|
Ibraahim Sulaymaan (Ibraahim Gadhle)
Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda
Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo
Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga
Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay
Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh
Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay
Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo
Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye
Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh
Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge
Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata
Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane
Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna
Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?
Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye
Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene
Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene
Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu
Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye
Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye
Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye
Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye
Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku
Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?
______________________________________________________________________________________________
Gabaygan Salaan Carrebey wuxuu u tiriyey markii uu ka war helay nin seedigii ah in uu soo socdo yaradna ka doonayo salaan oo markaa aad u da' weynaaday. xoola yaraana tabanaya, yaradna aan ugu talo galin in uu bixiyo ayaa gabaygan ka seedigii uga xaal warama in aan halkan uu joogo Salaan aan wax aad keento mooyee waxba kala tegayne haddii aad wax soo wadana noo kaalay haddi aad wax naga doonaysana iska joog haygu soo lu go'in' e. Wuxuuna yidhi:
1. Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne
2. Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye
3. La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
4. Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye
5. Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
6. Oo waliba laasima intay lib isku moodaane
7. Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
8. Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane
9. Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane
10. Hadaan anigu loofari aqiin haatan loowlabaye
11. Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye
12. Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye
13. Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
14. Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe
15. Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye
16. Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
17. Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
18. Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
20. Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye
21. liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye
22. Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene
23. Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye
24. Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye
25. Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye
26. Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye
27. Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
28. Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
29. Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye
30. La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne
32. Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye
33. Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye
34. Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye
35. Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode
36. Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay
37. Boodada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye
38. Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge
39. Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin
40. Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e
41. Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.
_________________________________________________________-
Ismaciil Sheekh Axmad "Cagaf"
Heestani waxay ka mid tahay heesha tirada badan e uu
abwaanku curiyay. Heestan wuxuu gaar ahaan ugu alifay
gobanimadii ka saqiirtay Somaliland ee 26kii Juun1960kii.
Heestan uu akhristuhuu macanaysan karo waxay faahfaahin
ka bixinaysa natiijooyinka laga helo madax banaanida
guud ahaan.
Heestan midhaheeda waxa ugu deeqay Hoyga suugaanta:Maxamad Suudi
Waa mahad allee
maantaba dunida
ka mid beynu nahoo
mijaheen iyo
madaxeen bannaan
Waa mahad allee
magaceen ha jiro
Waa mahad allee
mugdigii ileeys
lagu meeriyoo
maantaba ileen
waan muuqannaa
Waa mahad allee
madaxeen bannaan
Waa mahad allee
magac yeellanoo
maamuus helnoo
mudane iyo marwaa
maantaba tihiin
Waa mahad allee
magaceen ha jiro
Waa mahad allee
rag la miidhay oon
miilaawi hayn
maantaba hadday
mayalka u hayaan
Waa mahad allee
madaxeen bannaan
Waa mahad allee
magalootigii
meesha daran ka yimid
maantaba hadday
miidaamiyeen
Waa mahad allee
magaceen ha jiro
Waa mahad allee
moodka iyo nool
maatada kuwii
ka maroorsan jiray
maantaba haday
ina magansadeen
Waa mahad allee
madaxeen bannaan
Waa mahad allee
malabkaa dhulkiyo
miidda noo fadhida
waa maalin dhow
taynu muudsannaa
Waa mahad allee
magaceen ha jiro
*Chorus/dhextaal
Waa mahad allee
magaceen ha jiro
waa mahad allee
madaxeen bannaan
_______________________________________________________
DUGSI MA LEH QABYAALADI
Gabaygan waxaa tiriyey abwaankii waynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacade.Abwaanku wuxuu gabaygan si murugo leh kaga hadlay dhibaatooyinka qabyaaladduleedahay iyo sida ay umadda Soomaaliyeed ula hadhay una baabiisay hadii aanayka hadhina aanay aayo lahayn. Soomaaliyi inay ka hadhaan daaye waa bay siibadsadeen sida bariiska, sidii abwaanku sheegaybaana dhacday baaba' iyo hoog!Wuxuu yidhi:Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiyeDubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeedeShin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiisoDibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataayeHaddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalinOo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogoUu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyoUu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayoUu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisaDebcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaayeHaddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacinGacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashadeJeeroon direyska u gashoon dibeda soo taagoDaleen aniga iigama tagee waa dig siin jirayeWaxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaadayDadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahayeSoomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonyeDocda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeedaDusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisaDegmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeedaNimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waayeDul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeedeAnuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaaneDadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaaneBal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saarayWixii hore usoo daashaday bay degashanaysaayeDoc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheedaOoy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiisoDadka kama yaraateene ways dabar jaraysaayeDubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiiseGoortay is wada dooxatay baa daad u soo geliyeUbadkiinii waad daadiseen waana dubateeneDubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareedeDariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeyeDarajada Ilaahay ninkii doonayaa hela eNin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowyeDugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaaneHadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadkaDibaddaan ka joognaa sharciga daacadda IlaaheDanbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareedeDugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaaneDir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joognoOoy dumarku weerkii sitaan danabadii waayeyUu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinnaWallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaaneDugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xaad kuna magac dheer [Qays]. Heestani jawaab waxay u ahayd hees uu tiriyay Abwaan Maxamad Ibrahin Warsame Hadraawi oo la odhan jiray SAXARLA halkan ka akhriso Saxalaay ha fududaan , oo ku jirtay riwaayad la odhan jiray Aqoon iyo afgrad. Jawaabtan Cabdi Qays tiriyay, waxay bilawday sisiladdii la odhan jiray SIINLEEY. Waxa heesatan iyo Saxarlaba ku qaadi jiray Ilaahay haw naxariiste Fanaankii weynaa ee caanka ahaa ee la odhan jiray Maxamed Mooge Liibaan Heestu waxay ku bilaabmatay sidan:
|
| Ina wallanwaloow samir |
haweenka isa seegtee |
| siddeed nabar adoo qaba |
wakaa kii sagaalaad |
| seedaha ku gooyee |
maxaan kuu sameeyaa |
| siinkaa ku jiidhee |
Gabadhii ku sidataan |
| sabadii Jabuutiyo |
xeebaha sintoodii |
| iyadoo nin sare qabo |
subax aan ku kullanoo |
| sababtiina caashaqa |
markii aan su'aal idhi |
| waxay suuban leedahay |
wax markii la sugi jiray |
| aduunyadii ka socotee |
sadka ugu wanaagsane |
| Sifaheedu waxu yahay |
samir wuu dhintee koow dheh |
| saadaal lama hayee laba dheh |
waxay Saafi kugu tidhi |
| ha iisoo socone noqo |
waxaad soo sidana celi |
| anigu waan sal fududee |
| Waxay suuban leedahay |
hadba saaca joogaan |
| tukadaa salaadee |
adoo sabowanaag yaal |
| ruuxa Seylac kaa jira |
looma sacab garaaceee |
| sifaheedu wuxu yahay |
siri way jirtaa koow dheh |
| samo lama hayee laba dheh |
waxay Saxarli kugu tidhi |
| ha iisoo socone noqo |
waxaad soo sidana celi |
| anigu waan sal fududee |
|
| Waxay Suuban leedahay |
safar meel fog kaa tegay |
| iyo lama dhawro socotee |
waa sabankii beentoo |
| wacad la isa siiyiyo |
runi way sal guurtee |
| sifaheedu wuxu yahay |
sabool waan nacee kow dheh |
| saxal waa madhniye laba dheh |
waxay Saxarli kugu tidhi |
| ha iisoo socone noqo |
waxad soo sidana celi |
| anigu waan salfududee |
maxaan kuu sameeyaa |
| saaxiibkay Hadraawow. |
|
_________________________________________________
Gorgor Abwaanka Wayn Ee Xasan Xaaji Cabdilaahi xasanganey)
Googaa wax muuqdow, gocashoy dheh cigalle
Maalmahanba guuxiyo, gaagaabsi baa jiray
Wax maanka gada iyo, garashoy ma muranteen
Maalmihii gudbaayoow, ma idinkaa gabaabsiyey
Gow iyo ma hurin baa, malaha waa guduutiyo
Gabbal dumayba muu hadhin, ma gilgilay guntiinii
Xaajadu gonda xumaa, ma adduun-geddoon baa?
Mise waa waa gedeedoo, iyada galgalatee
Guul baa uraysoo, nasri geeddiyaa yimid
Geshigeedu yaab lehe, godol iyo ma qooq baa?
Saadaashu meel godan, ha inoogu gorortee
Iyadaa gendaal dhalan, guntayoo haddana furay
Gorgor yimid Hargeysiyo, Geney weeye faalladu
Gacan-qaadna wuu dhacay, marka hore warkii guud
Inaad laba gu’ iyo dayr, gobolkan waqooyiga
Geestiisa bidixee, Goljano aad ku noolayd
Na soo gaadhay sheekadu, marka xiga warkii gaar
Fulayahow gabbanayaa, ma geyaan cadkaagee
Isgalluubintaadaa, gibilku xanuunoo
Waa qaran abaal gala, inaad gudeyso mooyaan
Marka xigana gacaltinimo, maalmahanba gaarridu
Gogoshaa xariirta ah, aday kuu guraysoo
Gaashaandhigeedaa, kuu gaardinaayayoo
Gabdhihii mashxaradaa, gaar kuu sugaayoo
Gurboodkiyo carruurtaa, ubax wada guduutiyo
Giraan kuu ruxaayoo, Garabsaar rag weeyoo
Gole aad ku hirataa, guddi loo xilsaaroo
Marti goor xun kuu timid, gabbaan laguma sooree
Wanan badhi gurguurtiyo, goolal baa la qalayoo
Midhihiyo gadhoodhbaa, kuu sudhan gedaankoo
Waa gole macsuum ahe, kaa guddoomayoo waa kane
Guntayoo haddana furay, gaajadii ku haysaan
U gaalgaalay hadalkee, kol hadduu raggu isgalo
Gar ma kala dhaqaaqee, maradii gondaha tiil
Waxaan geeyay lowgee, adiguna guntiga xidho
Ninka loo geb baxayoow, adiguna ha gooddiyin
Fardo goonni haysiyo, gacamo is hirdiyayoo
Leexo is galaashoo, tiix gabano wada iyo
Yaxne geed ku naban iyo, gowdyahan gufaaciyo
Galaa foolanaayee, iska giiji shaqalada
Gorgoryahow lugteenuna hal gariirtay maahee
Gudcur raacda socotiyo, waa guura bahallayn
Dhulku waa gabaahiir, giriyaadna wuu hadhay
Weli guurku waa bixid, giddi habar-dugaag baa
Goonyaha ka ciyayoo, mas gurguuranaayiyo
Good baa shanqadhayee, wadnuhu yaanu galow odhan
Nafta gaajo yay qaban, gowdiidsi kolay tahay
Gama’ iyo hurdana daa, nabarkaa gunaadka ah
Ceebaha ku gaaxdiyo, eel gudaha jiifiyo
Laxowgaa garaacayaa, halkuu gow ka leeyahay
Dhibka jeeroo la guro, gaaroodin maynee
Haloo geliyo dambaskuu, guntayoo haddana furay
Gorgor daayoo dirkaagii, haad lala’ iyo
Mid geed fuushan mooyee, awowgaaba muu gelin
Gurigan aad u hoyatee, maxaad uga gol-leedahay?
Gorgor xoolo raaca, geyiguu u kowyee
Ri’da geeska weynee, siday tahay gammaan faras
Guudka aad ka fuushaa, waadigan gargoortiyo
Geedaha ugbaadka ah, afka ugu guraayee
Guunyada ka sheenee, ganankiyo halgaaddada
Ku soo gedlanaayee, ma gantaal jacayl baa
Kaa gaadhay halistoo, halkuu kaaga ganay baad
Gaaddada ku haysaa? Su’aalihii gun iyo baar
Anigoo gunaanaday, gorgoryahow ku soo durug
Gedbax oo i deeqsii
Gorgorkiina wuxuu yidhi, marka hore abaalgudid
Qarankiinu waa gobe, waxaad iiga geysaa
Mahad aan gaboobayn, marka xiga Genayow
Aqoontaadii gabaydaye, shaxdan geedka taallee
Goob iyo barbaarkii, way kaa gunweyntee
Garashada cilmi u doon, sirta Gaarriye u dhiib
Gudbantii Hadraawiyo, Gees Cali ha loo dego
Gaadhsii raggeedii.
_______________________________________________
Sirta Nolosha Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi
Saaxiibkayow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka hore salaan diirrran
Marka xiga samow heedhe
Ha ka nixin si-dalagtayda
Sacab fara-madhnaantayda
Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.
Saaxiibkayow heedhe
Anba saaka qaybteeda
Sirsirraan ka joogaaye
Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey
Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga
Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye
Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige
Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jirey weeye
Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho
Raqda solan lafaa soogan
Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka
Iyo salowga beer-qaadka
Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad aragtay oo saasa
Waxaad maqashayoo saasa
Maxaad odhan lahayd Suudi?
Samalaho furfuriddooda
Godka seer-ma weydaanka
Marka ay sabbuux gaadho
Si kalaan u dhigi taase
Saaxiibkay Waayaale
Suurtuu dhalaay heedhe
Heedhee Sahraay heedhe.
Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe
Kuu siinayaa heedhe
Sooyaalka taariikhdu
Iyadaan salguurayne
Murtidaan Sahraay heedhe
Sadar kuugu qorayaaye
Heedhee Sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe
Summadii Rashiid yeelo
Iyo weynidii Saado
Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska
Subaxdii indhaa kuulo
Tintu saqafta yay waayin
Iyo diibka loo saaro
Subko oo xayaabayso
Korka siigo yey taaban
Ku illaali saabuunta
Dharku siifad yuu yeelan
Suyac iyo bar gaasheysan
Ku ilaali saahoodka
Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri'weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye
Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto
Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa
Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su'aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa
Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan
Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila
Heedhee Sahraay heedhe
Sarta hilibka dheehaaga
Samaydaada dhererkaaga
Sarajooga muuqaaga
Sanqaroorka jaahaaga
Dahab iyo xariir saran
Uma baahna saantaadu
Hadda silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin mahaa
Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug-weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye
Hurdo iyo Sahraay jiifka
Marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday
Saddexdaba hadaad weydo
Lama seexan kari waayo
Hadda saantu qodox maaha
Suugaantu gogol weeye.
Ninku qaday Sahraay tiisa
Hadduu seed liqliqiddeeda
Ku saruurad goyn waayo
Subag iyo baruur doono
Sidu jecelyahaa been ah
Dhadhan iyo sibraar kayda
Sidig caanaheedaa leh
Badar iy sarreen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiib baa ah
Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saasa ah
Ka sokow intaan sheegay
Hadda soortu dacar maaha
Dharku Saadhi qudha maaha
Saylooni garan maaha
Iyo sabarandaa giiran
Mana aha surwaal biid ah
Haddaan saarku kuu diidin
Saddex-qaydu ceeb maaha.
Heedhee Sahraay heedhe
Sar daruuran oo maasa
Mar Abu Sarmaantiiya
Dhacle baarka loo seesay
Boqor wada xiyaakhaysan
Sildiyaal jiljila dhiibsan
Tusbax dhawr sagaal laaba
Iyo qool sunaar dheehan
Subeciyad xiddiyo laaf leh
Adigoo siddeeddaas hal
Iyo timaha oo soohan
Ku darsaday sifaa guudka
Garashiyo sarriig sheegtay
Ma qofkaa sitaa jooga.
Hadda salamadhlow gaabi
Ha ku jabin saqlaa waalan
Sallow ololka hoy jooji
Ha saloolan xayndaabka
Ha ku bixin saloognaanta
Ha sarriiran waayeelka
Sakatiga ka daa beesha
Saha iyo af kala qaadka
Ha ka nixin hiddaa suubban.
Gabdhayahow sidee waaye
Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suf karkaro maaha
Sararaha bannee maaha
Qorqor suunniyaa maaha
Dhabanada sibbaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha
Sakhrad iyo xashiish maaha
Sawir iyo riyaaq maaha
Filin iyo sarcaad maaha
Saxan reer galbeed maaha
Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro maaha
Salsalaw cid kale maaha
Qof silloon ku dayo maaha
Wax sawaaban noqo maaha
Sinta iyo lafaa duudka
Saddex goor jejebi maaha
Dhaqankaaga saydh maaha
Soomaali diid maaha
Sidaad doonto yeel maaha
Dhulka oon ku sidi waayin
Samadoo la koro maaha
Xilliyada wax saareenka
Iyo saacadaa reebban
Sabbadiyo rugtay joogtey
Gabadh timi ma saalloona
Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W)
Salka dhiga guryaa seexda.
Sunsun falan siddaha feyda
Sati fudud salaan sheegan
Indha suhub af geed saarrey
Hadba surin ka sheekeeya
Sidan iyo sibaas yeela
Ereyada saluuuggoo dhan
Kuma lihid Sahraay meella.
Sunbo iyo maraadaa leh
Inta sibiq dhaqaaqdaa leh
Sagan daaqa jiitaa leh
Inta marinka seegtaa leh
Waxba aan sugeyn baa leh
Inta sharafta saydhaa leh
Suuraafta maqan baa leh
Xadhig lama sitaan baa leh
Saca Faarsa nacay baa leh
Barni sumal xadkeedaa leh
Heedhe Sahraay heedhe
Suugaantu iib maaha
Erey iyo sunnee maaha
Hugun iyo sitaad maaha
Siddi iyo I daya maaha
Sadho iyo xajiin maaha
Laba saaq ku gado maaha
Waxan seylad gelin weeye
Sahdi iyo dareen weeye
Bulsho saaasaheed weeye
Samaheeda mudan weeye
Sawdkeeda diga weeye
Sacabkeeda kulul weeeye
Marna baadi sooc weeye
Sahan iyo tilmaan weeye
Dhaxal soo jireen weeye
Wax ku saabsan meel weeye
So'da iyo ka guro dhuuxa.
Heedhee Sahraay heedhe
Sirta noloshu xoog maaha
Dhagar iyo suryee mahaa
Surma seegto dedan maaha
Sibqi iyo hunguri maaha
Sacab iyo ka leef maaha
Sukhrad iyo fal xumo maaha
Hadba seeb u rogo maaha
Salfo iyo ku faan maaha
Damac iyo sandaho maaha
Derejiyo saldano maaha
Saro io dhalaal maaha
Sidan iyo sidaas maaha
Hadda sadadu lacag maaha
Heedhee Sahraay heedhe
Bulsho saami loo tuurtay
Shan siyood wax loo yeelay
Samir inay xigtaan maaha
Surka inay dhigtaan maaha
Sas inay didaan maaha
Inay suudalaan maaha
Sardho inay galaan maaha
Sixir inay dirtaan maaha
Inay kala saftaan maaha
Nin I sugayayow heedhe
Anigoo ku sugey heedhe
Maxaad ii sugtaa heedhe?
Heedhee Sahraay heedhe
Marka haaddu socod deyso
Dhirta sare tukuu fuulo
Gorayadu sanqadha reebto
Adna soonka xidho maaha
Mugdi talada sii maaha
Berri iyo siday doonto
Sug cadceedda maqan maaha
Saqda dhexe habeen soocan
Gudcur simay adduunkeenna
Wax siraata noqo weeye
Heedhee Sahraay heedhe
Saran seerka jiilaalka
Surbacaadka jaahweynta
Sumal-haadka roob waaga
Iyo solanka daaduunka
Cirka oo sabaad guurey
Dhulka oo huwadey siigo
Iyo dogobbo soogsoogan
Marka beladu sooyaanto
Saadaashu beenowdo
Saca nuguli kaa leexdo
Adna sebenka raac maaha
Inan sabadu duugoobin
Sayax iyo ugbaad waayin
Sudda iyo degaankaagu
Surmi iyo harraad leeyan
Ama saacu guur-guurin
Sohda ceelku dheeraannin
Adaa yeeli kara saasba.
Heedhee Sahraay heedhe
Saxariirka aafaadka
Saxallada kal-meerkooda
Sambabkuba col weeyaane
Marka saymo loo iisho
Ama soofku jaan qaado
Ushu way sabooshaaye
Ha ku dagan sidsidadkeeda
Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.
Sisin iyo ku beer muufo
Iyo laanta saytuunka
Ku qotomi sungaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda
Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh
Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla
Sancayahan gaboobaa leh
Sahankaynu diranaa leh
Nin sokeeyeheenaa leh
Ninka sida xilkeennaa leh
Ka sarjara heddeennaa leh
Salab ciiddu hayn weydey
Ninka sudhay xiddigahaa leh
Nin sabuul la aayaysto
Dhulka siib ku ridin baa leh
Nin Sahraay adduunkeenna
Sacad gubi karaa haysta
Ninka sigay kun jeer baa leh
Waxa nolosha saameeya
Sako nimaan ka bixin baa leh
Nafta saawa-saawaysan
Santi nimaan ku furan baa leh
Nin aqoonta soorkeeda
Sida kale u rogey baa leh
Ninka sulubka maadhiinka
Ugu roon saboolkaa leh
Nin samaa ku adag baa leh
Sannadkaynu caydhowney
Kaynu suus ka weynaa leh
Naftu waa sir xeel dheere
Nimaan suubin Karin baa leh
Wedka qudha sameeyaa leh
Sulda iyo xanuunkeeda
Shalay iyo sadaaddeeda
Iyo saawihii hoogga
Naxdintii badh baa suuxsan
Selelkii badh baa waashay
Dad sawaaban baa buuxa
Dumar waayey saygooda
Hengashii sidaa muuqda
Ololkii badh baan seexan
Sarihii dumaa jiifa
Qabrigii sinmaa jeexan
Waxa saaka joogow ah
Surrad baa I guud taalla
Salabkii horaa tuuran
Samadiyo dhulkaa buuxa
Baddu waa sakalo miidhan
Qalab suruc leh baa laalan
Sanqadhuhu hub kacay weeye
Sabarkii dadkaa baahan
Saantii dadkaa qaawan
Weli talo ma saalloona
Waxa soo socdaa yaab leh
Wershed suufiyaa daaran
Waxay soo siddaa geeri
Midhaheedu waa saymo
Belo aan fan seeraarka
Saxar loo mar-maran weeye
Waxan ahay qof cayn saaban
Deldelaad u sudhan jeebka!
Allow yaa wax suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda
Wacanaa sansaankeedu
Badanaa sudaaddeedu
Saxanaa hannaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda
Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Allow yaan sinnaanteeda
Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytey
Dadka saran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan
Iyo soobir caydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.
Allow yaa su'aashaasi
Sida ay u tahay yeela.
Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi
Waxa hadhay salka iyo baarka
Inta sool qarsoon joogta
Inta seel xidhxidhan jiifta
Inta saydha waabayda
Maroodiga siddaa dheer leh
Wiyil iyo sahboodkeeda
Inta laga subxaanaysto
Kolay tahay libaax sayn leh
Marka aad Sahraay meel fog
Uga suul-dhabaaleyso
Deg-deg inay sujuuddaada
Suxullada dhigtaan weeye!
Sidashada awooddaasi
Sahal io wax fudud maaha
Qofba waa si garadkiisa.
Heedhee Sahraay heedhe
Badda iyo sulaaqeeda
Iyo buurta saysaaban
Onkodkiyo sawaxankiisa
Salowgiyo jibaadkiisa
Danabkiyo salsalihiisa
Sarka dhabanka duufaanka
Ha ka didin sawaxankooda
Duni kuu sakhiran weeye
Sayid baad u tahay caana
Suubaali oo layli
Ku sasabo aqoontaada
Senge iyo ka dhigo doonni
Sallo iyo ka dhigo oori
Gabadh weeye caad saran
Badi saayiraadeeda
Iyo laab salaaxeeda
Guro saadka guudkeeda
Iyo sahayda uurkeeda
Kordhi noole soorkeeda
Iyo baahi saarkeeda
Hubi nabad sugnaanteeda
Iyo sabo negaanteeda
Ha ku deyin xannun saaqa
Ha ku badin saqaaf ciiddan
Suluf iyo colaad waarta
Ha ku saaxin naabaalka
Iyo sulubka baaruudda
Ha ku didin sabbeeyaanka
Sabareynka boodbooda
Iyo sukhula naareedka
Ha la dhicin sawaariikhda
Iyo saanadaa miiggan
Ha sumayn macaankeeda
Salabaha ha marin doogga
Ha burburin sansaankeeda
Quruxdiyo sureerkeeda
Ha sadhayn hagoogteeda
Sagalkiyo daruurteeda
Ha sukuumin uunkeeda
Saryankiyo ugaadheeda
Ha furfurin sin-dadabkeeda
Ha ka rogin dul saarkeeda
Udubbada ha siibsiibin
Ha afuufin suurkeeda
Subax qudha ha duuduubin
Sakaraadka taaheeda
Uga xilo samaanteeda
Sacabkiyo mashxaraddeeda
Garashadu mid soofaysa
Ha ka dhign sadqaynteeda
Ha ku solo wanaaggeedu
Ku sin inan-dumaalkeeda
Kuwa saadanbee laalan.
Heedhee Sahraay heedhe
Seben tegey xusuustiisa
Raad raaca Siinleyda
Socod barashadii doodad
Saxarliyo abbaarteeda
Anigaan wax saaraynin
Sannad iyo garaadkiisa
Saadaashu been weeye
Waxba samir ma liileeyo
Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin nin kaa maarmay
Hana sigan mar mooyaane.
Nin ku siray ha faallaynin
Sababana ha weydiinnin
Ha u seeta dheeraynin
Hana sidin culayskiisa
Siriq iyo ku qabo baydo
Hana falin siduu yeelay.
Nin ku yidhi anaa saasa
Ha ku odhan sidaas weeye
Sida uu ku yidhi heedhe
Haddii ay siniin weydo
Ama sarin sanaan weydo
Waxa furan sidaas maaha
Qof saluugey maankiisa
Ama suufay muuqiisa
Ka sal kacay xaqiiqdiisa
Qabku saami ladha maaha
Nin sitaba bar baa saran
Ninka sii sitaa jooga
Raggannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.
Sogotiga qof tegayaa leh
Si hadday u dhici weydo
Si kalaa u waan waan ah
Dunidaa sidaas yeesha.
Sooryana qof yimi baa leh
Si hadday u noqo weydo
Si kalaa u waaceen ah
Dad horaa sidaad yeelay.
Nin salaad u kacay oogan
Sahwi galay xalaaleeye
Adna sahankan beel loogan
Ha ka dhigin socdaal baada
In halkii sal hayn waayo
Laga saba rogtaa doora
In su'aal jawaabteeda leh
Lala sara kacaa fiican
Nin ku yidhi sinnaan mayno
Adna buri sarrayntiisa
Sidka waa wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu.
Selelkaba hurdaa keenta
Haba seexan goor baas leh
Han sareedo loo waayey
In saraayo loo daayo
Sida aan u idhi weeye
Bela saacaddeed joogta
Sabti nabada haw riixin
Subax dhalatay caadkeeda
Ha ka bogan wax saarkeeda
Adiguba samee maanta
Berritona sargoo heedhe
Noloshaba inaad saafto
Qaabayso saabkeeda
Waxaan suura gelin maaha
Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.
_________________________________________________-
FAD-GALBEED(1978) Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye
Galab Ramadaan ah ayaanu (aniga iyo Cabdi-qays) gaadhi ku
tamashlaynay jidka u dhexeeya Kulliyadda Lafoole iyo
Af-gooye.Waxaanu sheed ka halacsanay hablo midho ka guranaya beer
ay lahayd Warshaddii Khudradda ee I.T.O.P. Mar- kiiba
baabuurkii ayaanu joojinay.
Gabadhii ugu quruxda badnayd ayaa,iyada oo baraad la', dabayli
gaadday;oo gaaddada u qaawisay intay gareyskeedii gil- gishay.
Waxa kaga darraa, annaka oo eegayna bay na aragtay.
Kolkaas bay khajishay oo foorarsatay;oo ciddiyaha qaniintay
iyada oo il-qoodha naga eegaysa.Waxa aanan weligay illaawayn
quruxdii khajilaaddu u kordhisay gabadhii ugubka ahayd.
Markiiba jidhiidhico ayaa igu jabtay.Qorraxdii dhacaysayna
waxay iigu muuqatay inay degdegayso.Waxa aan is-weydiiyey,
tolow ma war naxdin leh oo ay maqashay baa orodka ugu wacan?
Mise gabadhan baa ilayskeedii shiikhisay? Mise dayax soo baxaya
ayey is-leedahay uga sii dig quruxdan ka wareerisay? Markaan
waxba garan waayey, ayaan iyadii toos u waraystay oo aan idhi:
Gabbal-dhaca cadceed-yahay
U sii faano-guratee
Casar gaaban liiqii
Godka weeraraysaa!
Go'e fuley miyaad tahay?
Waa maxay garmaamadu?
Ma googooska sagalkiyo
Gamasyada shucaacaa,
Gaade kaa horreeyiyo
Gurigaad ku hoyan layd
War ku gubay ka soo direy?
Mise gabadhan dhoolkiyo
Gu'goo shaalka xaytiyo
Fad galbeed la moodaa,
Kolkaad gelin is-dhugateen
Guluubkaagii shiikhoo
Dib-u guradku waa baqe?
Mise ganac-jabkaagiyo
Waxaad galabta mudataad
Intay goori goor tahay,
Dayax soo lug-gu'i laa
Sii war-geli is-leedahay?
Gedgeddoonka hirarkee
Iyagoo garaaro leh,
Gaatin-socodka laafyaha
Xarragada u gaarka ah
Goonyahaaga tiiciyo,
Gaardiga daruuraha
Kugu gaaf-wareegee,
Gumucaad ridaysiyo
Goolli-baadh fallaadhaha,
Shafka kaga garaacdee
Isu rogay guduudkee,
Dhiiggooda gobo'liyo
Giirgiirka caadka leh,
Ku sibbaaqday guudkiyo
Gara-saar-dabtoodii
Maxaa maanta gaasirey?
Miyay kugu giriifeen?
Mise waxay ka giigeen
Gobaad haybaddeediyo,
Gantaalaha jacaylkiyo
Kalgacaylka beereey
Indhaheedu ganayaan?
Afartaa siddiri-gam
Waxaan gocanayaa weli,
Tiiyoo gareyskiyo
Marta debec u gunuddoo
Guranaysa hoobaan,
Oo aan geyaankeed
Geesaha ka filanayn,
Dabayshii gadoodee
Uurkayga garatee
Gaadmada ku qaaddee,
Gosha iyo horaadkiyo
Gaaddada u faydiyo,
Garba-duubka maraday
Durba "geb" isku siisiyo,
Gabbashada xishoodka ah
Gorodday lulaysiyo
Ugubnimo-gandoodkii.
Xigasho Bahda Mareegta Farashaxan.
iyo aftahan
Soo diyaarinta Bahda Hiddaha dhaqanka iyo dhalinyarada
|