Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Filan Waa (Sheeko) PDF Print E-mail
Saturday, 12 December 2009

waxa qoray: Khaalid Jaamac Qodax

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Waa uu ooyayaa, garanmaayose waxa helay. Haa, waayaha ayaa uu is dareensiiyey. Waxase uu isweydiinayaa ilmadan sida roobka u socotaa ma mid ku sal leh baa waayahan adduun ee soo food saaray. Cabdi waxa uu ahaa wiil da’da ugu fiican ee qaan gaadhka hadda madaxa la galay. 

 

Waxase ciiley wakhtiga oo uu aad mar walba uga fakiraayo. Waxa ay saaxiibadii ku sugan yahiin. Ee ay haystaan ayaa uu ka fakiraa sababta uu u heli waayay isaguna. Waxa uu garawsaday in uu aad u nasiib xun yahay, Garanmaayose sababta uu u nasiib xumaaday. “Ha gafin” ayaa uu is yidhi. Waayo qadarka Eebbe ayaa wax waliba in uu sidaa ahaado ay tahay. Waa ta uu mar marka uu aad ugu arooro arrimaha dunida uu ku cibro iyo waano qaataba. Gartey “Waan nasiib xumahay” “Maya maya”, ha odhan taasi ayaa uu si farxad leh u yidhi, haddana  

Cabdi waxa uu ka dhashay qoys aad u dan yar, Aaabbahii Cali Cosoble waxa uu dhintey isaga oo aad u da’ yar oo aan wali wax badan garaadsan, hooyadii Caasha Diiriyena waxa ay mar walba la jiran tahay xanuun waayadan dambe helay oo xaga rabbi uga yimid. Kalsooni badanse ayay hooyadii ku qabtaa in ay koriso oo la kacaa kufto carruurteeda, waxay doonto ha ku qaadatee. Inkastooy wakhti dhib badan la soo martey carruurtaasi ilaa maalintii aabbahood ka god galay.  Walina wakhtiga iyo waayahu waa hor yaalaa haddana , sida xaal noqonna lama saadaalin karo. Iyadase werwerku kuma yara mar walba. Kama war-warto wiilka, waxase mar walba aan dareenkeeda ka go’aynin hablahan iyo waayaha nololeed ee hor yaalla.

 

Cabdi waxa ay wada nool yahiin Hooyadii iyo saddex hablood oo kale oo ka yar yar. Isagu waxa uu mar walba dareensan yahay in masuuliyadda reerku ay isaga dusha ka saaran tahay. “Haa, oo maxaad masuuliyad qaadi sow digan taadii la taag daran”, ayaa uu si niyad ah isku weydiiyey. Kama se jawaabi karo su’aalahan iyo kuwa kale oo maanka iyo maskaxdiisa ku wareegaaya sida dabaley ka horeysa roob macaan oo la saadaalinaayey. Sida ay dabayshaasi siigada u kicineyso, ayaa maskaxdiisuna iskugu kicineysaa mawjado badan oo mar mar ka qaar fiicanba inaan laysku furin. Isaguse mar walba arrimahan iyo kuwa kale waxa ay ku soo dag-dagaan dareenkiisa, waxa u sawirma, muuqaal aan fiicneyn, haddana waa uu is badh-qabtaa, isaga oo is dareensiiya in wax uun u maqan yahiin, talana uu Eebbe saarto. Si kastaba ha ahaatee kalsooni badan ayuu ku qabaa in uu mar uun heli doono waxa uu rabo. Ma og yahay waxa uu garanaayo ee uu baadi goobaayo. Haa, si fiican ayaa uu u garanayaa waxa uu rabo, haddii si fudud loo weydiin lahaana kuma qaadateen wakhti badan in uu kaga jawaabo arrimahaasi,

 

Inkasta oo uu taagan yahay da’da in uu dugsi tago ay tahay, haddana hooyadii oo aad u jecel waxa ay ka fakireysaa in labada gabdhood ee ka yaryari ay mar wada qorto dugsi xaafadda u dhow. Aroor hore isaga oo guriga hor fadhiya xilli hore oo subaxnimo ah ayaa waxa uu arkayaa wiil ay jaar yahiin oo si fiican u labisan oo buugaag qurux badan sita. Waxa uu ka fakirayaa sababta uu u waayay fursaddaasi uu heley dhiggiisu ee uu ku xaragoonaayo. Waxa uu ka dib fakir dheer oo mala-awaaleed ah uu wakhti badan uu ku qaatey isaga oo jooga dugsi, oo waliba uu maclinkiisii uu su’aalo weydiinaayo, ka dibna uu isagu kaligii ka wada jawaabaayo. Mar kaliya ayaa isaga oo ku dhex jira dareen noocaasi ah oo sawirkiisu uu hummaag fiican u lahaa, oo uu ku ilaabey wax badan oo dareenkii adduun ee uu mar walba ka fakiri jirey ahaa. Mar qudha waxa uu si kadis ah uga naxayaa hadal ka soo yeedhaaya guriga oo leh “ Allaa Hooyoo,,,,,,,,,AAaaaa, “, iyo qaylo guriga ka yeedhaysa. Dag-dag ayaa uu guriga u soo galaayaa isaga oo aan meel kale eegin, waxaanu toos u abaarayaa qolkii uu codka dumarka ah ee qaylineysay uu ka maqlay. Naxdin waynaa, waa walaashii Canab oo quraacdii arroornimo ee ay reerka u sameynasay, iyada oo shaahii dabka ka dhigeysa uu si lama filaan ah ugu daatey cagaheeda gubashana ay ka soo gaadhey guud ahaan cagaheedii. Ka dib hooyadii iyo dhammaan xaafaddii oo dhan ayaa iskugu soo baxay qayladii. Kuwa hurday oo toosey, Kuwa kale oo soo jeedey oo qayladii ku soo yaacay. Markii goobtii layskugu yimid ayaa inantii loola cararey farmasii guriga u dhawaa, maba furna show, oo waa aroor hore. Cabdi ayaa albaabkii aad ugu garaacey

 

Farmasiigan waxa leh Ciise oo inta Sacuudiga laga soo mastaafuriyey qadar lacag ah oo ay qaraabadiisii joogtey dalkaasi u soo ururiyeen uu ku furtey maalmahaasi. Dawooyinka yaalla aad uma kala yaqaanno, kuwa yar yar ee u shaqeeyana aad ayay iskula taag daran yahiin, walibana dadka bukaan socodka ah ee wax ka iibsanaayana kaba sii daran sida ay isku yihiin, waayo, ma jecla in dadku su’aalo weydiiyaan, maadama oo wax uu kaga jawaabo aanu garaneynin, sidaa darted hanjabaad iyo hadallo taag-taagan ayaa uu mar walba ka hor keenaa macaamiishiisa. Xaafadda farmasiigu ka furan yahay, aad ayay u taqaanaa Ciise oo waxaabey xataa ula baxeen magac caan ah oo loo wada yaqaanno.

Dumarku maalmahii hore waa xaman jireen, haddase magacii dadkii wada gaadh, in la yidhaahdo “Qase”. Magac bilaash uma baxo ayaan hore u maqalney, sidaa darted magacani waa mid aad ugu munaasib ah marka aad eegto dhaqamadiisa iyo sida uu yahay. Qofku marka aanu garasho fiican u lahayn arrin aanu  aqoon fiican u lahayn, gaar ahaan waliba caafimaadka waxa ay leedahay dhibkeeda. Sidaa darted in magac uu kula baxo ama dadku isku sheeg sheegaan oo la ogaado waxa uu yahay wax lala yaabo maaha

 

Cabdi waxa uu kolba albaabkii uu xoog u garaacaba, waxa ka furey, wiil yar oo habeenkii seexdey meesha.  Maxaa uu haddaba wiilkan yari u qaban, isagii ayaaba u baahan cid daweysee. Waxaa kaliya ee gar gaar ah ee uu ka helay waxa ay ahayd in Aydiin madaw inantii cagaha uu kaga shubey, iyo in u siiyo kiniin uu ku sheegey Baaraasitimool oo uu yidhi “xumadda ayaa uu ka goynayaa”. Isaga oo waliba wiilku is xariifinaayo oo kolba hadal ku soo tuur-tuuraaya

 

Canab gurigii ayaa lagu soo celiyey, aad ayayse iskaga ladan tahay marka loo eego masiibadii markii hore soo gaadhey. Dareenka hooyadeed ee war warka leh aad ayaay u dareensan tahay Canab, mar wal oo la weydiiyana “Sideed tahay”. Waxa ay ku jawaabeysaa “Aad ayaan u fiicanahay, garaaciina waa iga yaraadey, waxaanan dareemayaa in aan soo bogsanaayo, insha’allaahu dhib ma qabo ee hayga war warina”

Afar caano maal ka dib waxa ay noqotey Canab qof xanuunkii aad uga soo reystey oo aad ka dareemeyso isheeda, waxase taasi kaga war war badnaa ka dib markii hooyadeed Caasha Diiriye xanuunkii hayey ku sii batey. Maalinba maalinta ka dambeysa Caashi waxa ay noqoneysey dhul yaal.

Da’i ma hayso, xanuunkan ayaase si laxaad leh u soo ritey. Dawooyin uu walaalkeed Dibadda uga keenay oo aad u wanaagsanaa, in badanna ay isbadal iskaga dareentey ayaa hadda ka dhamaadey, war iyo wacaalna uma hayso walaakeed dibaddaasi meel uu kaga sugan yahay, waxayse maqashaa uun in uu Yurub joogo. Ma hayso telefoonkiisa, ama cinwaankiisa, waase jeceshay in ay hesho si ay ugu dirato dawooyinkaasi ay aadka ugu baahan tahay, ee dalka laga waayey.

Waalaalkeed muddo sannado ah dalka dib ugu ma soo noqon, waxa uu ahaa aqoonyahannadii dalka ka dhoofey ee ka cararey nidaaamkii askarta ee dalka ka talinaayey, cadaadiskii iyo cabudhintoodiina u adkeysan waayey. Laba sanno ka hor mar nin dalka yimid oo ay ilmaadeer yahiin oo gabadh yar ku guursadey uu dib ugu noqdey waddanka Ingiriiska ayaa waxa uu Caateeye u sheegey in ay jaar ahaayeen walaashii, waxa kale oo uu u sheegey in xanuunka macaanka iyo dhiig karku ay aad ula taag daran tahay. Sannadkii xigey markii uu ninkaasi soo noqonaayey ayaa waxa uu ugu soo dhiibey dawooyinkan hadda ka dhamaadey, war iyo wacaal kalase iskuma hayaan sida xaal yahay

 
 

Cabdi waxa ku soo furtey waddo kale oo hor leh, oo aanu kaba fakirin, in uu hooyadii wax u qabto waa jecel yahay, maxaase uu u qaban karaa, isaga ayaaba u baahan in wax loo qabtee. Waxa uu in badan ka fakirey sidii uu dawooyinkii abtigii u soo direy uga soo heli lahaa magaallada, waxaanuse garaneynin in magaalada dawooyinka yaallaa ay dhaami lahayd dawo la’aantu, sababtoo ah dawooyinka dalka yaallaa waa kuwa aad u liita, badankooduna dhaceen oo aan waxyeello mooyee wax tar lahaynba.

 

Waxa xaal sidaa ahaadaba, Caasha habeennadan dambe waa soo reyneysaa, sidii islaan dabiibta dadka jirani ay dawooyin dhir ah u siiseyba, xaalkeedu waa dhammaa sidii hore, inkasta oo aanay wali aad u caafimaadin, maalmahan dambase waa soo reyneysaa, marka loo eego sidii hore. Cibaado oo ay jaar ahaayeen ayaa mar walba ku odhan jirtey “Wax kale kuma hayaan aan ahayn in aad u baahan tahay Cuudis uun mooyaane”. Iyaduse, mar haddii ay tahay ehlu cibaado dhag uma dhigto arrimahaasi, hadalkaasise markii uu ka batey in ay u yeedhato islaantan hadda dhirta u samaysay, ayaa uu keenay, in ay cuudiskaasi samaysto se kuma talo jirto, dhirtaasi ayaa ay dirqi ku aqbashey in ay qaadato. Eebbe waa ku ladneeyey, oo hadda waa fiican tahay

 

Xaafadda oo maalin aad u busaaradeysan, kana muuqdaan diif iyo daranyooyin badan ayaa waxa albaaka guriga soo istaagay nin aad u dheer, oo aad u dhuuban, ma garanaayo Cabdi ninkani waxa uu yahay, waxase uu ka fakirayaa in uu noqon karo nin wax uun u socda marka laga eego alaabta badan ee uu sito iyo farxadda ka muuqataba. Waxa la socda wiil yar oo qiyaastii soo tusey guriga. Wiilkii yaraa ayaa ku yidhi “Waa kan guriga aad dooneysay ee gal”. “Waad mahadsan tahay” inta uu yidhi ayaa waxa uu siiyey waxoogaa shillimaad ah

 

In yar markii uu u soo jiro albaabkii guriga laga galaayey ayaa uu hakad galiyey socodkiisii, waxa uu isweydiiyey su’aalo badan. Tolow reerahii yaa ka nool? Maxaa lagu odhan? Maxaad kaga jawaabi su’aalaha lagu weydiiyo? Iyo……….. kuwa kale oo badan ayaa maskaxdiisa sida dhibica roobka ugu soo dhacay. Isaga oo isla maqan, ayaa haddana waxa uu soo xasuusanayaa kana fakireyaa dhulkii uu ka yimid iyo sida xaal ahaa, iyo meeshan uu hadda u soo baqooley faraqa u dhaxeeya. Su’aalo ka badan kuwii hore ayaa haddana ku soo dag-dagey. Dalku waa dalkii, wax isbadal ah ma jiro, sidii uu kaga tagey sannado ka hor weeyaan, wax cusub oo uu arkaa ma jiro. Lama yaabanase, waayo, waxa uu og yahay sheekooyinkii qurbaha loogu keeni jirey ee arrimaha dalka ka waramaayey.

Sheekooyinkaasi waxa ay ahaayeen kuwa xiiso badan, oo aragtiyo kala duwan xambaarsanaa. Isaga oo kolba mawjadahaasi ku jira, oo marna ka fakiraaya waxa uu la kulmi doono. Marna sheekooyinkii saaxiibkii Cabdi Gaab uga sheekeyn jirey soo xasuusanaaya. Ayaa uu soo gaadhey qol-qolkii hore ee reerka, “Yaa jooga”, ayaa uu cod dheer ku yidhi. Dag-dag ayaa uu Cabdi ugu jawaabey, maadama uu hore ula socdey socodkiisa, waxaanu yidhi “ Waa la joogaa ee soo soco”. Markii uu gurigii soo galay ayaa waxa uu isku sheegay Cabdi oo uu ku yidhi “Maad I garneysaa Abti”. Kalmaddii Abti ee uu ku yidhi ayaa uu la yaabey Cabdi, meesha ma soo dhigan nin abti kuu ah ayaa kuu soo gacan gali mar uun. “Abtigey kuma” ayaa uu yidhi Cabdi, isaga oo hoostana ka eegaaya ninkani cidda uu u eeg yahay ee uu ku soo sooci karo. Gartey in aan la garan, waxaanu damcey in uu isku sheego, waxaanu yidhi “ Waa abtigaa Caateeye oo ka yimid ingiriiska, maad maqashey in abtigaa xagaa uu ku maqan yahay”. Salaan gobonnimo oo xiiso dheer ayaa markiiba layskula soo boodey, farxad iyo reyn reyn dheeraad ah ayaa goobtii ka bilaabmey. Is bariidan, toyosho, ayaa wakhti aan dheereyn la galay, hooyo iyo reerka ayaa uu aad uga wareystey, intan Cabdi iyo abtigii wada hadlayaan Ruqiya ayaa meel agtooda ah fadhida oo sheekada, dhexmareysa si teel-teel ah u  maqlaysa, waxbadanse waa fahmi laa dahay, ka dib gurigii ayaa hore loo galay. “Hooyoooooooooy, waa abtiyo. Hooyoooooooy waa  Abtiyo oo soo dagey, abtiyo Caateeye ayaa yimid ee soo carar”, erayo noocaasi ah ayaa uu kor ugu dhawaaqey Cabdi, Ruqiya ayaa orod ku soo boodey abtigeed oo ay in badan sheekooyinkiisa ka maqli jirtey Hooyadeed. Xaafaddii iyo dhammaan ehelkii ayaa gurigii iskugu soo baxay, waxa dhinac walba lagaga dhagey Caateeye. Sannadahan badan ee uu qurbaha ku maqnaa wali mabuu arkin meel sidan dadku kalgacal badan iskugu hayaan, dareenkiisii aayaa ilmo badan ku soo istaagtey, ka dib markii uu xaaladda reerka uu aad ugu sii daa-dagey, wakhti iyo firaaqoooyin badan ayaa laysku helay, wax walbana layska wareysay.

 

Abtigood waxa uu ahaa dadka aadka u caloosha jilicsan ee aan u adkeysan Karin dareennada iska ada-dag ee noloshu ku dhisan tahay. Waase geesi. Muddo wakhti ah markii haasaawaha iyo sheekadu isku duba dhacday, waxii hadiyad ah ee uu reerka iyo carruurta ugu talo galayna lays guddoonsiiyey ayaa waxa loo diyaarinayaa qol uu ku yar nasto oo uu seexdo. Wakhtigu waa duhur dabadii cad-ceeduna aad ayay u kulushahay, isaguna aad ayaa uu u soo daaley oo wakhti badan ayaa uu safar ku soo jirey, in uu hurdo yar qaato waa jecel yahay, waxase kaga war war badan arrimo badan oo uu ogaadey markuu xaafadda yimid

 

Wey murmayaan fooqa seexo iyo seexan mayo, ayaa dhagahiisa ku soo duul-duulaaya, haddii ad fooqa seexan weydo oo aad dushiisa waliba ku gami weydo adiga oo caano badan afka ku haya waxa aan kaa yeeli doono waa la yaabi. Qaylo badanaa haddaba cawa gurigu ayaa haddana mar kale dhagahiisa ku soo dhaceysa. Dad badan, buuq badan iyo qaylo badanaa cawa gurigu

Xaaladu caadi maaha cawa, “waxbaa si ah”, ayaa uu is yidhi. In yar isaga oo socda ayaa waxa uu arkayaa gabadh yar oo dhabta ku haysta ilme kale oo yar, inta uu aad u eego ayaa uu indhaha ka dhex bixinayaa. Dhinaca bidix waxa ka jiifa gabadh ay dusha wax kaga dadan yahiin. Yaab!!!!! Inantii yarayd ayaa la hadlaysa oo ku odhenaysa “ maxaad naga eegeysaa maad na garaneysaa” isaga oo aan u jawaabin aayaa haddana waxa ay ku celinayaa “ adeeerkaagii casaa ee dhuubnaa ayaa ilmahan yar dhaley ee haddii aad wax u qabanayso caano ayaa uu raabaa ee maad u soo iibini”. Naxdin weynaa. Dhidhid kulul ayaa shax ka soo odhanaaya Caateeye, waxa uu la yaaban yahay inantan yar ee iyadii hadda la dhaley ee haddana ilamaha yar leh aniga ayaa dhaley, iyo waliba adeerkiisan dhalley ee aanu garaneynin, isaga oo murankaasi iyo kuwa kale oo naxdin baqasho leh iskugu jirta ku dhex jira ayaa hurdadii laga kicinayaa “Abti toos waa xilli dambee”. Erayadaas oo Ruqiyi ku odhonayso ayaa uu ku soo toosayaa isaga oo daal iyo rafaad badani ka muuqato.

Waxa uu dareemayaa in riyo xun oo aanu waligii arkini ay manta u timid, waxa uu is dareensiinayaa sheeko khiyaaligii soomaalid ee ahayd marka aad daalan tahay ayaa riyooyinkuna kugu badan yahiin, ee daalka ayay kuu dhex raacisee iska daa. Haddana waxa uu ka fakirayaa in arrimo kale ku hoos jiraan. “Arrimo maxay ah”, Acuudubilaahi Minasheydaani Rajiin “ayaa uu si dagan u odhanayaa. Reerkii ayaa sheekooyinkii iyo haasaawihii  haddana dib ugu bilaabmayaan, waxaanu u sheegayaa in uu in door ah la joogi doono

 

Muddo bilo ah ayaa Caateeye reerkii la daganaaa, aad ayay reerku ugu reeyeen, uguna diirsadeen, waayo, wax badan ayaa uu ka dabooley, una qabtey. Gaar ahaan waxa uu iskuulkii ugu fiicnaa ku darey dhammaan caruurtii uu abtiga u ahaa, ee ku hamiyeysay in ay mar uun dugsigaa tagaan. Cabdi isaga farxad gaara ayay u ahayd maalinti iskuulka la soo qoroyey oo uu Abtigii soo qorey, buugaagtii maalintaasi loo iibiyey sida uu u ilaalinaayey, iyo farxadda ka muuqatey waxa aad moodeysay in loogu bushaareeyey arrin naftiisa ku weyn. Runtiina wey ahayd wax nafgiisa si gaara ugu weyn.

 

Cabdi, Ruqiya, iyo Canab ayaa waxa ay noqdeen kuwa isku fasal ah, halka Hoodo, oo la geeyey fasal kale oo aan sidaa uga sii fogeyn.

Maamulahii dugsiga ayaa uu aad ula dar-daarmey Caateeye, una sheegay in carruurtan aabbahood dhintey, masuuliyadoodana ay isaga iyo walaashii saaran tahay, waxaanu ka codsadey in uu fiiro gaara uu siiyo waxbrashadooda iyo ka war hayntoodaba

 

Caateeye joogida xaafadda aad ayaa uu isaga laftigiisu ugu reeyey, oo nin wax badan ku tashan kara ayaa uu hadda yahay. Maalin ka mid ah maalmahaas farxadda leh ee uu xaafadda la joogey ayaa walaashii, waxa ay la soo hadal qaadey in ay hadda munaasib tahay in uu guursado, mar haddii uu awoodi karo, isaga oo waliba in badan dalka ka maqnaa, dibna u noqon doono. Waxaaney iyada oo arrintaasi kala hadlaysa ay si waayeelnimo leh ugu tidhi “Caateeyoow, walaal adduunkan inta la joogo magacaagu in uu kaa hadhaa oo aad guursataa waa muhiim, waanan ku farxi lahaa in aan mar uun maqlo guurkaaga, oo aan waliba goob joog ka ahaado”.

Hadalladaas quruxda badan ee dareenka walaaltinmada wataa, waxa ay si gaara u soo jiiteen Caateeye waxaanu dareemay in hadal waayeel uu guud mar yahay, isaga oo dareenkaas kalgacal ee walaashii u soo gudbisey ka jawaabaya waxa uu yidhi “ Waan dareensanahay walaal in aad wanaag ila jeceshaay, waana munaasib in aan guursado, waxase aan aad uga xumahay in gabdhaha wakhtigan joogaa aaney ahayn kuwa laysku halleyn karo guurkooda, mar haddii waliba aan ka dhoofayaana ay xaaladdaasi aad iigu adkaaneyso”. Walaashii aad ayay uga xumaatey in uu sidaa ugu jawaabo, mana jecleysan hadalladiisa intiisa dambe, waxaaney si cadho leh u tidhi “ Waa kusidee walaal Caateeye, Miyaanad ogeyn in hablo badan oo ilmaadeeradaa ah ama inaabtiyadaa ahi ay maalmahanba ku naawilayeen in arrin guur aad kala hadasho”. Waa erayo macaan oo maankiisu ku dagay, in la raadinaayo, oo xisaabta lagu darsadey garey, waxase uu fahmi waayay gabdhahan walaashii sheegayso, ee aannu isagu la fahmin. Waxa uu garwaaqsaday in wax badan aanu guntooda ogeyn, waxa uu hoos iskula faqay, in malaha marka uu guriga ka maqan yahay ay hablahaasi yimaaddaan. Haddana waxa uu ka fakirey in uu ogaan lahaa gabadhan ay wax isku yahiin. Isaga oo walaashii doonay inaanu war kale oo aaney dhibsan ku celin ayaa waxa uu ugu jawaabey “ Waan ogahay walaal in waxaasi oo dhammi jiraan, laakiin, hadda safarkayga kumaan soo talo galin in aan arrintaasi u dhaqaaqo oo waxa ay igu noqoneysaa in aan guri iyo lacag badan u soo shaqeysto, sidaa darted gu’ga dambe ayaan arrintaa dhameyn doonaa oo aan gali hawshaasi ee sidaa igu la qaado.” Walaashii waa ka diidey arrintaasi waxaanay u sheegtey in uu hadda sii mehersado, ka dibna u soo noqdo. Waxa arrintii la rog-rogaba waxa ay go’aan ku gaadheen in hadda uu sii mehersado inan inaabtidii ah oo ay in badan uga sheekeysay wanaageeeda iyo kartideeda, isaguna isaga oo aan arkinba uu halkaasi kaga qancey. Waxa ay ku balameen in usbuuca dambe maalinta khamiista ah loo gogol fadhiisto inantaasi. Axaddana isaga iyo inantu is arkaan oo uu la sii meel dhigo waxa badan, iskana sii eego, inta ka horreysana loo sii diyaar garoobo hawshaasi

 

Qolkiisii markii uu galay ee uu sariirtiisii damacay in uu seexdo ayaa waxa maskaxdiisa ku soo dhacay dood iyo war war badan, isaga oo arrinta guurka hadba dhinac ka eegaaya, ayaa waxa uu garawsadey in dareen guur uu is dareensiiyey in uu galay, “maya maya” ayaa uu haddana yidhaahdaa, malaha wakhtigan xaadirka ah munaasib maaha, haddana waxa uu xasuustaa hadalladii walaashii ee ahaa , in ay hoo iyo hiilba la garab taagan tahay, hawl badanna aanu ahay, kharash badanna aan laga rabin, ee waxa kaliya ee looga baahan yahay ay tahay calool adeyg iyo kalsoonidii arrintaasi lagu gali lahaa

 

Cabdi iyo gabdhahii ay walaalaha ahaayeen, dugsigii si fiican ayay ula qabsadeen, xiiso iyo xamaasad badanna waa u hayaan dhigashadiisa, Cabdi waxa uu ka mid yahay wiilasha ugu dadaalka fiican fasalka, maalmo ka dibna waxa laga dhigeyba hor joogaha fasalka ee ardaya. Waxa ay Cabdi is barteen macalimiin badan, waxaaney aad macalimiintu u amaani jireen Cabdi iyo gabdhahaba marka hooyadood ama abtigood iskuulka ku soo booqdo ee ay weydiiyaan xaalka waxbarashadooda. Macalimiinta wax u dhiga waxa ka mid ah Maxamed Dheere oo maadada xisaabta u dhiga. Cabdina faro baas ayaa uu ku qabaa maaddadaasi, waxa dhacda in maalmaha qaar uu inta uu macalinku fadhiisto uu ku yidhaahdo “Cabdi maanta adiga ayaa fasalka ka macalin ah ee ardayda u sharrax xisaabtaasi.” Cabdina inta uu kaco ayaa inta uu garanaayo uu si fiican ugu sharraxi jirey ardayda, dhammaan ardaydu aad ayay u xiiseyn jirtey Cabdi marka laga yimaaddo Ciise iyo Cumar oo aad u necbaa in uu wax u dhigo, oo aan xataa dhageysan jirin marka uu wax sharraxaayo. Ciise waxa ay saaxiib aad u dhaw yahiin Cumar, waxaaney fadhiistaan kursiga ka horreeya Ruqiya iyo Cabdi. Barasho intaas dheer kama dhexayso labadooda, dushase layskama jecla. Cabdi isagu dhib uma arko, hawlaha ay waddaan, laakiin Ciise, mar walba waxa uu ka hinaasaa ama ka xumaadaa marka Cabdi wax waddo, maalmahan dambena waxaabu ka sii xun yahay in laga dhigo horjoogaha fasalka. Ciise xiniinyo dheeraad ah in uu sito ardaya in badani kama war qabto oo uu ka mid yahay Cabdi, hal macalin ayaase garanaaya in uu dhalay sarkaal aad looga cabsado oo ka mid ah sarakiisha ugu ba’an ee dhibka badan ku haya bulshada. Cabdi arrintaasi ma oga haddii uu ogaan lahaa iyo haddii kaleba waa iskugu mid oo wiil yar oo arrimahaasi u furan yahiin maaha, dhegtiisu waase maqashaa in dalkan ciidanku si fool xun uga taliyaan

 

Maalin maalmaha ka mid aha ayaa macalimaddii xiisadda u lahayd ay habsaamaysaa, markaasi ayaa Cabdi oo fasalka hor joogo ka ahi uu soo jeedinayaa in haddii qof ardayda u sheekeyn karo ama wax kale u faa’iideyn karo uu soo istaago. Ciise ayaa farta taagaaya oo odhanaaya “ Aniga ayaa sheeko haya” ka dib soo kac oo sheeg inta uu yidhaahdo Cabdi. Ciise ayaa soo istaaga ardayda hortooda, hadalka waxa uu ku bilaabayaa erayo xun xun oo ardaydu dhibsatey, waxaanu ka sheekeynayaa in dawladda daacad loo noqdaa ay fiican tahay. Cabdi ayaa hadalkii isaga oo wata oo dawladdii ka sheekeynaaya ka joojinaaya hadalka waxaanu ku odhanayaa “ Goobtani maaha meel siyaasadeed ee ardayda wax kale uga faa’iidee ama iska fadhiiso” si cadho leh ayaa uu Ciise ugu jawaabayaa waxaanu odhanayaa “ meeshan anigaa ka talinaaya ee ka bax adigu warkaas oo dhageyso ama ha dhageysan” khilaaf xoogan oo aakhirkii keenay in gacanta ay isa saaraan ayaa ka dhacaaya fasalkii. Ardaydii fasalka ayaa kala qabatey, dhammaan ardeydu waa garanaysaa ka gar daran, loomase sheegi karo oo ma odhan karaan hebel ayaa khaldan.

 

Macalimiiniitii ayaa arrintii ogaaneysa, waxaana la geynayaa labadoodaba xafiiskii maamulaha. Dugsiga waxa ka maamule ah Cabdiraxmaan oo maalmahaasi laga soo wareejiyey magaalada Burco. Waxa uu aad u yaqaannaa oo ku xeel dheer yahay maamulahani sida loo baadho jeebabka waalidka ladan, isaga oo aad u kala barta ardayda. Waxa uu caaddo u lahaa in uu eryi jirey ardayda ladan si waalidkoodu ugu yimaaddaan oo u sasabaan isaga, ka dibna inta uu is xariifiyo ayaa waxa uu odhan jirey bixiya lacagtaaasi ganaaxa ah.

 

Xaalkuse waa ka duwan yahay hadda sidii hore, maamulahii ayaa labadoodiiba weydiiyey waxa jira, mid waliba markii uu gartii isa siiyey, ayaa macalin ag fadhiyey maamulaha oo labdan arday aad u kala yaqaanaa uu odhanayaa “ Waxa aan hubaa in Ciise khaladka leeyahay, waayo Cabdi waa ardayga ugu fiican ama ugu xariifsan fasalka, sidaa darted ma khaldami karo”, maamulahii oo aad uga dhag taagaaya, arrinta macalinku ka dhawaajiyey, ayaa waxa uu dhinaca kalena iskala faqayaa in maanta uu u gacan galay wiil ladan, sidaa darteed waxa uu Ciise ku amray in uu waalidkiis ugu yeedho barri, haddii uu u yeedhi waayana, uu iskuulka ka eryi doono. Cabdi waxa uu fasalkii ku noqdey isaga oo libin wata, oo geesinimo dheeraad ah la soo hoyday

 

Maalintii xigtey waxa iskuulkii yimid Sarkaal sare oo garbuhu casyahiin. Ilaahow nimaan waxba ogeyn ha cadaabin. Maamuluhu haddii uu hore u sii ogaan lahaa in wiilkii uu shalay eray uu dhalay Taliyaha Ciidanka qaybta saldhiga u dhaw xaafadda uu dugsigu ku ag yaallaa, ma buu eryeen ee waxa uu ugu dari lahaa ammaan

Taliyahii oo ay garab socdaan laba askari oo ilaaladiisa ah ayaa daf soo yidhi xafiiskii maamulaha, inkasta oo aanu maamulahu joogin amintaasi, haddana waxa fadhiya ku sii simahiisa, waxaaanu soo dhaweeyey macalinkaasi saraakiishaasi. Waxaanu ku yidhi markii ay weydiiyeen sababta iyo cidda soo eridey wiilkan yar, “aan idinku yeedho maamulaha ayaa arrintaasi garanaaya” ayuu u si naxdini ka muuqato u odhanayaa

 

Macalinkii isaga oo dag-dagaayaa ayaa waxa uu maamulahii dugsiga uga yeedhay fasal aan kaba fogeyn xafiiska oo uu ku jirey. Markii uu u sheegay arrinta iyo cidda sugeysa ayaa af kala qaad ku dhacay maamulahii, waxa uu is leeyahay tolow maxay ahaayeen saraakiishani, ma arrin ayaa dugsiga iyo adiga ku soo galay, maya, tolow haddaa maxay rabaan. Waa weydiimahii ay naftiisu iskula faqaysay intuu uu u soo socday xagga xafiiska. Markii uu soo galay xafiiska wadnaha ayaa wax ka go’een ka dib markii uu baastoolad sida dharka loogu xaragoonaayo, oo waliba la salaaxaayo uu arkay. Salaan ayaa uu kula boobey saraakiishii. Su’aashii ugu horreysay ee ay weydiiyeen waxa ay ahayd “Maxaad wiilkaygan yar ee fariidka ah ku soo eridey, miyaanad ogeyn in aan anigu dhalay, magaalada maad ku cusub tahay” Maamulahii oo ogaadey in xaalku aanu fiicneyn maanta, wax uu ku jawaabana aan garaneynin, ayaa waxa uu si kadis ah u yidhi “ Taliye maan garaneynin in aad wiilka dhashay, shalay ayaa wiil kale Is dileen, sidaa darteed haddii aan moodaayo wiilkaagii walaahi ma soo eryeen, haddana ha layga raali ahaado”. Inkasta oo markii hore uu maamulahu dhulka is dhigey, haddana markii dambe waxa uu sii yidhi wax badan oo kale. Aakhirkii waxa ay ku dhamaatey in wiilkii oo geesinimo dheeraad ah sitaa uu fasalkii ku soo noqdey. Maamulahiina wax uu aabbihii ka balan qaadey in wiilkiisa uu aad u wanaajin doono, aqoon la’aanina ay ficil kaasi u geysay

 

Inkasta oo uu fasalkiisii ku noqdey Ciise, haddana waxa arrintii ogaadey in sarkaal macangag ahi uu dhalay dhammaan ardaydii, macalimiintiina waxa ay ogaaden in maamulahii si xun oo ka gabasho lahayn loogu hanjabey haddii mar dambe arrintaasi oo kale dhacdo talaabana laga qaadi doono ay ugu caga jugleeyeen ciidanku. Arday iyo macalinba waxa ay aad uga taxadiri jiriin in ay Ciise u dhawaadaan ama wax dhex maro, maadama wakhtiyadaaasi ciidanku ay ahaayeen kuwa gacanta sare leh

 

Waxa soo dhawaaday noqodkii uu dib ugu dhoofi lahaaa waddankii uu ka yimid Caateeye, balantii walaashii uu ka qaadey ee ahayd in uu sii mehersadana waxa ay ugu wareegayaa sida mawjadda. Talo ayaa ku ciirsan maal-mahan dambe wax uu sameeyo ma garanaayo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa walaashii u imaneysaa, waxaaney u sheegaysaa in Canab Qawdhan oo inaabtidii ah ay si fiican ugu soo sahamisey, maalmahan soo socdana ay tusi doonto

 

Canab waa gabadh aad u qurux badan oo gayaankeed ugu fil roon, quruxda Eebbe siiyey iyo kartida ku jirtaa, waa isla doonasho ilaah, hore ayaa loo odhan jirey qof waliba  meel ayaa uu ka dhiman yahay, oo meel walba kama buuxo, waxase hubaal ah in Canab ay tahay gabadh  dhameystiran, oo Eebbe u dhameeyey qurux iyo qaayo. Marka ay socoto, waxa hadheeya indhaha ragga oo dhan, inkasta oo rag badan ku xisaabtamaan, haddana waalaashii Caateeye waxa ay in badan hammiga ku haysay in quruxdaasi aaney sinaba u dhaafi doonin reerka. Si kastaba ha ahaatee Canab hooyadeed inkastooy jeceshahay, haddana waxa wer wer badan ku haya, in maal-mahaasi ay soo maqashey in saraakiishii waddanku ay gabadhiba gabadhii ay ka qurux badney ay biiyeen oo ay bareen balwad iyo wax xun, kor waayeel waa wada indho, iyada oo dhacdooyinkaasi maanka ku haysa ayaa waxa ay haddana dareensan tahay in gabadhi ay ku fiican tahay in ay guri yeellato. Inkasta oo ay jeceshay in ay maalin uun aragto inanteeda oo guri leh, haddana wali guur kulamey talin inanteeda sababo badan oo u qarsoon oo ay og tahay.

 

Aragtidii hore ee uu Caateeye arkay Canab aad ayaa loo saaqay, waxaanu u qaadan waayey gabadhan quruxdeeda, booqasho ayaa gurigii lagu tagay ay daganaayeen Canab reerkoodu oo isagana abtigii gurigiisii ah. Maadama uu gurigu yahay ehelkii wax badan laysma dareensiin, booqasho uun baa la moodaayey, maskaxda iyo haybtana laguma hayn in arrimo kale jiraan. Cabaar markii dumarkii iska sheekeysteen ayaa sheekadii ay si taxadir leh u badashay Caashi, oo iyada oo la hadlaysa Canab hooyadeed ay ku tidhi “ Walaal maanta haddii aan kuu waramo xanuunkeygii aad ayaan uga fiicnahay, waxa kaliya ee dhib igu hayaa waa sidaan gabadh fiican ugu heli lahaa wiilkan aanu walaalaha nahay ee qurbaawiga ah oo aan ka warwar sanahay in uu guursado dad aan ehelka ahayn, ama aan inala haybba ahayn, maadama uu joogo waddan aad inooga fog”.

 

Hadalkaasi aad ayay ugu riyaaqdey Cibaado, waxaaney dareensan tahay in wax waliba ay dhici karaan, kana suurtoobi karaan ina rag, iyada oo dejineysa oo dooneysa in ay si naxariis leh wax ugu sheegto Caasha ayaa waxa ay si kadis ah u soo qadimeysaa “ waan kugu raacsanahay in wiilka gabadh fiican loo raadiyo, maadama uu noqonaayo, waliba in uu dalka iska soo dago ayaa habboon”.

Sheeko dheer oo wakhti badan qaadatey, ka dib waxa ay labadii islaamood isla go’aansadeen in inaabtidii loo dhiso Caateeye. Hawshaasina hore loo galo

 

Caateeye goorahanba waxa uu ka war sugayaa walaashii, waxaanu qolka xiga la fadhiyaa wiilal kale oo ay ka sheekeysanayaan waayaha iyo mushkilladaha ka jira dalka iyo qurbahaba. Caateeye waxa uu wiilashaasi uga sheekeynayaa in dhulkaaga hooyo meel ku dhaamaysaa aaney jirin dunida meel kasta oo aad tagto. Waxase doodaasi mid ka duwan qabay dhammaan dhallinyaradii ay sheekada wadaagayeen oo iskugu jirey qaar ay qaraabo yahiin iyo kuwa guriga booqasho ku yimid. Mid ka mid ah ayaa isaga oo arrinaasi daba socda Caateeye ku odhanaaya “ Marka aad eegto jawiga iyo xaallada uu maanta dalkeenu ku jiro Caateeyoow walaal, waxa kuu dhaamaysa in aad dalka ka baxsato ama ka dhoofto”. Walow uu Caateeye warar hoose oo xagga dalka ah uu hayo, haddana wax badan oo uu xogogaal u yahay waa uu is diidsiinayaa, inkasta oo wax u qarsooni ay jiraan, haddana waxa uu aad u difaacayaa joogista waddanka, isaga oo marar badan ku celcelinaayey in mar uun dalku noqon doono meel cid walba ehel u ah. Intii sheekadaasi socotey ee kolba meel loo qaadaayey, waxa garab socdey in arrintii meherka iyo soo doonidii inanta ay si fiican iskula fahmeen labadii haween.

Gurigii ayaa waxa lagaga yimid jawi fiican, iyo balan ah in usbuucan la isa siiyo gabadha iyo wiilka. Inkasta oo aanu war is qarin Karin, markii ay warkaasi maqashey Canab aad ayay u soo dhaweysay, iyada oo ka dharagsan in ehelku uu yahay cidda ugu fiican wakhtigan hadda la joogo guur ahaan

Usbuucii dambe markii meherkii dhacay, ee dhammaan reerku farxad ku wada jiraan Caateeye iyo Canabna ay u furan tahay waddo iyo nolol cusub, kalgacal ugub ah oo aan noociisa oo kale hore loo aragna uu ka dhex dilaacay labadii reerka wada dhisey.

 

Saddex usbuuc ka dib waxa uu Caateeye u amba baxay in uu dhoofo, runtii aad uma jecleysaneynin markan in uu dhoofo, waayo, nolosha  cusub iyo kalgacalka uu hadda abuurrey oo aad uu uga helay ayaa waxa uu ku keenay in uu qurbahii soo naco, inkasta oo Canab iyadu ku faraxsaneyn in uu dhoofo, walibana ay jeceshahay in uu iska joogo, haddana waxa ay mar walba ay ku la talin jirtey in uu dalka soo dago, iyada oo ay iska tirsaneyd maalmahii ay nolosha wada qaateen, haddana waxa ay noqdeen laba qof oo sida ay iskula fahmeen la moodaayo in ay sannado wada noolaayeen ama wada joogeen

 

Hadda waxabrashadii meel fiican ayay u maraysaa Cabdi iyo dhammaan walaalahii oo idil, xaalkooduna maaha hadda sidii hore oo kale, aad ayay uga fiican yahiin marka aad eegto hooyadood oo xanuunkii ka reysatey iyaga oo helay waxbarasho fiican iyo in ay wax la qaybsan karan dhammaan dhallinyarada filkooda ah. Arrimahaasi oo dhammi waxa ay Cabdi galiyeen masuuliyad iyo kalsooni dheeraad ah. Waxaanu xasuustaa maalmo badan oo noloshiisa soo maray oo war war iyo rafaad uu ku soo qaatay

 

Caateeye intii uu dalka joogey waa uu ka war hayey in xaalku aanu fiicneyn oo dawladdii Askartu aad hadda u soo liiceyso. Waxa kale oo uu ogaa in dilka, dhaca iyo boobku hadda badan yahay, waxa ugu weyn ee tagitaankiisa war-war ku hayey waxa ay ahayd masuuliyada xaafaddan cusub iyo tan walaashii ee uu ka tagay, inkasta oo uu ahaa nin in badan dibaddaha joogey, haddana la mid maaha ragga qayrkii ah ee nolosha qurbaawinimadda isku ilaabey. Caateeye wax badan oo intii uu joogey uu iska ilaalin jirey ayaa mar dambe soo bixi doona, nin ka mid ah saraakiisha sar sare ee ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM in uu yahay wali ciddi isma weydiin, waxase hubaal ah in uu aad u foojigan yahay oo uu isku dhawro in warkaasi cid uun ogaato

 

Dhammaan dalku waa is badalay xaalkiisu. Cabdi waxa uu ogaadey in xaalad cusub dalku galay. Caateeye hadda waxa uu maqan yahay in ka badan sannado, inkasta oo mar marka qaar uu wax ay in badan ku noolaan karaan u soo diro, haddana baahida badan waxa ku keeney isbadalka siyaasadeed ee dalka sida xawliga ah uga socda.

 

Maalinba maalinta ka dambeysa dalku waa sii xumaanayaa. Cabdi hooyadii waxa ay go’aansatey in dugsiga ay ka saarto hablaha, maadama oo wiigii hore, iskuulka lagu waxyeeleeyay hablo badan oo lagu eedeeyey in ay jabhadda SNM waalidkood gacan saar la leeyahiin, iyo dhacdooyin kale oo si saa’id ah dalka uga socdaa waxa ay cabsi dheeraad ah ku keeneen Caasha

 

Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxa albaabka ku soo garaacey saqdii dhexe niman badan oo askar ah. Xoog ayaa albaabka loo gaaraacey. Naxdin iyo war war badan ayaa galay dhammaan xaafadda. Albaabkii ayay islaantu tidhi “aniga ayaa furaaya ee idinku halkaasi gala”. Markii ay albaabkii furtey ayaa waxa ay aragtey rag faro badan oo direyskii ciidanka gashan oo qoryo sita oo dhamaantood wada hanjabaaya. Hadallo kala du-duwan ayaa ay ku bilaabeen. “Miyaad aragtey” Ciddi ma kuu soo gashay”. “Waar guriga baadh horta intaanad waxba weydiin” ayaa waxa cod dheer ku yidhi taliyahii ciidankaasi watey. Caasha intaan waxba laga sugin dhammaan askartii guriga ayaa ay soo wada galeen waa baadheen. Markii ay waxba ka waayeen ayaa waxa ay ku war galiyeen in magaaladu kala xidhan tahay maalmahan wax dhaq-dhaqaaq ahna aan laga ogoleyn xaafaddaha sidaa darteed ciddii aragta cid lug ku leh jabhadda SNM iyo kacaan diidkaba in la soo sheego. Waxa kale oo ay uga digeen in warar ay soo maqleen ay ku jiraan baadhistooda, haddii ay helaan warkaas xogtiisa oo suganna ay ku muteysan karaan ciqaab

 

Habeenkaasi ka dib waxa war-war saa’id ahi ku bilaabmey Caasha iyada oo si gaar ugu baqaysa wiilkeeda in waxyeelo ka soo gaadho ciidankan. Arroortaasi waxa uu waagu ugu baryay war-war iyo calool xumo dhib badan. Muddo markii xaal sidaa ahaa ayaa waxa dhacaaya in warar badan oo siyaabo kala duwan dadku u heleen ay soo gaadheen dhammaan xaafadda iyo guryahii u dhawaa oo dhan, warkaasi waxa uu ahaa in Caateeye uu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarsareysa ururka SNM, dalkana uu ku joogey dhuumasho iyo in magaciisii aanu dalka ku soo galin. Sidaa darteed habeennadan waxa xaafadda sida xad dhaafka ah loo baadhayaa waa warkaasi la helay ee ah in saraakiishii SNMtu ay dalka soo galeen. Ka dibna ay ka baxeen oo aaney hadda joogin, Inkasta oo ciidanku war sugan helin markii hore ee ay guriga baadhayeeen. Haddana waxa war buuxa u geeyey jaarkii markiii uu soo baxay warkaasi, askarta laftigoodu warka ay hayaan oo ahaa mid kala dhantaalan, ayaa waxa uu sababey in ay guriga baadhaan uun oo aaney gaysan wax dhibaato ah

Waxase taasi xigey in habeenno badan oo kale siyaabo kale duduwan ay u baadheen guriga iyaga oo aan waxyeello muuqata geysan. Laakiin hanjabaad iyo cagajugleyn bini’aadannimada ka fog ay u geysteen xaafadda oo dhan

 

Walaashii ayaa damacday in ay Caateeye war u dirto sida xaal yahay ugana waranto sida xaafadda habeen walba loo baadho. Iyada oo waliba ay ku weyn tahay in ay weydiiso warkan laysla dhex maraayo waxa ka jira runtiisa.

Nasiib wanaag waa weyday, telefoonna wey ku gaadhi weyday, cid kale oo ay ka wareysato xaalkiisana ma helin, siduu u tagay maalmo iyo wakhti tirsan ayaa war la kala helay, muddooyinkan dambese xidhiidhku waa go’ay

Caateeye qurbahii markii uu ku noqdeyba, waa ogaadey in uu sigtey, oo la qaban gaadhey, arrintaasise war war badan kuma haynin, oo waxa uu ahaa ragga geesiyadda ah, ee aan naxdinta badan lahay, maalmo iyo wakhti badan ayaa uu saaxiibadii ugu faani jirey in uu dalkii tagey kana soo guursadey, haddana uu ku noqon karo. Markii uu muddo qurbaha joogey, waxa u Caateeye go’aansadey in uu tago xarumahii jabhaddii SNM ay ku lahayd waddanka Itoobiya ee aynu jaarka nahay. Go’aan kasi waxa uu ahaa mid uu dhinacyo badan ka eegay. Mar waxa uu ka fakirey in xaaskiisii iyo carruurtii iyo walashiiba uu dalka Itoobiya u soo raro, oo ay xaggaasi u soo guuraan, haddana waxa uu ka fakirey dhibka ay arrintaasi yeellan karto. Isaga oo maskadiisu go’aano noocaas ah rog rogaysa, ayaa waxa uu aakhirkii ka qayb galayaa oo dani bideysaa shir ka dhacaaya guddaha waddanka Itoobiya,

Itoobiya markii uu yimid iyo waxa isku beegmaya qalalaashii waddanka oo sii xoogeysanaaya, muddo markii uu Itoobiya joogey wax war ahna aanu ka helin walaashii carruurtii walaashii iyo xaaskiisiiba, ayaa waxa uu maalin maalmaha ka mid ah go’aansanayaa in uu tago dalkii. Tagitaankii dalka iyo soo galiddiis SNM ee guddaha waddanku waxa ay noqonayaa laba dhacdo oo mar wada kulmaaya. Nasiib wanaag iyo nasiib xumo keebuu la kulmi. Mooyi. Waxa uu mar walba ka fakiraa sida uu mar uun u arki lahaa xaaskiisii ay wada unkeen nolosha ee aaney nasiibka isku helin. Habeenno iyo maalmo badan ayaa waxa uu ku riyooday waxyaabo badan oo ka nixiyey iyo waliba kuwa ka farxiyeyba. Waxa uu maalmahan dambese is weydiiyaa xaalkooda iyo waxa ay ku sugan yahiin sida uu u heli lahaa. “Tolow walaashaa xanuunkii ma ka ladnaatey”, ayaa uu hoos iskula faqayaa iyo noloshooda gaar ahaaneed waxa ay ku sugan tahay, Allahayow nin aan ogeyn waxba ha cadaabin. Haddii uu ogaan lahaa xaalku sida uu yahay ama waxa ay ku sugan yahiin tolow ma joogi lahaa saldhigyaddan uu hadda soo caga dhigtey. Mooyi

 
 

Cabdi iyo hablahoodii iskuulkii ma tagaan maalmahan, magaaladu waa bandoo, wax badan ayaa magaalada ka siya, “miyey haddaba buktaa” ayaa uu Cabdi si calool xun u odhonayaa isaga oo is la hadlaaya, waase oghay isbadalkan siyaasadeed ee hadheeyey magaalada oo dhan. Maalinba maalinta ka dambeysaa waa ka sii dareysaa kama soo reynayso magaaladu, heer waxa ay gaadheysaa dadku wax ay cunaan ama ay cabaan ay waayaan ama ay haleeli waayaan in ay ogaadaan dadkii ay ehelka ahaayeen waxa ay ku sugan yahiin. Maalmahan dambe Cabdi hooyadii xaalkeedu ma fiicna sidii wararkan war warka leh ay u maqasheyba xanuunkii waa ku soo noqdey waxaaney dareemeysaa xanuun saa’id ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Canab ay maqleysaa in islaantii Caasha uu xanuunkii ku sii batey, waxaaney go’aansaneysaa in ay soo booqato oo bal xaalkeeda iyo in ay war ka heleen Caateeye ay ka soo waraysato. Inkasta oo labada guri aaney isku jirin in badan oo ay jaar yahiin, haddana waxa sidaa u sii kala fogeeyey waayahan siyaasadeed ee aadka u cakiran ee maalmahan magaaladu ku sugan tahay, intii ay jidka soo mareysay ma arkin wax dad ah, haddii ay aragteyna laba ama saddex qof oo dhuumasho ku socda in ka badan ma arkin, waxa gashey baqdin badan, waxaaney in badan hoosta iskala faqeysay magaaladii quruxda badneyd oo noqotey meel aad u fool xun oo aad moodo guri laga hayaamey ama laga dhintey oo kale. Waxa ay soo dhuumataba waxa ay aakhirkii soo gaadheysaa gurigii ededeed ee ay ku socotey. Gurigii markii ay soo gashay ayaa waxa ay arkeysaa in xaaladda Caashi aaney fiicneyn, bariido iyo bariidin ka dib waxa ay in badan iska wareysanayaan xaalka iyo waayahan jira iyo in waliba war laga helay Caateeye.

Inkasta oo ay aad ugu faraxdey ededeed in ay aragto Canab haddana waxa ay aad uga xuntahay, waalkeedan  war iyo wacaal aan laga haynin ee inantaasi quruxda badan ka tagey ee aan mar dambe dalkii dib ugu soo noqon. Haddana waxa ay dareensan tahay oo ay ogtahay in dalkan xaalkiisa aan lagu haleyn Karin halyeyo badna oo uu ka mid yahay Caateeye. Iyada oo u soo joogtey in ciidamadu liqeen ama dileen kumanaan qof oo dalkan iyo dadkan rajo badan uu ka qabay.

Caateeye waxa uu soo galay magalaadii quruxda badneyd ee uu ogaa iyada oo la moodo meel xero bahalo galeen u eekaatey. Guryahii qurxda badnaa waa wada dumeen, Meyd badan ayaa hareera waddooyinka daaadsan, dadkii inta dhimatey iyo inta nool waa is leeg tahay, haddii dhimashadu aaney ka badney, dadku waa qaxayaan, waxase isaga maskaxdiisa ku wareegaaya xaalka xaafaddii uu muddooyinka badan ka maqnaa ee aanu warkooda helin. Sida uu u ordaayo ayaa waxa uu soo hor istaagayaa gurigii walaashii, wax dad ahi ma joogaan, guriguna aad ayaa uu u dunsan yahay, cid uu weydiiyaaye meelahan kama dhawa. Waxa uu hareeraha eegaba waxa uu dad is yidhaahdo raadiba waxa uu aakhrikii iska hor fadhiisanayaa Caateeye gurigii quruxda badanaa ee uu sannado hore joogey. Waxa uu is weydiinayaa inta maskaxdiisu qaadi karto in ka badan, yaase uga jawaabi mar haddii tiisu aaney arrintaasi iyo mid kaleba aaney hadda ka jawaabi Karin

Isaga oo goorahanba gurigii hor fadhiya ayaa waxa uu go’aansanayaa in uu bal guddaha guriga gal is yidhaahdo, mase gali karo oo gurigu dhammaantii waa dunsan yahay, waxaanu malahiisu siiyey in guriga madfax si ba’an ugu dhacay. Runtiina waa ahayd oo guriga waxa si laxaad leh ugu dhacay madfax oo ka dhigey meel isku dunsan oo aan la dhex gali Karin. Muddo markii uu arrintaasi ka fakiraayey, ayaa waxa maskaxiisa ku soo dhacay in bal Canab iyo gurigoodii uu tago intaasuu wax kale ku arkaaye, cabaar markii uu socdey ee uu soo gaadhey jidkii tagaayey gurigii Canab iyo ayaa waxa uu wadada dhexdeeda  ku arkayaa qof dhar dumar xidhan oo mayd ah oo waddada hareerteeeda la dul saarey jiingad. Gabadhan meydka ah waxa hoos yaalla Ilmo yar oo isaguna dhintey. Waxa uu Caateeye dib u xasuusanayaa sheekooyinkii uu ku riyoon jirey isaga oo aad u ooyaaya waxaanu ka xumaanayaa qofkaas gacanta ka gar darani dishey ee haddana la aasi waayey. “ dumarku waxa ay ahaayeen bir ma gaydo, dhaqankeennuna aad ayaa uu u tix galin jirey ee maxay galabsatey gabadhaasi” ayaa uu cod gaaban oo uu kaligii maqlaayo ku cel celinayaa. Intuu jidka socdey waxa ka soo hor baxay oo kaliya hal, am laba wiil oo ka mid ahaa jabhadii SNM oo guryahoodii iyaguna sidaasi oo kale u day dayaaya dadkoodii bal in ay ku arkaan wax raq ama ruuxa. Caateeye waxa uu socdaba hadda waxa uu soo gaadhey, gurigii ay daganaayeen xaaskiisii Canab reerkoodu ama gurigii abtigii, gurigu markii uu albaabkiisii soo gaadheyba waxa uu ku arkay in gurigu uu ka duwan yahay kii hore oo uu bad qabo, waxase kaga darneyd markii uu guriga hore u galay oo uu ku arkay dhiig faro badan oo wadhan daaradda. Aad ayaa uu uga naxay markii uu guriga hore u galay ee uu arkay dhacdooyinkaas naftu diideyso. Waxaanu xasuustey xasuus waayo waayo ah. Waxa sida dhibica u hor timid maalintii ugu dambeysay gurigan oo ahaa mid aad u camiran una qurux badnaa oo ahayd maalintii guriga lagu siinaayey inaabtidii ee uu u soo googol fadhiistey iyo maalmo kale oo uu guriga ku soo booqdey.

In muddo ah markii uu gurigii ku jirey waa uu ka soo baxay, isaga oo aad u niyad jabsan wax uu sameeyana aan garaneynin, xaguuse tagi. Waxa uu kolba meel istaaagaba. Aakhirkii ayaa uu goosanayaa in bal dadkii jaarka la ahaa xaafaddaha uu iyagana war ka doono, in meel uun loogu sheego. Saacado badan markii uu waayey meel uun dad kaga soo baxaan ayaa waxa uu go’aansanayaa in uu gurigii kale ku noqdo. Intii uu jidka soo socdey waxa ka hor imanaaya nin aad u dheer. In door ah marka uu u soo jiro, ayaa waxa uu garawsanayaa in socodkaas iyo ninkaa soo socdaa uu u eeg yahay Maxamed oo ay Jaar ahaayeen guriga walaashii Caateeye. Maxamed waxa uu ahaa nin ay saaxiibo ahaayeen intii uu dalka joogey, waxaaney wada qaadan jireen sheekooyin iyo wakhti badan. Markii ay isku soo dhawaaadaan ayaa lays garanayaa, salaan guud iyo mid gaaraba marka lays wareysto, ayaa Caateeye weydiinayaa bal in wax war ah uu ka hayo reerahii. Maxamed oo og in Caateeye war sugan aanu haynin ayaa u sheegaaya in gurigii walaashii Madfac ku dhacay maalintii dalka la soo galay oo ay ku shuf beeleen dhammaan xaafaddu, isla maalintaasina lagu wada aasey hal xabaal oo ku taalla xaafada agteeda. Caateeye marka uu maqlo erayadaasi, waxa ka soo daadanaaya ilmo, jidhkiisuna waxa uu u gariirayaa si aad u xun, Maxamed oo arkaaya dareenka Caateye ayaa waxa uu is odhanayaa maxaad ugu sheegtay haddaba waa kan isbadalay e. Nafi kuma jirto Caateeye uu ku hadlo, mana su’aali karo wax intaasi ka badan Maxamed, waayo, waa uu dawakhey markii uu u sheegay in carrruurtii iyo walaashii si xun oo silic ah ay u dhinteen, iyaga oo wax ay galabsadeen aaaney jirin. Maxamed ayaa soo kaxeeyey Caateeye markii uu arkay in aanu xaalkiisu fiicneyn, waxaanu keeney gurigii ay daganaayeen Maxamediyo ee u dhawaa guriga walaashii Caateeye. Gurigan uu hadda yimid Caateeye waxa kaliya oo jooga wiil dhallin yar ah oo ay Maxamed walaalo yahiin. In badan ayaa uu isku dayey in uu Caateeye waaniyo dejiyo, wax u sheego. Caateeyese xaalkiisu ma fiicna intan saaxiibkii Maxamed u waramaayo. Aadna waa u isku badalay, qofkii hore u yaqaaney hadduu hadda arko garan ba mayo. Oohin, murugo, iyo silic waa u dhammaadeen Caateeye,

 

Muddo maalmo ah markii Caateeye la daganaa saaxiibkii, xanuunkiina uu ka soo reeyey, ayaa waxa uu baadi goobayaa in uu war ka helo Canab iyo reekoodii. Waxa loo sheegayaa in Canab iyo reerkoodii ay wada nabad qabaan, marka laga reebo in ay ciidamadii askartu dileen laba wiil oo ay Canab walaalo ahaayeen oo guriga ay ku dhex toogteen si fool xun. Waxaana loo sheegayaa in ay hadda Canab iyo hooyadeed dagan yahiin oo u qaxeen magaalo kale.

 

Magaaladu waa xorowday, dadkiina waa ku soo wada noqdeen, sidii hore waa dhaantaa ee cidlada ahayd, maalinba maalinta ka dambeysa dad ayaa u soo guuraaya, waxaaney dadku ku soo noqonayaan hoygoodii. Muddo ka dib Caateeye waxa uu helayaa xaaskiisii uu aadka u jeclaa iyo reerkoodii, waxaanu bilaabayaa in uu xusuustiisa ka maydho xanuunkii iyo dhibkii soo gaadhey oo dhan, mase ka maydhi karo oo waxa ay arrintaasi noqoneysaa boog dushiisa cid waliba ay ka arki karto. Inkasta oo hadda Caateeye si xor ah uu xaaskiisa iyo magaaladaba ugu nool yahay, waxa ugu badan ee haddana uu tabaa waa waayiddii uu waayey dadkii uu ehel ugu jeclaa ee ay soo wada mareen nolosha qaaliga ah

 
 
 

Dhammaad

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology