Wararka iyo Warbixinaha
| Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa. |
|
|
|
| Monday, 07 September 2009 | |
|
Iska dhaaf inuu ka mid ahaa xarkii galay ummadnimadii Soomaaliyeed ee intuu dhuuxeedii cunay digaandigaha ka dhigay, iska dhaaf dedaalka uu ina adeerkay ku mutaystay billadaha cascas ee garbihiisa ka laallaaday ee uu muujintooda oo keliya riwaayadaha nagu dhaafin jiray, iska dhaaf baabuurkii liidadka lahaa ee adeerkay, habarwadaaggii, odaygii u soddoga ahaa, kii dhuubnaa ee inantiisa qabay uu wadan jiray ee maalinta milicdu kulushahay uu marmar nagu soo qaadi jiray….. ……..iska dhaaf waxaas oo dhan, waar sidaad u tidhaahdaa looxii quraanka ee macallinkii dayuuska ahaa ee dhengedda nala dhici jiray uu Negeeye madaxa ku kala dillaaciyay waxay ahayd macsi? Alla! Dee malmacaamad quraan baa lagugu darin, oo wadaadxume ku helin. Soomaali baad tahay oo dhaqankaagu waa mid suubban oo sidii dhengedda madheedhka aan tuur lahayn, miyaad xumaan la soo tebiyo oo farshaxan sawiro, qoro, ka gabyo ama ka geeraaro leedahay? Adigaa mooday. Aargoosigu waa ibtilooyinka, gar iyo gardarro ka ay doonto ha ahaatee, ku milan dhiigga aadmiga, miyuu moogaa Negeeye naqaskii u dambeeyay ee aabbihii ka baxay?
Mag? Weligeed ba, bal waxaad igula wareegayso eeg, mag baa la kala qaatay, isagu sow aabbihii ma waayin, sow hooyadii nin kale ma guursan, sow ubad kale oo kaga dhow dhabtii uu dugsan jiray meeshii kama qaadin. Wuu iskoriyay? Maxaa ka khaldan? Ma cid baa wax u sheeganaysa. Wuxuu dhabay inantii Amran, yaa salaam oo ma waxa aynu leenahay nin aan qaaxada loo fadhiyin? Waa kuma wiilka yar ee baaluqay ee aan inuu wax dhabo naawilin? Odayga? Kee? Ninka inanta yar ee agoonta ah ishaaqsaday ee usoo dusi jiray sow maaha? Maxaynu asturaynaa horta ninyahow? Haa, iinta qofku leeyahay waa la asturaa, waa kuu sed isagana u yididiilo, maxaa se iinta bulsho leedahay laga yeelayaa? Ma la asturayaa? Sow wixii iin bulshadu leedahay ee la asturaa sida foolkaanaha qarximayso, bal jaadka eeg. Sow aniga iyo nin kale oo halkan meel ah ila joogaa ma aamminsanin in tirada ragga iyo dumarka Soomaaliyeed ee jaadka cunaa is le’ekaadaan. Toos(sax), ma aad fahmin khalad ee waa sida sinnaantu tahay, haddii raggii diideen inay ka go’aan geedka sunta ah, guri dumiska ah, cudurka ah, dhaqaalaha u daran, hawshii reerkuna dumarkii haysato ma daw baa? In ugu yaraan la isa soo gaadho sow maaha? Maya, saas maaha, Soomaalidu waa dad dhaqan iyo hidde quman leh oo aan u baahnayn in Negeeye shaasheeyo, waa ummadda Aabbahaa WAS laga bartay. Shuush, maaha arrinkaasi mid xaafadaha la geynkaro ee fadlan kor ha ugu dhawaaqin. Alla! Waad maqashay miyaa? Waa roodhi, aabbahaa futada ka geli baa la yidhaahdaa, hadda garo oo lama qariyo, waaba lagu dalbadaa magacaas, sow dhaqanka aynu asturayno ee inaadeerkay Negeeye kula yaabayno maaha. “Dumarkaan dhankii loo rogiyo, dhinacna diidayne”, waa gabay dee, maxaad aniga ii huruufaysaa, miyaan tiriyay. Astur? I’iinyo, maxaan u asturayaa sow kaas gabayga ah. Waad madaxbannaan tahay, wixii aad doonto ayaad cuni kartaa, cabbi kartaa, akhrisan kartaa, anigu kuma maamulo, waxa se aan ku weydiiyay maxaad ku keentay muftaaxa maankaaga ii dhiib? Waan kaa diiday, muftaaxa maankayga aniga oo keli ah baa leh, cid kale oo aan u dhiibayaa ma jirto, i’iinyo hadalkaaga yeelimaayo, maanka ayaanu gelayn. Ma ogtahay, beri ayaynu dad wanaagsan ahayn, geel iyo miyi ayaynu lahayn, dad wanaagsan HAA. Ma se og tahay inaynu isla berigaas tuug ahayn, dhac badan oo dhiigga jecel. Beri kale waynu badhaadhnay, dawlad inaynu ahayn sow ma ogid? Afrika ayaa inaga baqan jirtay, libaaxsanaynaa. Alla! Ummad is cunta oo aan isu hiilin ayaynu haddana ahayn. Waa ceebaha u baahan in la asturo sow maaha? Imika ka warran? War ma kugu seeggan yahay bulshadeenna iyo dhaqankeeda sharafta leh? Sharaftee dee, wiilku wuu war la’yahay, sowtii aabbaheed was tahay maaha. Wasiirka maalka dadka dhaca ee la soo baxsadaa wuxuu dhex yimaaddaa reerkoodii, wuu iska qoslaa, qayilaa, lala sheekaystaa, loo bogaa, weliba loo dagaalamaa haddii cidi wax ka sheegto, waa waxyaabaha u baahan inaynu asturro. Asturaaddee dee! Waar wallaahay Negeeye haddii aanad faraha ka qaadin waxaanan looxa quraanka madaxa kugu qaadayn, maxaa kaa galay xoolaha uu dhacay, inanta uu kuday, baabuurkiisa iyo meesha uu soo maray? Haddii uu lacag shandadda ku sitay oo la baxsanayay sow bililiqo ma ahayn? Isagu ma ceeb kale ayuu dhimay? Horta Negeeye ma gaal buu ahaa mise Muslim? Maxaa xukunkiisu noqonayaa? Maxaa u unkay sida uu ahaa ee ka dhigay? Garac? Ma hubtaa? Waar waxaas laguma aqoon dunida berigaas. Maxaad se waxaas afkaaga usoo marinaysaa ee kugu kellifay sow amuuro la asturo oo dhaqanka iyo caadada wanaagsan duminayaa ma jiraan. Garacu maaha dhaqanka bulshadeenna, wuu iska yimaaddaa ee maaha wax aynu dalbanno. Iyaa? Waan kaa yaabay? Ma aniga? Oo maxaad inaadeer igula yaabtay? Ma afxumada. Ha u qaadan in Negeeye dhintay, wuu nool yahay, waa kan, waa kaas, waa keer, waa ka halkaas fadhiya ee kitaabka akhrisanaya, waa ka dukaanka iibiniya, waa madaxweynaha, wasiirka, macallinka, adiga, aniga, iyaga, iyada, bulshada oo dhan. Car? Waan idinka baxayaa? Dee iska bax, futo xumaydaa, ma awel baad wax taraysay. Annaga nama saari kartid ee adigu iska bax. Annagu maankayaga ayaannu muftaaxiisa haysannaa, cid kale waxba naguma ridato. Waar Hawdow inoo istaadh makiinadaha fekerka iyo maanka waxsoosaarkiisa weligeedba ha is dabawareegaalaysatee…. Adeer af Soomaaligu dheeraaye maxaa loo asturiwaayay.
Cabdillaahi Cawed Cige, |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |




Waxaa Qorey Cabdillaahi Cawed Cige 
