Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA PDF Print E-mail
Tuesday, 29 December 2009

waxaa qorey : Xasan C. Madar
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it  
Inkastoo sidiisaba guurku yaraaday waayadan, sababo badan oo yareeyeyna jiraan haddana wuxuu aad u sii taabtay dumarka, gaar ahaan inta aqoonta sare leh. Dumarka soomaalida iyo kuwa kale ee muslimiinta ahiba way ka duwanaayeen kuwa reer galbeedka iyo bulshooyinka kale marka la eego nolosha guurka iyo qoyska. Sababtu wax kale maaha, waxa kala duwan ujeeddada laga leeyahay nolosha iyo qoyska iyo sida bulsho kastaa u dhisan tahay

Markii dunidu isku sii furfurantay waxa isjiidhay dhaqammadii oo siday u  kala awood badnaayeen u kala adkaaday. Waxa isbeddelay dhaqankii aqoonta, kii shaqada, kii qoyska iyo guud ahaan hab nololeedkii markii soohdimihii kala xadaynayey meesha ka baxeen ee la isku wada tallaabay. Dhaqankii soomaalidu wuxu ka mid noqday kuwii markiiba la libdhiyey, weliba markuu dibedda u baxay. Soomaalida waxa sii wiiqay burburkii dawladnimo iyo barakacii ay ku kala baahday dacallada dunida. Iyadoo sidaasi jirto oo guurkii guud ahaan hoos u dhacay, xikmaddiisiina luntay, furriinkiisiina batay ayaa halista ugu weyni soo food saartay dumarka waxbarta iyo  kuwa aqoonta ku shaqeeya. Markii waxbarashada casriga ah ee reer galbeedku soo gaadhay carriga soomaalida, ciddii ugu horraysay ee wax barataa waxay ahayd ragga. Waxa ku soo biiray dumar tiro yar. Dumarkaa tirade yari soo dhoweyn kalamay kulmin bulshada gaar ahaan ragga. Waxay markaa dhinaca saareen oo la ollog noqdeen ragga markii laga fogeeyey dhinacii dheddigga. Waxa loo arkay inay ragga si aan loo baahnayn ugu dhodhow yihiin, tacliintii gaaladana baranayaan. Sidaas oo ay tahay haddana xilligii ingiriiska wiilasha iyo habluhu dugsiyo kala duwan bay wax ku baran jireen. Kacaankii askartu hoggaaminaysay baa wax badan isku faruuray oo wiilashii iyo gabdhihii fasal isku mid ah geeyey, surwaal iyo shaadhna u wada geliyey. Markii dambe waa lala qabsaday oo wax wada dhigashadii wax iska caadi ah bay noqotay. Hablo badani may dhammaysan jirin jaamacadaha oo guurka ayaa ka soo hormari jiray. Intooda wax barasho sare gaadha way la sii durki jirtay oo fursadda guurku way ka sii fogaan jirtay kadibna caqabado bulsho aqoontu ku yartahay baa ka hor iman jiray. Runtii bulshadu way u ayday dumarkaa waxbartay, iyaguse lafahooda waxa waxbarashadaasi u soo jiidday waa mid isweydiin leh. Dumar badani waxay baaqi ku ahaadaan kelinnimo xataa hadday doonayaan inay guursadaan. Waxay la yaabaan waxa ay keli u yihiin iyo waxa ay u waayeen nin u qalma. Dhakafaarkani shaqo kuma leh quruxdooda, qofnimadooda, heerka noloshooda, iyo helitaanka rag. Waxa laga yaabaa inay qurux iyo qofnimoba leeyihiin, heerka noloshooduna wanaagsan yahay, ragguna yahay mid la heli karo aan suququl ku ahayn suuqa guurka. Inta badan arrintu waxay ku xidhantahay halkay arrinta iska taagaan iyo siday u abbaaraan. Dumarka aqoonta sare lihi waxa ay isweydiiyaan waxa ay nin uga baahan yihiin. Waayadii hore waxay ugu baahnaayeen ilaalin iyo xannaano iyo inuu qabyada nolosha la dhammaystiro oo ka gufeeyo meelo aanay awoodi karin. Maanta waxay gabadhu isu aragtaa inay qabyadaasi meesha ka baxday oo ay isku filan tahay. Waxay isku aragtaa mar hadday waxbarasho heer sare ah gaadhay inay shaqaysan karto, dhaqaale heli karto, in badan oo ragga ka mid ah ka sarrayso oo ay wax badan ragga la qaybsan karto. Waxay u aragtaa inay wax badan oo raggu yahay noqon karto. Weydiinta ah inay nin u baahan tahay iyo in kale waa mid mar kasta hortaal oo ku soo noqnoqota. Way ogtahay inay nin u baahan tahay laakiin weydiimaheedu waxay ku soo ururaan waxa ay nin uga baahan tahay. Taas baa war celinteedu ku adkaataa. Way ogtahay inaanay maanta ninka ugu baahnayn wixii shalay loogu baahnaa ee dhaqaale, masruuf , ilaalin iyo difaac ahaa. Waa tanoo dhaqaalihii way heli kartaa, difaaciina meelo kale ayey ka heli kartaa. Waxay ku wareertaa ka jawaabidda inay nin ugu baahan tahay wax dhaafsiisan baahida jinsiga. Tolow ninka ma waxay ugu baahan tahay inuu u noqdo wehel ay nolosha la wadaagto? Ma waxay ugu baahantahay inay ahaato marwo guri oo u banbaxda korinta iyo barbaarinta ubad haddii Eebbe kala siiyo? Oo ma maanta oo la joogo casrigii furfuranka iyo aqoonta ayey guri ku baaqi noqon kartaa?, sow dib ugu dhici mayso gacantii ninka ee dhaqaalaha? Maxaa dhacaya haddii ay labaduba wada shaqo tagaan oo kolba midkood carruurta hayo? Markaas malaha waxa loo baahanayaa in la raaco nidaamka reer galbeedka ee ah in dhalmada la yareeyo oo mid iyo labo lagu koobo. Haddii kale oo ay u dhasho sidii soomaalida yaa u haynaya carruurta?
Gabadhu inay shaqo tagto oo qoyska dhaqaale ku soo kordhiso waa loo baahan yahay, weliba marka qoysku sabool yahay ama ninku aanu shaqayn. Waxa uun muhiim ah inaan la dayacin noloshii qoyska oo shaqada iyo hawsha guriga la isku miisaamo.
Waxaba laga yaabaa in intooda badani aanay fikir sidaa u qoto dheerba arrinta siin balse waqtiga badankiisa ku qaataan waxbarasho, iyo shaqo oo ay xasuusanba waayaan ama haleeli waayaan ka fikirka dhisme qoys oo ay muraayadda waayaha isku eegaan iyagoo afartankii madaxa la galay-xilliga dumarkuba ku dhalmo daayaan inta badan, markaas oo ay meelahaa ku kulmaan mid isna sidaa u soo daalay. Dhibka kale ee ay la kulmaan dumarka aqoonta lihi waa guurkooda oo xasili waaya iyo iyaga oo aan in badan helin rag dhiggooda ah. Haddii gabadhu guursato nin ka aqoon hooseeya dhibaato badan bay la kulantaa, mid xaggiisa ah iyo mid xaggeeda ah. Mid xaggiisa ah oo ay ugu horrayso qabkii labnimo ee hoggaanka iyo talada qoyska ninku hayey oo ka horyimaad habka gabadhu wax u doonayso; mid xaggeeda ah oo u aragta in ninka ay ka sarrayso oo ay tahay inuu taladeeda u hoggaansamo mar hadday ka aqoon badan tahay. Marka gabadhu ninka ka aqoon sarrayso waxa ku abuurma qab iyo isla weyni, ninkana wax weyn uma aragto oo way yaraysataa. Halkaa waxa ka dhasha is afgaranwaa murgiya noloshii qoyska oo ku dambayn kara kala tag. Haddaba marka halkaa la marayo ma waxa la odhan karaa aqoontu waa ku khasaare dumarka? Maya..taasi mid lagu doodi karo maaha. Ilaahay wuu innoo sheegay innana waynu ognahay inaan qofka wax yaqaan iyo ka kale isku mid ahayn, raadinta aqoontuna tahay mid lagu dhiirriyey rag iyo dumarba oo loo siman yahay. Guriga gabadha aqoonta lihi wuu ka wanaagsan yahay kana tayo sarreeyaa ka ta aan aqoonta lahayn. Aqoonteedu waxay u fududaysaa inay ubadkeeda si wacan u barbaariso oo wax u barto. Waxay soo saari kartaa ubad aayatiin leh. Waxay ninkeeda ka dhigi kartaa mid ragga ka sarreeya marka uu yahay mid la jaanqaadi kara oo qudhiisu aqoon leh. Haddaba mar haddii xaalku sidaa yahay maxaa si ah? Maxaa guurka gabdhaha waxbartay u yaryahay? Maxaa guurka gabadha waxbaratay u saldhigi la’ayahay ? Waxay ila tahay inaynu wax iska weydiinno inay mudan tahay jaadka aqoonta ee  gabadhu helayso. Halkay ka soo jeeddaa aqoontan ay gabadhu baranaysaa? Marka gabadhu isku darsato aqoonta maaddiga ah iyo ta diiniga ee diinteeda iyo dhaqankeeda wax badan ka garanayso, ma jirto gabadh ka wanaagsani. Aqoonta maaddiga ahi waxay u fududaynaysaa inay yeelato xirfad ay ku shaqaysato iyo aqoon ay wax ku taransato. Aqoonta diiniga ahi waxay u fudduaynaysaa  inay fahanto nolosha qoysnimo iyo inay garato xuquuqda ninkeedu ku leeyahay iyana ku leedahay, dadka kalena ku leeyihiin. Dhaqankeeda oo ay taqaannaana wuxu u fududaynayaa inay garato hab-nololeedka bulshadeeda, inta ku xil iyo xurmo leh iyo sida la kala yahay. Dunida aqoontu waxay ka fogaysaa gabadha inay waqti u hesho barashada dhaqanka iyo mararka qaar diinta. Waxay ku dhex tuurtaa badweyn dhaqan shisheeye iyo bulsho u nool si ka duwan sida soomaalida . Aqoonta ay hesho gabadhu aad bay ula qiimo badan tahay, waxay ka sarraysiisaa dumar oo dhan iyo rag badan. Waxay jeceshahay inay muujiso inay aqoonyahanad tahay. Ninka ka aqoon hooseeya way yastaa oo ku jeesjeestaa. Marka aqoonteedu sii korodhaba waxa sii yaraada xidhiidhka toosan ee ay rag la yeelato, kagana fikirto dhismaha qoys. Waxay marka dambe iska noqotaa innama la joog aan ka qaloon dhexgalka ragga. Dhibku aqoonta maaha ee waa halka ay salka ku hayso aqoontaasi ee ay ka soo jeeddo. Waa dhaqanka ay ku qotonto aqoontaasi. Waxa isweydaartay dhaqankii soomaaliga iyo dhaqanka aqoontaasi ku taagantahay. Sida loo aaminsayahay fikradda qoyska ama ay u shaqayso ayaa kala duwan. Gabadhii soomaaliga ahayd ee muslimadda ahayd waxay ku dhex wareertaa dhaqankaasi. Waxay in badan oo waqtigeeda ah ku soo  qaadatay goobo waxbarasho oo manhaj kale ah iyo dad ajaanib ah. Kadib waxay u gudubtay nolosha shaqo iyadoo degaanka ay ka shaqaynaysaa yahay mid habka uu u samaysan yahay isna ku fadhiyo dhaqan kale. Waa duni ragga iyo dumarku aanay kala soocnayn oo marar badan la isku dhex milan yahay. Waa duni uu ka jiro loollan xooggan oo loo yaqaan feminism- dheddignimo u dood. Taas baa waqti badani kaga lumaa. Waxay isku haysataa inay halgan ku jirto oo fursadba uma hesho waqti ay kaga fikirto dhismaha qoys ku fadhiya dhaqan soomaali. Dhibka kale ee haystaa waa raggii soomaaliyeed  ee geyaanka ahaa oo badanaa ka aqoon hooseeya oo aanay ku geli karin. Fursadda keliya ee ay heshaa waa inay la kulanto nin soomaali ah oo isna sideeda oo kale soo daalay oo ku dawakhay dunida aqoonta iyo shaqada. Haddii kale maxaa ka hortaagan inay mid shisheeye ahba iska raacdo hadday heli karayso isba waa nine? Caqabadda kale ee hortaagani waa iyadoo cadow badan bulshada ku yeelata. Waxa suuqa loo mariyaa inaanay qof hagaagsan ahayn ama guur diyaar u ahayn. Waxa ku dhaca dheg xumo iyo cadowgeeda oo bata mid arkay iyo mid kaleba. Waxa dacaayadaasi dhaawacdaa in la guursado si kastaba gabadh wanaagsan ha u ahaatee. Gabadh aqoon sare leh oo yaraan lagu guursadaa way yar tahay. Wax barashada ay ku raagto iyo qabka  ka dhashaa heerka ay gaadhaan ayaa ka mid ah sababaha. Waxay xaqiiqsataa markay meel durugsan gaadho, ilaa ay halkaa gaadhana maskaxdeeda kuma soo dhacdo inay tallaabo qaaddo. Maan helin kaan raadinayey bay odhanaysaa. Waxay rabtaa nin aqoonteeda oo kale ama mid ka sarraysa leh oo xilkas ah. Aqoon iyo masuuliyad rag isku darsaday waa yar yahay. Ragga aqoonta lihina  dumar aqoon leh ma daneeyaan. Gabadhu hadday wax qori karto ama akhiri karto way ugu dhan tahay. Iskaba daaye waxay ka doorbidaan tu aan waxna qorin waxna akhriyin oo guriga u joogta. Kuma qaldana dhinac ahaan oo waxay ogyihiin marka ninkii iyo gabadhiiba dibedda u wada baxaan ee shaqo tagaan in gurigii dayacmayo oo carruurtii aanay helayn barbaarintii ay u baahnaayeen.  Raggu waxay yidhaahdaan gabadhu aqoonteeda iyo fariidnimadeeda gurigeeda ayey ku dumisaa. Runtuse waxay tahay in gabadhu aqoonteeda gurigeeda ku dhisto. Gabadha fariidda ahi awoodda ninka ayey la wareegtaa. Heblaayaa xukunta ayaa la odhanayaa markay ka firfircoonaato, isna uu nin qabow yahay. Waa halkaas halka raggu fardiidnimada gabadha ku diidan yahay. Colaad baa ku dhalanaysa markasta qarxi karta. Waxa ninka lagu yidhaa gabadh fiican baad qabtaa, iyadaa sidan kaa dhigtay. Reerkii bay kaga magac weynaataa. Ninka gabadha jaadkaas ah guriga kula nooli diiqad buu dareemaa dadka kalena nin nasiibleh bay u arkaan. Wuxu istusaa in ragannimadiisii hoos u dhacday. Aqoontii shaqo ayey u keenaysaa gabadhii, way sii macaansanaysaa, hadii la guursadana shaqadii way sii wadaysaa. Masuuliyadeeda shaqo markay korodho, waxa isbeddela higsigeeda. Fikirkeeda ayaa isbeddela. Waxay la mid noqotaa gabadhii reer galbeed ee aan iyada guurku mudnaanta koowaad u ahayn. Aqoontii iyo shaqadii baa la fogaada. Afkaar aan waafaqsanayn dhaqankii dadkeeda ayaa ku xoogaysta. Afkaartaasi waxay baajisaa rag badan oo guur ugu soo dhiirran lahaa. Qaar badani shaki ay ka qabaan baanay hawaysanba. Waa dhab in dumarka waxbartay sii badanayaan, waana loo baahan yahay. Waxa kale oo dhab ah in aqoontaasi ay tahay mid dhinac keliya u qormaysa oo miisaankii noloshu ka maqan yahay. Waxa barbar socda guurkii oo sii yaraanaya iyo dhaqammadii bulshooyinka dunida ee kala qoqobnaa oo intay isku furfurteen kala adkaanaya. Yurub iyo dunida reer galbeedka inta sharci darro ku wada nool  ayaa ka badan inta isqabta. Xorriyadda aan xuduudda lahayn ee la haysto ayaa badan. Iyagu, reer galbeedku, waa bulsho sidaa u samaysan. Jabku waa marka gabadha soomaalida ahi u fahanto in xorriyaddaasi tahay mid la wada leeyahay. Wax dad u gobannimo ah baa dad kale u gunnimo ah. Marka xidhiidhkii guurku meesha ka baxo, baahidii jinsi iyo wehel lala noolaadaana meesha taal, waxa raggii iyo dumarkii soomaalida iyo muslinka ahaa halis ugu jiraan inay ku dhacaan dunida xumo-ku-wada-noolaanshaha ee dhadhanka iyo xikmadda ka madhan. Kala daadasho bulsho ayaa imanaya, burbur iyo baaba’ aan laga soo waaqsan baana xigaya. Haddii uu sidaa yahay xaalka gabadhii soomaaliyeed ee waxbaratay, maxaa talo ah? Sideebay iyadoo aqoonyahanad ah haddana u dhisi kartaa nolol qoys oo deggenaan iyo xasillooni ay ku hesho? Waa arrin dooddeeda iyo hadalkeedu u yaal cid kasta oo aqoon u leh ama wax ka odhan karta. Si ay jidka ugu xaadho guur  waa inay garato oo go’aansato waxa ay nin uga baahan tahay.  Waa inay fiiro u yeelato dunida ku xeeran iyo in ummaduhu kala duwan yihiin. Waa inay garato waxa ay u abuuran tahay iyo cidda ay tahay. Waa inay isku miisaanto nolosheeda oo aqoonteedu noqoto mid u horseedda dawga toosan balse aanay noqon mid dhan walba seejisa. Waa inay garato in waxa ugu wanaagsan ee ay noqon kartaa yahay HOOYO aqoon leh oo hesha Say wanaagsan iyo ubad oo deggenaansho iyo xasillooni ku hesha si maskaxdeedu firaaqo ugu hesho Alle ka cabsi iyo garashada inay jirto nolol tan ka dambaysaa.

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology