Wararka iyo Warbixinaha
| Intaanu dhiman Wuu Noolaa |
|
|
|
| Wednesday, 02 September 2009 | |
|
Waxaa Qorey Xassan Cabdi Madar.
Isagoo
xabbad dheer oo sigaar ah jiidaya, mid kalena dhegta u saarantahay
ayuu aroornimo hore meel uu ka soo kallahay mooyee soo fadhiistay
makhaayad yar oo bunka lagu cabbo. Waa u caado aroor walba inuu
xilligaa yimaad. Inta fadhiday in la jaad ah bay u badnayd,
qaarkoodse way ka xarrago badnaayeen oo ammintaasay suudh iyo
qoorxidh xidhnaayeen,
isagase
shaadhka iyo surwaalka kaawiyaddu ka raagtay waxa u dheeraa kabo
boodhku dilooday iyo weji iyo madax aad mooddo inaan weligood biyo la
taabsiin. Ilkaha qiiqa sigaarku madoobeeyey ee uu kula baxay
naanaysta ‘Ilkoweyne’ lama garan karo goor rumay ugu dambaysay.
Qof kasta oo xalay hurdo fiican seexday wuu arkayey in ninkani
indhihii xalay ku soo jeedo.
Intay
sheekadii beddeleen bay weydiiyeen, “Bal nooga warran oo golahee
baad tahay, ma golaha hurdada mise ka soo jeedka?”
Intaa
markii la isweydaarsaday buu Ilkoweyne oo isleh nimanka iska celi,
su’aal uu goorahanba ka fikirayey ku sii daayey, “Intaydaan soo
dhiman maxaad Ingiriiska ka qaban jirteen?”
Haaa…waa
runtii oo intii wax cunaysay uun baa nool…Intaanu dhiman wuu
noolaa, naftiisuu wax ugu filnaa, ubadkiisuu wax ugu filnaa, ummadduu
wax ugu filnaa, Maantana intii wax cunaysay uun baa nool, hadduu
afkiisa iyo calooshiisa wax u helo cid kale waxba kama gelin, wixii
gubanayaa ha gubteen. |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





