Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
LAMA-FILAAN! PDF Print E-mail
Saturday, 29 August 2009

Sheeko gaaban oo xiiso leh- W.Q. Mustafe M. Khayre 

“Naa miyuu dhego la’ yahay qofku mise wuu dhego adag yahay muxuu cagaha la soo jiidayaa” ayuu maqlay iyadoo cod gaaban lagu leeyahay markii uu cagaha soo galiyey baska. Dhinacii codku kaga imanayey ayuu dhakhso u daymooday. Wuxu indhaha ku gubay laba gabdhood oo fadhiya meel ka yar durugsan halka uu taagan yahay. “Fadhiiso gaadhigu wuu dhaqaaqayaaye” ayuu kirishboygii yidhi isaga oo albaabka sii xidhaya. “Halkeen fadhiistaa?”

ayuu yidhi Naasir inta uu iska cadheysiiyey farahana u taagay dhinicii kirishboyga. “Ma kursigan dadka ka hor jeeda…oo maxaa i fadhiisinaya ma khayriyadii baan joogaa oo khudbad baan jeedinayaa…waar meel hagaagsan noo tilmaan.” Yarkii oo aan waxba u arag hadalada dirirta ah ee lagula dul dhacay ayaa dirawalkii la hadlay oo yidhi “ina dhaqaaji haddaba waa la dhan yahaye”. Naasir cabaar buu sii taagnaa laakiin markii dambe dan baa badday in uu iska fadhiisto maadaama aanu jirin kursi kale oo banaaniba.  Buuqii, sawaxankii iyo sheekooyinkii baska ka dhex socday ayaa mar qudha joogsaday. Ardaydii oo yaaban baa soo wada eegtay dhinaca Naasir. Isaguse cid yaaban iyo cid kale toona dan kamuu galine wuxu la kala baxay wax u eg waraaqo lalaaban oo uu gacanta ku sitay.  

Sida ardayda kale, Naasir boorso iyo buugaag ma sito. Umana lebisna sidii laga filayey. Suudh iyo tay midna ma xidhna. Waxa muuqata in aanu xataa shaadhka iyo surwaalka iska cawlan ee uu xidhan yahay si fiican u soo kaawiyadayn kabaha sandalka ahna iska soo baalashayn. “Kan xayraanka ahina xagguu inoo soo raacay. Malaha kaasay odhan doonaanba waa arday” ayay tidhi Nimco inta ay hoos u gujisay saaxiibadeed Layla. “Oo miyaanad hore u arag. Anigu waxan ku arkay sawirradii xafladdii xidhitaanka sannad-dugsiyeedka. Waxan u malaynayaaba in uu foomfoor yahay oo ay Hinda isku fasal yihiin.” ayay Laylina tidhi. “Warkiisa oo dhanba kolay iyadaa farta inaga saari” ayay sii raacisay. “Laa Illaaha ila laah…ma kan baa foomfoor ah!” Faalladii bay sii wadeen. “Indhihiisu casaa ma xalay oo dhan buu saamalayl ahaa mise wuu u dhashay. Oo tolow muxuu timahan ku baxay ee aad hawdka mooddo isaga xiiri waayey”. “Naa hoos u hadal yaanu ina maqline; kani maaha mid laga lug baxayee”.    

Inkastoo safarka loo baxayaa uu ku kooban yahay kedis-aqooneed muddo laba maalmood ah soconaya, haddana ardayda muhiimad weyn buu u leeyahay. Waxay booqanayaan magaalada Boorama oo lixdanka arday ee labada bas saaran saddex ama afar ka mid ah mooyee intooda kale aanay hore u arag. Waxa jira qaar aan weligood gaadhin kantaroolka galbeed ee Hargeysa. Waxay xiise gaar ah u qabaan aragtida qaybaha dalkooda ka tirsan ee muuqaalkoodu u dhiman yahay iyo wajiyada cusub ee ay kula kulmi doonaan Boorame.  

Intii dhexda lagu sii jiray ardayda waxay u ahayd farxad iyo qosol. Maalin ciid ah ugama ay dhacayn. Sheekooyin guud iyo kuwa gaar ahba waa la wadaagayey. Hablaha badankoodu kuraas isku dhaw bay fadhiyaan waxase jira dhawr hablood oo si kala goon gooni ah innamo ay malaha faq leeyihiin ula fadhiya. Laba arday oo jidka hore u maray ayaa kuraasta hore la fadhiisiyey.  Waxayna ardayda u sheegayaan kolba meesha la marayo iyo wixii niyaddooda ku soo dhaca iyagoo isticmaalaya mikrifoon macmal ah oo meesha loogu rikibay. “Waxan idiinku bushaaraynaynaa in aad soo arki doontaan gorayada joogta Boorama” ayay yidhaahdeen.  “Gorayo haad noqon wayday uun baan maqlaaye horta gorayadu waa maxay” ayuu yidhi mid ka mid ah ardaydii. Mid kale ayaa soo booday oo yidhi “ma maantaad gorayo garan la’ dahay. Show ciyaalo-maamaad ahayd. Dee gorayadu waa awr sidii shimbiraha baadad leh”…qax…qax…qax…qosol baa kuraastii laga daatay.  

Naasir isagu waxaas oo dhan war uma hayo. Ma nuuxsanayo oo waxad mooddaa in uu kursiga ku laxaamadan yahay. Wajigiisa farxad iyo murugo midna kama muuqato. Dhawr jeer dhegta wuu ka maqlay iyadoo la xamanayo la iskuna tilmaamayo; isma se dareensiin. Asal ahaan waa nin furfurnaan u dhashay dadkana haasaawiya. Waxase shaqsiyaddiisa iyo muuqaalkiisaba beddelay balwadda oo uu si baas ugu talax tagay. Habeen iyo dharaar qaadka kama kaco sigaarkana sida silsiladda ayuu isugu daba xidhiidhiyaa. Waa mar uu mirqaansan yahay iyo mar uu qaadiraysan yahay. Waalidkiisa iyo inta noloshiisa danaysaa wax kasta way sameeyeen oo way uga taag waayeen.  Mararka uu aabihii hadalka ku kululeeyo wuxu isku difaacaa “aabo adiga iyo asxaabtaaduba sowdinka cuna ee waliba ciseeya.  Haddii uu qaadku wax xun yahay maad iska daysaan”. Inkastoo dhaqaalaha qoyskoodu aanu fiicnayn, haddana meel uu ka keenaba Naasir ma waayo balwaddiisa.     

Markii Gabiley la soo gaadhay ayay ardaydii dhulka u dageen si ay magaalada u soo daawadaan cabitaan fududna u doontaan. Koox hablo ah oo tamashlayntii dabadeed iyagu ardayda ka soo cag horeysay ayaa isku urursaday geed hadh leh oo aan ka fogayn halka ay basasku yaallaan.  Waxay arkeen ninkii Naasir oo halkii ay kaga tageen sidii ay ku ogaayeen u kuududa. “Inankan horta maxaa ka siya. Waa mid aan la yaabay. Bal maxaa kaligii ku dhex jactadiyey gaadhiga ummaddii Ilaahay oo dhami ka degtay! Waraaqo aad moodo in lagu falay ayuun buu ku fooraraa” ayay tidhi Nimco oo jeclaysanaysay in ay akhbaarta la wadaagto saaxiibaddeeda gaarka ah oo iyadu baska kale saarnayd. In daqiiqado ah bay falanqaynayeen. “Car ma u tagnaa bal wuxu ina yidhaah” ayay tidhi mid ka mid ah hablihii oo aad u xiisaynaysa in ay soo aragto wiilkan dhagaheeda laga badiyey. Gabdhihii kalena way ku raaceen waxase ka dardaar-werisay Nimco.  “Ma u tagnaayaa…naa hoy ka jooga ninkaas ha u taginee haddii kale khasada idinka soo raacda…”

“Salaamu calaykum” ayay tidhi iyadoo codkeeda laga dareemi karayo baqdin. “Calaykum wa salaam” ayuu ku yidhi codkiisii xabeebta lahaa isaga oo aan kor soo eegin. “Walaal maxaa meeshan cidlada ah kaligaa ku dhex yuururiyey inta ay ardaydu taxtaxaash iyo dalxiis u kala go’een?” Naasir oo yaaban ayaa markii uu weedhahan dabacsan maqlay kor u soo jaleecay gabadha la hadlaysa.  Waaba Farax oo dhoola-caddeynaysa!  

Farax ka mid tahay hablaha ugu cadcad uguna caansan dugsiga.  Waxay magac iyo maamuusba ku heshay sida firfircoon ee ay mar kasta uga qayb qaadato hawlaha ay ardaydu abaabulaan. Gaar ahaan waxay sumcad weyn ku heshay xafladdii xidhitaanka sannad-dugsiyeedkii hore oo ay kaalin muuqata ka qaadatay khudbad loo wada bogayna ka jeedisay. Dhinaca waxbarashadana waxay ku jirtaa hablaha faro-ku-tiriska ah ee wiilasha kula tartama darajooyinka u sareeya. Quruxdeeda dabiiciga ah waxa sii buunbuuniyey xaragada iyo lebiska aan maalin kaliya ka liicin. Muuqaalka guud qofka arkaa wuxu qiyaasi karaa in ay ka soo jeedo qoys aan dhaqaalihiisu xumayn. Ardayda, macalimiinta, waardiyeyaasha dugsiga ilaa darawaliinta basaska si isku mid ah ayaa loo qadariyaa. Goob kasta oo ay joogsataba waxay ku heshaa soo dhawayn diirran. Innamada ay isku fasalka yihiinna u sheekaynteeda way u kala badiyaan. Ragga niyadda ku hayaa ma yara; hase ahaatee cid ku dhiirata lama hayo. Malaha burjigeeda ayaa sarreeya.  

Farax lafteedu way og tahay sida loogu han weyn yahay iyaduna way isu han weyn tahay. Laakiin cidna iskalama qab weyna filkeedna iskama waynaysiiso. Haybaddeeda iyo hibooyinka Ilaahay siiyey si khaldan uguma adeegato kamana dhigato awood loogu habrado. Qof kasta waxay u ogoshahay qofnimo. Ku magac leh iyo ku aan muuqanba si isku mid ah ayay ula dhaqantaa. Waa qof bulshada ogol oo ka taxadarta ficil kasta oo dadku u arki karaan in uu baydhsan yahay. Laakiin Naasir wuxu ka haystaa fikir kaas ka duwan. Aqoon dhow uma laha balse mararka uu sheed ka bidhaansado waxay ugu muuqan jirtay in ay tahay qof  qab weyn oo kibir badan. Isagana dadka caynkaas ah lama tuso. Inuu salaanta ka qaado xataa ma jeclaysto.  

“Maxaanu dalxiisnaa” ayuu yidhi inta uu isku laabay waraaqihii uu akhriyayey “qaar guddi-ku-sheeg ah ayaa madaxaygii mijo u rogay. Waxan la mid ahay ninkii yidhi duul culimo qastaanu nahay. Inta ay dhawr maalmood ka hor guriga iigu yimaadeen oo igu yidhaahdeen maadada Soomaaliga ka soo adkaw ayay haddana xalay arday farriin ii soo fareen ay leeyihiin waxad ka jawaabaysaa su’aalaha fisigiska. Buug fisigis ahna xaafadda kumaan haysan. Markaan soo baxayey ayaan labadan cutub oo buug aan hayn jiray ka go’ay daaqadda qolkayga ka soo qaatay”.  Farax oo u muujinaysa sida ay luggooyadaas uga xun tahay ayaa tidhi “Oo walaal maxay sidaas kuugu galeen?”.  Naasir oo markan kaftan iyo furfurnaansho iska baadhbaadhaya ayaa yidhi “Bal adba wakaase waxay uga jeedaan garo. Dee waxan is idhi intii karaankaaga ah ka giiji hablahaas quruxda badan ee wada faraxsani yey soo noqon iyagoo guul-darro dareemaya’e”. Wuxu sii raaciyey qosol uu dirqi isaga keenay.  “Wallaahi anigaba werwer iyo xiise isku dhafan ayay igu hayaan kedis-aqooneedka berito iyo kubadda cagta ee ka dambaysaaba” ayay tidhi  Farax oo u qaadan la’ qaabilaadda diirran ee ay kala kulantay ninkii ay markii hore la-hadalkiisa ka baqaysay.  

Dhaqaaqii gaadhiga iyo dadkii oo dhinacooga soo wada eegaya ayuun bay ku war heleen. Farax oo naxdin iyo khajilaadi isugu biirtay ayaa si degdeg ah u kacday. “Waar ii joog aan idinka dagee”. Xaggay ku degi baskii ay la socotayba mar horuu dhaqaaqaye. Buuq baa aloosmay.  “Waar inanta baskeeda gaadhsii” iyo “kanba ha iska saarnaato”. Naasir baa isna kacay oo yidhi “Anigaa taagnaanaya ee adigu kursigaygan ku fadhiiso”. Xalku wuxu noqday in ay cidhiidhsato kursigii Layla iyo Nimco fadhiyeen.  

Naasir wuxu mar kale la kala baxay waraaqihiisii. Laakiin marka uu in yar akhriyoba waxa ku furmaya mawjado tashwiish ah oo aanu xakamayn karayn. Waxa maankiisa ku soo noqnoqonaya sheekadii gaabnayd ee isaga iyo Farax dhex martay. Waxa isu qaban la’ sida fudud ee ay iyada isula jaan qaadeen iyo sidii uu uga qalooday soddonkii arday ee hore baska u saarnaa. Boqol su’aalood baa mar qudha sida dhibica roobka madixiisa ugu soo daatay. “Waar niyow maxay ahayd diirradda khaldan ee aan gabadhan ku eegi jiray. Ma sidan uun bay qof wanaagsan oo sheeko macaan u ahayd. Miyaan ka fikirayba in ay iyadoo kale jirto. Yaa! Alla ilehe xaal baan siiyey.” Wuxu niyeystay in ay suurtagal tahay in mar kale isaga iyo Farax ay caawa sheeko u dhiganta ama ka xiiso badan tii maanta wadaagi karaan. Laakiin may dhaboobin.  

Waa 12kii November 1999. Waxa la fadhiyaa barxadda weyn ee dugsiga Sh. Cali Jawhar oo si heer sare ah loo nidaamiyey loona qurxiyey. Waa la isku arkay meesha oo ushii kor loo tuuraa dhul uma dhacayso. Badhtanka waxa fadhiya laba kooxood oo dhiniciiba toban yahay kuna lebisan dirayska caddaanka iyo madowga isugu jira ee ardayda dugsiyada sare caanka ku yihiin. Waxa laga soo kala xulay labada dugsi ee aqoon-is-weydaarsigu dhex marayo: Faarax Oomaar, Hargeysa iyo Sheekh Cali Jawhar, Boorama. Darbiyada waxa afarta kooneba ku dhejisan hal-ku-dhegyo waxbarashada dhiiri-galinaya: aqoon la’aani waa awood la’aan, aqoon la’aani waa iftiin la’aan, aqoontu waa furaha guusha iyo weedho kale. Dhagahana waxa ku soo dhacaya heeso shucuurta kor u qaadaya oo ay ka mid yihiihi “arday baan ahayoo ubixii waddan kaan ahayoo” iyo “dugisyada aada walaalayaalo aada”.  Wajiyada dadku waxay ka siman yihiin farxad. Malaha waxa xiisaha kor usii qaaday iyadoo ay tahay markii u horeysay ee arday reer Hargeysa ahi aqoon-is-weydaarsi u yimaadaan Boorama muddo ka badan toban sanno. Waa astaan wanaagsan oo muujinaysa sida ay bulshadu isugu soo dhawaatay, isku dhex gashay, isuguna laab furnaatay dagaaladii dabadood.  

Khudbadihii madaxda iyo maamulayaasha dabadeed su’aashii koowaad waxa la weydiiyey dugsigii martida loo ahaa. “Kumuu ahaa saynisyahankii daah-furay xoogga cuf-is-jiidadku?”. Ardayad isku kalsoon ayaa markiiba jawaabtii la soo boodday- “Sir Isaac Newton”. Sacab iyo mashxarad baa u dhacay. Waxoogaa baa labada dugsi marba midi ka kale madaxa la dhaafayey. “Kumuu ahaa ninkii tiriyey gabayga hal-ku-dheggiisu yahay Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay?” ayaa la waydiiyey Faarax Oomaar. Waa la is wada eegay oo cid soo kacda la waayey. Xamxam iyo xashaashaq baa bilaabmay. “Waar mee kii Naasir?” Ninkii maadada Soomaaliga loo daba fadhiisan jiray meel uu ku dambeeyey lama yaqaan. Mar kale ayaa xidhiidhiyihii barnaamijku ku celiyey su’aashii. “Kaa qayrul-masuulka ah maxay inoogu soo dareen way ogaayeen in aan la isku halleyn karayne. Maxay halkiisa arday kale oo Soomaaliga ku wanaagsan ugu bedeli waayeen.  Hoggaanka xun waa lagu jabaaye guddidaa waxaas oo dhan inoogu wacan” ayuu ku calaacalay Sakariye oo ka tirsan ardayda xulka ah. “Waar guddida eed ha saarin ninku isagaa danihiisa u maqnaadaye” ayuu mid kale ugu jawaabay. Werwerkii baa cirka isku shareeray.  

Waxase mar kaliya lagu war helay sacab is qabsaday. Tolow maxaa dhacay?  Waa ninkii madoobaa ee caatada ahaa, Naasir, oo markii uu albaabka ka soo galay toos u abaaray dhinicii mikrifoonka. “Gabaygaas waxa iska lahaa Ugaas Nuur”. Sacab aan kala joogsi lahayn iyo qaylo xamaasadeed ayaa la isugu daray. Tartankaasi wuxu ku dhammaaday barbaro; waxase libin lama-dafiraan ah kala soo hoyday Naasir oo dugsigooda uga jawaabay saddexdii su’aalood ee ugu adkaa. Wuxu halkaas kula baxay naaneysta ah “Gurmad”.  

Sidii Boorama looga soo noqdayba Naasir wuu iska yaaban yahay. Habeenkii marka uu sii seexanayo iyo subixii marka uu soo toosaba sawirka maskaxdiisa ku jiraa waa Farax.  Wax aan iyada ahayn kama fikiro. Subaxa aanu iyada indhaha saarin wuxu iskuulka ka rawaxaa isagoo madluunsan. Maalmaha uu la kulmo ama sheeko la wadaagona farxad buu la hoydaa. Fallaadhii jacaylka ayaa si lama filaan ah ugu soo fakatay.   

Mar walba wuu ku tashadaa in uu dareenkiisa dhabta ah la socodsiiyo Farax. Laakiin wuxu ka tallaabsan kari laayahay caqabado waaweyn oo hor yaal. Fule xantii ma moogee wuu og yahay sawirka aan wanaagsanayn ee bulshadu isaga ka haysato iyo ceebihiisa suuqa daadsan. Waxa kale oo uu ogyahay in ay Farax tahay qof tusaale loo soo qaato marka laga hadlayo hablaha wanaagsan. Saamaynta ay taasi yeelan kartona wuu garan karaa. Sidaas daraadeed, wax kasta oo uu is leeyahay Farax waad ku soo jiidan kartaa wuu sameeyaa.  Inkastoo ay weli ku adag tahay, haddana wuxu ku tashaday in uu balwadaha faraha ka qaado taas oo aanu hore uga fikiri jirin. “Haddii aad qaadka iska dayso yaad raaci ileyn asxaabtaada oo dhami way qayilaane. Maxaadse qaban kubadna ma ciyaari kartid oo beri hore ayaad ka fadhiisataye” ayuu ku fikiraa.  Saaxiibadii ayaa iyaguna cadaadis ku haya “Waar ma qaadkaad hooyadaa ka diiday in aad joojiso ayaad leedahay waxan u joojinayaa si an Farax u soo jiito. Sowdigan durba la hayste u noqday idinkoon isba soo gaadhin” ayuu yidhi Maxamed oo doonaya in aanu saaxiibkii Naasir ka degin doonta mirqaanka.  

Naasir wax kasta waxa hadda kala muhiimsan sidii ay isaga iyo Farax isugu soo dhawaan lahaayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba wuxu u fuulay sidii uu u joogtayn lahaa kulanka dhex mara labadooda. Wuxuna ku guuleystay in maalmaha qaar uu gelinka dambe xaafadda ugu tago si uu maadooyinka uu ku fiican yahay uga caawiyo maadaama uu laba fasal iyada ka sarreeyo. Walow ay kaga soo beegantay wakhtigii qayilaadda, haddana wuxu u arkay in ay tahay fursad lama-dayacaan. Wuxuna kulanadaas uga faa’iideystay in uu Farax uga sheekeeyo hab-dhaqanada uu leeyahay ee isaga laftiisu aanu jeclayn isagoo ka hor tagaya in ay cid kale ka maqasho.  

Dad badani way la yaaban yihiin sababta Farax oo aad loogu han weynaa ay had iyo jeer ula socoto ama loo arko iyadoo la joogta Naasirkii faraha-laga-qaadka ahaa. Layla iyo Nimco oo ay dadka isugu dhawaayeen dhawr jeer bay Farax isku dhaceen iyagoo u soo jeediyey in ay Naasir agtiisa ka fogaato iyaduna ay ka diidday. Isaga qudhiisa kaftan iyo dacaayad aan xad lahayn baa ku socota. Waxa ugu sii daran asxaabtiisa gaarka ah. “Ma ninkaagii aan ogayn ayaa maanta u waalanaya tu yar oo aan waxba u ogayn” ayuu ku yidhi Aadan oo helay fursad uu kaga aargoosto kaftankii kadeednaa ee uu Naasir beryaha qaar ku hayn jiray. “Waar inuu qalbigiisu qalalay baan moodayee weli wuu ladan yahay haddii uu jacaylba hadal hayo” ayuu Cabdifataaxna ugu jiibiyey. “Waar haddaba sideenu yeelnaa?” ayuu yidhi Naasir oo koob shaaha oo uu cabayey miiska sii dul dhigaya. “Iskuulkii baanu idinka fadhiyi la’ayne maqaaxidiina maad noogu darteen. Anigaaba idinka gar darnaa markaan arrimahayga hoose idiin furfuray”. Hadalkii buu sii watay “waar ileyn ninkii Cilmi Boodhari markuu lahaa Soomaalidaa caado xune iguma caydeene run buu sheegayey! Noociinan oo kaluu arkay.    

Muddo sideed bilood ah kadib waxa maanta Naasir ka go’an in uu wax kastaba daboolka ka qaado. Haatan isaga iyo Farax si kastaba way isku barteen isfahanka u dhaxeeyaana aad buu u sareeyaa. Saadaashiisuna waxay sheegaysaa in Farax lafteedu ay isaga jeceshahay. Sidaas oo ay tahay haddana werwer badan ayuu qabaa. “Haddii ay Farax kugu gacan saydho maxaad yeeli doontaa? Intee in leeg bay taasi xidhiidhkiinii caadiga ahaa wax u dhimi doontaa?” Su’aalahaas iyo kuwo kale ayuu is weydiiyaa. “Waar ma ninkaagii aan cidna wax isaga tirin jirin ayaa maanta awoodi kari la’ in uu Farax ku yidhaa waan ku jecelahay. Wax kastoo ay ku kacaysaba waa in aad arrintan dhinac isaga riddaa”. Xalay buu telefoon kala hadlay kana codsaday in ay hal saac ka soo horreyso xilliga ardaydu dugsiga yimaadaan.   

Wakhtigii ay ballantu ahayd ayay Farax dugsigii soo gaadhay. Salaan diirran kadib waxay dacalka kale kaga fadhiisatay miiskii uu Naasir ku fadhiyey. Wakhti gaaban oo sheeko guud ah kadib Naasir ayaa hadalkii si buuxda ula wareegay. “Walaal Faraxeey waxan jeclaystay in aan kuu soo ban dhigo arrin aan beryahaaba kaala maagganaa. Waxad tahay qof aad u qaaliya aadna iigu culus. Waxad noloshayda ku yeelatay raad wanaagsan oo aanay cid kale weligeed ku yeelateen. Adigu ma ogid laakiin waxad tahay qofka sababta u ah isbeddel kasta oo igu dhacay. Waxad wax weyn ka bedeshay hab-nololeedkaygii. Waxad sabab u noqotay in aan balwadihii ka dhex baxo wax-barashadiina u soo jeedsado. Dedaalkayga, guulaha aan maanta gaadhay iyo himilooyinka aan hiigsanayoba saameyn baad ku leedahay. Runtii, waxad iga soo saartay meel madaw waxanad i keentay meel iftiin ah. Waxan kuu qabaa jacayl aad u weyn oo aanan ka fikirin in noociisa oo kale i soo mari karo. Waxa ugu weyn ee maskaxdaydu ka fikirtaana waa adiga. In aan ku helaa waxay iiga dhigan tahay in aan wax kasta adduunka ku helay.  Ma jiro hadal kale oo ii banaan oo aan ahayn in aan ku idhaah WAAN KU JECELAHAY”.  

Farax shucuurteedu aad bay isu beddeshay. Iyadoo warqad yar oo miiska dushiisa taallay si is-moog qalin ugu xarxariiqaysa ayay hadalkana si wanaagsan u dhuuxaysay.  “Naasir walaal runtii maad ii sheegin manaan la socon in aad illaa xadkaas i jeceshahay. Wax weyn bay ii tahay in aan ogaado in aan noloshaada ku yeeshay raad wanaagsan iyo in aad i jeceshahayba. Iskuma aan ogayn awoodda aan saamaynta intaas leeg ugu yeelan karo qof bani’aadam ah. Waxan qirayaa in aad tahay shakhsiyad dun wanaagsan. Haddii aan runta kuu sheego waxad tahay wiilka aan ugu qadarinta badan nahay dhallinyarada Faarax Omaar dhigata. Muddo yar ka hor haddii aad damacaaga ii sheegi lahayd runtii…” Halkaas marka ay marayso ayuu hadalku ka kala go’ay. In yar kadib ayay haddana dib u bilawday  “Waxa jira arrimo dhawr ah oo aanan kula socodsiin. Aabahay wuxu doonayaa in aan waxbarasho jaamacadeed dhawaan dalka uga baxo. Aniguna taas aad baan ugu faraxsanahay. Waayo waxa niyaddayda ku jirta in aan mustaqbalka noqdo qof magac leh oo tirsan oo gacan ka gaysata horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda. Haddii aanan waxbarasho sare helin riyadaydaasi ma rumoobi karto”. Naasir baa holaday in uu hadalka ka dhex galo “waan kugu taageersanahay….” hase ahaatee iyadii baa ka boobtay. “Waxase taas ka soo horreeya arrin kale oo muhiim ah. Waxa jirta in muddooyinkanba ay xaafaddu culeys igu saaraysay in aan aqbalo guurka wiil aanu xigto nahay oo dibedda jooga. Waan ka warwareegay markii hore oo way igu adkayd in aan aayar uun mustaqbalkayga oo dhan gacanta u galiyo qof aanan garanayn. Balse markii aanu inankii is baranay ee aan wada xidhiidhnay waan is fahanay waanan ku qancay. Isaga ayaanan mustaqbalka is guursanaynaa oo hadda adiga waxba kulama qaban karo. WAAN KA XUMAHAY!  

………………DHAMMAAD…………………

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology