqaysnahay

Maansadaas oo dheerayd Bahda murtimaal intaas ayey ka soo qaateen, oo waxay doorbideen, si ay fursad ugu siiyaan in la wada akhriyo maansooyinka hoos ku xardhan, Maansada kale waxa la yidhaahdaa  MULKI,  waxaanu yidhi

Waa Markaykan sheekadu

Inkastoo micnaha guud

Iimaanku madhan yahay

Muuqaalka noloshiyo

Kolka maaddi laga dayo

Maskaxdii adduunkaa

Meeshani u guurtoo

La majiiray socodkii

Sahankii mariikh dhaaf

 

Afrikada madooweey

Adigoo aqoon madhan

Maankuna ku gudhan yahay

Murankiyo colaadaha

Kuma meel marayside

Magoolkii baxaayiyo

Mankii waad idlaysee

In garaadku meelmaro

Maxaa kaaga meel yaal

Runtii aniga ogaa in Xassan xaga qoraalka hodan ku yahay, ayaa  Khaalid Jaamac Qodax  oo ila soo xidhiidhay  ii sheegay in Xassan Cabdi Madar Maansooyinkisu Bad yihiin, waxanu ii sheegay in ii raaciyey  in imika Xassan uu  gacanta ku hayo tiraba saddex buug oo kale, Xasan waa barre sare hadda oo wax ka dhiga jaamacadda Hargeysa iyo jaamacaddo kale. Waa maanso yahan maansooyinkiisu aaney dadka inta badan so gaadhin marka laga reebo tiro dad yar oo ay xidhiidh dhaw yahiin. Bal imikana isha  ila yar mariya maansadiisan uu  ugu magac daray,

 KALA XAYASHO,  

Maansooyinka badi abwaanku waxa ay yihiin kuwa wakhti iyo waayo gaara taabanaaya. Maansadan hoose waxa ay lafa guri doontaa wayaha dhaqan dhaqaale ee ka dhex jiri kara qurbaha iyo noloshan wacan ee aynu dalkeennii hooyo ku hayno. Dhallinta maanta iyo hiyigooda laab la kaca ah ee qurbuhu waxa uu astaan u yahay higsadshada nolol aan salkeeda la garaneynin meel ay caga dhigan doonto. Tani waxa ay si aan geed loogu gaban inoogu soo bandhigeysaa in dalkaaga hooyo meel dunida ka fiican oo aad ku xasili kartaa aaaney jirin.

Maansadan haddii la la fara guro, am gunta laga dalooliyo waxa hubaal ah in loogu tagi doono macluumaad badan oo dhabta taabtey.

Jaamac iyo xirsow hooy

Xerta yurub ku nooliyo

Xigtadayda barafkee

Roodhida xasilisaay

Idinkaa xurmiyo sharaf

Dad xadaarad haystoo

Xilliyada wareegiyo

Maalmaha xasuustee,

Jiilaal xaraariyo

Xagaa iyo gu’ iyo dayr

Xaggayaga lagama oga

Xikmad guurka nagu dhacay

Maantana xilkeed gabi

Kala xayasho waw halis

Dhulkii xaaluf laga yeel

La idlaysay xaabkii

Ma xaslado aqoonyahan

Jahligaa ka xoog badan

Runti laga xawaaree

Xera saartay beentii

Xaaraantu waa malab

Laga durug xalaashii

Xumaantii badhaadhoo

Baadilkii xaqii buu

Xagga sare ka soo maray

Dareensida

 Sida magaca maansadu soo if bixinaayo waxa aynu ka dhadhansan karnaa wax badan. Tilmaamta togan ama taban ee ay soo bandhigtey waxa ay u sal leedahay dareen ma guuraan ah oo abwaanku ka soo dhex tuujiyey wayahan hadeer iyo waayihii dhaqan nololeed ee bulshadeennii hore ku salleysneyd. Waa iska dabciga abwanka soomaaliyeed in uu goolaftan iyo hordhac badan ka horreysiiyo dareenka gundhiggiisa inta aanu soo gudbin. Taasi ayaa maansadani kala mid tahay maansooyin badan oo ifka yimid, kama maqnase in uu hogotusaaleeyo dhacdooyinka ka jira meelo kale oo aan dalka ahayn sida loogu hanqaltaagaayo. Kam madhna in hal-doorkii, aqoonyahankii, waxgaradkii, iyo dareensidihii ummaddeena uu soo bandhigo aragtidoodii hilinka toosan ku hagaajin jirtey ummadda, ee uga digi jirtey wax wal oo ay dhib u arkaan, ee mar walba ka hadli jirey dareenka dhabta ah ee wakhtigaasi bulshaddaasi ku sugan tahay. Kama gayoon karo maansadan tilmaamaheeda ee eeg nuxurka uu abwaanu soo qadimaayo

Daawada qalbiga iyo

Maansadu dux weeyaan

Dhegihii dareen qaba

Hiyigooda deeqee

Waa dardaaran aabboo

Waa difaaca samahoo

Waa dagaalka xumahoo

Waa dirir cadaawoo

Waa dumaal haweenoo

Waa xigsiisan dumaroo

Waa daryeel sabooloo

Waa duco wadaadoo

Waa durduur aqoonoo

Waa digniin qiyaamoo

Xaqa daahirkiisiyo

Waa diin ku barashoo

Waa duluc shishaysoo

Waa dabar hunguriyoo

Waa hoggaan ku daaqoo

waa dawga noloshoo

Bal aan hoos u daadego

Dunideenna faaqido

Durdurrada aqooneed

Waadaanta soo daro

Diricii Salaaniyo

Duqi Faarax Nuuriyo

Darki ina Jadeeriyo

Gahayr iyo dirkiisii

Danabki Qamaaniyo

Diricii Ugaas Nuur

Doorkii abwaannadu

Dariiqay bilaabeen

Daymada la beegsado

Xassan Cabdi Madar, safar kasta oo uu dunida dacaladeeda ku tago waxa u astaan ah in uu kala soo noqdo dhawr maanso oo safarkiisaasi uu curiyo. Waxa uu sannadahan dambe xooga saarey oo badi hawlaha uu qabto uu god dalooshadey sidii uu wax badan u daraasadeyn lahaa barashada xalinta khilaafaaka iyo sidii dadka loo dhacsiin lahaa in ay xaqooda iyo xuquuqdooda ku raadsadaan bilaa qalalaase iyo rabshad. Barre sare Xasan waxa uu wakhtiyaddan dambe aad ugu xidhan yahay xarumaha aqoonta ee waddamada mareykanka, yurub iyo Afrika. Waxa uu waddamadaasi u matalaaa oo uu xubin ka yahay ururuo caalami ah

Imikana ii ogolaada inaan ku soo gaba gabeeyo , Maansadiisan

Fikir

Tusida aragtida cusub ee aad qabtaa waa astaan keeni karta horumarka aad garan karto in lagu gaadhi karo guul. Aragtida fog ee aad qabtaa waxa ay keeni mar uun in aad hesho wax kasta oo aad jeceshahay. Mushkiladda dadkeena afrika haysataa kama maqna in fikirkaa abwaanku sheegey aan laga faa’iideysan. Sida xaal yahay abwaanku waxa uu inoogu sheegayaa sida ay tahay in nolosha aynu dayacney ay tahay in aynu uga faa’iideysanno. Ducada iyo rajada fiican ee abwaanku ku soo gunaannadaayo maansadani waxa ay inooga dhigan tahay in ay inoo furan tahay waddo aynu ka rajeyneyno Eebbe in uu inoo furo

Ma fikirin dharaarahan

Ma furfurin garaadkii

Dunidii ma faaqidin

Waayaha ma faallayn

Feejignaan umaan hadal

Faraskii ma heensayn

Dhulka firidi kuma ridin

Beer falasho uma kicin

Foorihii dabayshiyo

Fadka roob kamaan filin

Sidii faraqu ii go’ay

Filanwaagu ii helay

Finjiriirka mooye

Sare foodda uma dhigin

Farriimii ma kala dirin

Fudfudaydka uma dhalan

Iyo fiiro gaabnida

Bir finiin ka joogtiyo

Waxan ahay far aan jabin

Intaan farasku ila dhicin

Waxan filayey weligey

Figta sare inaad tago

Duni kala fogaataa

Isku soo furfurantoo

Fadqalada colaadaha

La furdaamin waayoo

Fadarowday nabaddii

Cirkaa lagu faruur xidhay

Afrikiyo filkeedii

Dhiig ma loogu fool dhaqay

Qaadkii fayaankiyo

Fadhigii la eed shalay

Ragannimo fasaqantoo

Fajac iyo layaab baa

Qof kastaa la fiigoo

Waayahaa figeeyoo

Fartu damaqday nabarrada

Xaajo ila fogaataa

Iga fool hallowdoo

Fajac  igu abuurtoo

Foof daran habowgii

Meel fiidki laga tegay

Iyo faras magaalaha

Fadhfadhiistay keligay

Faadhfaadhay ciiddii

Macdan iyo ka filay dahab

Webiyaal fatahayaa

Igu soo faruurmoo

Waayahay fogeeyee

Fuleynimada uma dhalan

Inta cirirku fooraro

Faqriguna agtahay yahay

Fadhi iima yaallee

Rabbi waxan ka filayaa

Faxanahan baryaayaa

Farxad iyo wanaagoo

Inuu faalku ii baxo

Faraj khayrle aan helo

Faataxada ii mara

 

Mahad Celin

Khaalid Jaama Qodax  oo isoo gaadhsiiyey Qaar ka mid ah Maasooyinka

Iyo Xassan Cabdi Madar oo isagu bahda Murtimaal Maaansooyinkiisa qaar ka mid ah u soo diray .

Iyo Ururka Qoraaga.

Waxaa diyaariyey oo qorey  Ahmed Riiraash

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

source: murtimaal.com

todobaadada soo socdana waxay nu ku soo qaadanno doona Axmed Aw-geedi iyo Maansooyinkiisa,

 
< Prev   Next >

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL

SUUGANTA WEEDHSAME
 

Sheekooyin

35 Members and Who Is Online

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology