Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh PDF Print E-mail
Wednesday, 11 November 2009

Qaadku dhadhan ahaan waa geed qadhaadh, marka aad qaniinto qoriga u horeeya “Qaaaq,waar bahalku caawa qadhaadhaa” balse wax yar ka dib waa wax macaan. “Waar bal xabad kale ii dhiib caawa bahalku macaanaa!!

Ku soo dhowaada qoraalo taxane ah oo ku saabsan dhibaatooyinka Qaadku uu u gaysto guud ahaan ,bulshada,gaar ahaana qofka caadeysta cunista Qaadka.Qoraaladan waxaan ka soo dul xaadiyey

,amase aan ka soo qaatay BUUGG aan hadda dhameeyey ,lana magac baxay “QADHAADHKII MACANAA”kaas oo aan filayo in laga heli karo Qaadku dhib iyo dheef wuxuu leeyahay.


Qoraaladani waxay xambaarsan yihiin waayo aragnimo dheer oo ku saabsan Qaadka iyo weliba dhibaatooyinka uu leeyahay,waxay xambaarsan yihiin cilmi baadhis shaqsi,mid Ururo sameeyeen iyo mid Dowladeedba.Qoraaladani waxaynu ku eegi doonaa qaybaha ay ka mid yihiin:-


1. Qoraaladan waxaynu ku eegi doonaa amase aan kaga jawaabi doonaa su,aalaha ay ka mid yihiin Waa maxay Qaadku ?,Xagee buu ka baxaa? Eray bixinta Qaadka iyo bal taariikh ahaan sida Qaadku inagu soo gaadhay .


2. Qoraaladan waxaynu ku eegi doonaa sida Soomaalidu u qiimayso Qaadka , waxaan ula jeedaa masiirka Qaadku ku dhexleeyahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.Waxaa laga yaabaa in ay jiraan meelo Qaadka loo WEYSO qaado marka la doonayo in Qaadka loo fadhiisto iyo “waa QUUTUL AWLIYA” .iwm


3. Qoraaladan waxaynu ku eegayaa guud ahaan sida Qaadku u waxyeeleeyo bulshada gaar ahaan sida Diinta, caafimaadka,dhaqaalaha .qoyska .dhalinyarada iyo guud ahaan shicibka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.


4. Qoraaladan waxaynu ku eegi doonaa,sida guud ahaan wax looga qoray amase looga hadlo Qaadka iyo weli cida ku haboon in ay ka hadasho, “maanta Qaadka waxaa ka hadla,waxna ka qora dad aan cunin,arag,ogeyna dhibtiisa,kana soo jeeda wadamo aan gebi ahaanba laga aqoon Qaadka.”


5. Qoraaladan waxaynu ku eegi doonaa guud ahaan ganacsiga Qaadku, sida uu ugu fiday dunida iyo meelaha uu gaadhayba.


6. Qoraaladan waxaan kaga jawaabi doonaa Qaadku faaiido ma leeyahay ?,haddiiba ay jiraan waa faiido side ah ?,waxaan kuugu iftiimin doonaa daliilka ay Soomaalidu u hayaan faaiidada Qaadka leeyahay.


7. Qoraaladan waxaan idiinku soo gudbinayaa,talooyinka aan isleeyahay waxaa lagu joojin karaa Qaadka,haddii aad shaqsi tahay iyo haddii ay Dowlad tahayba.


8. Qoraaladan qayb ka mid ah waxaan idiinku soo bandhigayaa Suugaanta kala duwan ee laga tiriyey qasaare iyo faaiido wuxuu Qaadku leeyahay, sii dhadhanso qaar ka mid ah kuwa ugu caansan suugaanta Qaadka .

QAADKA ( GABAY )


Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh


Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh


Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh


Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh


Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh


Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh


Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh


Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh



Abshir nur Faarax (Bacadle)



MIJINTAYDA QAADKA AH


Mudduc iyo maddaacalay, Muran iyo isweydiin


Maya iyo adaa yidhi, Gar munaasabkii iyo


Madashiiba seegtoo, Madaxiyo minjaha iyo


Isla-dhaaftay maankii, Adigaa macneeyoo


Marinkeeda joojee, Mijintayda quruxooy


Maxaan kugu masaalaa, Ma middii la ii qoray


Illeyn maalin iyo leyl, Adigay mashquushoo


Mar waxaan ilaashaa, Soo muuqadkaagoo


Midhiq iyo tallaabiyo, Socod maararowiyo


Marba koone joog iyo, Ismaroorin qaadiro


Anigoo la muhayaad, Dhawr jeer maqnaataa ( jaadkiibaa soo dhiciwaayay )


Midkaleeto raacdaa, Meel kale la aaddaa ( gaadhigii baa nala dhaafay ).



Cabdillahi C. CIge



Togga Herer:-



1. Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto


2. Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye


3. Anigiyo toddoba aan ku jirey tumasho soo qaadnay


4. Rag tabaabushuu leeyahaye wax istusaalaynay


5. Labo tubaha soo kala cayima hore u sii tuurray


6. Ayaguna tusmada warkay sideen nooga tibixsiiye


7. Togwajaale qaadkii ka yimid tacab u soo miirnay


8. Markay laba tobnaad noo xireen toobiyaha qaadnay


9. Tagsi lagama maarmee nin wadey suuqa nagu tooci



(C/Salaam ---fadlan haddii aad hayso magaca oo dhan ee abwaanka Gabaygan tiriyey ii soo dir)


F.G. Cid kasta oo iga caawinaysa daabacada iyo hirgelinta Buugaan waa u furan tahay ,aniga iyo dhamaan bulsha weynta Soomaaliyaad ,waxaanu u hayn doonaa abaal ma guuraan ahaa.


Haddii aad ugu caawinayso qoraalo ,sawiro talo iyo tusaale diyaar ayaan u ahay,haddii aad hayso magac aynu u bixino Buugan Qaadka ka hadlaya diyaar ayaan u ahay ,haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ahna fadlan igala soo xidhiidh emailka.


Mahadsanidin


Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)


This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology