Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Friday, 10 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
Wadadii Halista PDF Print E-mail
Thursday, 03 September 2009

Waxa qorey Axmed Riiraash

Qaybta 1aad
Ammintu waa Saqdhexe, wehelkaygu waa dabaysha iyo foodhida dhirta, waxaan socdaa kayn aad u jiq ah, waa qurcud roobabo, wadnahayga garaaciisa waxaad moodaa in durbaan la iga dhex tumayo, jidhka intiisa kale way dubaaxinaysaa, dabnuhu sibay u gariirayaan, ma aqaan ma cabsidaa mise waa dhaxanta, qabow badanina wuu jiraa, roob saacaddo badan igu da’ayeyna jidhkayga iyo dharkii aan sitay wuu igu radiyey,

 dhabarka waxaan ku sitaa boorso, ay iigu jiraan waxoogaa dhar ah iyo qalab kale oo aan isticmaalayay, gacantana waxaan ku sitaa Mindi iyo Budh aad u madax wayn, budhka waxaan u sitaa si aan isaga dhiciyo hadduu cadow isoo weeraro, Mindida se waxaan u sitaa in aan kolba isaga jar jaro laamaha wajigayga ku soo beegma, iyo dhirta faraqyadeeda dhaadheer ee beerka iga qabsanaysa kolba, mana aqaan meesha aan ka soo qaatay waxaan se ku war helay uun aniga oo sita.

Mararka qaar, waan kufayaa oo dhagax ama Jirrid ayaan lugta ku dhufanayaa, waan dhacayaa oo aan islaba rogaya, maruu dhagax iqabto, mar aan jirrid qabsado, iyo maraan geed cuskadaba waxaan ku dadaalayaa inaan is qab to , wali se ma talax gabin, oo markaan dhaco ama kuffaba waan is qabanayaa, haddana kacayaa oo aan boodayaa.

 

Waxaan ahaa nin firxadd ah oo kooxdii ay isla socdeen si xun loo jabiyey, qorigaygii aan sitay oo ah daba laab, afka hore mindi kuleh, bari hore ayey rasaastii ka dhamaatay, qori aan rasas lahayn kama duwana dhangad aad sidato , intaan mindidii kala baxay ayaan isagana ku tuuray aydii jiqda ahayd,

Markii hore ee aan dagaal ka galayba raalli kama ahayn,, waxaan dagaalka ugalay ma garanayn iyo waxaan ka faa’idayo toona, balse waxay ahayd garan maayo, tallow ma waxay ahayd geessi ha lagu yidhaahdo,? Mise waxaan u galay reerka aad is haysaan awoodiina tus? Ma dhul ay naga haysteen ayaan soo dhicinayey? Ma sharaf iyo karaamo ayaan is lahaa ka hel? Ma halagu amaanaba? Ma?ma ? ma?

Mayee waxay ahayd uun caaddifad xun, oo la igu beeray si la igu beerayna Illaa hadda ma garanayo, anigoo bartanka ugu jiro uunbaan is arkay dagaalka, waxaan hubaa inaan mid sii jeeday dhabarka ka toogtay, waxaan kaloo hubaa inaan, aaladahan qarxa oo ahayd Garnayl, intaan illiga ku gooyey furkii yaraa ee ku xidhnaa aan si xoog ah intaan gacanta ugu tuuray, ku dhex riday kooxdii naga soo horjeeday, waxaan kaloo hubaa in ay aaladdi qaraxday ooy midhba ka hadhin kooxdii kale , fakirkii ayaan ka soo noqday,

Waxaan sheedda ka bildhaansaday meel wax dab u eg ka baxayaan, balse ishayda aad ayey uga dheerayd, haddana waxaan ku dadaalayaa inaan gaadho, jihada ma hubo, oo waxaan beegsanayaa uun meesha tooskeeda ku beegan, Doox , Ballay, iyo Laag meeshii uu ila maraba waan ka gudbayaa, oon jiidhayaa,

Mar aan Mas dabada kaga is taago, oo markuu madaxa la soo booddaba aan budhka ku dhufto, iyo maray Jabiso isku kay duub to oo aan kaga neefiyo Mindida, markii danbe waxay noqdeen wehelkayga kaliya ee iigu dhaw ee mar kasta igu soo noq-noqda, waa halaqyadaas iyo Cida dugaaga dhiiga dadku u soo ura, oo inbadan iga ag ciyaya, Ilaahay se ima tusin, waxaanan ku fikirayaa inay mar dhaw iga hor iman doonaan,

Anigoo sidaas ah ayaa waxaa meel xagga danbe ka maqlay sanqadh, raad kaan qaadaba iga daba qaadaysa, lugtaan qaadaba ila qaadaya, ma carartaa?, maya, ma eegtaa,? maya, ma istaagtaa? haa. Waan istaagay mar kaliya markii aan istaagay se , Sanqadhii aan maqlayey, way go;day, Cabbaar ayaan taagnaa waxaan aaminsanahay haddii aan eego iyo haddii aan Cagaha wax ka dayaba, in ay masiibadu intaas ka sii badanayso, Cabbaar markii aan taagnaa ayaan markii danbe intaan indhaha isku qabtay, oo aan gacmaha iyo jidhka oo dhan is galiyey , ilkahana isku cadaadiyey, Bissinkana hoosta ka qabsaday, ayaan si aayar aayar ah ugu jeestay, oon u qooraansaday.

Indhaha markii aan kala furayba waa meel cid la’ ah, oo wax ka muuqday may jirin, naf aan iga bixin ayaa igu soo noqotay, farxad iyo qosol gariir ayaa isugu kay darsantay. Kkkkk. Wax aan jirin ayaad isugu sheegaysay, shakki ayaa I galay inaan sanqadh maqlay iyo inkale, waxaan’se ogaaday inay ii sawirtay uun cabsidii iyo fakirka aan markii horeba ku jiray, intaan hoos iskula xanshashaqay, ayaan socodkaygii iyo bildhaantaydii iska sii watay. Waxaan se caqliga ka tabaya maanasadii Hadraawi, ee Bad-baado

Balliyada salkoodii
iyo baaca webiyada
marka boodh ka sare kaco
rahu boholo dheer galo
biyo lagu haloosiyo,
dhulka oo basaasoo
inta budul ku jiifsaday
buska tarantarkiisii
Isha lagala soo baqay,
Allihii galshiyo baad
ku ballaadhin jirayoow.

*****************************

Qaybta 2aad

Waxaan kolba saymo galaba ee aan kolba meel galaba een jarka ka dhacaba, bildhaantii aan bildhaansanayey waxay ii soo jirsatay in ku dhow labaatan tallaabo, markaan ku soo dhawaadaba dabkii baxayey isna wuu ii soo dhawaanayey oo wuu sii iftiimayey, waxaan ogahay inay ii dhaamaan wehelkii markii hore aan la jarmaadayay kaynta jiqda ah dhexdeeda , markaan shan tallaabo u soo jirsaday ayaan horta is idhi bal haku dag-daginee iska hubso, waxay yihiin, waayo waxaa la yidhi ‘Hubsiimo Hal ayaa la siistaa’ laba laamood dhexdooda ayaan isha ka raariday, oo aan qoorta dheeraystay, labada indhoodna ku halacsaday,

Ah ah ahahahaah!!!!! Kkkkk dhhhdhdhdhd!!!!!, waar caawa waligay habeen la mid ah oo ina soo maray miyuu jiraa?, mayee ma jiro habeen ina soo maray oo ka noo kale ah, ma arkaysay caawa sidaan u jabinay iyo sidaan u galnay, ? haa saaxiibayaal si fiican ayaan u arkayey caawa guushii ugu danbaysay ayeynu gaadhnay, ahahahahah.!!!!!!!!, ayey ku sheekaysanayeen, ayaga oo qosolkooga iyo qayladood halkaas aan ka maqlayey.

Waxay u ekaayeen niman maantoo dhan dagaal ku soo jiray, haddase waxay cabayaan sharaab farabadan waxayna dubteen xoola ay reeraha xoog kaga soo qaateen, waa ayna dharagsan yihiin,, sidaasooy tahay dharaga iyo farxadda ay guusha ku soo hooyeen ayay la qaylinayaan,

Markiiba naxdin iyo argagax ayaa igalay waxaan ogaaday inaan wehelkii aan caawoo dhan soo bildhaansaneyey uu igu noqday hungo baas iyo Hal bacaad lagu lisay Wajiyadooda oo dhan si fiican ayey iigu muuqdaan, oo waayo dabka u shidan ayaa si fiican iigu muujinaya ,

Waxay ahaayeen koox aan caawa oo dhan iyo habbeeno kale oo ka horreeyeyba aanu dagaal dhiig badan ku daatay iskula jirnay, balse annaga kooxdayadii si fiican looga adkaaday, oo ay noqdeen qaar la dilay iyo qaar la dhaawac tiray balse aniga Ilaahay ayaa iga soo samata bixiyey, kooxdayadii midba meel ayuu ka dhacay, intii bad-baaday, qaar shan shan isku raacay iyo qaar laba laba iyo saddex saddexba isku raacay way lahaayeen, waxaan se is arkay aniguu kaligay kayn cidla ah dhex jibaaxayey, oo aniga kaligay maxaa iga dhigay,? ma habaar ayaan qabay, oo aan u raaci waayey kooxahii kale,

Mayee aniga waxaan ku tali jiraa inaanan dib danbe ugu noqon dhiig dad’ waxaan mar ka naxayaa kaligay socodka iyo wehel la’aanta I haysata, mar na Ilaahii kalida iga dhigay ayaan ku shukriyayaa, waayo waxan ogahay oo aan hubaa inay kooxdaydii markale is urursan doonaan oo ay rabaan inay dagaal kale ku soo qaadaan oo dhiig ku daato, aniguna waxaan go’aan ku gaadhay inaanan dagaal danbe ku noqon,

Nimankii aan meesha ka khaawisayey, markaan ka dhugtay sheekadoodii iyo haddaladii ay ku sheekaysnayeen in aan dib uga gurto, oo aan ku noqdo, kayntii aan awalba Saaxiibka la’ahaa, oo aan iskaga Tawakallo waxaa igaga soo baxa, ay tahayna wax qoran, waayo waxaan ogahay in ay ii dhaamaan bahalladii aan mar-na iska dufaacayey marna ka cararayey, haddayse kuwani I qabtaan waxay jidhkayga u jar-jarayaan qurub qurub,

Markiibana waxaan ku noqday kayntii jiqda ahayd, waxaan ku fikiray inaan iska qaado meeshii wajigayga ku beegnayd, wax kastaba aan kala kulmee, socodkaygii ayaan cidhibta cagta ku dhuftay, waxaanan dhex jarmaaday, kayntii.

Inyar markaan socdayba waxaan ku war helay qaylo, waxaa lagu qaylinayaa magacaygii, Hebalow, ! hebelow yaab ayuu Ilaahay ii keenay, Ma Jinbaa Ma jaanbaa!!! Waxaan maqli jiray qayb shaydaanka ka mid ah ayaa inta uu magacaaga kuugu yeedho, dabadeed marka aad Haa! Tidhaahdo sidaas dadka ku gala oo marka danbe ka dhex qaylsha, waxaan markiiba ku fikiray intaanad hee odhan horta Afarta dhinac iska eeg, haddiiba aan Afarta dhinac eegayba wax ii muuqda Ma jiraan, Acuudu Billaah! Intaan Shaydaanka iska naaray, ayaan socodkaygii yar hakiyey, oon waxoogaa haddana hareeraha sii yar daymooday,

Shaw meel aanad waxba ka filanayn ayey wax kaaga soo baxaan, Waa mid ka mid ah saaxiibadaydii aan dagaalka ku wada jirnay oo dhulka jiifa oo xabbadi Gondaha kaga taal, oo waxoogaa ka horna dhiig baxay nafi kuma sii jirto laakiin qaylada afkiisa ka soo baxaysa wuu awoodaa, wuxuuna ku qaylinayaa Hebelow biyo biyo!!!!!Alla biyo!!!,,

Intaan markiiba si dhakhso leh ugu leexday, ayaan madaxiisa oo dhulka yaalla kor u soo yar qaaday, oo waxoogaa biya ah oo burraashad iigu jirtay ku qullaamiyey, bal se laba hadal oo danbe ismaanaan dhaafsiisan, intii uu biyaha cabayey, ee aan anna ku hayey shaw naftiiba way ka Haguugtay !!!

intaan waxoogaa gar-garaacay wadnihiisa oo aan dhagta saaray, markaan wax neef ah oo ka socoto waayey, ayaan intaan, Innaa lilaah!!! Afkaygii ka soo booday, Gacmahiisii iyo lugihiisii kala daadsanaa isku yar jajabiyey, iskuna soo ururiyey meeshii uu yaallay maahee, meel kale u jiiday, oo aan is lahaa way ka yar asturnayd, awood aan ku aaso ma hayo, haddii aan aasi lahaa, waxaan dhulka ku qodo gacmaha iguma jiraan, balse intan koodh wayn oo aan xidhnaa aan dusha ka huwiyey, oo aan waxoogaa yarna ku yar ag war-wareegay ayaan iskaga dhaqaajiyey, fiicnaan lahaydaa inaan isagoo bad qaba la kulmo, waayo wehel ayuu ii noqon lahaa…..!!!!

Waxaan haddana iska qaaday meeshii wajigayga ku toosnayd, oo aan awalba isaga nasiibsanayey, meel aan ku socdo ma garanayo, meel aan ka imidna illaa hadda ma garanayo, waxaan is arka uun anigoo meeshan ku dhex jira, waxaan maqli jiray uun, Nafi Orod bay ku Aamintaa!!!!!.. waxaan is leeyahay meeshii uun socodkaasi ku gaadhsiiyo oo uu kula gaadho uun iska tag khayr iyo shar wixii Ilaahay kaala kulmiyo, ,

************************

Qaybta 3aad

Cabbaar markii aan dhex socday kayntii, in aan ku qiyaasay, ilaa boqol tallaabo oo kale, anigu mar walba dhagta ayaa ii taagan, oo sanqadhii baxdaba waan dhagaysanayaa, intaasna waxaan ku jiraa feejignaan iyo is diffaac, anigoo sidaas ah , ayaa markaliya, waxaan isha la helay bahal I hortaagan, markiiba jidhidhico ayaa jidhka oo dhan I saaqday, waxaanad moodaysay inay jidhkayga qolofsaarnayd ka kacday, Xaaddii jidhkayguna markaliya ayey istaagtay, meeshii aan joogay ayaan ku qallalay, far dhaqaaqda waa la iga waayey, meel aan u ciirsado male, cid I gar-gartaa oo ila socotaa ma jirto, waxaan kaliya oon ogaaday inay noloshaydii xaggan ku soo dhammaatay, waan is dhiibay, waxaan is leeyahay intuu dhabarka kaa qaniini lahaa adiga oo soo jeeda ha ku cuno intaad iska diffaaci kartana iska diffaac, waayo haddaad u cararto waad u jabtay,

Bahalkan I hortaagan wali maskaxdadu may soo wada tuurin, mana aqoonsan, meesha oo mugdi ahaa, bal se waxaan ku qiyaasay uun inuu lee ka Dameerka, quwad ahaanna ka waynaa, inkatoo qoorta shaash ku lahaa markii danbe waxaan xaqiiqsaday inuu Libaaxii la sheegi jiray yahay, anigu Libaax waligay ma arag laakiin, in badan ayaan maqli jiray,

Libaaxuna sidiisaba marka uu la kulmo qof kaligii socda kuma dag-dago, waayo waxaa ka dhaadhacsan qofkan kaligii socda kalsooni ayuu ku socdaa, oo waayo markasta taxaddar ayuu ku jiraa , markiibana niyadday dii waxaa ku soo dhacday sheeko Somali odhan jirtay , libaaxu qofka kaliya kuma dag-dago, laakiin reerka guuraya markaliya ayuu inta uu ku dhex dhaco qof uun ku nasiibsadaa, taasi hadday I bad-baadiso waa gar ayaan niyadda iska leeyahay,

Waxaan muddo is hortaagnaanaba ee aan anna u dhaqaaqi waayey, maan dhaqaaqi waayinee naxdin ayaa I istaajisay, markii danbe ayuu kolba intuu qaylo ku dhufto, ayuu cagtiisa bidixna dhulka la dhacaa, oo mar giir iska kiciyaa, marna wada shaash iska dhigaa, mark kalena qaylo ku dhuftaa, markii danbe ayuu tallaabo igu soo yar qaaday, aniguna hal tallaabo ayaan dib u qaaday, halkii tallaabo markii aan dib u qaaday ayaan gacanta ku sii dhuftay Torreydii aan sitay, oo markaas ii sudhnayd, Jeeniga midig, intaan la soo baxay ayaan gacanta xoog uga buuxsaday, Libaaxu wuu caqli badanyahay, malaha waa sababta loogu doortay boqorka Habar dugaag, markiiba wuu dareemay waxaan gacanta ku sito, inta uu boodh kale igu sii qasay ayuu dib iiga noqday,

!haaaaaaaaaaah!!!!! inta ay neef buurani iga soo booday ayuu culays wayn oo I saarnaana iga dagay, Alxamdullaah!!!! Iyo neef wada socota ayaa iga soo baxday markaliya, Daqiiqado ka hor naftayda quus ayaan ka taagnaa laakiin hadda waxaan xaqiiqsaday in ay tayda wax ka dhinnaayeen oo aan Bahalkaas la igu sababin, markii hore se waxaan is lahaa hadda ayay kuu dhammaatay,,,,

Dhankii Libaaxii u dhaqaaqay maahee, dhankii kale ayaan is kaga dhaqaaqay, anigoo ka cabsi qaba haddaad iska daba gashid billee kugu soo noqdaa, oo adhaxda ku kala gooyaa,,, mar hadduu Ilaahay kaa bad-baadiyey, anigu wali jiho mahaysto, waxaan ahay baadidaa kolba dhankii maskaxdiisa kaga soo dhacda uun isaga dhaqaaqaya, , waxaa maskaxdayda ku wareegaya, Halaqyadii dagaalku nasoo dhaxmarayey, iyo ciidankii meesha fadhiyey, ee ku sheegaysanayey, maydkii Saaxiibkay, iyo waliba Libaaxii aan kala cabsannay. Iyo waxa kale ee aan la kulmi doono, anigoon ka warqabin,

Waxaan socdaba, oo mugdigii iyo qurcud ka dhex jibaaxayaba , imika caadi ayey ila noqdeen waayo masiibo kolba ta danbaysa uunbaa daran, waxaan se ka wal – wal qabaa waxaa I heli doona ee ku xiga, waxaanan maskaxda iska waydiinayaa talaw muxuu noqon doonaa,? Ma mas ayaa ku cuni? Billee libaaxii soo noqdaa? Billee jarka dhacdaa? Billee aad u gacan gashaa Cadawgii dagaalku idinka dhaxeeyey? Oo inta ay gacanta kugu dhigaan Aakhiro kuu diraan? Billee waxaanad garanayn ku helaan oo aanad aqoon? Intaasoo su’aalood waxay si daran doorri ah ugu soo dhacayaan Maskaxdayda,, Balse jawaabtoodu waxay noqdeen wixii kugu soo maqan Allaa og’, awal waan ogaa inay wax walba qadar ku dhacayaan, oo uu Ilaahay qayb ka og yahay, haddana waxaa la yidhi nimaan waxa jooga garan waxa soo socda ma garto. Aniguna taas ayuunbaan ka duulayay,

Anigoo sidaas iskula fikiraya , oo sidaas iskugu maqan, mararka qaarna la imoodo qof waalan, haddaan dooanana gacmaha ayaan kor u fiiq-fiiqayey, maskaxdaydii caadi kumay soo noqon, oo markastaba waxaa ku soo noqonayey, waxyaabihii aan la kulmay, ee dhibaatada badnaa, imika waxaan dareemayaa waxoogaa daal ah, iyo jidhka meela kamida ah oo iskagay xanuunaya, siiba murqaha oo dhan, wax iga dhacay kama warqabo waxaan se u malaynayaa , inay ahaayeen uun, socodkii iyo jararkii badnaa ee aan ka dhacayey, iyo waliba geedihii aan dul marayey.

Anigu wakhtiga ma hubin, hase ahaatee in yar ka bacdi waxaa isoo galay iftiin, kolba daqiiqad ba daqiiqadii ka danbaysa soo waynaanaya, caddeedii wali may soo bixin, haddana waxoogaa iftiin ah oo la yidhaahdo, Kaaha Waabari, ama iftiinka subaxeed ayay ishaydii qabatay, dhoolla caddayn iyo qosol kaligay ah ayaan isku daray, waxoogaa niyad sami ah ayaa igashay, waayo waxaan ogahay mar hadiiba uu waagii baryey, inay colaadan aniga iyo kaynta naga dhaxaysaa yaraanayso,

In yar ayaan yar muusannaabay , oon waxoogaa yar war-waray haddana, waxaan is idhi bille maalintu kaaga darnaata, habeenkii waayo cadawgii markii hore Iga qarsoonaa, waxaa dhici karta inay sheedda iga bildhaansadaan, dharka aan xidhanahay, iyo waxaa, laakiin waxaan ogahay inaan ka bad-baaday, duggaagii dareemada ka badnaa ee kaynta ku dhaqnaa,

Arintaydu waxay noqotay laba daran mid dooro, waxaan aaminay inay Calool adayg Allah wehelkii tahay, wixii aan kala kulmo maalintaas waa loo wada joogi doonaa, laakiin haddana aniga kollay waxaan ogaa inay masiibada habbeenkii ta maalintii ka badan tahay, oo waayo maalintii xataa laguma gaadi karo, waxa in door ah kuu jirana waad iska arkaysa, habeenkii se waxaad arkaysaa adigoo lagu soo galay,

************************

Qaybta 4aad

Inyar markii aan dhawr tallaabo u qaaday dhankii aan iskaga dhaqaaqay ayaan, meel waxoogaa I jirta ayaan waxaan ka arkay reer guurayaa, reerkaasi waxay isugu jiraan dumar iyo caruur, inkasta oo ay raggba ku jirin haddana waxay ka badnaa dumarka iyo caruurta, waxoogaa naruura ah ayaa gashay, waxaan ku tashaday inaan kuwaa iskadaba galo oo xaggay u socdaanba iska raaco,

isku dad ma wada nihin, oo meel ka maanaan wada imaan, laakiin waxaan go’aan adag iskaga gaadhay inaan iska daba raaco, markii aan ku soo dhawaaday, qofna wajigiisa kama garan, iyaguna imay aqoonsan, taasi malaha waa ta ii sahashay inaan iska raaco, waayo hadday dadkaygii ahaan lahaan yeen waxay igu qasbi lahaayeen inaan dagaalkii dib ugu noqdo oo aan maro meeshay qayrkay mareen, Cadawgana hadday ahaan lahaayeen, kaba daran.

Waan is waraysan waraysi dheer ka bacdi, waxaan u sheegay arintu siday iigu dhacday, iyo waliba intii masiibo ahayd ee aan la soo kulmay, waraysigana waxaa iga qaadaysa, gabadh dhalinyaro ah oo markaas ugu dhag iyo dhaban roonayd, waxay u ekayd gabadh aad u daggan oo Ilaahay joog iyo Jamaal ku mannaystay, gabadhu waxay iila muuqatay hoggaanka reerka meesha fiican u raraysa ee mar walba talada laga waydiinayo, halka dadka kale ahaayeen, dumar waawayn oo uu socodkuba ku dirqi ahaa, iyo caruur yar oo qaarkood imminka uun foodda la soo kacaya,

Aniga gabadhu wax walba oo ay I waydiiso waxaan uga jawaabayaa si daacadda, wayna arkaysaa darxumada iyo diifta jidhkayga ka muuqata, waxayna dareensantahay inuu dhib iyo dheefba aan soo maray, sidaasoy tahay waxay igu qullaaminaysaa oo ay ii dhiibaysaa, Dhiil ay caano ka buuxaan, Caanuhu kala wacanee caanahay I siisay waxay ahaayeen, Caano Geel, Caanihii markii aan laastay, waxaa markiiba niyaddaydii ku soo dhacday gabay uu nin bari tiriyey ninkaas oo la odhan jiray Cumar Australia

Adhi waa dhallaan iyo haween dhimiradiisiiye
Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka karameede
Dhaqaalaa haweenkiyo guryaha siima dhaafsana e
Lo’da dhiiqda laga maala iyo dhayda iyo xoorku
Dhudhunkay biyaa kula jirtiyo dharabka weeyaane
Kol hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye
Ragga laxa sii dhawrayow dhaqasho waa geele!
…………………………………………………..

Markiiba waxaan dareemay inay iga go’een Harraad badan oo ayna biyuhu iga gooyeen, balse Caanuhu qaboojeen, waxaan hilmaamay inaan gabadha magaceeda waydiiyo, hase ahaatee mar danbe ayey igu soo dhacday gabadha magaceeda inaan waydiiyo, oo aan yadna su’aalo waydiiyo.

Walaashay waxaan hilmaamay inaan magacaaga ku waydiiy ma ii sheegi kartaa magacaaga? Haa maxaan kuugu sheego waayey magacaygu waa Asli, Anigana waxaan u sheegay in magacayga la yidhaahdo, Cawaale, Asli waxaan ka codsaday, inaan isku lug darno, dabadeed waa ay iga aqbashay Asli Codsigaygii aan u gudbiyey,

Asli iyo dadkan kalay la socdaan waa dad dagaallo ragaadiyeen, oo meeshii ay u qaxaanba uu dagaal ku qabsanayo, sidaasooy tahay waxay go’aan ku gaadheen inay iskaga socdaan meeshan, oo ay iska tagaan meeshii Ilaahay lugtooda gaadhsiiyo, Asli dhibaatooyinka soo gaadhay ee ay iiga sheekaysay aad ayey u fara badnaayeen, Asli mar xattaa waxaa lagaadhay in ay koox intay reerkooda cagta mariyeen intii raga ahayd, balse in ay iyadu ku jirtay iyo kuwa kalo oo dumar ahba ay bad-baadisay Dumarnimadu, balse bad-baadintaasi waxay ka bad-baadisay uun in dilo, Waayo waa ka xaaraan in marka dagaallo la is la galo in dumarka dhib lagaadhsiiyo, maxaa yeelay Haweenka iyo Ciyaalku qayb kama aha dagaallada,

Asli waxay ii sheegtay in Habeen habeenada ka mid ah, oo saq dhexe ay ahayd in koox jabhad ahi, ay tuuladii ay daganayd ay weerar ku soo qaadeen, dabadeedna ay u adeegsadeen hub daran doorri u dhacaya, markii ay raggii gacanta mariyeen oo ay Aakhiro u dhaadhiciyeen, ayuu ninkii jabhadda hoggaaminayey oo ekaa nin aad u haliilaya, ayey intii dumarka ahayd soo safeen, markay mid mid u soo saareen ayuu mid walba oo jabhadda ka mid ah oo kala baxayey tuu doono, dabadeedna uu xaajadiisa ka gudanayo, Asli lafteedu waa ay ku jirtay inta gacanta la marayey, ee jabhaddaas u gacan gashay, Asli marka ay intaas iiga sheekaynayso indhaheeda ilmo ayaa ka daadanaysa, oo kolba waxay isaga biinaysaa shalmadda ay huwantahay qar-qarkeeda, aniga laftayda mararka qaar ilmadu waa ay igu soo istaagaysaa, waayo haddalkeeda oo dhan ayaa qiiro I galinayey, aniga laftaydu falal noocaas ah waan ku kacay, intii aan ku guda jiray hawlaha dagaalka,

Asli intaa aan wada soconno kolba niyaddeeda waxaa ku soo maaxanaya dhibaatooyinka ay dagaaladdani badeen, waxay kolba I xasuusinaysaa in iyada laba wiil oo ka waawaynaa oo ay wada dhasheen ay ku wayday dagaalladaas qabiilka ku dhisan, waxay kalooy ii sheegaysaa in iyada Aabbeheed oo iska socda dhabarka laga toogtay, Asli magaranayso Cidda dishay Aabeheed, balse waxay ii sheegaysaa uun inay sabab ka yihiin dagaalladaas ragaadiyey deegaankeeda, taasina waa sababta ay maanta u doorbideen inay iskaga tagto meeshii ay ku tafiiran tay iyadoo qoyskeedii badankeedii ku wayday,

Asli markii aan ka dhagaysanayey sheekadeeda, mararka qaar maskaxdayda waxa ku soo dhacaysa inaan anba ka mid ahaa dadkaa dagaallada qayb kaga jiray, oo maskaxdayda aad ugu soo burqanaya waxaanan ugu horreeyaa dadka ummadaas nabada ku dhaqnayd u horseeday, inay iskaga tagaan meeshii ay ku dhasheen, bal se maskaxdaydu sibay isaga diidaysaa waxaas,

Inkatooy markii danbe ay ku faraxday Asli wehelka ay aniga iga heshay, haddana ma oga in iyada haddii la igu ag arko, nafteeda ku waayi doonta, waayo waxay is odhanayaan Cadawgii Colaadu naga dhaxaysay sibay wax isugu yihiin, maadaama ay isla socdaan, haddana Ilaahay waxaan ka baryaynaa inaanu waxba na tusin,

Maaddaama Asli waddada si fiican u garanayso iyadii ayaa hoggaankii noo qabatay, oo aniga iyo dumarkii iyo caruurtii, waxaanu daba soconnaa Asli,

******************************

Qaybta 5aad

Waxyar markii aanu socanay in ku began, ilaa 50 tallaabo, ayaa mid ka mid ah Caruurtii waxaa nagala booday, bahalkii aanu isasoo aragnay ee Libaaxa ahaa, meel uu noogu yimid maanaan garanay, laakiin markaliya uunbaanu ku hanbabarnay, qaylo iyo sawaxan la isku daray, markii hore waxaan u haystay anigu inuu Colkii gadaal naga yimaadeen, laakiin waxaan arkay Caruurtii mid ka mid ah oo sii qaylinaya, oo leh Allah iga qabta iga qabtaaaaaaaaaaaay!!!!!!!!!!!!,

Waxba kamaanaan qaban Karin, xawaaraha uu ku socday iyo siduu ula booday oo dag-dag ahayd, Hooyadii dhashay oo markaas nala socotay ayaa ka daba carartay, bal se maadaama aan u ahaa nin rag ah, waxa meesha ka socdana inaan la qaybsado aan ku qasbanaa, markii ba intaan ka daba booday, ayaan dib ugu soo celiyey, waxaan hubay in haddii aan ku siidaayo, uu islaantana ku dari lahaa,

Waxoogaa ayey sii oyday, ooy sii yar qaylisay, Calaacal yarna way ku sii dartay , laakiin naf baxday ma soo noqoto, wayna isaga samirtay, aniga iyo Aslina intaan u caqli celinkaraynay waan u caqli calinay, inkastooy Islaantaas laftigeedu dhibaatooyin badan soo aragtay haddana kalamay duwanayn kuwii hore ee ay soo martay ee Colaadda ku dhisnayd, markiibana waxay nagu aqbashay haye fudud,

Socodkii ayaan iska sii wadanay, Cabbaar markii aanu soconay, rasaas nala ga dul ridayo ayaan ku war helnay dhawaqaa rasaastuna dhagaha ayey na xanuuniyeen, istaaga,!!!! Barta aad taagantihiin haka dhaqaaqinaa qofkii dhaqaaqa gacantiisuu isku dilay, horta anigu farta ayaan wadnaha ku hayaa, oo waxaan is leeyahay, maaddaama aad tahay nin firxad ah, ar may kugu noqdaan, Kooxihii kugu cadawga ahaa, waxaan kaloo is leeyahay, armay kugu noqdaan Kooxdaadii aad markii hore ka soo baxsatay, aniga labaduba waa ay ii daran yihiin,

Markii aanu istaagnay ayuu ninkii kooxda hoggaaminayey, oo aad mooddo qoomkii Reer Caad, dhererkiisa iyo qawadiisa, oo hadal qaylo ah ku hadlaya ayaa wuxuu ku dhawaaqay isaga oo samada ka qaylinaya, yaad tihiin, anigu ma hadlayo oo waan cabsanayaa, waanan gariirayaa, Asli Oo calool adayg iyo adkaysi ka qaaday dhibaatooyinkii badnaa ee ay la soo kulantay, ayaa inta yada oo wax jixin jix ah ka muuqani ku dhawaaqday, Waxaanu nahay reer hebel!!!!!!!!!!!!!!!!

Inkasta oo ay garwaaqsadeen, ,Cidday ahaayeen, haddana waxay ku fakireen, maadaama ay u badan yihiin dumar iyo Caruur inay hantida ay sitaan uu ka dhacaan, aad ayey u gaajaysanaayeen, waxoogaa kimis ahayd iyo caano badhax ah oo ay siteen, ayey ka boobeen, intaa ay wax boobayaan way isku mashquulsan yihiin, anigana naftayda ayaan hoos isula Xanshaashaqaya, oo waxaan is leeyahay maadaama wax rag lagu tirin karo aad adigu ugu horrayso, armay dhagta dhiigga kuu daraan,

Laakiin iyagiibaaba aad mooddaa inay is cunayaan oo maxay aniga iiga fiirsanba, markii ay wixii ay ka calfadeen ka heleen ayey yagoo rasaas kor u ridaya, naga dul dhaqaaqeen oo ay tageen meeshii ay markii horeba u socdeen, ma bahala dhulka ayaanu iska eegnaa,? ma libaaxa dhiigga dadka bartay ayaanu iska jirnaa?, ma bili aadan qori sita oo dhiiga dadka caadaystay ayaan ka taxaddirnaa,?; boqol waxyaalood ayaa saas maskaxdayada ugu soo dhacaya,

Anigu iyo Asli iyo kooxdii aan hoggaaminaynay waxaanu iska sii wadanay socodkayagii,

Cabbaar kale haddiiba aanu soconnay waxay isku dareen dadkii Matagga iyo qaylo maxaa dhacay talaw? Shaw dadkani waxay isha la heleen maydad badan oo dhulka daadsan oo qaar bahalladu badh ka cuneen, qaar ay calooshu laad laado, mid madaxu go’an yahay, qaar luguhu goo’go’een, iyo qaar aanad garanaynba wajiyadooda, dadka qaar waxaa ka muuqday in qoortooda mindi lagu gawracay sidii xoolihii oo kale,

Bismilaahi, inta aan waxooga ku yar dhaygagnay ayaan inta aan bisinka qabsannay iskaga tallaabsan, annakoo yaaban ayaan haddana dib u sii jalleecnay, waxan falkan sameeyey miyeyna bili aadan ahayn ayaan is waydiinay? Balse way iska caddahay inay dad uun sameeyey, oo dadkan sidan u galay.

Bal dadkani maxay galabsadeen oo loo laayey?, ayaan niyadda iska waydiinaynaa, waa ummad is wada dishay, waxayna isku dilayaan aynaan garanayn, malaha waa ay Inkaaran yihiin Mararka qaarna waabay Habaaran yihiin, oo adiguba soo kama mid tihid dadkii habaarnaa ee ficilkan wax ka waday?, Haa, waa run inaan ku jiray oo aan waliba qayb libaax ka qaatay, laakiin imika caqligan aad kaga toobad keentay xageed ka keentay? Soo Ilaahay dadka ma soo hanuunin karo cidduu doonana ma lumin karo? Haa taasi waa dhab,,, intaasi waa inta aan niyaddayda la sheekaysanayey……

Waxaan soconnaba ee aan kolba meel ka dhacno mar balaayo na hesho, mar niman budhcad ah, na qabsadaan, mar aanu bahalihii hoose iyo ku wii sare la dagaallano dadkii waxay noqdeen wax dhintay, iyo wax jar ka dhacay oo soo ma noqdaan galay, waxaana ka soo hadhay aniga iyo Asli,

Asli Iyo aniga tallow ma dhalin yara nimada ayaa na bad-baadisay, waayo dadka kale waxay u badnaayeen, dad da’ah iyo caruur yar-yar, waxaanu soconna aniga iyo Asli imika dadkoo dhan labadayada ayaa isugu xiga, labadayadaana isugu dhaw, Asli Habeenada qaar marka aanu seexano kayamaha jiridooda, aad ayey iigu soo dhawaanaysaa, mararka qaarna waabay igu dhagaysaa inta ay laabtayda saarto madaxeeda ayey saas ku gam’adaa, aniguna intaan gacanta si kor kaaxis ah aan u dulmariyo ayaan waxoogaa Naruura ah dareema, Rag iyo Dumarka Ilaahay ayaa isku sameeyey, markay saas oo kale iigu dhawdahay cabsidi I haysay way iga baxdaa, , anna waxa aan gashanahay ayaan hu’ uga uga dhigaa marka ay gama’do ayaan anna in dhaha in yar isku qabtaa, oo aan sidaa ku seexdaa, waagu markuu dillaacana, meesha waan ka carrawnaa oon u dhaqaaqnaa hallkii soo jeedda ee nagu beegan,

****************************

Qaybta 6aad

Jacayl ayaan labadayaba na saaqay, balse waan arkaynaa inaan is jecel nahay afka’se kama qiranayno, indhuhu’se markhaati ayey ka yihiin, waxaanu isku nahay Ul iyo Diirkeed aan sinaba loo kala kaxayn Karin ,

Wehelkii iyo cidladii Aan Asli iska helnay waxay noo noqdeen waxaan dhamaanayn oo mid ba midka kale ku tiirsan yahay,

Asli markay lugta jirrid la hesho ee ay sii dhacayso anna goor aan ka daba dhacay ma garanayo waxaan is arkaa uun anigoo mar soo qabanayo, marna yadu I qabanayso, markalena labayaduba wada dhacayno,

Asli Iyo aniga markii aanu afar caano maal aan ku jirnay socodkii iyo rafaadkii ayaanu meelintii danbe sheeda ka bildhaasannay, meel ay taandhooyin ka dhisan yihiin, oo in door ah noo jirta, markii aanu wax yar ka bacdi soconnayna waxaan ogaanay in ay meeshu tahay Xad beenaad uu dhul kayagu la lahaa dhul kale, dabadeed waxaanu go’aan ku qaadanay aniga iyo Asli inaan meeshan iska dhiibno wax kasta aan kala kulmee,

Markii aanu shan tallaabo u soo jirsannay, ayaa markiiba qoryo nalagu qabtay, waxaanan u sheegay inaan ahay nin qaxooti ah oo ka soo cararay meeshii uu u dhashay, Aslina waxaan ku tilmaamay inay xaaskayga tahay, Asli ooridayda ma ahayn, bal se waxaan is lahaa uun ku bad-baad, iyada lafteedu taas uunbay ku jawaabtay markii la waydiiyey, haddana aan rabo meel aan ku noolaado , oo aan ka bad-baado dagaalladii aan ku jiray,

Markiiba meesha waxaa joogay Saan cadaalayaal fara badan oo dadka soo qaxa meesha ka qaado oo geeya xeryo qaxooti ah oo markaas la gu xareeyo, laguna xannaaneeyo, aniga iyo Asli, markiibana waxaa nalagu qoray nin iyo xaaskiis, waxaana la isku kaaya siiyey hal waraaq, fiicnaan lahaydaa inay xaaskayga dhab ah noqoto,

Waxaa nala saaray gaadhi xagga sare shiraac ku leh, oo lagu aruuriyo dad ka qaxootiga ee markaas loo wado xeryaha qaxootiga, Asli iyo aniga hadda waxaa na soo gashay neecaw fiican oo Naruuro leh, markii hore nolosho quus ayaan ka taagnay, imika waxaan arkay naa dad si uun bili aadanimada wax uga yaqaanna, intaa aanu ku jirno gaadhigana waxay na siinayaan kolba Buskud iyo wax yaabo nafaqo leh, dhiig yaraantii iyo gaajadii badnayd hadda waanu ka soo ray-sanaynaa,

Markii meeshii nala geeyey xeradii ayaa aniga iyo Asli waxaa nala wada siiyey guri yar oo ka samaysan looxaan iyo jiingad oo xagga sarena kaga qoranyihiin Calaamaddaha ay Saan cadaalayaashani leeyihiin ee ay ku shaqaystaan, aniga iyo Asli maxaa ku jaban inaan meesha wada dagno, waayo markii horeba soo qarfo iyo kaymo maanu wada joogin habeeno badan, oo soo maanan kala amaan helin, imikana sidii uun baanu u kala amaan helaynayaa,

Asli iyo aniga maadaama aanu isku kali yeysanay waxaa na dhex maray Jacayl kal iyo laab ah, oo aanu dadkoo dhan iska xigsanayno, Asli marar badan waxay ii soo bandhigtay inaan is guursanno, bal se aniga dhawr jeer ayaan ka maagay, anigoo ka war war qaba inay meeshan caruuri iigu dhalato aanan masuuliyadooda qaadi Karin,

Markii danbe waanu is af garannay intaanu wadaad u yeedhay ayaanu halkii is ku guursannay aniga iyo Asli, aroos fiicanna halkii ku galnay ooy waliba Saancadaalayaal tiro badani ka soo qayb galeen marka laga reebo intayadii qaxootiga ahayd ee meesha ku dhaqnayd,

Markii uu arooskii dhamaaday ee aan in muddo ah wada joognay aniga iyo Asli, ee aan wada baashaalnay in badan, Ayey Asli uur ii yeelatay, Waxayna ii dhashay wiil, wiilkaasna waxaan u bixiyey Axmed ,

Aniga iyo Asli markaanu muddo joognay ee aanu nimco iyo badhaadhe ku wada noolayn, waxay la soo baxday dabeecado ad adag, oo aanan hore ugu aqoon waanay is badashay, mar waanu is dagaalnaa oo aanu is jiid jiidanna , mar way igu qaylisaa, oo intaan dhagaha qabsado ayaan guriga isaga Carara, Mararka qaarna gacan baaban saara,

Markii danbe ee aanu muddo saas ku wada joognay ayey Saan cadaalayaashii yidhaahdeen waxaa la idin geynayaa wadan hebel, oo nolol fiican la idinku siinayaa, Habeenkii aanu ka soo baxaynay meeshii, waxaa nala geeyey gagida Diyaaraduhu ka haadaan, waxaana nalagu xidhay meel shabag ah, markii aanu habeenimadii halkaas ku barinay, ayuu maalinimadii diyaaraddii na qaadaysay ay soo dagtay, maalintaas waxay ahayd maalin aad iigu yaab badnayd, waxaan ka tagay qaaraddii aan u dhashay, waxaanan tagayaa meel kale oo aanan garanayn waxaa igaga soo baxayo, laakiin waxaan u haystaa inay lacagta iyo dheemanta ay dhulka iska yaal-yaallaan oo aan faraqyada ka soo buuxsan doono. Waxaan kaloo moodayaa inaan nolol qani ah ku noolaan doono inta aan Wadamadaas Saancadaalayaashu leeyihiin tago, waxaan maqli jiray uun hebel ayaa yimi oo xagguu ka yimi? Meel cirka dheer oo dhulna ka dheer,

Maalintaas aan ka soo baxaynay wadankaas, waxaa dhulka hadheeyey dhado, labada qof ee isku dhawna waxaan dhacaysay in aanay is arkaynba, markii sii horraysayna waxa qaaday roob shugux ahaa oo meesha ka da’ayey, waxaanad mooday inaan ka soo raysanayno labadayaduba ani iyo Asli dhiilladii badnayd ee aan la soo kulanay,

Markiibana waxaan ku boodnay diyaaraddii naloogu talagalay inay na qaaddo, hoostana waxaan ka qaadayey heestii Axmed Mooge qaadi jiray ee uu lahaa , ku waa guuxa dhaadheer, Gaaladu Samaysee , Ka gudbaaya badaha,

Markiibana daruurihii markii hore aan samada ka eegi jiray ayaan hoos u eegnay, waxaana noo muuqday badaha iyo dhulku halkay iska galaan oo aan hoos u eegayey, waxay ahayd markii iigu horraysay ee aan diyaaradaha ay Gaaladu sameeyaan raaco, markii hore ee ay hawada galaysay , beerka ayaad moodaysay in la isoo qaadayo, waxaana iga soo daatay dhidid buur-buuran, mataggana kolba waan isku qabaneyey, hayeeshee markii aan muddo isku cel-celiyey ayaan markii danbe sidii tuunbo la furay u matagay, Is la markiibana adeegtadii diyaaradda ka shaqaynaysay, ayaa ii dhiibtay wax waraaq u eg oo oo haddana dhexda kagala furmaya, oo aan ku siidaynayey kolba, markii ay calooshaydii faaruq noqotay, ayey markii danbe dan la’aan iskaga istaagtay, kaligayna ma ahaynee waa la ila sinnaa,

********************************

Qaybta 7aad

Markii aan in muddo ah iyo saacado badan aan hawada ku soo jirnay, ayaa waxaanu ka soo dagnay wadamadii gaalada, markii aan soo galnay gagidii diyaaradaha ee aanu damacnay inaanu diyaaradda ka dagno, ayaa waxaa na soo weeraray qabaw fara badan oo wakhtigaas ka dhacayey, wakhtigan waa wakhti jiilaal ah, wadamada Gaaladuna, xilligan oo kale la iskuma bax-baxo, qofkii aan la qabsanna waabu ku dhiman karaa, balse waxaana la siiyey oo naloo galiyey koodhadh aad mooddo bustayaal, waa waynidoo iyo culayska ay lahaayeen,

Markii aan soo caga dhiganay meeshii ee aanu waxooga dhex yar war-wareegnay ayaa waxa nalagu qaaday gaadhi khaas ah oo ay lahaayeen qolo shirkad ku sheeg ah oo meesha fadhiday. magacyadayaduna ay ugu qornaayeen waraaq, waxayna na geeyeen guri naloo sii diyaariyey, oo xattaa koob ka maqanina aanu jirin, waxana gacanta naloo galiyey buqshad yar oo ay ku jiraan lacag, iyo waraaqo aqoonsi ah oo nalagu yidhi wadanka meeshaad doontaan ku maro, waxa kaloo nala siiyey aniga iyo Asli, wax yar oo aad moodo qori haddana qori aan ahayn balse la yidhi raashinka ayaad ku iibsan kartaa, waxaan muddo is waydiinayey sida looxan yar ee qallalan wax loogu gadan karo, bal se waa nalaga dhaadhiciyey, oo waxay noo sheegeen in marka aad tukaanka gashaan aad waxaa doontaan intaad soo qaadataan aad ula iman doontaan gabadha soo jeedka fadhida ka dib waad u dhiibaysaan uun, yaduunbaa kala baxaysa waxay rabto,

Maalinimadii danbe ayaa waxaa noo yimid qolo aad mooddo inay dharka isku si u wada tosheen, oo garamo cad-cad ka dul xidhan, waxayna ii sheegeen inay meeshan ayna la mid ahayn meeshii aan ka imid ee hore, oo ay Dumarka, Bisadaha, Ayda, Shinbiraha, Xoolaha, iyo Caruurtu ay xaquuq fiican ku leeyihiin, waxaana Asli markiiba loo sheegay inay haddii uu juuq kuu yidhaahdo aad qaraaci doonto Number si isugu eeg oo aan ka xasuusto, 911

Asli oo markii horeba aanu meeshii aanu ka nimid isku seegnay, ayay taasi u noqotay riyaaq iyo farxad gooni ah, waxayna niyadda gashatay in maanta waxii ka danbeeya ay waxii ay rabto ku kici karto, waxaa la iiga digay in aan Asli oo aan qabo iyo caruurtayda aan gacanta saari Karin wax kasta haddii ay sameeyaan, waa yaabe ma yagaa ila dhalay, Aslina se ma anaa qaba mise yadaa I qabta.

Waxaan ogaaday in aan u soo gacan galay meel la isku dullaynayo oo inan rag, ay billis Xaawalay xaq iyo xaq darraba kaga mudan tahay, waxaan ogaaday in ayna masuuliyadda reerku wax ba ii ahayn, oo aanan maamulkeeda gacanta ku hanan Karin, waxaan kaloo ogaaday in meeshan loogu tala galay in lagu gumeeyo inan rag,

Bisinka intaan hoosta ka qabsaday ayaan idhi waa loo wada joogi meeshan wac daraha ka soo socda, nolol maal meed caadi ah ayaa noo bilaabmay, aniga iyo Asli waxaa nalagu amray inaan iskuul bilowno oo aan wax dhiganno, waxay noo sheegeen in luuqadda wadankani mihiim tahay in marka hore la barto dabadeedna qofku maalin kasta uu tagaayo iskuulka, marka laga reebo maalinta Axadda oo ay Gaaladu fasax ku jiraan, Asli markii aanu sii soconno oo aan iskuulka qabanayno, waxay ii sheegtaa inuu wadankani aad u qurux badan yahay anna waxaan ugu war celiyaa, in ninkii leh uun ay u qurux badan tahay, ayna dhaanto bush yar oo aan Waddankaygii ku leeyahay, anigu markiiba dabeecadaha dadkan iyo dhaqanka ay lahaayeen waan ka boodsanahay, waxaanan la yaabay markii la igu yidhi reerkaa uma talisid ee annaka ayaa u talina,

Asli markii ay dhawr bilood oo kaliya joogtay waa ay dhaqan doorsoon tay, oo maal mo ka bacdi waxaan arkay iyada oo guriga markaan joogno af qalaad oo ay iskuul ka baratay ay ku hadlayso, waxaan arkaa yada oo had iyo jeer tilifan ku hadlaysa, waxaan kaloo arka iyada oo guriga ka sii baxaysa wakhti aan cayinayn, wakhtigay rabtana iska soo hoyanaysa,

Anigu Axmed-yare oo aan dhalay ayaan wakhtiga intiisa badan la qaataa oo aan wer-werka iyo fikirka isaga biiyaa, Axmed waa saaxiib kayga kaliya ee aan ka dugaashado,, waayahan cusub ee I soo waajahay,

Axmed waxaa uu ii noqdaa wehel aan cid kale ka helaan, markaan guriga soo galo Anigoo alaab u sido mooyaanee ma galo, marka aan guriga soo galena Asli waxay u noqotaa fursad qaali ah, waayo Axmed ayaan ka reebaa, anigu ma garanayo meesha ay tagto iyo waxay u tagto, waxaanan isku dayey inaan dhawr jeer waydiiyo xaggay tagto, balse waxay iigu jawaabtay huruuf iyo hadallo ad-adag oo aanan u daafad hayn, mararkalena waxay iigu hanjabtay in aan haddaan su’aal danbe waydiiyo ay garaaci doonto saddex dii number ee habaar qabuhu hore ugu qoray,

Habeen habeenadii ka mid ah ayey markay gaadhay saqdii dhex habeenimo oo aan kolba dhagaysto in Albaabka la qaraacayo iyo in kale, ayuu markuu waagii soo baryey Asli oo dhar aanan ku aqoon gashan ay soo hoyatay, markii aan Albaabka ka furay waabay isku dhex daadsan tahay gabigooduba, timaheedu sibay isku dhex yaacsanaayeen, shaadh iyo surwaal ku dhagsanna wa ay ku giijisan tahay, mar Alle markii aan ka furay, Waxay ku hadlayso isma oga laakiin qosolkeedu waa xad dhaaf, gacmahana kor ayey u fiiq-fiiqaysaa, waxaan xaqiiqsaday inay Asli imika xadkii loogu tala galay ka baxday, oo habeenad iyo habeenno kalaba ay badahan kale gashay,

****************************

Qaybta 8aad

Asli markii aan arkay siday u taalo, ayaan markiiba intaan dharkii ka badalay sariirtii ay lahayd ku dul tuuray, inta ay waxoogaa sii yar had-hadashay oo ay sii yar qayl qaylisay ayay sidaas ku gama’day, anigu dabinta hoose ayaan qaniinsanahay, waxaan la yaabanahay Nasiib xumadan kale ee I heshay haddana, mararka qaar waxaan is leeyahay waxaad tahay nin dhib u joog ah , oo tallaabaduu qaadaba tallaabo ka xun u sii gudbaysa,

Waxaan ka yaabanahay sababta aan u farxi laayahay illaa hadda iyo barigii aan dagaalada qayb kaga jiray, mararka qaar waxaan is leeyahay inkaartii barigii ayaa ku haysata, oo aad ka galabstay dagaalladii faraha laga gubtay ee aad ka qayb qaadan jirtay,

waxaan go’aan saday in barrito markii waagu baryo aan si qof wayn u la hadlo oo aan u caqli celiyo, waagii markii uu baryay ayaa Asli oo madax xanuun kici kari la soo luuday oo Suuliga gashay markii ay ka soo baxday, ayaan intaan Axmed yare u maydhay dhar fiican u galiyey boorsadii iskuulkana dhabarka u sudhay ayaan baskii oo albaabka guriga taagna saaray,

Markii aan soo galay guriga yaan Asli oo Koob shaaha gacanta ku haysata oo fadhida kursigii dheeraa ee fadhiga, canaan dhagaha kaga qaaday, Asli maba aha tii xalay badalnayd, ee rooxaanta u ekayd, mana oga waxay soo samaysay iyo siday ahayd, balse anigoo hadalkii wata ayaa mar kaliya la igu yidhi, ‘’Adeer qayladaada taag uma hayee Nac-nacda nagala dul dhaqaaq’’!!!!

Markii ay intaas Asli ka soo yeedhay, ayaan garan waayey goor Alle goor aan dusha ka fuulay, waxaan kula dul dhacay ciil maal mahan ba iga hayey siday u dhaqmayso iyo siday isku badashay, qayladeedii ayaa waxaa nagu soo baxay jaarkii ,oo intuu mid ka mid ah Albaabkii soo jabiyey, iga dul tuuray, in yar ka bacdi waxaan soo miirsaday anigoo bar tanka ugu jiir Afar birood dhexdood,

Markiibana waxaan ogaaday in aan Xabsi galay, Xabsiga waa markii iigu horraysay ee noloshayda aan galo, habeenkii oo dhanna hurdo waa ay iga iman wayday wiilkayga Axmed oo aan markuu iskuulka ka imaanayo aan Albaabka u istaagi jiray ayaa markiiba niyaddayda ku soo dhacay, waxaan kaloo ka fikiray Cidda raashin u samayn doontaa, anigoo niyaddayda ka og inuu wakhtigan gaajaysan yahay,

Haddana waxaan niyadda iska leeyahay armay Asli hawshaa ay dayacday ay buuxin, oo kollay khaladaadkii ay gashay intay ka toobat keento ay reerkeeda sifiican u dhaqan, niyadsamidaydii run ayey noqotay Asli markii horeba anuunbay hawsha igu hallaynaynaysay, ogaanna kiis ayey iskaga waalaysay, waxayna ogayd in haddaan anigu jooga aan Axmed yare, si fiican u daryeeli doono, imikase waxay og tahay inaan Xabsi ku jiro oo ay idhigtay hog gudihiis, waxaanan kaloo ogaaday markii danbe inay bartii aan u istaagi jiray ay u istaagtay Axmed, oo inta ay dharkii ka badashay u qubaysay, raashin fiicanna siisay saasna ku seexisay,

Aniga maalintii danbe waxaa la igeeyey max kamad, waxaana la iga dhigay nin Xasuuq wayn gaystay , waxaana la igu xakumay afar bilood iyo ganaax la caged oo aanan daafad u hayn, dabadeed markaas Asli oo joogtay maxkamadda ayaa u sheegtay nimankii in la iska kay sii daayo, waxayna ku dhawaaqday reer baadiyonimo ayaa u gaysay falkuu gaystay, haddii uu dadkan ku dayan lahaa horumar ayuu gaadhi lahaa. Waa khashiin xun ee innaga sii daaya,

Intaa markii ay ku tidhi Max kamadii hortiisa ayaa la iga digay inaanan fal kale oo noocaas ah aanan ku kicin, Aslina ay xor u tahay wax kasta oo ay samaynayso, gurigii markii aan soo galay ayaan markiiba waxaan ku holladay, si aan dhaayaha u saaro wiilkaygii Axmed yare, hurdo yuu ku jiray dabadeed in taa labada dhaban ka dhunkaday ayaan go’ii si fiican u huwiyey,

Asli markii danbe Colna maanu ahayn nabad na maanu ahayn, waxaan se iska ilaalin jiray inaan gacan saaro, waayo haddii aan gacan saaro kiiskii markii hore aan ka bad-baaday oo kale, ayaanan mar danbe ka bad-baadayn ,Asli waxay heshay imika xorriyad buuxda oo ay meeshay rabto ku mari karto, aniga masuuliyadii Axmed yarena, aniga ayaa dusha u ritay, oo gacanta ku hayey markii danbe Asli dhaqankii waa ay ka tag-tay waxay na noqotay duur galeen, bishi haddii aan mar arko ayaaban nasiib leeyahay,

Waxaan is baranay Marwo oo aanu meel kawada shaqayn jirnay, Marwo waxay ahayd gabadh yadu aan dhaqanka gaalada aan raacin, Marwo mar walba waxay ahayd gabadh aad u asturan oo ilaahay Asluub iyo Akhlaaq uu ku mannaystay, Marwo in badan ayaan isku duur xulnay, oo aan si gooni ah u sheekaysannay, Marwo waxay ahayd gabadha kaliya ee qisadaydan la socotay mararka qaar na iyada ayaa Axmed yare ii hayn jirtay, oo ii kool-koolin jirtay,

Axmed yare markii danbe marwo gurigeeda ayaan u wareejiyey oo aan ku Aaminay, Marwona waa gabadhan hadda I ag fadhida oo aan qisadan uga sheekaynayo, Shan caruur ah iyo Axmed yare ayey ii korinaysaa, Axmed yarena waa bah goonidii ay Asli dhashay,

Marwo ayaa Indhaheedii Ilmo ka soo daatay markii aan sheekadii Noloshayda ay soo martay oo dhan uga sheekeeyey, waxaanad moodaa imika inuu culays wayn oo xagga Marwo iga hayey uu iga dagay, Waayo qisadii aan Ooridayda wanaagsan ka qarin lahaa, imika way haysaa ,,,,,,,,,,,,,

DHAMMAAD This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology