Wararka iyo Warbixinaha
| KABAHAYGA XIDHO!! |
|
|
|
| Sunday, 03 January 2010 | |
|
Waxa qorey Xassan Cabdi Madar This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Bal hadda mar qudha kabahayga xidho, tijaabi inaad ugu socon karto xaggaan u socday waxaba laga yaabaa inaad garan weydo halkaan u socday, aniga qudhaydu ma garanayo halkaan u socdo. Markaad kabahayga xidhato ugu yaraan waxad garan doontaa inaanan garanayn meel aan u socdo, waxad dareemi kartaa sidaan dareemayo. Markaad dhinacayga iska taagto ayaad arki doontaa quruxdeeda ama foolxumadeeda. Anna hadda inta aad kabahayga xidhantahay cagaagnaan maayee kuwaagaan xidhan. Immikaba anigoo kuwayga xidhan ayaan marmar xidhaa kuwaaga.
Markasta oo aad arrin ka hadlayso kuwaaga ayaan xidhaa, sidaad ugu socoto ayaan arkaa, siday kuu hayaan baan arkaa ee aad cidhiidhiga u dareemayso. Markaynu kabaha isweydaarsanno ayeynu garan doonnaa midkeenba halka kabtu ka hayso. Waynu isku garaabi doonaa, isla garan doonaa, isa soo hor fadhiisan doonaa, ogaan doonnaa inaan hebel xumayn, heblaayo xumayn, ree hebel xumayn…. Waxaynu kala saari doonaa qofka iyo dhibaatada, halka immika aan qofka iyo dhibaatada israacinayno ee isku dilayno. Waxa laga yaabaa in qofkuba mushkiladda u afduuban yahay oo u baahan yahay in laga badbaadiyo. Qofkii oo mawjadda baddu sidato maaha inaynu ku colaadinno muxuu u dabbaalan waayey, saa dabbaashaba ma yaqaan, gacanta gacantiisa haysana sow la degi maayo. |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





