Wararka iyo Warbixinaha
| ‘Qolka Hurdada’ |
|
|
|
| Thursday, 17 September 2009 | |
|
Waxaa qorey Xassan Cabdi Madar
Wuxu soo galay goor barqo ah xafiiskii shirkadda halkaas oo uu isku
kala bixiyey kursi ballaadhan oo ka dambeeya miis qurxoon oo dhanka
kale kaga xeeran yihiin kuraas faalal ah oo martida loogu talo galay
Waa kursi qofka caadiga ahi ku dhex libdho isagase aad mooddo inuu u
baahan yahay mid ka sii ballaadhan. Wuxu la ballansan yahay hebel iyo
hebello ay ka dhexeeyaan dano adduunyo iyo hawlo ganacsi. Waa hebllo
xidhan cumaamado iyo koofiyado iyo macawiso qaali ah, gacan qabsiga
bakooraduhuna dhammaystiro xarragadooda iyo qabkooda iyo hebello kale
oo ku labbisan suudh iyo qoor xidhan, gacanta bidixna ku sita faylal
ama shandado ay ka buuxaan waraaqo ku dhex casaaday. Shaaha iyo bunkuba
waa ku sii diyaar miiska, wuxuse aad u jecel yahay macmacaanka oo si
gaar ah u xusuusiya beriguu garaabada iyo sonkorta isku qaadan jiray.
Intuu muusoodo buu niyadda ka yidhaa, taasina dharaar bay ahayd.
Inta uu sugayo kuwa soo socda ee maanta uu xilliyo kala duwan la kulmayo si uu ugala xaajoodo arrimo door ah, talo iyo tilmaan uga qaato, heshiis iyo hawlo adduunna ula galo waxa maskaxdiisu ku maqan tahay qolkiisii hurdada. Maanta rag buu ballan iyo hawl la gelayaa, qawl baa ka dhacaya, wuxuse ka walaacsan yahay sida qolkaasi u beddeli doono ga’aan kasta oo wax ku ool ah oo uu qaato, xilliyo badan qolka wuu u aayey talo lagu liibaanay buu ka helay, waqtiyo kalena sharaf dhac iyo ceeb buu kala hulleelay. Muxuu qolkaasi kaga duwan yahay qolalka kale ee guriga, ma alaabta taal mise dadka gala?mise sida uu u yaal? Kollay hadba cidda gasha ayuu ku xidhan yahay sida uu u yaal qolkani, haddii wiil soolane ahi galo muuqaalka gurigu waa mid is dhexyaal, waxa lagu gartaa dhar aad u uskagaystay oo meelahaas katabaanka ama sariirta si qaab daran u saaran, kabo irridda agteeda quban iyo shiraabbaaddo cidhibta ka daloola oo dhidib badani ka soo baxayo oo markaad soo gashaba sanka lagugu dhufanayo oo hindhiso indhuhu kula casaanayaan, laakiin wiilasha oo dhan maaha qaarkood waxay qolka ka dhigaan mid nidaamsan oo nadaafad leh; Haddii isla qolkan ay galaan hablo waxa marka u horraysa ee aad soo gashaba isha ku dhufanaysaa sida ay sheegeen dadka cagta ku badiyaa shalmado iyo duruuc meelahaa ka lusha, walxaha la isku qurxiyo ee ciddiyaha, debnaha iyo qaybaha kale ee jidhka lagu dhabooqo ama la mariyo; xagga nadaafadda wuu habaysan yahay oo waxa ka soo kankamaya udug iyo caraf sanka lala sii raaco oo qofka booqashada u yimid sii jeclaanayo inuu ku sii nagaado. Laakiin maxay qolalkani kaga duwan yihiin qolalka kale, maxaa dadka dhex deggani ku soo kordhinayaan nolosha dadka kale iyo dunida guud ahaan? Kani waa qolka rasmiyan loogu yeedho qolka hurdada illayn qolalkaas inkastoo la seexdo lama yidhaa qolka hurdada balse waxa la yidhaa qoka wiilasha, qolka hablaha, qolka carruurta, qolka martida, qolka fadhiga, qolka cuntada. Qolkan isaga waxa la yidhaa waa qolka hurdada, hadda dad uun baa seexdee ogow, waa dadka xambaarsan masuuliyadda guriga, hadda waa dad uun, mar waa aabbe iyo hooyo, mar waa oday iyo islaan, mar waa madaxweyne iyo marwadiis marna magacyo kale ayey qaadan karaan. Qolka hurdadda, qolka lammaanaha qoyska hoggaamiyaa deggan yihiin inkastoo uu yahay qol qolalka u eg, dad dadka u egina galaan haddana wuu ka geddisan yahayn qolalka kale, waanu kaga saamayn badan yahay nolosha heer qoys ilaa heer caalami. Qolku mar wuxu noqon karaa cariish, sandaqad ama buul caws, marna wuxu noqon karaa daar ama qasri; jaad kastuu yahayba alaabta dhex taal waa mid isku ujeeddo fulinaysa, waa caw ama sariir, waa kartoon ama tawaleed, waa marmar ama shamac, waa faynuus ama laydh, waxa dhex oolli kara joogag, caagado, baco amase muraayado, shandado, iyo kabadho, weli sidaa ay tahay ee qaab dhismeedkiisu u kala duwan yahay haddana dadka gala saamayntooda mar walba way leeyihiin heer kastaba. Waa qolkaas qolka dunida laga hago ee ka dhiga meel badhaadhe iyo nabad loogu noolaado ama colaad iyo qaxooti iyo hoog loogu balanbalo. Waa qolkaas qolka baddala ninka ragga ah ee marka xafiiskiisa lagu soo booqdo ay adag tahay sida lagu arko, askarta badani daba yaacayso ee ay dhegaha kaa cunayso ama qoriga dabadiisa kula dhacayso marka aad ku soo dhowaato ama ereyo aan loo bogin afkaaga ka soo baxaan waa haddiiba aad ka badbaado xabbada dhuunta qoriga lagu soo diyaariyey. Nin kasta oo la ilaaliyo oo ciidan hubaysani daba cararo oo baabuur wax ma karaan ah iyo kaamarado lagu ilaaliyo wuxu qolkaas ku gala kabo la’aan, ilaalo la’aan… waa qolkaas qolka beddela go’aammadii uu qaatay geesigaas nin karmeedka ah ee marka xafiiskiisa la joogo codkarka ah ee libaaxnimadu ka muuqato; qolkaas weeye qolka beddela ballamihii uu galo gebi-ismoodku marka uu xafiiska awoodda badan ee shirkadda fadhiyo ama kuuliga uu foormaanka u yahay hor taagan yahay. Qolkaas shirar kuma galo oo waa qolkii hurdadda haddana wuxu ku gala shirka ugu waqtiga dheer, shir aan saacado go’an lahayn, aan waqtigiisa la dareemayn, intuu doono socon kara, aan la rumaysnayn inuu shir yahay, ajendihiisu aanu qornayn haddana awaamiirta ka soo baxdaa fulayso; shirkaas cidda keliya ee nin karmeedka ku wehelisaa waxay noqon kartaa cid aan la aqoon, aan muuqan, bulshadu garanayn, mararka qaarna aan xataa xaafadaha jaarku aqoon u lahayn, muuq ahaanna arag, waa cid ka mid ah cidaha magaalada dhex mushaaxaya, dukaamada iyo saribadaha ka adeeganaya, baabuurta dadweynaha ama kuwa gaarka ah saaran. Shirarka qolkaas ka dhaca ayaa lagu beddelaa go’aammadii lagu soo qaatay xafiisyada, go’aammadii loo fadhiyey fulintooda ee loo bandhigay dad, dal iyo dunidaba; qolkaas baa lagu buriyaa heshiisyadii lala soo galay cid kasta oo saamayn lahayd;halkaas baa lagu masaxaa oo waxba kama jiraan laga dhigaa, aroortana weji aan kii la ogaa ahayn baa lala gole yimaad. Qolkaas waxa laga soo bixiyaa awaamiir culus iyo go’aammo waaweyn. Go’aammadaasi waxay noqon karaan kuwo wanaagsan oo dad iyo duunyoba loo aayo, kuwo dunida wax tara oo diinta, nolosha, nabadda iyo dhaqaalahaba kaaba;kuwo loo aayo oo lagu intifaaco; dhinaca kale waxay noqon karaan kuwo lagu halaagmo oo dad iyo duunyoba baabi’ya, kuwo dunida dhinaca kale u roga oo lagu hanqaarmo; kuwo colaad, isnac iyo sas beera; kuwo gardarro iyo xadgudub keena, kuwo noolaha badda iyo ka berrigaba saameeya; kuwo Naabaal iyo Nukliyeer dunida ku halliga. Waa qolkaas qolka ninka ragga ah nin rag ah ka dhiga, nacaska nin rag ah ka dhiga, nacaska sii nacaseeya, ninka ragga ahna nacas liita ka dhiga. Qolkaas sida looga nool yahay baa la jecel yahay in dunida looga noolaado. Intuu xusuustii ka soo miiraabay si firka naxsan u yidhi: Allahayow qolkaa Qolka nooga yeel Qol nagaadi iyo Qabow iyo nimciyo Talo qiimeliyo Qiyam lagu heloo aan qaxar lahayn qumbulaa durriyo Naabaal qarxiyo Qalalaase iyo hoog lagu qorshayn |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





