Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Kala Maan (Sheeko) PDF Print E-mail
Wednesday, 30 December 2009

Waxa qorey: Cabdilatiif Cismaan Caabi
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Ammintu waa goor galab ah waxaana qaaday roob aan sidaas u sii xoogganeyn oo shuux ah. Dadku waxa ay markaas uun ka soo baxeen guryahooda si qof waliba u raacdo danihiisa. Cadceeddu waxa ay dacal kala soo jeeddaa daruur weyn oo dhool ah oo midabbo kala duwan sidata iyada oo fallaadheheeda ku soo fidisey dhulka. Waxa is-haya ileyska cadceedda iyo biyaha meel kasta wadhan, iftiinka ka soo noqonayaana uu cawaray indhaha. Xareeddu waxa ay wadhan tahay meel kasta dadkuna waxa ay isu hambalyeynayaan nimcada Alle u shubay

 Carruurtu waxa ay u dareertay tamashle iyo damaashaad, waxa ayna ku ciyaarayaan meel ka yar durugsan guryaha balse u muuqata. Waxa is qabsaday mashxaradda raha oo in badan ka hurday saranseerka jiilaalka. Hawada waxa heehaabaya naflay yaryar waxase il-qabatin leh balanbaalis qalimo leh, bilicsan oo midabbo badan. Guurtidu waxa ay ku jiraan Alle-bari iyo is-gacan-qaad, iyaga oo koox-koox u taagan marin kasta isuguna bishaareynaya daruurta curatay,kana sheekeynaya wacdarihii jiilaalkii tagay.
 
Meel ku beegan sinta guriga waxa taagan Ugbaad oo si aan dhuumasho dhaamin hadba u jalleecaysa quruxda deegaanka ee nimcada Alle ku hoortay.Waxa ay hadba milicsaneysaa xareedda halkan iyo halkeerba wadhan, fallaadhaha cadceedda ee u fiday dhan walba, bilicda deegaanta iyo urta udugga macaan ee ka soo burqaneysa dhulkan oonka baxay. Waxa ay shaki la'aan is qancisay in aaney ammin tan ka qurux badan hore u arag, haddii ay aragteyna aanay xasuusan karin. ( Barwaaqadii kal hore malaha waxa illowsiisey soomal-haadkii jiilaalkii tagey)
 
Ugbaad waxa Alle u dhaliyey xishood iyo dhaqan suuban. Garaad iyo gaarinnimo ayaa dumarka xaafaddu ku xantaan. Waa qof cibaado badan oo ducaysan, markastana ku mashquulsan raalligelinta Rabbigeed. Asturnaanta waxa u dheer af-gaabni iyo dan-raac waqtigeeduna u habaysan yahay. Inta ay guriga ka maqan tahay waxa ay meel aan guriga ka fogeyn u tagtaa waxbarasho. Hadday ka timaaddo dugsiga, waxa ay u ban-baxdaa casharadeeda, akhridaa oo ay dusha ka qabataa.Halkaas ayaa rug u ah oo ay markasta joogtaa, waxa ayna jeceshahay in ay caawiso qoyska.  Sidoo kale, waqti aan yareyn waxa ay ku lumisaa u adeegga waalidka, u cillaan-saartaa hooyadeed, lugahana u duugtaa. Islaamaha jaarku haddii ay casarkii soo sheeko-wareegaan, waxa ay xil weyn iska saartaa soo dhaweyntooda. Haddii aabeheed u diyaar garoobo bixid na, waxayba diyaar ula tahay usha iyo cimaamadda oo si habsami leh ay garabka ugu saarto. Isna waxa uu marwalba inta uu gacantiisa madaxa uga saaro ugu tiraabaa, ' weynow aabbe'.
 
I
 
Ugbaad waxa ay aad u daneysaa dhaqanka iyo barashadiisa waqti aan yaraynna waxa ay la qaadataa ayeydeed si ay wax badan uga ogaato. Waxa ay saaxiibbo dhow yihiin gabadh filkeed ah oo ay jaar yihiin laguna magacaabo Aragsan. Waxbarashada waa ay isu weheshadaan, meel dhaw iyo meel fogna waa mataano aan kala hadhin oo goor walba wada jooga. Waa qofka keli ah ee ay ku aamminto arrimaheeda lana wadaagto sheekooyinka ka baxsan qoyska. Dugsiga waa isku fasal, inta badanna meel kasta oo dani ka gasho midkood, ama labadoodaba, waa isu raacaan. Dadka  isu yaqaanna ama aqoon u leh labadoodaba waxa ay ugu yeedhaan gabdhihii mataanaha ahaa. Si ka duwan Ugbaad, Aragsan waa gabadh gashaantinnimo badan oo barashada diinta waxa u dheer iyana, barashada wejiyada cusub ee nolosha casriga ah. Hawlaha guriga iyo cashareeda waxa u weheliya oo ay waqti siisaa dhegeysiga heesaha iyo daawashada aflaamta jacaylka ah. Arrimahanise caado uma aha saaxiibaddeed Ugbaad, marwalbana waxa aragtiyahooda ka muuqda sida ay ugu kala tagsan yihiin. Midiba ta kale ayaa ay isku daydaa in ay ku qanciso, saameynna ugu yeelato, balse hadana, qofba tiisaa la qummane, waxa ay ku kala tagaan afkaartooda. Inta ay wada joogaan, waxa sheekadu la jaftaa qar kasta iyo taag kasta oo ay fanan karto, ilaa ay ka daalayaan, ama kala tagayaanna waxa ay isku madadaaliyaan sheekooyin gashaantinimo u badan iyo waxyaalihii u dambeeyey ee midkastaaba goonideed u soo maqashay. Markasta oo ay is arkaan waxa ay ka sheekeystaan inta gabadh la soo doonay, inta dhooftay, inta wada sheekeysata, heblaayadii la guursaday inta laga bixiyey, inankii jaarka ee hebel oo guursaday, kii kale ee hebel oo isna dhoofay.
 
 
Maalin maalmaha ka mid ah, Ugbaad iyo Aragsanna ay wada fadhiyaan iyaga oo wada marsanaya cashar, waxa soo dhacay taleefan dibadeed. Ugbaad waxa ay si habsami leh ugu soo dhaqaaqday dhinacii teleefanku yaallay. Bariido dabadeed waxa qofkii soo diray taleefanku si dabacsan u yidhi: ' Walaal waa Guuleed. Ma Ugbaad baa? 
 Ugbaad oo uu ka muuqdo xishood ay ku ladhan tahay dhoollacadayn, isna hayn la' kalgacal iyo xiise ay u hayso la hadalka walaalkeed ayaa si dhibirsan ugu jawaabtay: ' Haa walaal, waa Ugbaad. Ma fiican tahay?' 
Is-xog wareysi dabadii, Ugbaad waxa ay walaalkeed ogeysiisey in aaney hooyadood guriga joogin. Guuleed waxa uu  u sheegay in uu fasaxa xagaaga ee sannadkan iman doono dalka, sidaasna ay qoyska ugu sheegto.
Ugbaad waxa ay aad ugu riyaaqdey hadalkaas walaalkeed u sheegay farxad awgeedna is hayn kari weyday. Waa ay u hilawday walaalkeed oo muddo badan maqnaa, sheeko na ay ku maqashay, balse aaney si toos ah u arag intii ay caqliyeysatay. Qofkii kasta ee albaabka guriga soo garaacaba waxa ay mooddaa hooyadeed ama aabeheed, ama qofkale oo qoyska ka tirsan si ay bishaarada u gaadhsiiso.. Waxa ay sugtoba waxa kadinka soo istaagtay hooyadeed oo ay markiiba la boobtay warka Guuleed iyo imaatinkiisa. La wada riyaaq, reerkana waxa saaqay rayn-rayn.   Ugbaad waxa ay sidoo kale warka imaanshaha walaalkeed gaadhsiisey saaxiibadeed Aragsan. Aragsan waxa markiiba galay farxad iyo xiise ka weyn kii ay qoysku u hayeen wiilkooda guuleed, marwalbana waxa ay Guuleed iyo imaanshihiisa ka warsataa saaxiibadeed. Aragsan waxa ay aad u xiiseeysaa dhoofka waxa ayna jeceshahay in ay la kulanto dadka ku nool qurbaha. Hadii ay qof la kulanto qurbe-joog ah waxa ay jeceshahay in ay waqti badan la qaadato, una xaal-waraysato. Mararka qaarkood waxa ay ku dadaashaa sidii ay qofkan ugu adeegi lahayd una raalli gelin lahayd si ay u kasbato. Marar badan waa ay isku dayday in ay qaar qaraabadeeda ka mid ah ku qanciso in ay ka caawiyaan si ay u soo dhoofto welise kuma ay guuleysan.
 
Wax la sugoba waxa la soo gaadhey xagaagii, reerkuna waxa uu gudo-galay diyaargarowgii u dambeeyey. Goor fiid ah Ugbaad na ay dhex joogto guriga ayaa waxa soo dhacay taleefan. Iyada oo aad mooddo in ay tabobar gaar ah u qabto qabashada taleefannada ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqday dhinaca teleefanka. Kor baa ay u qaaday dhegta, maqashayna hadal u dhigan sidan: ' Salaamu calaykum. Ugbaad waa Guuleed'. Markiiba waxa ay garowsatay codkii walaalkeed, ka dibna si fiican ayey uga celisey salaanta. Guuleed waxa uu u sheegay Ugbaad in uu iman doono sahan dambe oo ku beegan maalin isniin ah, sidaas darteed na ay ugu diyaar garoobaan.
Waagii goortii uu baryey, waxa qof waliba u xidh-xidhay sidii uu uga qayb qaadan lahaa soo dhaweynta Guuleed. Yar iyo weyn waxa ay isu diyaariyeen ka qayb-galka soo dhawaynta iyadoo ay ka muuqato xiisaha ay u hayaan wiilkooda aanay muddo badan indhaha ka qaadin. Diyaar-garowgu kuma koobna oo keli ah qoyska, balse waxa iyana dhankeeda ka hawlan Aragsan. Ma hawl yaraysan, qabanqaabada iyo ka qayb galkana waxa ay kaga jirtaa qayb libaax.
Quraacda hadii afka laga qaaday, waxa qof waliba isku hubsaday laba baabuur oo hor taagan guriga qoyska. Bisinka iyo xuska Alle la wada qabsay, baabuurtiina waxa ay u ruqaansatay xagga dhabada diyaaradaha. Haddii ay gegidii gaaadheen, qaddar yar ka dib waxa soo cago-dhigatay diyaaraddii. Qof waliba waxa uu bilaabay qooraansi iyo baallo-daymood isagoo sugi kari la' in uu indhaha ka qaado Guuleed. Waxa mar keli ah mudh ka soo dhex yidhi dadkii socotada ahaa ee ka soo dareeray diyaaradda wiil cayilsan oo bidaar yarina ku dhigtay,  dhinacyadana eegaya si uu indhaha ugu dhufto una garto ehelka muddo fog dabadeed. Waxa uu soo socday illinkii laga soo baxayey waxana uu markiiba isha ku dhuftay oo aqoonsaday hooyadii iyo aabbihii. Inta uu ku soo booday ayuu dabadeedna dhunkasho iyo salaan kal iyo laab ah la wada tiigsaday qoyskii dhamaantood.
 Guuleed waxa indhihiisu qabteen oo ka dhex muuqday dadka soo dhaweynayey gabadh aanu hore u aqoon. Shaki baa galay waxa uuna u maleeyey qof qaraabada ka mid ah oo iyada oo yar ay ugu dambeysay. Waxa si degdeg ah hadal ula soo booday Ugbaad oo tidhi: ' Guuleed, tani waa saaxiibadday Aragsan. Waa inan jaarkeenna ah'. Isagoo dhoollacadeynaya buu ku jawaabay ' Barasho wanaagsan Aragsan.Waad ku mahadsantahay in aad i soo dhaweysay'.
 
Guuleed intii uu joogey waxa uu dareemay nasasho. Waxa gashay farxad badan oo aanuu la kulmi jirin intii uu joogay qurbaha isaga oo aad mooddo in uu la dhacay waqtiga fiican ee uu la qaatay qoyska kuna qaatay dalkiisa Hooyo. Waxa uu durtaba ka raystay daalkii, shaqadii. mashquulkii iyo noloshii adkayd ee qurbaha. Intii uu joogay waxa uu u riyaaqay hab-dhaqankii walaashii Ugbaad; qof shaqo badan, cibaado badan, u jajaban una heellan raalligelinta waalidkeed iyo qoyska guud ahaan. Waxa uu is tusay in uu dhoofiyo, haddii ay taasi suurtogashona ay noqon doonto qof karti badan oo wax-tar iyo wax-tir ba anfacda dadkeeda, sokeeye iyo shisheeye. Si taas suurto gal u noqon kartana waxa uu u soo bandhigay reerka. Odaygii reerka aabbaha u ahaa ee Caraale markiiba gaashaanka ayuu ku dhuftay arrinkaas. Waxa uu laftiisu mar ahaan jirey qurbaawi waxa uuna ku adkaystay in qurbuhu aanuu u fiicneyn dumarka iyo carruurta sidaa darteedna aanuu inantiisa u ogoleyn in ay dhoofto. Si taas ka duwan, Guuleed hooyadii waa ay ogolaatay waxayna  muujisey taageero weyn iyo sida ay marwalba ugu kalsoon tahay inanteed Ugbaad. Ugbaad laf ahaanteedu tan iyo intii ay maqashay arrinka soo kordhay waxa la gudboonaaday dareenno kala duwan; mar waxa ay ka walaacsan tahay nolosha ay kala kulmi doonto meel aanay ka ag dhaweyn waalidkeeda, qoyskeeda, asxaabteeda iyo qof kasta oo nolosheeda ku weyn, marna waxa ay ku faraxdaa nolosha fiican ee fursadaha badan ee ay ka heli doonto qurbaha.  Waxa ay arrinka soo kordhay ee dhoofka ugu bushaareysay saaxiibaddeed Aragsan oo aad u faraxday, dhanna waxa markiiba saaqay masayr iyo in ay fiicnaan lahayd in ay iyadu noqoto ta dhoofeysa. Haddana ciil baa qabta oo waxa ay is weydiisaa xilliga iyo sida ay u dhoofi lahayd.
 Aragsan oo aad moodo in ay weli meel ka cidhiidhsaneyso soo dhaweynta Guuleed waxa ay u sheegtay saaxiibadeed Ugbaad in ay jeclaan lahayd in ay Guuleed si fiican isu bartaan. Saaxiibadeed Ugbaad oo ah gabadh u dhalatay xishood, waa ay ku adkaatay in ay si degdeg ah u fuliso codsiga saaxiibaddeed iyada oo garan weyday waxa ay ula tegi lahayd walaalkeed Guuleed. Waxa ay raadisaa marwalba xilli ku habboon oo ay fuliso codsiga saaxiibadeed, iyada oo marmarna aad uga fikirta qaabka ay hadalkeeda u dhigi lahayd iyo sida ay walaalkeed wax ugu sheegi lahayd. Maalin maalmaha kamid ah goortuna casar dabadii tahay, ayaa ay u yeedhay saaxiibadeed Aragsan. Guuleed waxa uu fadhiyaa daaradda isaga oo cabaya koob shaah ah oo casariye ah kolba dhinac na  u rogaya buug uu la baraad la' yahay akhriskiisa. Si xiise leh buu kolba indhaha ula raacraacayaa buugga, umana jeedo wax kale. Wuxuu si kam ah uga war helay Ugbaad iyo Aragsan oo soo wada socda meel daaradda guriga ah. Way soo socdeen si xishood ku dheehan yahayna u soo ag istaageen Guuleed.
'Guuleed, saaxiibaday Aragsan aqoon badan isuma lihidin malaha?' ayey Ugbaad weydiisay iyadoo dhoollacadeneysa.
' Aragsan si fiican baan isu garaneynaa, waqti se isu maanu helin aan isku wareysanno' ayuu ku jawaabay Guuleed.
Waxa kaftan iyo ilaaq la isku tuur-tuuroba waxa ay Ugbaad ka kacday fadhigii si ay fursad is-xaal wareysi ah u siiso Guuleed iyo Aragsan.. Afka jug la isa sii hawraartuna waxa ay socotoba Guuleed waxa uu dhadhansaday biyo-dhaca  hadallada iyo kaftanka Aragsan oo duur-xul u badnaa. Waxa uu is-dhacsiiyey in ay inantu tahay qof calaf doon ah , diyaarna u ah in ay sameyso xidhiidh fog oo horseedi kara in ay wada yagleelaan reer. Guuleed waxa uu si kaftan iyo waayo-aragnimo ku dheehan tahay uga cudur daartay arrinkaas. Waxa uu u sheegay Aragsan in uu yahay nin arday ah oo shaqo badan mustaqbalka dhowna wax u diyaarsan aanuu jirin, balse wuxuu carrab-baabay in ay jiraan dhallinyaro badan oo jecel in ay dalka Hooyo ka helaan gabdho fiican oo raalliyooyin ah isaga oo weliba dareensiiyey wiilashaas iyo sida ay u daneeyaan hablaha wadanka jooga, uuna isku dayi doono in uu is baro wiilashaas mid ka mid ah. Aragsan waxa ku dhacay weji gabax, dhanna waa ay ka faraxday, ballanta uu la galay Guuleed na laabta ay ku qaboojisey. Waxa madax martay farxad, hankeedii iyo niyaddeedii kor u kicisay. Waxa si diniiq ah ugu muuqatay rajadii, yididiiladii iyo himiladiii in badan ay ku taameysay ee ahayd in ay mar uun hesho jid u ay u mari lahayd dhoof iyo nolosha qurbaha. Maalintaas ka dib, Aragsan waxa ku yimi is-beddel muuqda. Waxa galay hiyi-kac- maankeedu waxa uu jira dhinacaa iyo qurbaha, seexdaa oo ka soo toosaa. Xitaa riyooyinkeeda ayaa u batay dhoof.


 Guuleed muddo bil ah ayaa fasaxii kaga ekaa, waxaana uu laabtay isaga oo ay ka muuqato nasasho iyo dardar cusub. Waxa si dhayal ah maankiisa uga bixi weyday waqtigii fiicnaa, iyo nasashadii uu ku qaatay dhulkii hooyo, lana qaatay qoyskii iyo qaraabadii. Aabbihii oo diiddanaa dhoofinta Ugbaad, cadaadis badan oo la saaray ka dib waa uu ogolaaday, waxa kali ah ee loo ballamay laguna kala tagay waa dhoofka Ugbaad.
 
Muddo yar ka dib, Ugbaad waxa u suurtogashay in ay dhoofto. Waxa ay markii u horreysay cagaheeda saartay dhul ay in badan sheekooyin is burinaya ka maqli jirtey oo wax amaanaya iyo qaar kale oo dhaliilayaba leh. Waxa ay dareentay qabow badan, waa ayse ka sii gaashaamatay oo koodh weyn oo ay gacanta ku sidatay markiiba gashatay. Durtaba waxa ku adkaatay oo ay la qabsan kari weyday noloshii qurbaha. Cuntada, nooca hu' ga la qaato iyo cimiladu waxa ay noqdeen caqabado hor leh oo u saamixi waayey in ay si fudud ula qabsato waddankii cusbaa ee ay tagtay. Waxa saaqay is-mari-waa qofeed iyo bal in ay ka tanaasusho waxkasta oo nolosheedii hore u ahaa astaan sidaana ku qaadato wejiyada kala duwan ee noloshan cusub, iyo in ay halkeedii ku dhegganaato. Hu' ga la xidho haba ugu darnaado waxyaalaha dhibay ee ay kala kulantay noloshan cusub. Waxa ay aad u qawadday kan laga xidho meeshan ay timi, keediina waxa ay is dhacsiisay in aaney xidhan karin, waayo tan iyo maalintii ay soo cag-dhigtay carradan ma ay arkin wax xidhan, xitaa sheeko na kuma ay maqal.  Si kasta oo ay ahaatoba, waa ay dhabar-adaygtay, kuna qancisey nafta in ay iska sidato dharkeeda culus wax kasta oo ay ku kallifto.Waxa u sii korodhay kalsooni, go'aanna waxa ay ku gaadhay in waxkasta oo dhaca aaney marna ka tegin hugii ay xidhan jirtey naftana u dareensiiso sida ay ugu niyad san tahay huga ay xidhan tahay haba adkaato mararka qaar in ay dareenkaas muujiso'e.
 
Muddo markii la joogey, Ugbaad waxa ay la qabsatay waddankii, waxa ay na bilawday in ay sii xoojiso hawlaheeda iyo dedaalkeeda diineed. Isla markiiba, waxa ay ka qayb gashay xarun ubadka iyo haweenka lagu baro diinta oo ay ka noqotey bare. Waxa markiiba bilaabmatay in la isu soo tilmaamo gabadhan tartan badanna loo galo. Rag kale oo badan waxa ay soo dirsadeen ergooyin, badankooduse weji gabax bay kala kulmeen markii ay u sheegtay in aaney guur diyaar u ahayn.  Labada dar ba waxa ay u sheegtay sida ay u jeceshahay in ay waxbarato, dadkana wax barto, sidaas darteed na aaney diyaar u ahayn arrimahan.
Wiil dhalinyar ah ayaa si dhiirran u soo galay tartankii isaga oo soo dirtay ergo malaha ka culus kuwii hore loo soo diray. Waxa ay saaxiib dhow yihiin Guuleed,  oou ergadii usoo dhiibay  malaha si aaney hadalba uga soo celin. Guuleed oo aad mooddo in uu si u yar jiciireysan yahay, waxa uu arrinkii u bandhigay Ugbaad, oo u sheegtay in ay ka soo fikireyso. Talo waxa ay rogrogtaba waa ay aqbashay, gaadhsiiseyna walaalkeeed, oo isna sii gaadhsiiyey saaxiibkii Warsame. Waa uu farxay  isagoo mararka qaarna rumaysan la' in gabadhii intaas oo nin diidday in ay mar qudha u soo gacan gashay. Warsame oo aa mooddo inuu ka baqe qabo is-beddel dhaca oo ku yimaadda Ugbaad, waxa uu go'aansaday in uu si degdeg ah u galo qabanqaabo aroos. Toddobaadkii ku xigayba waxa uu u soo geed-fadhiistay Ugbaad, maalin aad u qurxoon, cimiladuna tahay dhexdhexaad, iyo madal la isku arkay il-yartuna is qabatay.
Warkii faaf, bari ilaa galbeed na wada gaadh. Waxa warku si gaar ah u taabtay Ugbaad hooyadeed oo farxad iskala garan weyday, duco badanna hawada u soo marisay inanteeda. Aragsan, Ugbaad saaxiibadeed kama, madhna farxadda iyo damaashaadka waxayna dhinaceeda ka dirtay hambalyo kal iyo laab ah.
 
II
 
Aragsan waxa ay ka dhur sugeysaa safarkii u maqnaa dharaar walba oo dhalataana waa u dheg-taag. Waxa ay sugto Ugbaad iyo walaalkeed, waxa u timi bishaaradii ay in badan sugeysay . Waxa la soo xidhiidhey Guuleed uguna bishaareeyey in uu is-bari doono nin dhalinyar ah oo ay is yaqaanaan dhowaanna uu la soo xidhiidho doono, sidaasna ay ku ogaato. Goor galab ah ayaa waxa Aragsan loo soo diray taleefan. Haddii ay daymootey teleefanka, waxa ay garawsatay in uu yahay mid dabadeed. Waxa markiiba ku soo dhacay su'aalo darandoorri ah; taloow ma adeerkaygii isoo wici jirey baa?; ma bishaaradaan sugaayey baa; mise waa dar kale oo ii sheegi raba war xun? Taleefankii ayey qabatay, inta ay garbo-saartii feydatay, dhegtana ku dhaweysay. Waxa ay maqashay cod tolmoon, gaaban, xabeeb yarina ku jirto. ' Salaamu calaykum, maxaa la sheegay?' buu si qabow hadalkii ugu bilaabay. Aragsan oo aad mooddo dhan in ay ka maqlayso ninkii ay inta badan sugeysay barashadiisa, iyo iyadoo hadana is dareensiisey in codkiisani yahay mid ay hore u maqli jirtey, baa si xishmad leh ugu jawaabtay: ' calaykuma salaam, waa nabad iyo khayr'. Intuu xaako tirtay buu yidhi' Sorry, hargab baa i haya hadaad si fiican ii maqli weydo.. Waa nin Nuur la yidhaahdo. Sow Aragsan maaha?'. Markaas bay inta ay fahamtay in uu isagii yahayna si fiican u hubsatay hadallo qabow ku qaabishay oo tidhi ' Haa walal waa aniga. Maxaad sheegtay? Waad ku mahadsantahay in aad ila soo xidhiidhay'
 
 Wax la is xaal waraystoba, sheeko gaabanna la wadaago, ammin yar dabadeed waxa ay wiilkii iyo gabadhii gabogabeeyeen wada-hadalkoodii. Waxa ay ku ballameen is-maqal dambe iyaga oo is dhaafsaday sawirro ay isu mariyeen 'e-mail' ka. . Midba ka kale waxa uu u muujiyey sida uu ugu qanacsn yahay, ka dibna Nuur waxa uu u sheegay Aragsan in uu fasaxa xagaaga iman doono dalka si ay u aqal galaan.
 
Aragsan waxa ay gashay jewi farxadeed iyo filan-waa. Waxa u rumowday riyo ay in badan ku taameysay, rayn-rayn ta iyo damaashaadkuna waxa uu si muuqda uga soo mudh baxay oogadeeda. Jiif iyo joogba waxa u diiday arrinkan soo kordhay oo ku noqday farxad ay hayn kari weyday.
 
Xagaagii hadii la gaadhay waxa dalkii yimi Nuur. Ma suurtogelin in ay Aragsan soo dhaweynta ka qaybgasho, ama ay kaga hortagto weji farxadeed ninkan isku wada in uu noqdo saygeeda, waayo wax ka dhexeeya oo aan isbarasho ahayn ma dareensana, malaha xishood ku jira dartiina kuma ay dhicin xitaa in ay waxkasta oo jira dhan iska dhigto dabadeedna ku dhacdo in ay gacmo furan iyo caleemo qoyan ku soo dhaweyso. Nuur na maba uu dhibsan soo dhaweyn la'aanta waana mid uu filayey balse waa mid uu tabay jeclaanna lahaa in taasi suurtogasho.Si fudud buu haddana u fahmay duruufaha ku xeeran imaatin la'aanta Aragsan iyo sida aaney usoo dhaweyn. Balse isla markii uu yar nastay, diiftii safarkuna ka ba'day waxa uu jalleecay agtiisa kana soo dhuftay shandad yar oo ah mid uu ku urursado waxyaalaha gacanta lagu qaato. Waxa uu ka soo saaray buuggiisa xusuus reebka, ka dibna ka baadhay lambar ay siisey Aragsan oo uu kala soo xidhiidho marka uu yimaado. Waa uu garaacay taleefankii ka dibna waxa u jawaabtay Aragsan. Waxa ay ku daldashay markiiba hadallo soo dhaweyn iyo farxad badan huwan oo illawsiiyey soo dhaweyn la'aantii uu kala kulmay Aragsan iyo wanaagii uu ka waayey ee uu tabayey. Waxa u suurto gashey in ay fool-ka-fool ah isu arkaan, xaalad aad u cakiran midiba kan kale ka xishoonayo, cabsi iyo walaac na ka qabo waxa uu kala kulmi karo ee aanuu fileyn maadaama ay tahay markii u horreysay ee ay is arkaan si toos ah. Haddana midiba ka kale waxa uu isku dayey in uu u gudbiyo sawir fiican, intii karaankiisa ahna u muujiyo qaybaha fiican ee qofnimadiisa. Waxa se ugu sii walaac badneyd Aragsan markii Nuur u sheegay in uu u soo geed-fadhiisan doono toddobaad ka dib. Waxa galay naxdin iyo walbahaar markii ay warkaas maqashay ka dib na waxa ay joojisay hadalkii. Si habacsanaani ka muuqato ayey Nuur u siisey taleefanka aabbeheed si uu arrinka ugala xidhiidho.


Nuur waxa uu la xidhiidhay Aragsan aabbeheed kana codsaday gabadhiisa. Odaygii aabbeheed ahaa, is toyasho ka dib, waxa uu aqbalay in uu inantiisa siiyo Nuur waxaana loo ballamay in la kala guddoomo gabadha. Nuur waxa uu u geed fadhiistay Aragsan, madal aad u qurux badan oo guurtidu buux dhaafisay. Waxa si kal iyo laab ah loo kala guddoomay Aragsan, madashiina lagu soo xidhay duco. Waxa haddana maalmo ka dib la guda galay u diyaar garowga xaflad aroos. Waxa la qabanqaabiyey xaflad aad u heersarreysa oo loogu dabbaaldego dhismaha guriga cusub ee la yagleelay. Waxa reerka cusub u dhacday xaflad aroos aan nooceeda hore loo arag, yar iyo weyn, wadaad iyo waranle, guurti iyo dad caadi ahba la isku arkay. Beryo dhan ayaa sheekada keli ah ee degaanka laga hadal hayaa noqotay kulankii habeenkaa dhacay iyo wacdarihii lama illaawaanka ahaa ee xasuusta ma guurtada ah ku reebay dadkii ka soo qayb galay, intii aan ka soo qayb gelinna sheekada ku maqashay iyagoo jeclaan lahaa in ay ka mid noqdaan ka soo qaybgalayaasha, kana xun ka maqnaanshahooda.
 'Reerkii lagu nastee lagu nagaado' iyo ' guurkiinu guur khayr' baa dadkii oo dhami duco ugu mareen qoyska cusub.                                                      
 Haddii lammaanaha cusub si tartiib-tartiib ah isu dhex galeen nolol ahaan, si qunyar ahna midiba ka kale noloshiisa ula qabsaday, waxa ay isla soo qaadeen waxa xiga bishan ay wada joogi doonaan ee ay qorsheynayaan.
Nuur oo aad mooddo in uu nacsan yahay nolosha qurbaha kuna han wayn in uu mar uun ku nolaado dalkiisa hooyo, ka shaqaysto, una shaqeeyo, baa si degdeg ah u yidhi: ' Ma jecli inaan nolosheenna ku qaadanno qurbe. Waa meel nolol adag, dalkeena nolosha taallana wax loo dhigo malaha. Wax yar ayaa waxbarashadeyda jaamacadeed iiga hadhay, marka aan soo dhammaystana, si dhakhso ah baan u so laabanayaa.' Jawaabihii buu iyagoo qayaxan la boobay xaaskii, oo iyaduna la anfariirtay, candhuufna ka liqi kari weyday. Tan iyo maalintii la is baray wiilkan ilaa maanta oo ay xaaskiisa tahay, marna ma ay ku fikirin waxa ay kala kulantay odaygeeda. Filanwaa iyo aman-kaag inta ay la aamustay bay wax ay ku hadasho garan weyday . Waxa mugdi weyni ka galay himiladii ay ku hammiyi jirtey muddo fog. Isma ay odhan waxa aad sii joogi Afrikadan daryeel la'aanta iyo dayacu aafeeyey. Si kasta oo ay isugu dayday in ay sasabto saygeeda kana daadhiciso aragtideeda, culaysna ku saartay in uu ka soo dabco go'aankiisa, waa ay ku guuleysan weyday. Si aan hore loo fileyn, waxa lamaanihii ka dhex aloosmay khilaaf hor leh. Aragsanna waxa ay ka fursan weyday in ay iskaga tagto duqa , mar haddii ay ka weyday xaqiijinta himiladii ay inta badan ku taameysay. Goor subax ah ayey ka xidh-xidhatay gurigii wixii ay alaab fudud ka qaadan kareysayna ka qaadatay una jiheysatay dhankii gurigii hooyadeed. Yaab iyo amakaag by dadkii la dhakafaareen, qof welibana waxa uu su'aal ka keenay waxan kala eryey lammaanihii isku cusbaa ee loo han weynaa.
 
Nuur laf ahaantiisa waxa uu la yuurursaday yaab iyo amankaag, mana uu fileyn marnaba in sidan oo kale ay dhici karto.  Xitaa ma uu tebin maqnaanshaheeda mana uu dareemin  isagoo is qanciyey in ay malaha guryaha jaarka u wareegtay, ama ay u baxday in ay soo salaanto cid. Muddo gelin ku siman haddii uu sugay gabadhii, waxa u caddaatay in maqnaansheheedani aanuu caadi ahayn, sidaas darteed na uu bal baadhitaan galo. Waxa uu la hadlay islaantii soddohdii ahayd, oo u sheegtay in Aragsan ay guriga joogto waxna ay ka tirsaneyso, si arrinta looga wada hadlona uu ka dhursugo Aabbeheed iyo walaalkeed oo la soo hadli doona berito. Yaabkii hore waxa ugu sii darsamay werwer iyo walaac. 'Weligey tanoo kale' ayaa ka soo hadhay duqii, wax uu sameeyona waa uu garan waayey. Arrinka iyo rogrogitaankiisa ayaa jiif iyo joogba u diiday, hurdona haba sheegin. Waxa uu urursaday xamaantiisii goortii uu waagii beryayna waxa uu ku kallahay xafiiskii diyaaradda si uu isugu qoro duullimaadka ugu horreeya. Waxa uu ka dhoofay magaaladii isagoo oo cadho iyo ciil is hayn la', markii uu gaadhey meeshii xarunta u ahaydna, inta uu Aragsan la soo hadlay u sheegay in ay ka furan tahay. Yaabkii hore waxa ugu sii biiray dadkii fajaciso iyo amakaag. Naxdinta u weyn waxa ay u gaar ahayd Guuleed oo is baray lammaanahan, iyo walaashii oo saaxiibtinimo gaar ahi ka dhaxeysay Aragsan. Waxa saaqay dareen murugo badan labadoodaba iyo wax aaney marnaba filayn oo ka dhex dhacay laba qof oo ay aad ugu han weynaayeen. Reerkii ay ka dhalatay Aragsan laftoodu yaab kuma yara. Weligeed ba waa ay u soo joogeen lammaane is qabtay iyo in la kala dhex galo, mase ay arag, sheekona kuma ay maqal, nin aad yar iska baxsada. III


 
Da' yarta ay Ugbaad wax barto, marwalbana si gaar ah ula dadaasho waxa ka mid ah Sagal. Sagal waxa ay ku dhalatay qurbaha waxa ayna ka dhalatay qoys aqoonyahan ah oo jecel dhaqanka ilaaliyana. Waxa ay la dhalatay laba hablood iyo wiil ugu yar carruurta. Waalidkeedu waxa ay kala tageen iyada oo aad u yar ka dibna  iyada iyo carruurta kale ba waxa korsaday hooyadeed. Afka hooyo si aad ah uguma hadasho hooyadeed na culays kuma saarin in ay ku hadasho inta ay guriga joogto waxaana ay  kula hadasha af-ingiriisi jajaban si ay ilmaheeda u raalligeliso. Waxbarashadii hoose, dhexe, iyo sare ba waxa ay ku dhamaysatay si guul ah, ka dibna waxa ay bilawday laba sano oo kooleej ah. Waqtigeeda waxbarasho waxa ay la qaadataa saaxiibo badan oo jinsiyado kala duwan kasoo jeeda dhalasho ahaan. Markasta oo la galo sheeko ku saabsan dhaqamada kala duwan ee dhallinta ku rafiiqday waxbarashada, Sagal waxa ay la kulantaa dhib ku timaadda ahaansheheeda qofnimo ama ka sheekeynta dhaqanka ay ku abtirsato. Dhaqanka kama taqaan waxbadan oo ay uga gudbiso asxaabteeda ama cidkale waayo cidi ugama sheekeyn. Kaba darane, marwalba waxa ay dhibsataa dadka oo wax ka weydiiya dalka ay u dhalatay kuna abtirsato ee burbursan iyo dhibka iyo qalalaasaha aan dhammaadka lahayn ee lala xidhiidhiyo. Waxa ay cuqdad ka qaaday ahaansheheeda qofnimo iyo waxkasta oo la xidhiidha ereyga Soomaali. Soomaalida waa ay iska jirtaa in ay dhex gasho. Af soomaaligana marmar ay baahi aad ahi jirto ma aha'e kuma hadasho. Waxa ay uga sheekeysaa marwalba saaxiibadeed gol-daloolooyinka bulshada ay ka dhalatay ee ku nool qurbaha. ' Ma shaqaystaan. Caydhay qaataan. Bulshooyinka kale ma dhex galaan. Waa dad dhaqan iyo diin aan jirin ku dheggan. Everything is haram', waa tiraab laga dheehan karo hadalladeeda. Asxaabteedu hadii ay isku taxallujiyaan sidii ay u bandhigi lahaayeen dhaqankooda iyo astaamaha san ee bulshada ay ka dhasheen, iyadu waxa ay dabada ka gashaa inta xun ee bulshadeeda, soona bandhigtaa. Intaas ka dib, fikirkii ay saaxiibbadeed ka haysteen  bulshada ay ka soo jeedo si tartiib ah ayuu isu rogey.Haddana saaxiibbadeed kama daalaan in ay u muujiyaan dareen qofnimo aan dhaafsiisneyn oo ay ku qaabilaan Sagal- dareen aan xitaa gaadhin  walaasheed oo marmar u soo raacda kulamada aqooneed iyo xafladaha lagu qabto koleejka. Way dareemaan in ay tahay qof dad-la-dhaqan leh, shaqo badan - si ka duwan celcelis ahaan qofka soomaaliga ah oo ku sifoobay wahsi, ad-adayg, caydh-gurasho, i.w.m
 
Sagal, yaraanteedii hadii maamulka dugsigu codsado la kulanka waalidka, waxa dugsiga u soo raaci jirey hooyadeed, ma ayse jeclaysan jirin xitaa in ay ku dhex aragto dugsiga, in ay isa soo raacaanna hadalkeedba daa. Haa, ma jeclayn waayo waxa dhibi jirey hadallada maadda iyo ku dheel-dheelka huwan ee ardayda la filka ahi ku soo tuuraan hadii ay hooyadeed ku arkaan dugsiga. ' Oh damn! Your mother ain't attracive. She's wearing funny clothes. She's obese. What a broken english she's speaking' waa waxa ugu sahlan ee dhegeheedu maqli jireen. Waxa ay xal moodday in ay walaasheed ka dhigato wehel una kaxaysato meel kasta oo ay rabto, tan iyo waagaa ka dibna la garab joogta hiil dareen. Hooyadeed intaas kagama ay hadhin waxa ayna shaki la'aan is qancisay in ay khatar kutahay jiritaankeeda qofnimo iyo heerka ay ka joogto bulshada. Waa ay sanniftay go'aanna waxa ay ku gaadhay in aanay la noolaan karin sidaas darteedna ay u wareegto meel aanay joogin. Hanjabaad uun kama ahayne, Sagal waa ay ka dhabaysay male-awaalkeedii, hadh-cad ayeyna xamaanteedii ka guratay gurigii. Reerkoodii oo aan hore ula socon Sagal iyo waxa ay maaggan tahay, waxa ay mar kaliya ka war heleen maqnaansheheeda. Murugo iyo walbahaar ayaa isugu yimi qoyska qof walbana waxa uu afka saaray meeshii uu ku tuhmayey in ay joogto. Rajadii u dambeysay iyo in ay ka soo heli doonaan koleejka waa ay dhicisowday markii maamulku u sheegay in aaney iman muddo ku beegan isla xilligii ay reerka ka tagtay.
Hooyadeed naxdin ayey la dhakafaartay ay ciil dartii miciin bidday  ' ileen inta ay na caayi jirteyna dan bay ahayd'. Maalinba meel ayaa lagu sheegaa, taasina waxa ay sii fogeysaa rajadii laga qabay in raadkeeda la helo mar uun. Hooyadeed halkan iyo halkeerba waa ay isaga dab qaadday si ay meel uun ugu gaadho ilmaheeda, hase ahaatee guul la'aan. Wax la raadiyoba waa laga quustay.
Nasiib wanaag, gabadh ay qaraabo yihiin hooyadeed ayaa ogaatay meesha ay joogto. Waxa ay la kulantay Sagal, kuna guulaysatay in ay sasabto. Isla markiiba waxa ay bilawday sidii ay isugu soo dhawayn lahayd iyada iyo hooyadeed kuna guulaysatay in ay, dadaal iyo waqti badan ka dib, heshiis kala dhex dhigto.
Sagal dib ayey ugu soo noqotay gurigii hooyadeed iyadoo dhan ka faraxsan una boholyowday qoyska, dhanna is dhacsiisay in ay ka raysatay , cabsina ay ka qabto in xorriyadii ay dareentay intii ay ka maqnayd guriga ay ka gasho sursuur oodan. Qoyskeedu waxa ay badaleen sidii ay ula dhaqmi jireen Sagal, jil-jileec iyo soo dhaweyn weyn bayna u muujiyeen si aanay markale ugu dhiirran in ay uga tagto qoyska. Sagal oo aad mooddo in ay la dhacsan tahay isbedellada dhacay iyo nolosha cusub, waxa ay si tartiib ah ula jaan-qaadday markale qoyska, qaybteedana ka qaadatay iskaashiga iyo xasilloonida ka dhexeeya. Waxa ay gashay nolol cusub.
 
Maalin maalmaha ka mid ah Sagal iyo hooyadeed waxa ay isla soo qaadeen in ay safar dalxiis iyo qaraabo-salaan isugu jira u tagaan dalkii Hooyo. Sagal waxay markkiiba muujisey shaki ay arrintaa ka qabto. Marwalba waxa ay dadka ka maqli jirtey sheekooyin ku saabsan gabdho waalidkeed u kaxeeyeen dalkii lana kulmay dhacdooyin kala duwan. ' Heblaayo waa la guday; nin baa lagu qasbay; sharcigii baa laga 'kansal' gareeyey' ayey sheeko ku maqashay. Waxa ay u bandhigtay hooyadeed walaaca ay qabto iyo sida aaney u rabin in ay safarto. Hooyadeedse waxa ay meesha ka saartay suurtogalnimada arrimahaas carrabkana ku adkaysay arrinta guurka oo ay u sheegtay in ay iyada oo keli ah xaq u leedahay in ay doorato lammaaneheeda.
Sagal waa ay ogolaatay ugu dambeyn, qorshaha se waxa ay haddana ku darsatay arrin ay u sheegeen gabdho saaxiibadeed ah oo ah in ay jiraan wiilal guur doon ah oo laga helo dalka.
Goortii la galay xagaagii, Sagal iyo hooyadeed waxa ay u xidhxidheen safar. Waxa ay galeen dalandool dheer oo daal iyo baahi badan umase dhacsana oo waxwalba waxa kala wayn in ay mar uun cag-dhigaan dhulkoodii. Diyaaradii hadday cago-dhigatay dhabbada,dadkiina si hannaan leh uga dareereen waxa ay markiiba indhaha ku dhufatay( Hooyadeed) xubnihii qoyska oo safan barxadda imaatinka ee madaarka una heellan soo dhaweynta hooyada iyo ilmaheeda. Waxa ay iskula boodeen dhunkasho. Oohin iyo sawaxan ayaa la isla oogsaday,intii ooyi kari weydeyna illin kulul ayaa dhabannada dareertay. Qolo kale ayaa iyana meel halkana 'hiqda' haya, waxaana ka badbatay dareen qiiro huwan. Waxa ay tahli kari la' yihiin in ay gacan-qaadaan socotada oo markiiba loo soo galbiyey guri loo sii diyaariyey.
Sagal iyo hooyadeed laftoodu waxa ay farxad la dhiman gaadheen rayn-raynta iyo wanaagga lagala horyimi iyo in Alle nabad-qab ku keenay dalkoodii, isla markaana la murugoodeen yihiin ilmadii iyo oohintii dadkii soo dhaweeyey. Waxa ay galeen bariido iyo qaraabo salaan oo ay la mashquuleen.

Sagal waa markii u horreysay oo ay cag soo dhigto dhulka Hooyo, wayse ku dhalatay, iyada oo yar baana lagala cararay dagaalladii sokeeye inkasta oo aysan xasuusan karin. Waxa ay ka goyn kari weyday nolosha dhadhanka macaan iyo deegaanka bilicsan ee dhulka Hooyo marna waxa ay indhaheedu qabtaan kaabayaasha nolosha oo burbursan ee aan cid u maqani jirin oo marmar ku dhaliya in ay nacdo haddana. Cuntada darayga ah ee aadka u jaban iyo hawada aan wasakhda lahayn ee saafiga ah ayey ku raaxeysataa. Shuuxa roobka xagaayada ah ee maalin kasta soo hooraya waa mid nafteeda ku reebay xasuus aan go'ayn .
 
Maalin maalmaha ka mid ah, Sagal waxa ay u baxday si ay u gasho 'internet' ka oo aaney haleelinba sidii ay u safar gashayba. Waxa wehelisa oo ay wada socdaan inaabtideed Bilan. Goortii ay ku beegan yihiin illinka laga galo rugta internetka ayaa waxa ay dareemeen wiilal dhalinyaro ah oo sinta bidix ka soo qooraansanaya. Indhaha layska salaan,madaxana la isu rux, sidii dar waligood is yaqaanay. Sagal waxa ay durtaba is tustay in ay tahay fursad mudan in laga faaideysto. Dhallintan meesha tuban waa koox kala qofnimo duwan hase yeeshee ay mideyso ka-qadhaabashada meelaha ay u shir-shir yimaaddaan gabdhaha debedda ka yimi. Waxa ay dhex jibaaxdo degellada internetka ba waxa ay dareentay mid ka mid ah dhallinyaradii oo gaaf-wareegaya rugta dhexdeeda, dhegse jalaq umay siin waxa ayna iska sii wadatay hawleheedii. Goortii ay ka dhugteen internetka kana baxeen ayaa waxa ay dhanka bidix ka halacsatay wiil si fiican u lebbisan oo xagooda u soo socda isaga oo dhoolla-caddeynaya.
'Iska warama?' ayuu ku bariidiyey, isaga oo yar jiciireysan.' Waa nabad' ayey ugu jawaabeen, si soo dhaweyni ka muuqato.
' Walaal waa markii u horreysay ee aan idinku arko halkan. Miyaa ku cusub tihiin magaalada?' buu sii raaciyey isaga oo si tartiib ah ugu siqaya bar-tilmaameedkiisa- is-barasho.
'Haa iyo maya', bay la soo boodday bilan iyada oo dhoolla-caddeyneysa. ' Anigu awalba waan joogay se gabadhan baa inagu cusub oo dibedda ka timi' ayey sii raacisey.
Inankii isaga oo la dhacsan sida fiican ee ay gabdhuhu u qaabileen baa inta uu dhoolla-cadeeyey yidhi ' Barasho wanaagsan. Magacaygu waa Abshir. Waqti intan ka badan in aan wada qaadanno waan jeclaa waase xilli dambe ee aan idin sii dhaweeyo gaadhi baan wataaye'
May.Waad mahadsantahay. Baskaan raaceynaa ' bay la soo boodeen.
'Maya. Dhib malaha. Waxa aan jeclahay in aan idin sii dhaweeyo' ayuu yidhi
Gabdhihii way aqbaleen codsigii wiilka. Inta uu u soo galbiyey dhankii baabuurku yaallay ayuu sida gabdhaha reer boqor uu kolba mid daaqadda uga furay, sintaana inta uu isaga taagay, ku hubsaday gaadhiga ka dibna daaqadda xidhay.
Kaftan iyo sheeko gaaban waxa la isku tuuro intii dhexda lagu sii jirey, waxa la gaadhay gurigii. Waxa ay kala qorteen telefoonadii, kuna kala tageen ' barasho wanaagsan', isna macasalaameeyeen, dabadeedna hablihii si habsami leh uga dageen gaadhigii.
Abshir oo ah waayo-arag, shabeel naagood ah kuma degdegin in uu la soo xidhiidho markiiba, malaha si aanay sawir khaldan uga qaadan una moodin nin degdegaya.
Maalmo ka dib ayaa uu abshir wacay sagal. Salaan dabadeed waxa la is weydaarsaday hadallo dabacsan iyo kaftan. Sagal waxa ay u sheegtay abshir in ay jirto xaflad kuna casuumeyso isaga iyo asxaabtiisa gaar ahaan kuwii la joogey habeenkii ay is-barteen, kana codsatay in uu ogeysiiyo asxaabtiisa kale.

Xafladii hadii la tagay si habsami lehna loo furay waxa markaliya dananay muusiga qoob ka ciyaar ayaana loo wada kacay, wiil iyo gabadh ba sinahaa la lulay, mirqaankuna xiddigaha maray. Sagal oo u soo diyaar garoobeysey xafladdaas ayaa qaddar yar ka dib soo gashay madashii. Markaliya waxa joogsaday sanqadhii, ka dibna waxa la isla oogsaday sacab iyo mashxarad lagu qaabilay gabadhan martida loo yahay. Waxa galbinaya oo hareero socda dhawr gabdhood oo u maryo eg oo midiba dacal ay ka hayso maro weyn oo taash ah oo ay xidhan tahay. Waxa ay soo socotaba waxa ay fadhiisatay oo salka ku hubsatay kursi bilicsan. Dhan walba waxa ka safan gabdho aad mooddo in loo carbiyey. Waxa se sinta bari ka fadhida inaabtideed bilan oo kolba kaftan iyo xanshashaq dhegta u saareysa.
Ciyaartu halkeedii bay ka sii socotay, Sagal na waxa ay kolba dhinac indhaha ula raaceysaa wiilasha aad mooddo in uu mid walba ku jiro is-muujin. Haadba haad kici, nin walibana waxa uu rabaa in uu ku guuleysto tartan aan shaacintiisa la isla ogeyn balse malaha dareen ahaan la isula qaatay. Kolba dhan bay jeedaalisaa, waxa ay na ku indho-daraandartay wiilasha sida bilicsan u lebisan misna isu jejebinaya. Waa ay kala naqaysanaysaa kolba talona weydiisaa bilan.
' Sagal wiilkaa quruxda badan ka warran, inaabti?' bay weydiisay.' Haa waan u jeedaa mase i cajabin' bay ugu jawaabtay. "Inankaa cas ee dheer ka waran isagana?' bay haddana weydiisay.' He's not my type'. Si fiican ma u jaasayo, ma ogtahay.' bay ugu jawaabtay markale.'
Sagal ayaa ku tiri bilan' inaabti anigu inankaas muruqyaalka waaweyn ayaan ka helay. Wuu i cajabiyey runtii'.
Xafladii waxa ay gashay gebogebo dadka in badan oo ka mid ahina  waa ay isaga hulleeleen. Sagal weli waxa ay indhaha ku haysaa wiilkii ay ka heshay. Markii xafladii dhammaatay dadka intii hadhayna isu diyaarinayaan in ay hoydaan, Sagal waxa ay u dhaqaaqday dhinaca wiilkii ay ka heshay Inta ay gaar ula baxay ayey la faqday una sheegtay in ay danaynayso in ay yeeshaan is-barasho. Wiilkii farxad iyo gacmo furan ayuu ku soo dhaweeyey codsigii Sagal. Abshir oo ay hore isu barteen Sagal waxa uu ka xumaaday tallaabada ay ku kacday Sagal, wuxuuna ka muujiyey dareen hinaase Sagal se way dareentay dheg se jalaq umay siin.
Sagal iyo Cali waxa ay unkeen xidhiidh qoto dheer waxa ayna bilaabeen sidii ay wax isula meel dhigi lahaayeen. Sagal oo la dhacsan arrimaha soo kordhay iyo waxwalba oo u socda sidii ay u qorshaysay ayaa u xog-warrantay hooyadeed una sheegtay sida ay wax u jiraan. Hooyadeed laab furan ayey ku soo dhaweysay bushaaradaas ay inanteedu soo gaadhsiisey. ' Kor waayeel waa wada indho'e' waxa ay inanteeda ku tiirisay talo waayo aragnimo iyo hoga-tusaaleyn. Inta ay ku soo durugtay madaxana u soo dhaweysay bay ku tiri: ' Hooyo iska hubi waxa jira qaar aan guur u jeedin oo hablaha ku dhoofa'e. Iska hubi nin daacad ah in uu yahay Hooyo' .
Sagal waxa ay hooyadeed u muujisay sida ay ugu qanacsan tahay wiilkan ay is barteen ee Cali, sheegtayna in uu yahay nin daacad ah oo hawlkara. Dhanka kalena , Cali oo aad mooddo sidii hawlahani ugu soo kordheen in uu farxad samada heehaabayo ayaa isaguna arrintii ogeysiiyey aabihii, oo ah oday dhaqanka ku xeel-dheer Waxa uu markiiba didmo ka muujiyey warka inankiisu soo gaadhsiiyey. Waa gartii oo malaha waxa uu noloshiisa arki jirey nin gabadh doorta, una geed fadhiista, maqalse mooyi'e, indhihiisa kuma arag tan oo kale. Waase u ayaan darro markii keli ahayd ee uu arkay in ay soo gasho gurigiisa.
' Aabbe dantaada adaa yaqaan, darkaa qurbahase lama ammaaneyn oo ragga way dhibaan baa la yidhi, wayna u taliyaan. Markaa waxbarashadaada dhammayso, iskana shaqayso. Hadhowna inan la yaqaano ayaanu kuu dhisi',buu si guurtinimo ah ugu yidhi, isaga oo usha uu sito kolba dhan ugu xariiqaya dhulka.
'Aabbe gabadh aad u deggen weeye, salaadna salaad kuma darto, markaa waan ku nasiibsanayaaye ii soo ducee' buu ugu jawaabay Aabbihii isaga oo aad mooddo in uu sasabanayo.
' Sidaad jeceshahay wiilkayow. Duco way kugu dhan tahay. Weligaa ha iilan Aabbe.' buu ugu khatimay hoga-tusaaleyntii iyo faqii.

Durtaba lammaanihii is doortay waxa ay gudo galeen yagleelka guri cusub. Waxa ay isla qaateen in aanay isku kharash gareyn xafladda arooska balse ay iska ducaystaan sidaasna ku aqal-galaan. Cali waa nin jecel xafladaha, isu-imaatinka iyo in uu madal kasta oo dhacda oo mar-la-aragyay ah iska reebo xasuus. Mase uu filayn in damaashaad la'aan ay aqal geli doonaan. Waxa uu marmar is weydiiyaa suurtogalnimada hadii uu hanti faraha ku hayn lahaa in ay qabsoomi lahayd xaflad war ka hadho, iyaduna la'aanteed aanay malaha ka yeesheen. Hadii ay yeeli lahayd qudheeda waxa uu marar badan oo aan yarayn is weydiiyaa waxa laga yeeli lahaa soddohda inanta dhashay. Haddana waxa hor timaadda sababta ay Sagal ugu adkaysatay in ay duco iyo bilaa buuq ku aqal-galaan. Waxa uu ka badin waayey haddana xaqiiqda ah in ay jeebkeeda u tudhayso, hadii uu isagu ahaan lahaa ka lacagta bixinayana aan baydh laga dhimeen.


Sagal oo sidii ay u aqal-gashayba dareenno badani ka dhex guuxayeen, waxa ay go'aansatay in aaney xaajigeeda cusub meel cidla' ah kaga tagin. Waxa ay u sheegtay ninkeeda in aaney kala hadhayn, marka ay 'bisha malabka' ka baxaanna ay is raaci doonaan, si ay safaaradda uga dacwooto, ayna la joogi doonto inta laga siinayo fiisaha. Cali waxa uu muujiyey sida aanuu ugu qanacsaneyn arrinka, una sheegay Sagal in uu rabo hal ka sano ee uga hadhay waxbarashada jaamacadeed in uu dhamaysto intaas na ay iska noqoto, sannadka dambena ay isu soo noqdaan. Wax la murmaba, Cali waxa uu ogolaaday in uu raaco xaaskiisa. Odaygii Cali aabihii ayaa aad uga xayraamay isaguna arrintan, kuna adkaystay in inankiisu dhammaysto waxbarashadiisa jaamacadeed, balse Cali hadana wuu sasabay odaygii, ogoleysiiyeyna arrinka.
Lammaanihii cusbaa waxa Alle u fududeeyey dacwadii muddo yar oo kooban gudaheedna waxa u suurtogashay in ay fiisahii helaan. Waxa ay markiiba galeen safar.
 
Cali waxa uu markiiba la qabsaday waddankii cusbaa ee uu yimi. Waxa uu galay dugsi lagu barto afka iyo dhaqamada waddanka. Waxa kale oo uu aad isugu dayey in uu barto wadista baabuurta, waayo raggii uga soo horreeyey meesha ayaa u sheegay in shaqada ugu fiican ee la qabto ay tahay wadista baabuurta kirada ah oo laga helo lacag aad u fiican. Waa ay ku adkaatay qaadashada shaqadan, waayo inta aanuu soo dhoofin waxa uu u haystay in ay tahay shaqo liidata, imikase danta ayaa ku khasabtay, waayo shaqo la'aan na kuma jiri karo, aqoon iyo waayo aragnimo uu ku raadsado tu tan ka fiicanna malaha, dalkana wuu ku cusub yahay.
 
 
Giraantu waxa ay wareegto oo taako socotaba, sagal waxa ay dareentay in is-bedel ku yimi seygeeda. Kii ay ogeydba maaha. Ninkii dabacsanaanta, furfurnaanta iyo farxadda badnaa waxa uu isu rogey nin aamusan, inta badanna aan hadal ba ku darsan mar ay la hadasho ama baahi keento mooyi'e. Waxa ugu yar ee qalad ah ee xageeda ka yimaadda waxa uu ku qaabilaa cadho badan. Intaas kuma ekaane, sheekadu waa ay sii durugtay Cali na waxa uu dareemay cidhiidhi. Waxa uu ka gayoon waayey in uu guriga ka dudo oo soo hoyan waayo. Werwer iyo walaac baa isu biirsaday Sagal oo marna ka cabsi qabta in uu sidaas kaga tago marna uga baqaysa in uu u gacan-galo gabdhaha tiradii ka batay ee nin la'aantu ku hayso qurbaha. Isla markiiba odayaal labada dhinac ah ayaa isku dayey in ay u kala dabqaadaan kuna guuleystay in ay sayga ku soo celiyaan guriga. Dhan waliba cabashadiisa gudbi. Sagal waxa ay ku doodday in ay is-bedel weyn ka dareentay ninkeeda Cali- cadho badan, aamusnaan. Cali isna waxa uu u sheegay odayaashii in uu muddo iska dulqaadanayey, go'aansadayna in uu hadda go'aan cad ka qaato. Waxa uu ku dacwooday in Sagal aanay ula dhaqmin sidii ninkeeda , marnabana aanuu ka helin qiimeyn iyo qadarin. ' Ima qadariso wax qiimeyn ah oo ay ii haysaana ma jirto. Goortay doonto ayey iska baxaysaa, xitaa aroortii way iga hor kallahdaa' ayuu u yidhi sii qiiro leh, odayaashii meesha joogeyna ka garaabeen, haddana ku garnaqeen in aaney taasi wax laga cadhoodo ahayn, uuna yahay dhaqan meesha ka jira, sidaas na lagu wada joogo.
Cali waxa isugu ururtay cadho iyo madax xanuun.Waxa uu xasuustaa marwalba taladii aabihii siin jirey oo marwalba sida riyo oo kale u soo hormara araggiisa.
Lammaanihii waxa ay aqbaleen ergadii odayaasha turxaantii dhexdooda taalleyna sidaas ku bixiyeen. Waxse waqtigu is guraba, waxa meeshii ka sii socotay dhibtii dhex taallay labada lamaane, hadii ay maalin heshiis ku wada joogaanna maalinta kale waa u colaad. Cali waxa uu is dhacsiiyey in aanuu noloshan ku sii jiri karin . Markale ayuu ka xidhxidhay gurigiisii ugana guuray. Waxa uu isla maalintii xigtay soo diray warqadii Sagal.
 
Dhammaad
 
Cabdilatiif Cismaan Caabi
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Sana'a, Yemen

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology