Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Madasha Murtimaal iyo Khadar Gaas PDF Print E-mail
Tuesday, 22 December 2009

Abwaan Maxamed Cabdi Tahir. Oo loo yaqaano gaas waxa uu dhashay gugii dhiiladu wadanka soo hadhaynaysay, waa gu intay jabhaddii SNM is abaabushay dagaal faraha laga gubtay ay is lahayd wadanka ku qabso wakhtigaas waxaa jeelka laga soo daayey Cumar Carte Qaalib oo raysal wasaare laga dhigay, si bal dagaalka daanyeeraynta ee wakhtigaa socday ay SNM u joojisay, waxa kale oo sannadka  uu qoraaga Xassan Cabdi Madar uu soo bandhigay Buugiisa Qalbi Lula oo ahaa runtii buugiisi ugu horreyey,

wakhtigaas ayuu Ifka yimid isna Abwaan Gaas oo culunta technology computerka ka bartay wadanka Hindiya is la haddana ku sugun, Abwaanku waxa uu ku dhashay hoyga Murtida iyo Madaalada ee Hargeysa, Ama Maroodi jeex kolba siday dad ku u yaqaanan, Maroodi jeex  waxa igu maqaalo ahayd in loogu magac daray, Dooxa Magaalada Hargeysa Bartankiisa, Haddi Alle ku roonyahay, soo markaa mamalaynaysid inay hargeysa ahayd kayn jiq ah, oo xayawaanka duurjoogta oo dhani ka muraadsadaan, maantase ay inoola muuqato meel  dhulkii iyo dagaankiiba la xaalufiyey, waa duni cayn cayn ah, oo mijaha loo rogay, abwaan ku waxa uu waxbarashadiisa hoose dhexe ka  bilaabay iskuulka biyo dhacayga hoose ama loo yaqaano 31ka may,  gugii 1994kii halkaas oo udhigaanayey ilaa dugsigi ka dhamaysanayey,  halka uu iskuulka Faarax oomaarna uu ka galay dugsigi sare markii danbe waxa uu anbaxay halkaas iyo wadanka hindiya runtii wadanka hindiyo oo dhaqankooga iyoo suugaantooda aad  u horumariyey ayuu jaamacad ka galay halkaasna uu ka dhameeyey digreega culumta computerka, imikaa uu ka wada Shahaadada Masteraytka, waxa uu sharaxaad naga siiyey waxa uu yahay gabay bal ila yar dhugta sida uu igu sharraxay gabay :  Gabay waa qayb kamida maansada, maansaduna waxay leedahay qaybo iyo wajiyo badan oo ay ka mid noqon karaan geeraarka, guuxa, guurawga, halaanhalka, heesaha, gabayada iyo baraanburka.
Qayb walba oo maansada kamida waxay leedahay abtirsiimo laga sooci karo kuwa kale, waxana kala sooca oo qayb walba dariiq gooniya mariya habka xaraf-raaca (Khaafiyada), miisaanka iyo mararka qaarkood sida loogu luuqaynayo ama jiibtooda,
Markii uu intaa I dhamaayey Khadar gaas ayaa niyaddayda waxaa ku soo dhacday maansadii Hadraawi ee ahayd inta Maankku Gaajaysanyahay , guuli waa wali, meel kale haka eegin waa Gud-gude oo aniga ahaan ay tahay maansada aan ugu jecelahay maansooyinka Badda Ah ee Hadraawi, waxaan waydiiyey oo kale oo goorta uu gabayga bilaabay jawaabta se meel fogba ka muu dayin oo waxa uu yidhi sida tan, : Walaahi ma odhan karo wakhtigaas ayaan bilaabay, waayo suugaanta waligay waan jeclaa, waxaanan arkay aniga oo dhex-dabaalanaya, laakiinse wali anigu waxaan isku tiriyaa dhalinta wali socod-baradka ku ah gabayada ee aan wali miisaanku u fadhiisan,
Waa runtii  oo qof walba oo gabyaa ah ama gabayo badan tiriyaa isuma haysto inuu gabyaa yahay , haddana waxaan xasuustay maah-maahdi ahayd, sidaad isku haysato maahee waa sida lagu haysto
Haddana waxaan u holladay inaan waydiiyo, gabaygii u horreeyey ee aad tiriso waxaanu ii sheegay sida tan: Gabaygii iigu horeeyay waxaan tiriyay October/2005, mar aan ku sugnaa Adis caasimada Ethiopia, gabaygaas oo aan ka tiriyay mashaakilka dhalinta haysta ee Tahriibka, oo runtii dhibaato balaadhan ku haya ubaxii dalka, gabayga magaciisa waxa la idhaahdaa Dawaaf
 
Dalaguu lahaa gabay
Waanigan ka Daalin’e
Maantana halkuu degay
Dariskaan ka’ aalaa
Murtiduna docdaydoo
Daafahaygay taallaa
Gocoshana ma daayoo
Waxaan diidi baa badan
 
 
Da’yarteenan halaqiyo
Siliciyo deelyada
Rafaadkiyo darxumadiyo
Dhalandhoolka duurkiyo
Xabsiyada dibada yaal
Ka door biday dalkoodii
Ka dheelmaday dadkoodii
Sahaydoodu daranaa
Sahankoodu damanaa
Nin Habaaskiyo daalka
U dawaafay tahriibka
Ka hayaamay dalkiisa
Dugsi mooday nijaaska
damiirkiisu xumaa
caqligiisu darannaa
naftan aad dilli maanta
Baribay daliil noqon
kuu hor-kici cadaab daran
dakamaha ka dhawr hooy
qatalahan daah-furan
haku jihaynine daa
Aakhiradaada daymoo
dhimashadani daalacan
qasab-ma’ahine daa
dalka ood nagaadaa
walidkood deeqdaa
ubadkood dawaysaa
bulshadood daryeeshaa
ajar-weeyi damanoow
dul-sabaynta wabigiyo
saxarohood dawaaftaa
geeri ood danaysaa
anfac-maleh darkaasiye
ha halaagin deeqdani
Midho daarta kuu yaal
Looma daadsho kuwo maqan
Dacalada dhulkaagiyo
Bal soo eeg deegaankani
Barwaaqadani daadani
Waa mid adiga kuu duban
In aad diirataa wacan
Dal shisheeyaa aadkii
Anfac kaleeto doonkii
Waxa kaaga door-roon
Dalmarow dhulkaagee
Alxamdulilaahi doorkeed!
Allaylahee maxay dad badani ka gabyeen dal shisheeye, soo adigu maad xasuusan sheekadii dal shisheeye waa dareen ku joog! Aniga iyo inta ila mid ahba oo dalkoodi hooyo joogin dareenbaan qabnaa ,  marki u danbaysay ayaan su’aalihii inaan toos u waydiiyo aan doorbiday, waa kuwan yagoo iska soo daba dhacay iyo waxa uu inoogu jawaabay Maxamed Tahir, Khadar gaas. Inkastoon anigu magaciisa ku wareero waayo laba magac ayuu sitaa adiguna kolba kaad u taqaanuun kula xisaabtan.
Su’aal: waxa kugu dhaliyey inaad noqoto maanso yahan?
Jawaab: Walaahi sidaan hore usoo sheegay, aad ayaan u jeclaa suugaanta ilaa yaraantaydii, taas uunbaana igu dhalisay in aan aniguna isku dayo tirinteeda
 
Su’aal: dadka qaar waxay yidhaahdaan waa hiddo gabaygu haddiba ay jiraan cid
qoysikina ka tirsan oo hore u gabayday?
Jawaab: Waxa gabyi jiray awoowgay aabahay dhalay, oo la yidhaa C/Daahir Xasan,
 
Su’aal: Gabayaashii waa wayn cida aad ka xisayso kuna dayatid?
Jawaab: Gabayaayadii hore, aad ayay gabayadoodu cajiib u ahaayeen, manana kala dhici jirin, waxaanse xiiseeyaa gabayadiisa Raage Ugaas, gabayaayadii qarnigan dambe qaar badan ayaan xiiseeyaa oo uu ka mid yahay abwaanka wayn ee aadka loo jecelyahay ee Abwaan Hadraawi, waxaan sidoo kale gabayadiisa aad u jecelahay Abwaan Macalin Gaaxnuug oo gabayadiisu inta badan dhiirigalinta dhalinyarada u badan yihiin,
 
Su’aal: goortaad Hindiya gashay?
Jawaab: India waxaan imid sanadkii 2006 waxaanan dhamaystay hada culuumta techonogy-ga (BSc.IT)
 
Su’aal: Sida naga maqaalo ah, Khadar Gaas waxaad sidoo kale tahay qoraa, bal nooga waran qoraanimadaada iyo goorta aad iyadna bilawday?
Jawaab: Waxaan ku bilaabay qoraalka wakhtigii aan dugsiga sare ku jiray,  inkasta oo ayna si rasmi ah iigu suurta galin in aan daabaco buug, hadana sidaas oo ay tahay, waxaan qoray buug wali aanan daabicin oo la yidhaahdo Barbaarshe qaybo kamidana aan ku qoray shabakada waxbarashada ee Somalilandedu.com kuna saabsan culuumta technology-ga, kuna qoran Somali, waxaan sidoo kale qoray sheekooyin, ay ka mid tahay sheeko jacayla oo taxanne ah, oo Murtimaal.com iyo Dhaqanjire.com ka soo baxda oo la yidhaa Darmaantii jacaylka day-daygii ka dambeeyay, waxa kale oo kamida qoraaladayda barnaamijka (Geella iyo Suugaanta Somalida) oo iyadna qaybo kamida aan ku qoray Shabakada Murtimaal.com
 
 
Su’aal: Guntii iyo gabagabadii, sida aad u aragto bahda murtimaal  ee hiddaha, dhaqanka iyo dhalinyarada ee Murtimaal?
Jawaab: Bahda Murtimaal waa bah, loo baahan yahay, aadna loogu hamuun qabay, aad iyo aad ayaanan ugu hambalyaynayaa, dhalintii aasaastay, waana loo riyaaqay, aniguna afartan tuduc ayaan u sahay ugu dirayaa….
 
Inta muhun haraad qaba
Ee maagan gabaygee
Ee mijiliskaa maqaaxida
Midhahooga ku guntada
Ee markay tiraabaan
cid u mayracdaa jirin
Degelkay muhanayeeniyo
beerku meeshuu yaaliyo
Waxa qaaday maankiyo
Madxafkoogii baa yimid
Ma wax lala dhigoo
Murtimaal lala maseeyaa jira!
 
Majaladaha dalkeeniyo
Inta wararka meeqaama
Murtidoodu waxay tahay
Murtimaalkan soo baxay
Madashii dadkeeniyo
Waa dhaqan muujiyaha guud
Meeqaam abwaan lihi
Meel ku muujiyuu helay
Ma wax lala dhigoo
Murtimaal lala maseeyaa jira!
aad iyo aad ayaad u mahadsantahay Khadar adigoo ka tirsan bahda
murtimaal boardhkeeda

Ahmed Riiraash
Bahda Murtimaal
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
waa inoo  barnaajikan xiga ,

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology