Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
SOOMAALIDA IYO DHOOFKA PDF Print E-mail
Saturday, 02 January 2010

Waxa qorey Xassan Cabdi Madar

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Isdhiib…isdhiib…isdhiib.. waa kaa ereygu, waa ereyga koowaad ee dhegahaagu maqlayaan markaad dhegaysato sheekada dhoofka ee dhallinyarada beryahan… ereyga labaad waa ‘qaxooti’… kuye haddii dacwaddaadu wanaagsanaato waxa laguu aqoonsanayaa qaxooti oo hore ayaad sharciga ka helaysaa…Goormay qaxootinimadu noqotay wax lagu faano?

Ereyga ‘isdhiib’ wuxu ahaan jiray welina dunida ka yahay mid aayo daran. Laba macno ayuu leeyahay iyo laba sababood oo la isku dhiibo. Mid waa in Ilaahay la isku dhiibo oo la micno ah islaamnimo, iyo Alle u hoggaansan. Midna waa in cadow ku hareereeyey oo aanad ka baxsan karin la isku dhiibo oo markaad gacantiisa gasho siduu doono kaa yeeli karo.
Labadaa midkee buu yahay isdhiibkan casriga ah ee innagu soo biiray markii qurbaha la tegay? Waxay ila tahay inaanu macno saddexaad qaadan karin balse uu labadaa mid uun hoos imanayo.
 
Qoramadani maaha cilmi baadhis durugsan oo la sameeyey balse ujeeddadeedu waa  is-xasuusin iyo in lagu baraarugo, waxna la iska weydiiyo sidii looga gudbi lahaa waayaha  adage ee inna horyaal.
 
Weligeedba soomaali way socdaali jirtay, way tacabbiri jirtay, way dhoofi jirtay. Dhoofku wuxu ahaa mid ujeeddo cad leh. Waxa loo dhoofi jiray xoogsi dhaqaale taransi iyo aqoon raadis.
Soomaalidii u horraysay ee dhooftay waxay ahaayeen raggii maraakiibta raaci jiray ee la odhan jiray seaman. Mar kale waxa loo dhoofi jiray Afrikada bari. Dad badan oo halkaa tegay kamay soo noqon oo way degeen. Waxay ku roonaayeen kamay fogayn halkay ka dhoofeen, xidhiidh joogto ahna way la lahaayeen dadkoodii. Waxa xigay dhoofkii xoogsiga ahaa ee loo tegay dalalka khaliijka Carabta. Halkaasna waa laga soo shaqaysan jiray oo ninku, ragga ayaa  u dhoofi jiree, xoolo buuran oo uu guri ka dhisto, kana guursado, ganacsina ka sameeyo ayuu kala iman jiray.
 Hadduu qofku helo wuxu doonayey dib buu u soo noqonayey isagoo wixii uu soo helay dalkiisa gashan jiray. Hadduu ku hungoobo doonistiisa  oo filashadiisii waayo meesha iskama fadhiyi jirine dib buu u soo noqon jiray.
Maxamed Kaahin Fedhoole oo nin gabyaa ah ayaa cabbiraya sababtuu u dhoofay, wuxuu kala kulmay, iyo wuxuu yeelay markuu filashadiisii waayey.
Markii hore isagoo nolol wanaagsan haysta uun baa taar u baxay, filashadiisu waxay ahayd inuu lacag tuulan soo heli doono. Wuxu gabaygan kaga warramayaa siduu u noolaa, kaalintuu nolosha bulshada kaga jiray iyo sida maruun taar ugu baxay ee uu habeen u go’aansaday inuu xoogsi tago.
Taalloolayaal iyo anoo taaggi Siraw jooga
Toomaha Walwaaleed anoo Torog ku maalaaya
Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya
Taajkiyo garoomaha anoo laygu wada tiirshay
Ayuun baa la ii tumay durbaan taarna ii yimide
Dabadeed tallaabo iyo orod taw ku soo idhiye
 
Wuxu ka warramayaa filashadiisii ahayd inuu lacag tuulan heli doono. Isagoo taa maskaxda ku haya ayuu ka soo degay magaalada Cadan ee dalka Yaman oo berigaa soomaalida woqooyigu tegi jirtay. Durbadiiba waxa kala duwanaaday wuxuu filanayey iyo wuxuu la kulmay.
 
Tammuunkii ku imid meel jinnoo lays tamadinayne
Tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad heliye
Tabtaan ku arkay iyo caynkan ay tahay ma moodeyne
 
Wuxu talo u jeedinayaa inta ka dambaysa ee uu dalkii kaga yimid ee uu filayo in sidiisa oo kale ay halkan ku soo hammiyeyso. Wuxu u sheegayaa jaadka ay yihiin dadkii uu meesha ugu tegay. Wuxu ka warramayaa rag soddon gu’ joogay oo weli nolosha ka fara madhan, raggaas oon halkanna waxba ka taransanayn, halkii ay ka yimaaddeen iyo baylahdiina dib ugu noqon waayey.
 
Waxa tuban kun tamar laawe aan tacabna eegayne
Talaatiin gu’ qaar joogay baan toob u xaasiline
Tanna xoogsi kama soo taraan taasna laga waaye
 
Mar kale wuxu ka warramayaa dhibaatada haysataa waxay tahay iyo halka uu ka tallaabsan la’ayahay. Wuxu eedda saarayaa aqoondarrada ka haysata noloshan magaalo ee uu ku soo biiray. Wuxu ka warramayaa sida aqoontii xoolo dhaqasho ee uu lahaa aanay halkan waxba uga tarayn. Markuu dhulkiisa joogay wuxu ahaa nin aqoon badan u leh nolosha uu ku nool yahay oon waxba ku seegganayn. Halkan uu yimidse aqoontaasi ka shaqayn wayday.
 
Mar haddaanan Teeb iyo waraaq Teybal dhiganaynin
Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin
Mar haddaanan faaltuu tegiyo turugsi raacaynin
 
Kol haddanan Tilifoonka iyo taarka qabanaynin
Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey
Way tala xumaan xoogsigaan tan uga jeedaaye
 
Tacliin aabahay wuxu i baray tooyad soo godole
Tiska oodda iyo baan iqiin tirada xoolaaye
Intii aan tuldaha baas wad wadey rag iga tooreeye
 
Wuxu istusayaa in sii joogistiisu nacasnimo iyo dadnimo la’aan tahay. Wuxu ku fikirayaa siduu u heli lahaa nooligii uu dib ugu dhoofi lahaa si aanu dhan walba seeg u noqon. Tolkiis iyo dadkii uu yaqaannay buu ka codsanayaa inay taban taabiyaan oo dib u dhoofiyaan:
 
Waxba gabaygu yuu ila tafine waxaan ku taalleeyey
Mugga waan tegaayaa haddaan taabo nooliga e
Tabantaabo gacal baan rabaa tolow ha lay dhoofsho
 
 Haddaba waxa weydiintu tahay maxaa iska beddelay habkii loo dhoofi jiray?. Maxaa soo kordhay ee wanaag ah, maxaase la waayey?
 
Maanta markii la dhoofay ee Yurub iyo Ameerika la tegay waa laga yaabaa qofku inta uu meesha ku cusub yahay inuu woxogaa hanti ah dhaqdo oo dalkiisa dib u soo dhisto. Hammigiisa hore waa xoogsi iyo  dib u soo noqosho, marka dambese way la sii fogaataa oo siduu xubnaha qoyska kolba mid si tuugo iyo khiyaamo ah ugu sii kaxaynayo ayaa hawadu jiidataa. Hantidii uu soo dhistay waxba uguma taallo. Kharash dheeraad ah buu ku bixiyaa  ilaalinteeda.
Ka la qabsan waayaa dib uma soo noqdo. Dabayl raac buu noqdaa, noloshiisuna waxay noqotaa mid guul darro ku dhammaata. Waa ta in badan soomaalida haysata. Dhibaatadu in badan waa aqoon darro. Aqoondarradaas ayaa keenaysa in dhaldhalaalka Yurub la moodo wax la leeyahay oo khayaali lagu noolaado. Dhaldhalaalkaa aqoondarradu keentay wuxu qofka aaminsiiyaa inuu hunguri ku nool noqdo, inuu illaawo xaqiiqada dhabta ah ee uu u yimid. Wuxu garan waayaa in ujeeddo hunguriga dhaafsiisan oo loo nool yahay jirto.
Intooda aqoonta lihi iyagu way dhaamaan balse laftooda wuu ka baaba’aa hammiga inay aqoontooda dalkooda iyo dadkooda wax ugu taraan. In ka mid ahi dalkii bay ku laabtaan halkaasna waxay la kulmaan aqoon darro iyo bulsho aqoonta la col ah oo aanay waxba ka beddeli karin. Dib bay halhaleel diyaaradda ugu soo noqdaan. Markaasna waxay ka mid noqdaan bulsho aqooneed ka taariikh duwan oo ay ku milmaan. Waxay ka xuubsiibtaan dhaqankii iyo mararka qaar diintii. Waxay qaarkood fuliye u noqdaan ujeeddooyin shisheeye. Iyaga laftoodu qaar nolosha ku xiiqsan bay noqdaan. Hunguri ku nooshii oo jaadka kale ah bay noqdaan. Dano shisheeye inay fuliyaan ayey u taagan yihiin. In badan oo ka badbaaddaa way jiraan, waxase ay ka badin waayaan culayska waayaha ku xeeran.
Kuwii nolosha ku hungoobay waxa qaar ka mid ahi hunguri ka galaa arrimaha siyaasadda. Hadday woxogaa shilimaad ah  healaan dib bay u soo noqdaan oo waxay gacanta ku dhigaan odayaal hawl aan toodi ahayn gacanta ku haya. Halkaas bay siyaasaddii hoggaankii ummadda gacanta ku dhigaan. Dhanna way u wadi waayaan ummaddii. Iska daba wareeg baa xaalku ahaadaa oo halkii shalay laga dhaqaaqay baa maanta lagu soo noqdaa.
Abwaanku goor kasta iyo goob kasta wuxu u taagan yahay dareenka dadka. Abwaan Ismaaciil Aw Aadan oo ka warramaya sida soomaalidu xilligan ugu jabtay dhoofka wuxu gabaygiisa ‘Dib U dhoofa’ ku leeyahay:
Dul ahaanba Soomaalidii debedda soo aadday
Duqaydiyo barbaartuba ku lume degello shaydaane
Dayow iyo wareer baa ku dhacay duulashii tegaye
 
Wuxu  si xanuun  leh innoo taabsiinayaa xaalka  dhabta ah iyo waayaha ay ku sugan yihiin dad badan oo soomaalidii u dhooftay inay wax soo taransato:
 
Kuman doorsan kumanyaal dibjiray kuman dugaagoobay
Kuman qaad daliigoo sidii adhiga daaqaaya
Iyo kuman khamrigu daashadoo daasad wada haysta
Iyo kuman xashiishadi dishoo wada daroogaysan
 
In markii lagu wareeray noloshii qurbaha xayndaabkii la weydaartay oo jar laga daatay iyo sida loo dhaqan doorsoomay buu abwaanku dareenkeenna mar kale taabsiinayaa:
 
Iyo kuman dalooshaday dhegtoo dahab ka laadlaadshay.
Iyo kuman timaha loo daboo dumar la moodaayo
Iyo kuman naftoodana dayacay ehelna doonaynin
Iyo kuman dafiray aabbe iyo hooyadii dihatay
Iyo kuman durriyadday dhaleen dub u xanuuneynin
 
Wuxu haddana abwaanku inna tusayaa inaan dhibaatadu ku ekayn uun qofka balse ay si aan ka soo kabasho lahayn u taabatay qoyskii oo u kala daadisay iyo mugdiaga aqoondarrada ah ee meelna looga bixi waayey:
 
Iyo kuman dalaaqoo ka tagay Dahabadii xaaska
Iyo kuman damiinoon fahmayn deriska loo meersho
Iyo kuman aqoon kale ka dama diina garanaynin.
Iyo kuman sidii awr da`furay dacayda laallaadin
 
In badani inay dhaqankii iyo diintii ka tageen oo ku dayasho shisheeye dan moodeen baa murtida abwaanku innoo soo tebinaysaa:
 
Iyo kuman ibleys duufsadoo gaal ku dayanaaya
Iyo kuman dalkoodiyo afkiyo diida dhaqankooda
Iyo kuman xil iyo dawlad iyo qaran danayneynin
 
In badan oo dadkii dhoofay ahi waxay ku mashquuleen ka sheekayn siyaasad aanay waxba ku soo kordhinayn, isku dir, baas abuur  iyo qabyaalad:
 
Iyo kuman siyaasad ku dawakhay dabin u qoolkeeda
Iyo kuman dorraatiyo wax tegay dumin ka sheekeeya
Iyo kuman degaankiyo bulshada deyr u kala ooda
Iyo kuman belaayada dab iyo digo ku nooleeya
 
Halkaa abwaanku kagama hadhine wuxu talo ku soo jeedinayaa  oo murtidiisu ku biyo shubmaysaa in la is daba qabto oo dib loogu dhoofo dalkii:
 
Intaasaa dadkiinnii ku jira debedda dhoobnaaye
Doog raaca geeddiga rarmay oo meella degi waayey
Dib baa looga sheekayn haddaan laga digtoonaanne
Dulli aan Ilaah idinku qaban yaan la daa`imine
Dalkeenniyo dadkeennii qabtoo dib ugu soo dhoofa.
 
Haaa..bal hadda ogow dadka qurbaha tegay ma wada xuma, mana wada xumaan karaan. In badani waa qoysas si wanaagsan u nool, in badani waa aqoonyahanno, in badanina way shaqaystaan. Dadka dalka jooga ee colaadaha, dhaqaale burburka iyo shaqa la’aantu ku habsadeen waxay ku badbaadeen xoolaha ehelladooda qurba joogga ahi soo diraan. Waa lagu liibaanay xilli baahi badan loo qabay. Walaacu maaha kuwaasi, walaacu waa waxa aayaha soomaalida qurbaha tagtay ku dambayn doono. Ma noqon doonaan kuwo dalkoodii dib ugu soo noqda oo dhaqankii iyo jiritaankii soomaalinimo badbaadiya mise haba wanaagsanaadeene waxay noqon doonaan kuwo la falgala ummado kale oo nolol iyo duni aan toodii ahayn ku milma?
 
Sida muuqata kii qurbaha tegay dib u soo noqon maayo, kii ku dhashay hadalkiisa daa, kii joogayna wuu sii socdaa, dhulka Eebbena ma cidloobo oo haddii qolo ka baxdo, qolo cammirta ayaa loo keenaa.
 

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology