Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko) PDF Print E-mail
Friday, 30 October 2009

Waxa qorey: Axmed Riiraash

Xassan waligaa waxaad ku fikiri jirtay inaad heer gaadho, oo aad mustaqbal fiican yeelato, inkastoo ay haynta reerku iska yarayd haddana waa lagula dadaali jiray, oo wax walba oo mustaqbalkaagu horumar ku gaadhi karo waalidkaa kaamay hagran jirin, waa ay kula raadin jireen, ciyaalka kula midka ah waxay haystaan waa laguu samayn jiray.

Imika waxaad jirtaa 9 sanno oo kaliya, waxaana lagugu wadaa Madarasad, madarasaddaas oo ku taalla xaafad ka mid ah magaalada aad degen tahay, madarasadii saas kaagamay dheerayn, gurigiina waxay u jirtay waxoogaa daqiiqada ah marka la lugaynayo, si aad wax uga barato waxaana laguu fadhiisiyey fasalkii koowaad ee waxbarashadaada.

 

Inkastoo ay sidaa tahay, haddana waxaad noqotay arday dadaal badan oo ay xiiseeyaan, ardayda madarasaddaas iyo macallimiintuba, waxaanad noqotay arday la jecel yahay, laguguma jeclaan dabeecaddaada iyo dhaqamadaada kale oo wanaagsanaa ,  balse waxaa lagugu tix galin jiray adiga oo noqday ardayga ugu horreeya dhanka tacliinta, marar badan waxaad qaadday jaa'isad. Marar kale waxaad ku guulaysatay ardayga ugu akhlaaqda fiican iskuulka,

wakhtigan waad qaan gaadhay aqoon kugu filanna waad baratay ood baratay, Quraankana Soddonka jisba Dhakada ayaad ka haysaa, waxaad kalood baratay waxoogaa xadiisyo ah, oo markaas waxaad tahay nin dadka wax u sheegi kara, wacdin karayana, dadkana waxaad bartaa, Salaada iyo Sunnadda Rasuulka , siday mad-habta Shaaficiyadu qabto.

Hadda waxaad ku socotaa gurigiina oo awelba wax badan aan kuu jirin, waanad gashay waxaana si fiican kuu soo dhaweeyey waalidkaa, oo markasta kuu han waynaa, lana dhacsan sida aad wax u baratay waxayna ku rajo wayn yihiin inaad heer gaadhi doonto,

Waxaad ka soo baxday gurigiina oo waxaad ku socotaa, iskuulkaagii aad awelba dhiganaysay, laakiin waxaa dhexda kaa helay dhawr nin oo aad moodo in samaada laga soo riday, waxay kula boobeen salaan, iyo inay ku waraysataan, adigu waxaad tahay nin dadka qadariya, oo waad u istaagtay salaantiina waad ka qaaday, markiibana waxay kuu sheegeen in ninkii Cabdalle ee barigii islaamaha xashiishka gurayey, bamka u qariyey, ay meel fiican ku jiraan, oo hadday ku jiraan adiga maxaa kaa galay waabay googo’een oo islaamo meel xaaqayey, oo caruuryar u shaqaysanayey, ayey qudh gooyeenbee, haddana waxay kuu sheegeen in ninkii cali ahaa isna sidaa si la mid ah yahay, waad isaga dhaqaaqday markii ay hadalka kaa dayn waayeen.

Waxaanad is waydiisay waxay ka hadlayaan dhan aad u qaadana waad garan wayday, waxooga ayaad ka yar fikirtay, Qaraxyadan iyo waxanay ka sheekaynayaan oo Mad-habta imaamu Shaaficiyada oo ay Somalida badankeedu haysato miyey qabtaa in qof muslin ah dhiigiisa la daadiyo, oo sawtii hore loo yidhi qof Muslin ah dhiigiisa oo dhulka lagu daadiyo waxaa Ilaahay agtiisa kaga qiimo badan aduunkoo dhan oo la rogo, Acuudu bilaahi mina shaydaani rajiim! Inta aad shaydaanka iska naartay ayaad maskaxdii filinkale u rogtay,

Maalintii labaad waa kuwaa wadada kuu fadhiya ee adiga kuu soo almiitaynaya, Almiitada ma kubbad ayaa la ciyaarayaa, ee haddana sidii si la mid ah inta ay afarta gees kaa istaageen, hadalkii kugu bilaabay, kii u waynaa markaas oo ugu codkarsanaa ayaa hadalkii qaatay, wuxuu afmiishaarsanaa, oo codkorsanaa, hadalkana saafi ogaa, sida maskaxda loo badalana ku xeel dheeraa, oo waa kaas judhiiba Janno kula galay oo ku yidhi dhiig muslin iyo bamb aad isku qarxiso ayaad Janno ku gashay, Jannadu maa afka uun ee wax kale ayuu damacsanaa, oo waayaabee Jannada soo Ilaahay ma bixiyo, Haa ilaahay ayaa bixiya, oo haddaa Janno qof muslin ah oo la dilo janno lagu galaya, waligay ma maqal, mana urin, malaa dhako kale ayuu wataa, oo hadday saasi wacantahay isagu miyuu is qarxiyaa? oo muxuu aniga iigu guurayaa,? Nafta bilaa’adanku qiimo kuma fadhido miyaa? Macno darro in loo dilaa ma banaan tahay?

Bismillaah!! inta aad bisinka qabsatay waadigaa iska dhaqaaqay gacmahana ku yar jiid jiitay ooy kugu yar dhag-dhageen, waadigaa adna ka cararay, ee hawlahaagii raacday, ee inta aad gurigiinii tagtay maskaxdaadii xoog u yar shaqaysay, ee is yidhi malaha waaba run waxay ku hadlayaan, aar malaha run maaha! Oo billee aad danbi gashaa waxaa aad sheegayso haddii aad ku kacdo, Mooyi, mooyi,

Maalintii saddexaad waadigaa markay ku arkeen aad is baddashay, kii fiicnaa ee macallimiintiisu jeclaayeen maba tihid, ninkii wanaagsanaa ee wacnaa ee loo hanwaynaa waataa maskaxdiisii la baddalay, ilmo yar ayaad tahay, oo markaasuun qaan gaadhay. Waataa lagu waayey muddo, macallimiintaadii ku raadiyeen waalidkaana meelkasta kaa goobeen, meel aad jaan iyo cidhib dhigtay lagu waa,

Maalintii danbe waadigaa Hargeysa ka soo dagay adiga iyo koox kula mid ah, oo la baddalay oo maskaxdii laga duufsaday, oo ma dabadaada ka timaadeen! waydinkaa, guri wayn kiraystay, ood gawaadhi iibsateen, waydinkaa wax budo u eeg oo daqiiq la moodo iyo caagado madhay kur ka jar-jaray, ee haddana isku walaaqday ood mulaaqday, dabadeed waadiga mamb u ekaysiiyey,

Maanta waxaad ku jirtaa xilligii aad hawsha gali lahayd, ma hawl shaqaa talow! waydinkaa is qabiyey, hoggaanka adaa u haya, waydinkaa saddex meelood u kala dhaqaaqay, waataa Hargeysi dayaantay, ooy qaraxday, mid gacani go'antahay mid lugi go’day mid afka ka dhiigaya. Carruur iyo dumar anfariirsan mid hurdada ku salalay, mid sii carara oo haddana carara, iyo mid soo socda haddana soo socda, dad si u wada naxsan oo haddana kala naxsan, Innaa lilaah!!!

Dhakhtarkii la wada tag, oo ma qof xanuusanaya ayaa la soo booqday! dhimashadu way sii badatay, dhaawacu ka daran, dadkii waxan sameeyey Maxay rabeen ? Ma cadaab ? Ma janno? Ma Kursi? Ma Magac? Ma qabiil? Ma sharaf? Ma farxad? Mooyi, mooyi, kollay waa yaabka yaabkiis, qaddarku waa halkiis,

Waataa waalidkaa iyo dadkiinnii ku ogaadeen falkaad ku kacday, waa kuwaa macallimiintaadii kaa naxeen, qofkastoo ku yaqaanay, uqaadan waa iyo anfariir ku noqday, waataa la yidhi ha samayn lahaydaa, waa digaa dad masaakiin ah oo shaqooyinkoodii haysta aakhiro u diray, adiguna isku diray, Camalkaaga Allaa og!!!!!!

Ahmed Riiraash


This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it  

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology